0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

60- Duullaankii banuu Musdaliq

Waxa uu dhacay duullaankan banii Musdhaliq bishii Shacbaan sannadkii 6aad ee hijriga. Sababtiisuna waxay ay ahayd: Waxaa Rasuulka SCW soo gaadhay in odeygii reer banuu Musdhaliq oo la oran jirey Xaarith binu abii Daraar uu qoladiisii iyo wixii kale oo raacay u diyaarinayo sidii uu Rasuulka SCW ugu soo duuli lahaa. Wuxuu Rasuulku SCW si uu arrintaa u xaqiiqsado wuxuu direy Bureyda binu Xuseyb Al-aslami. Bureyda ayaa markaa u tegey oo la hadlay ninkii madaxda u ahaa, ka dibna ku soo noqday Rasuulka SCW oo warka dhabnimadiisa u soo sheegay. Rasuulku SCW markii uu arrintii xaqiiqsaday ayuu asxaabtiisiii la soo baxay, wuxuuna Madiina madax uga soo dhigay Seyd binu Xaarith ama Abaa Dar Al-qafaari ama Thumayla binu Cabdullaahi Laythi.

Ninkii la oran jirey Xaarith binu Diraar ee madaxda u ahaa reer banii Musdhaliq wuxuu dirsaday nin jaajuus ah si uu war uga keeno ciidanka muslimiinta hase yeeshee ciidankii muslimiinta ayaa ninkaa qabtay oo diley. Xaarith iyo ciidankiisii markii ay maqleen in Rasuulka SCW iyo Ciidankiisii soo baxeeen, ninkoodii wardoonka ahaana la diley ayaa Ilaahey cabsi ku ridey oo ka baqdeen meeshii. Muslimiintiina meeshii ayey tageen waxayna soo qafaasheen dumarkoodii, caruurtoodii iyo maalkoodii. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW qaniimadii iyo dadkii la soo qafaashay u qaybiyey asxaabtiisii. Dadkaas la soo qafaashay waxaa ka mid ahayd gabar uu dhalay ninkii madaxda u ahaa qabiilkaas oo la oran jirey Juweyriya bintu Xaarith, waxaana qayb ahaan u helay Thaabit binu Qays, markaas ayuu kitaabeeyey, Rasuulka SCW aya markaas xoolihii ka bixiyey oo guursaday. Markii ay asxaabtii arrinkaa wada arkeen ayey wada xoreeyeen dumarkii ay qayb ahaanta u heleen oo dheheen "waa xididkii Rasuulka SCW".

Duullaankan Banii Musadhaliq markii laga soo laabtay waxaa dhacay laba arrimood oo ay sameeyeen nimankii munaafiqiinta ahaa oo iyagu had iyo jeer muslimiinta dhexdooda ku rida khalkhal iyo tashwiish, dacaayado been ahna fidiya. Nimankaas oo sidii aan soo sheegnayba uu hormuud u ahaa Cabdullaahi binu Ubay oo isagu xiqdi iyo xaasidnimo u hayey islaamka iyo muslimiinta, weliba gaar ahaan cadaawad gaar ah u hayey Rasuulka SCW maxaa yeelay sidii aan usoo sheegnayba isaga oo loosharraxayo madaxnimo ayaa islaamku yimid Madiina, markaas ayey dadkiisi islaamka qaateen, madaxnimadiisiina iska joojiyeen, sidaa darteed wuxuu u arkayey in islaamku ka qaaday madaxnimadiisii, wuxuuna bilaabay xiqdi iyo xumaan, laga soo bilaabo markii Rasuulka SCW iyo muhaajirintu ay Madiina yimaadeen. Waxaana dhacday in Rasuulku SCW markii uu Madiina yimid oo uu muddo yar joogey uu soo baxay isaga oo raba in uu soo booqdo Sacad binu Cubaada oo jirran, markaas ayuu isaga oo dameer saaran soo maray meel ay fadhiyeen rag uu ku jiro Cabdullaahi ibnu Ubay, markaas ayuu qur'aan ku dul akhriyey, dacwadana ugu yeeray. Cabdullaahi ibnu Ubay intuu sanka qabsaday ayuu Rasuulka SCW ku yiri "ha na booraynin, gurigaagana joog oo meelaha aan fariisanayno ha noogu imaan".

