0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

1- Nasabkii Rasuulka scw

Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan; Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex dabaalan.

Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan:

Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaan.

Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.

Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.

Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqal galay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu ku yiri "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii ku dheheen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.

Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil lakalal oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas, Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma. Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.