0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

47- Duullaammadii ciidammeed ee Uxud ku xigey

Markii dadkii muslimiinta ahaa dhaawac ku soo gaaray Uxud ayaa waxaa yaraaday cabsidii iyo baqdintii laga biqi jirey muslimiinta, waxaana bilaabmay guux iyo cadaawad loo muujinayo dadkii muslimiinta ahaa. Guuxaas wuxuu ka imaanayey gudaha muslimiinta, sida munaafiqiinta, iyo dibedda sida yuhuuddii Madiina wax ka degganayd iyo qabiilladii reer baadiyaha ee hareeraha Madiina ku noolaa.

Qolooyinkaas oo dhammi markii ay arkeen in muslimiinta dhaawaca soo gaaray ayey doobbida listeen, qaarkoodna waxa ay ku hammiyeen in ay muslimiinta duullaan ku soo qaadaan sida reer banuu Asad oo labo bilood ka dib (Uxud) isu diyaariyey in ay duullaan Madiina ku soo qaadaan. Sidoo kale qabiilooyinka kala ah Cadal iyo Qaara waxay afar bilood ka dib sameeyeen shirqool ay ku dileen 10 nin oo asxaabtii Rasuulka SCW ah. Qabiillada banuu Caamir iyo banuu Suleym ayaa iyaguna sidoo kale waxa ay si khiyaamo ah u dileen 70 nin oo asxaabtii Rasuulka SCW ah. Sidoo kale qabiiloyinkii reer Qadafaan waxa ay ku hammiyeen in ay Madiina soo weeraraan.

Haddaba arrimahaas iyo kuwo kaleba waxaa sameyey qabiilooyinkii reer baadiyaha ahaa oo degganaa Xijaas ilaa Najdi iyagoo doonayey in a islaamka iyo muslimiinta cirib tiraan maxaa yeelay waxa ay u arkayeen in muslimiintu yihiin khatar ku soo socata Khaliijiul-carab.

Waxaa iyaguna sidoo kale cadaawad daran muujiyey, har iyo habeenna ku fekerayey sidii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa dhib u gaarsiin lahaayeen yahuuddii reer banii Qaynuqaac oo Rasuulku SCW ka raray Madiina iyo yahuuddii kale oo Madiina ku hartay (banuu Nadiir iyo banuu Qureyda), siiba banuu Nadiir oo maleegay shirqol ay rabeen in ay ku dilaan Nabiga SCW.

Markii arrimahaas oo dhan gudaha iyo dibeddaba ah ay soo food saareen muslimiintii ayaa Rasuulku SCW la qaabbilay xikmadiisii iyo kaartadiisii dagaalka ee wanaagsanayd, wuxuuna muslimiintii ka saaray ciriirigii iyo dhibtii, Acdaadii Ilaahayna xumaatadoodii iyo makrigoodii ayuu ku celiyey, wuxuuna soo celiyey cisigii iyo heybaddii muslimiinta.

Tallaabooyinkii uu qaaday Rasuulku SCW waxaa ugu horreeyey duullaankii Xamraa-ul-Asad oo uu uga daba tegey ciidankii qureysheed ee Uxud ka laabtay, halkaas oo uu deggenaa saddex maalmood. Waxaa ayna dhammaan acdaadii Ilaah ogaadeen awoodda iyo geesinnimada muslimiinta iyo sida aysan marnaba u jixinjixeyn. Haddaba waxa aynu mid mid u xoo qaadanaynaa arrimihii iyo dhacdooyinkii dhacay intii u dhexeysey dagaalkii horeeyeen inkastoo qaarkood la isku khilaafo siday ukala horreeyeyn haddaana waxaan qaadanaynaa sida loo badan yahay.

1) ILLAALADII ABUU SALAMA

Markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud oo la joogey labo bilood iyo bar, ayaa wardoonkii Madiina wuxuu soo gudbiyey in labada nin oo la kala oran jirey Dhalxa iyo Abuu Salama oo ilma Khuweylid ahaa ay ciddoodii iyo wixii kale oo raacayba ugu yeereen la dagaallanka Rasuulka SCW. Rasuulku SCW markii uu arrinkaa maqlay ayuu sidii caadadiisa ahaydba wuxuu diray ciidan gaaraya 150 nin, wuxuuna madax uga dhigey Abuu Salama. Waqtigaas wuxuu ahaa kowdii bishii Muxarram, sannadkii 4aad ee higriga.

Abuu Salama iyo ciidankiisii markii ay tageen guryihii reer banuu Asad, oo ahaa qabiilkii duullaanka soo waday, ayaa qabiilkii Ilaahay wuxuu ku ridey rucbi iyo baqdin meeshiina way ka carareen. Muslimiintii waxa ay meeshaas ka soo kaxeysteen geel iyo ari ay qabiilkaasu lahaayeen, waxayna soo laabteen iyaga oo aan dagaal gelin soona qaniimeystey. Abuu Salama oo ciidanka watay, markuu Madiina ku soo laabtay, ayaa waxaa ku soo kacay nabar ku dhacay dagaalkii Uxud, muddo yar ka dibna waa uu shahiiday.

<2>2) DILITAANKII KHAALID BINU SUFYAAN AL-HUDALI Sidoo kale isla bishii Muxarram 5teedii ayaa waxaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey in ninkii la oran jirey Khaalid binu Sufyaan Al-hudali uu ciidan u ururinayo la dagaallanka muslimiinta, markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu direy Cabdullaahi binu Uneys si uu ninkaas uga soo takhalluso. Cabdullaahi wuxuu Madiina ka maqnaa 18 habeen, wuxuuna Madiina ku soo laabtay iyada oo ay 7 habeen ka dhiman tahay Muxarram isagoo soo diley Khaalid binu Sufyaan oo madaxiisii wada, wuxuuna madaxii dhigay Rasuulka SCW hortiisa. Rasuulku SCW arrinkaa wuu ku farxay, wuxuuna Cabdullaahi siiyey ul uu yiri "tani waa inoocalaamad aniga iyo adiga maalinka qiyaamaha". Cabdullaahi ushii wuu hastay jirey ugu dambayntiina markii uu dhimanayey wuxuu dardaarmay in usha kafantiisa lala geliyo.