Cabdullaahi binu Ubay iyo raggiisu waxa ay gaalnimadoodii ku jiraan waxay islaameen markii ay arkeen in ay muslimiintu Badar ku guuleysteen hase yeeshee xumaatadoodii iyo cadaawaddoodii ayey hoos ka wadeen, waxa aanna soo marnay in uu munaafaqaani ku hagoogtay yahuuddii reer banii Qaynuqaac. Sidoo kale dagaalki Uxudna wuxuu la laabtay 300 oo nin oo muslimiinta garabkooda ayuu ka baxay. Sidoo kale munaafaqan iyo munaafaqiinta kaleba waxa ay muujisan jireen wanaag iyo kheyr, qalbigoodana waxaa buuxiyey nifaaq iyo gaalnimo. Waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu dadka u muujin jirey marka Rasuulku SCW Jimcaha u istaago ayuu asxaabta ku dhihi jirey "kani waa Rasuulkii Alle idinku karaameeyey idinkuna ciseeyey ee u gargaara, xoojiya, maqla oo adeeca" hase yeeshee markii dagaalkii Uxud dhacay, oo sidii la ogaa uu sameeyey, ayuu Jimcihii ka dambeeyey istaagay isaga oo raba in uu hadalkiisii oo kale jeediyo, markaas ayaa asxaabtii dharkii ka jiideen oo dheheen "nafa fariiso cadowgi Allow, ehel uma tihid (arinkane) wixii aad samaysay baad samaysaye", markaas ayuu iska baxay isaga oo dadka luquntooda ka tallaabsanaya, markaas ayaa waxaa ka hor yimid nin asxaabta ka mid ah wuxuuna ku yir "war hooggaaga ee laabo Rasuulku SCW ha kuu dembi dhaaf weydiiyee", markaas ayuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma doonayo in uu ii dembi dhaaf weydiiyo".

Sidoo kale waxa aan soo marnay in markii yahuuddii reer banuu Nadiir ay ballantii ka baxday oo Rasuulku SCW go'aansaday in uu ku duulo, uu munafaqaani hoos kala xiriiray oo ku yiri "ha bixina". Sidoo kale Dagaalkii Axsaab waxa ay munaafaqaas iyo raggiisu muslimiinta ku dhex fureen tashwiish iyo dacaayado. Sidoo kale gaaladi qureysheed intaa hoos ayey kala xiriiri jireen.

Haddaba nimankaas munaafaqiinta ah dusha ka sheeganayey islaam, hoostana uu uga buuxay nifaaq iyo gaalnimo, had iyo jeer dacaayada ku dhex fidinayey dadkii muslimiinta ahaa sida dacaayaddii ay fidiyeen markii uu Seyd furay Seynaba bintu Jaxshi oo Rasuulku SCW eeddadiis dhashay, dabadeedna uu Rasuulku SCW guursaday ayna dheheen "Maxammed wuxuu guursaday gabadhii uu furay wiilkii mowlihiisa ahaa" arrintaas oo carabta dhexdeeda waqtigii jaahiliga ceeb ka ahaan jirtey, maxaa yeelay ninku wiilka mowlihiisa ah wuxuu ka soo qaadi jirey wiilkiisii oo kale sidaa darteed islaamku caadadaas xun wuu baabi'iyey sidii uu caadooyinkii xumaa oo kaleba u baabi'iyey, waxaan aarrintaan lagu bilaabay Rasuulka SCW laftiisa, wuxuuna Alle yiri:

((XUSUUSO MARKAAD KU LAHAYD KII ALLE U NIMCEEYEY ADNA AAD U NIMCAYSAY (SAYD) HAYSO XAASKAAGA ALLENA KA BAQ, WAXAADNA NAFTAADA KU QARINAYSAY SHAY ALLE MUUJIN DOONO, WAXAADNA KA BAQAYSAY DADKA, ALLAASE U XAQ LEH IN LAGA BAQO, (HADDABA) MARKII SAYD DANTIISA KA GUTAY (OO UU FURAYNA) AAN KUU GUURINAY SI AYSAN MU'MINIINTU DHIB UGALA KULMIN HAWEENTA (WIILASHA) AY ISUGU YEERAY MARKII AY KA DHAMAYSTAAN XAAJADOODA, ALLE AMRKIISUNA WAXA UU AHAADAY MID LA FULIYO)), (Suuratul-Axsaab 37).

