0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

81- Ciidankii Usaama bin-Sayd

Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay xajatul wadaac oo uu joogay labo bilood ayaa waxaa qabtay xanuunkii uu geeriyooday, wuxuu markaa Rasuulku SCW isaga oo uu xanuunkii hayo diyaariyey ciidan aad u xoog badan oo uu ugu tala galay dawladii Roomaanka, wuxuuna cidankaas madax uga dhigay Usaama binu Sayd oo todoba iyo toban jirey, waxayna ahayd sababta uu Rasuulku SCW ciidankaan u dirayey, isaga oo maqlay in dawladdii Roomaanku ay si xun ula dhaqantay wixii ka islaamay carabtii tabaca u ahayd, sida ninkii aan soo marnay ee Farwa binu Camar oo dawladii Roomaanka mas'uulka uga ahaa Macaan.

Rasuulku SCW waxa uu ciidankaan diyaariyey bishii Safar sannadkii 11aad ee hijriga, wuxuuna Rasuulku SCW la dardaarmay hogaamiyaha ciidanka Usaama binu Sayd oo uu utilmaamay in uu socdo ilaa uu gaaro meelaha la yiraahdo Bulqaa iyo Daaruum oo dhulka falastiin ka mid ah, sidoo kale waxa uu u dardaarmay in uu tago meeshii aabihii lagu dilay. Ciidankan Usaama oo ahaa ciidan aad u xoog badan waxaa ku jiray odayaashii Muhaajiriin iyo Ansaar, oo ay ka mid ahaayeen Abuu Bakar-Sidiiq, Cumar binu Khadhaab, Abuu Cubayda ibnu Jarraax, Sacad iyo Saciid iyo rag kaleba, waxaana dadka qaarkood sheegaan in cadadka ciidanku gaarayey 30,000.

Markii uu Rasuulku SCW Ciidankii diyaariyey oo uu u doortay Usaama ayaa nin la oran jiray Ciyaash binu Abii Rabbiicul-Makhsuumi iyo rag uu ku jiro wax ka sheegeen madaxtinimada Usaama, markaas ayaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey hadalkoodii, Rasuulku SCW waxa uu markaa la hadlay dadkii oo uu ku yiri "hadaad wax ka sheegteen madaxtinimadiisa, waxaad horay wax uga sheegteen madaxtinimadii aabihiis (Sayd), Ilaah baan ku dhaartaye waxa uu Aabihiis u samaysnaa madaxtinimo, haduuna ahaa (Sayd) dadka kaan ugu jeclaa, kan (Usaama) ayaan ugu jeclahay dadka (Sayd) gadaashii.

Usaama iyo ciidankiisii markii ay damceen in ay baxaan ayaa Rasuulka SCW xanuunkii ku daraaday, markaas ayey dageen meesha la yiraahdo Jurfa si ay u ogaadaan xanuunka Rasuulka SCW meesha uu ku dambeeyo, markii uu Rasuulku SCW geeriyooday oo ay muslimiintii Abuu Bakar doorteenna waxa uu noqday ciidankii Usaama duullaankii ugu horeeyey ee Abuu Bakar diro, waxaa kaliya oo uu ciidankii ka soo reebay Cumar binu Khadhaab oo isna uu Usaama waydiistay.