0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

84- Sifadii Rasuulka scw

Rasuulku SCW waxa u ahaa dadka kan ugu waji qurxoon, wajigiisuna waa balaarnaa, waana wareegsanaa, waxaana lawaydiiyey saxaabiga Baraa ibnu Caasim oo lagu yiri "wejiga Rasuulku SCW ma wuxuu ahaa seef oo kale", wuxuu yiri "maya ee waxa uu ahaa dayaxa oo kale". Afkiisu waasic ayuu ahaa, indhihiisu waa madoobaayeen, waxaa loo malayn jiray in uu indha kuulan yahay, isaga oo aan indha kuulan, waxaa loo malayn jiray in uu indha kuulan, dilaacooduna waa dheeraayeen, tintiisu ma adkayn, jileec daadsana ma aysan ahayn, ee waxa ay ahayd tin isku jirta oo jilicsan, wayna badnaan jirtay oo waxa gaari jirtay dhagaha, mararka qaarkoodna waxay gaari jirtay garbaha, wayna madoobayd oo cirro wax yar buu ka lahaa, waxa uuna Anas binu Maalik oo tilmamayey sheegay in waqtigii cimrigiisa ugu dambeeyey cirradii ku taalay madixiisa iyo garkiisa aysan dhamayn 20 tin.

Rasuulka SCW midabkiisu waxa uu ahaa caddaan guduud ku jiro, ma dheerayn mana gaabnayn ee waxa uu ahaa dhex dhexaad, miisaankiisu waxa uu ahaa dhex dhexaad oo mabuurnayn, caatana ma ahayn, xabadkiisu waa balaarnaa, garbihiisuna waa kala baxsanaayeen, garabka bidix korkiisana waxaa ku yaalay khaatuma Nubuwihii oo ka samaysnaa tin meesha ku ururtay, sidoo kale gacmaha iyo lugaha wuu u waa waynaa, markuu soconayo wuu dheerayn jiray ilaa ay asxaabtu ka cabireen in markay la socdaan ay dhib ku ahayd gaaritaankiisa, markuu meel eegayana wuu wada jeensan jiray, markuu qoslayana wuu dhoolo caddeyn jiray, mararka qaarkoodna si fiican ayuu u qosli jiray ilaa ay miciyihiisu ka muuqdaan, hase yeeshee kuma qosli jirin qosol dheer oo gah gah ah. Rasuulka SCW aamuskiisu wuu badnaan jirey, markuu hadlayana waxa uu ku hadli jirey hadal kooban oo xikmo ah oo Alle ka raali yahay, siduu Alleba ku caddeeyey qur'anka.

Rasuulka SCW dabeecaddiisu aad ayey u wanaagsanayd dhinac walba, Alle ayaana meelo badan oo qur'aanka ka mid ah ku tilmaamay, waxaana ka mid ah aayaadka uu Rabbi ku tilmaamay tan.

((WAXAAD KU SUGAN TAHAY AKHLAAQ WAYN)), (Suurat Al-Qalam 4).

Sidoo kale Caa'isha markii la waydiiyey waxa ay tiri: "dabeecadiisu waxa ay ahayd qur'aanka". Rasuulka SCW dabeecaddiisii iyo akhlaaqdiisii wanaagsanayd waxaa noogu filan siiradiisa, aad ayuuna ugu wanaagsanaa dhinac walba hadday noqoto tawaaduciisii, xishoodkiisii, runtiisii, ammaanadiisii, suhdigiisii, ikhlaaskiisii, naxariistiisii, fahamkiisii, caqligiisii, geesinimadiisii, qiiradiisii u jilicsanaantii dadka muslimiiinta ah iyo ku ad adkaantiisii caniidiinta xaqa ka hor yimid.

Wuxuu ahaa Rasuulku SCW nin Alle ka doortay bani aadamka oo dhan, oo uu ka dahiray nusqaan kulligeed.

KOR KU LAABO

XUSUUSIN: "Dhamaan inta casharkan ku xiran ama jecel in ay bartaan Siirada Xabiibkeenna Maxammad SCW, ha isku dayaan in ay bartaan oo ku daydaan wuxuu isuga samayn jirey. Yeyna inta ay aqriyaan faraha ka qaadin ee ku dayda isaga qofkii kaloo aad uga sheekayn kartidna u sheeg.
"OsmanBillad. Walaalkiin aad ku walaalowdeed Islaamka