0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

38- Duullaankii Banii Sulaym

Markuu dhammaaday dagaalkii Badar, oo ahaa dagaalkii ugu horreeyey oo ay isaga hor yimaadeen xaqa iyo baadilka. Allaahna uu nasrigiisa siiyey dadkii muslimiinta ahaa, carab oo dhanna ay ogaatay xoogga iyo awoodda muslimiinta iyo in ay yihiin awood khatar ku ah iyaga, haddii aan laga hor teginna ay mandiqada oo dhan qabsanayaan, ayaa waxaa bilaabmay naceyb iyo cadaawad loo hayo muslimiinta. Qabiil walba oo ka mid ahaa mushrikiinta carabta iyo yahuudda wuxuu ku fekerayey sidii uu uga hortegilahaa islaamka.

Waxaa hormood u ahaa cadowtinimadaas reer Makka, oo iyagoo awalba u ciil qabay Nabiga SCW iyo asaxaabiisa, haddana dharbaaxo xumi ku soo dhacday Badar, halkaas oo ay ku waayeen madaxdoodii iyo raggoodii khatarta ahaa. Dadkii Makka ku noolaa waxaa quluubtooda buuxiyey nacayb iyo colaad ay u hayaan islaamka iyo muslimiinta. Sidoo kale saddexdii qabiilo ee yahuudda ahaa oo degganaa Madiina waxa ay la guuxayeen nacaybka islaamka, qabiil ka mid ihi nacaybkaas islaamka wuuba muujistay. Waxaa degganaa baadiyaha iyo magaalooyinkii ku hareereysnaa madiina.

Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa waxa uu go'aankoodu ahaa in ay u beerdhigaan cid walba oo islaamka soo milicsata, waxa ayna ka hor tegi jireen cid walba oo duullaan soo abaabusha damacdana in ay muslimiinta dhib u geysato. Rasuulkuna SCW markuu maqlo qolo soo hub urursanaysa duullaan ayuu qaadi jirey oo meesheeda ayuu ugu tegi jirey. Sidaa darteed Rasuulku SCW markuu ka soo laabtay Badar oo uu joogey 9 cisho ayaa wardoonkii Madiina wuxuu u soo gudbiyey in qabiilka la yiraahdo banii Suleym oo ka mid ahaa reer Qadafaan uu u diyaarinayo ciidankiisii sidii uu duullaan ugu soo qaadi lahaa Madiina. Rasuulku SCW markuu maqlay arrinkaas wuxuu kaxaystay ciidan dhan 200 oo nin oo gaadiidkoodii iyo hubkoodii wata, Madiinana wuxuu madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum.

Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxay gaareen meesha la yiraahdo Kudru oo ay reer banii Suleym degganaayeen. Reer banuu Suleym markii ay maqleen Rasuulka SCW iyo ciidankiisi ayey kala carareen, waxayna toggii ay deganaayeen uga tageen 500 oo geel ah. Rasuulka SCW iyo ciidankiisiii waxay goobtii degganaayeen saddex beri, ka dibna way soo laabteen iyagoo geelii soo kexeystay. Rasuulku SCW wuxuu geelii ka bixiyey khumuskii, afartii boqol ee soo hartayna wuxuu u qaybiyey ciidankiisii oo 200 nin ka koobnaa, sidaas darteed nin walba waxaa ku soo hagaagay 2 neef oo geel ah. Waxaa kale oo Rasuulku SCW soo qafaashay wiil la oran jirey Yasaar, wuuna xoreeyey, ka dibna Rasuulku SCW Madiina ayuu ku soo laabtay.