0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

56- Dilitaankii Abuu Raafic

Markii arrinkii reer banuu Qureyda dhammaaday ayaa niman asxaabta ka mid ahaa oo reer Khasraj ahaa Rasuulka SCW u soo jeediyeen in ay soo dilaan nin la oren jirey Salaam binu Abil-xaqiiq, kunyadiisana la oran jirey Abuu Raafic, oo ka mid ahaa mujrimiintii ugu waaweynaa yahuudda, degganaana Khaybar, qayb weynna ka qaatay abaabulkii duullaankii Axsaab, maal badanna ku bixiyey, islaamkana aad u dhibay.

Iyadoo hore loo diley mujrimkii kale ee Kacab binu Ashraf, asxaabtii disheyna ay wada ahaayeen reer Aws ayaa markii ninkaas dhibtiisa la arkay rag asxaabta ka mid ah oo reer Khasraj ihi waxay Rasuulka ka dalbadeen in ay soo dilaan kan, iyaga oo raba in ay khayrka kula tartamaan walaalohood Aws, Rasuulkuna SCW wuu u idmay in ay soo dilaan, wuxuuna ka reebay in ay dumar iyo carruur dilaan. Waxaa markaas baxday shan nin oo reer Khasraj ah oo uu madax u yahay Cabdullaahi binu Cuteyk. Markii ay tageen Khaybar oo ay u dhowaadeen qalcaddii uu degganaa Abuu Raafic oo aad u albaabbo badnayd, waardiye adagna laga hayey, ayey sugeen ilaa ay qorraxdu ka dhacdo. Markii ay qorraxdii dhacday dadkii shaqaalaha ahaana ay soo carraabayeen, ayuu Cabdullaahi binu Cuteyk raggiisii ku yiri "meeshan sii jooga, albaabbada ayaan aadayaaye, waxaana la arkaa in aan galo". Cabdullaahi meeshii ayuu tegey oo u dhowaaday, ka dibna wuxuu iska dhigay nin dadka meesha ka mid ah oo albaabkii buu galay, dabadeedna albaabkii waa la xiray furayaashiina meel ayaa la saaray.

Cabdullaahi wuxuu yiri "furayaashii ayaan qaatay ka dibna albaabbadii baan furey, Abuu Raaficna qowlad kore ayuu joogey, agtiisana waa la joogey. Markii ay ka tageen (dadkii) ayaan u koray, albaab kasta oo aan furana markii aan galo ayaan sii xirayey ilaa aan ugu dambayntii ugu tegey qol mugdi ah isaga oo la jiifa reerkiisa, mana ogayn qolka dhinac uu ka jiifo, markaas ayaan iri "Abuu Raafic", wuxu yiri "waa kuma?", markaas ayaa inta aan dhinicii codku ka yeeray aaday seef ku dhuftay, waxbase kama tarin, markaas ayuu qayliyey. Inta aan guriga ka baxay ayaan mar kale ku soo laabtay oo ku iri "muxuu ahaa dhawaaqu Abuu Raafic?", markaas ayuu yiri "war hooyadda ha hoogtee nin guriga ku dhex jira ayaa seef igu dhuftay". Markaas ayaan ku dhaqaaqay oo seef ku dhuftay, markii aan arkay in uusan weli dhimanna seeftii ayaan caloosha ka geliyey ilaa ay ka baxday dhabarkiisa, markaas ayaan ogaaday in aan diley. Ka dibna waan soo baxay oo albaabbadii ayaan mid mid u furay ilaa aan ka wada baxay laakiin meel ayaan ka dhacay oo dhudhunka ayaa i jabay, markaasaan cimaamaddaydii iskaga xiray, waxaanna fariistay albaabkii agtiisa aniga oo niyada ka leh "caawa bixi maayo ilaa aan ka hubsado in aan diley". Markii qayladii isku yeertay ayaan raggaygii u tegey oo ku iri "soo baxa cadawgii Alle waan dilaye". Dabadeedna Nabiga SCW ayaannu u tagnay oo arrintii u sheegnay, markaas ayuu i yiri "fidi lugtaada", markii aan fidiyey wuu iga masaxay, waxayna noqotay sidii iyada oo aan xanuunsanba.