Sidoo kale Seynab waxa ay ahayd haweentii shanaad ee Rasuulku SCW markaas ayey dheheen "qur'aanku afar haween ah ayuu banneeyey ee maxay tahay haweenta 5aad". Haddaba nimankaas oo mar walba dacaayad hoosaad ku waday Rasuulka SCW iyo mu'miniinta waxaa ficilladooda had iyo jeer muujinayey Allaah oo wax walba ka war haya, wuxuuna Alle yiri isaga oo Rasuulkiisa SCW la hadlaya:

((MUNAAFAQIINTU WAXA AY KA DIGTOON YIHIIN IN AY KU SOO DEGTO SUURAD KA WARAMAYSA WAXA QULUUBTOODA KU JIRA, WAXAAD TIRAAHDAA ISKA JEES JEESA ALLE WAA SOO BIXIN WAXA AAD KA DIGTOONTIHIINE, HADDII AAD WAYDIISO WAXA AY DHAHAYAAN (XOOGAA) BAAN TIIMBANAYNAY OO CIYAARAYNAY, DHEH MA ALLE, AAYAADKIISA IYO RASUULKIISAAD KU JEES JEESAYSAAN HA CUDURDAARANINA WAAD GAALAWDEEN IIMAANKIINII KA DIBE, HADDAAN CAFINNO KOOX IDINKA MID AH WAXAA CADAABAYNAA KOOX MAXAA YEELAY WAXA AY AHAAYEEN MUJIRIMIIN)), (Suuratu-Tawbah 64-66).

Haddaba ragga arrimahaas samaynaya oo Rasuulkii Alle SCW iyo mu'miniinta xumaatada kula dhex wareegaya waxa ay Cumar binu Khadhaab iyo rag la mid ihi soo jeediyeen in la laayo hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW ku yiri Cumar "ma waxaad dooneysaa in ay dadku ku sheekaystaan Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?" maxaa yeelay dadka dibedda ahi waxa ay u haysteen in munaafiqiintaasi asxaabta ka mid yihiin.

Haddaba haddii aan usoo laabano labadii dhacdo oo ay sameeyeen munaafiqiintu duullaankan reer banii Musdhaliq waxa ay ahaayeen:

1. Markii la aday duullaankii ayey raaceen cidankii iyaga oo aan u siyaadineyn ciidanka wax aan ka ahaydn culeys iyo fitno sidii uu Allaahba ku sheegay aayaaddan:

((HADDAY BAXAAN DHEXDIINA (OO AY IDIN RAACAAN) IDIIN SIYAADIN MA HAYAAN WAXAAN KA AHAYN XUMAAN IYO (SHAR) WAXAYNA U DAGDAGI LAHAAYEEN FITNAYNTA DHEXDIINNA IYAGOO IDINKA DOONAYA FITNO, WAXAANA IDINKA MID AH (MUSLIMIINTIINNA) KUWA MAQLAYA (OO QAADANAYA WARKA MUNAAFAQIINTA)), (Suuratu-Tawbah 47).

Haddaba markii la soo laabtay ayaa meel la degey, markaas ayaa meel biyo laga dhaansanayey waxaa ku dagaallamay labo wiil, mid Cumar binu Khadhaab adeege u ahaa lana oran jirey Jahjaahul-qafaari iyo mid Ansaari ah oo la oran jirey Sinnaan binu Wabar Al-juhani, markaas ayaa Sinnaan yiri "yaa Ansaar ahey", Jahjaahna yiri "yaa Muhaajiriin aheey". Arrintii ayaa waxaa maqlay munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay oo la fadhiya koox raggiisii ah oo uu ku jirey Seyd binu arqam oo wiil yara, markaa ayuu munaafaqaasi carooday oo yiri "ma sidaas ayey sameeyeen (muhaajiriin)?. Magaaladayadii ayey ku faafeen oo ku bateen Ilaah baan ku dhaartaye annaga iyo iyagu waxaan isku nahay sidii hore loo yiri oo ahayd "naaxi eygaaga ha ku cunee". Ilaah baan ku dhaartaye haddii aan Madiina ku noqonno kan casiiska ihi (isagaa iska wada) waxa uu ka saari doonaa Madiina kan dulliga ah (oo uu ula jeedo Rasuulka SCW)", markaas ayuu lahadlay kuwii la fadhiyey oo ku yiri "tani waa wixii aad naftiinna ku samayseen, magaaladiinnii baad u oggolaateen, maalkiinniina waad la qaybsateen. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad waxa gacantiina ku jira ka haysan lahaydeen meel kale ayey idiin dhaafi lahaayeen".

Seyd binu Arqam ayaa markaas arrintii adeerkiis u sheegay, adeerkiisna wuxuu u sheegay Rasuulka SCW oo uu la joogo Cumar binu Khadhaab, Camar ayaa markaas yiri "Rasuulkii Allow amar Cubaada binu Bishir ha dilee (munaafaqaas)", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "Cumar ma waxa aad doonaysaa in uu dadku ku sheekeysto Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?" (maxaa yeelay dadka dibadu waxa ay u qabaan in uu asxaabta ka mid yahay) ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in la guuro waqtigaas oo aad u kululaa oo uusan Rasuulku SCW guuri jirin, markaas ayaa Useyd binu Xudeyr oo nin odeya ahaa u yimid Rasuulka SCW oo ku yiri "Rasuulkii Allow waxaad guurtay waqti xun", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "miyeysan ku soo gaarin waxa uu saaxiibkiin yiri?", Useyd wuxuu yiri "muxuu yiri?", markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "wuxuu sheegtay in haddii uu Madiina ku laabto kan casiiska ihi ka saari doono Madiina kan dulliga ah", markaas ayuu Useyd yiri "Rasuulkii Allow adiga ayaa haddii aad doontid Madiina ka saaraya. Ilaah baan ku dhaartaye isaga ayaa dulli ah adiguna casiis baad tahay", ka dib wuxuu yiri Useyd "Rasuulkii Allow isaga tartiibi, Ilaah baan ku dhaartaye Allaah ayaa noo kaa keenay isaga oo reerkiisu madaxtinimo u diyaarinayaan sidaa darteed wuxuu u arkaa in aad boqortooyadiisii kala wareegtay". Rasuulku SCW geeddigii ayuu ku jirey ilaa laga gaaray maalinkii dambe duhurkii oo uu degey, markaas ayey asxaabtii geedaha ku kala yaaceen oo daateen, Rasuulkuna SCW wuxuu arrinkaan u sameeyey si aan warka munaafiqa loogu sheekeysan oo looga mashquulo, asxaabta dhexdeedana aysan fitno ugu noqon.

Cabdullaahi binu Ubay markii uu arkay in talo faro ka baxday ayuu inkiray hadalkii oo sidii munaafaqiinta lagu yaqaaney dhaar been ah maray isaga oo leh "Ilaah baan ku dhaartaye ma dhihin", markaas ayaa asxaabtii qaar ka mid ahi Rasuulka SCW ku dheheen "Rasuulkii Allow waxaa la arkaa in wiilka yari is moodsiiyey oo uusan weelayn oraahdii ninka" hase ahaatee Allaah SW oo wax kasta la socday ayaa u rumeeyey seyd hadalkii uu ka sheegay munaafaqaas, wuxuuna ku soo dajiyey Suuratul-Munaafiquun oo ay ku jiraan aayadahaan:

((MUNAAFAQIINTU WAA KUWA LEH HAQUDININA KUWA RASUULKA SCW LA JOOGA ILAA AY KA KALA TAGAAN, ALLAA ISKA LEH KHASNADAHA SAMAWAADKA IYO DHULKA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA FAHMAYAAN, WAA KUWA LEH HADDII AAN MADIINA KU NOQONNO WAA IN KAN CASIISKA IHI KA BIXIYOAA (MADIINA) KAN DALIILKA AH, WAXAA CISA ISKA LEH ALLE, RASUULKIISA IYO MU'MINIITA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA OGA)), (Suuratul-Munaafaqiin 7-8).

Waxa ay saxiixaynku wariyeen in markii ay suuradaan soo dagtay uu Rasuulku SCW u cid direy Seyd markii uu u yimidna uu ku dul akhriyey suuradan Munaafiquun, kuna yiri "Alle wuu kuu rumeeyey (hadalkaagii) Seydow.

Sheekadii waxaa maqlay wiil uu dhalay munaafaqaas oo la oran jirey Cabdullaahi binu Cabdullaahi binu Ubay oo ahaa nin saxaabi ah oo wanaagsan. Markaas ayaa markii Madiina la soo gelayey Cabdullaahi seeftiisii galka kala baxay oo aabbihiis hor istaagay kuna yiri "Ilaah baan ku dhaartaye in aadan meeshaan dhaafayn ilaa Rasuulkii Alle kuu idmo, isaga ayaana casiis ah adiguna dulli baad tahay". Rasuulku SCW markii uu meeshii soo maray ayuu u idmay, ka dib Cabdullaahi Rasuulka SCW ayuu u tegey oo ku yiri "Rasuulkii Allow waxa aan maqlay in aad rabtid in aad dishid aabbahay. Ilaah baan ku dhaartaye reerkayagu waa og yihiin in nin aabbihiis iiga baarrisani uusan jirin, marka haddii uu qof dilo waxaa laga yaabaa in aan wax u qaado qofkaas ee haddii aad doontid in aad disho aniga i amar, Ilaah baan ku dhaartaye madaxiisa ayaan kuu keenayaa".