0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

HORDHACA SIIRADA RASUULKEENNA CSW
X U S U U S I N :
Sida cinwaannada sare kaaga muuqata, waxa aad halkan ka aqrisan kartaa siiradii ama taariikh nololeedkii suubbanaheennii nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, siiradaan waxa soo diyaariyey oo qallinka u qaatay ilaahay ha ka ajar siiyee qoraaga soomaliyeed ee Ibraahim Saalax Aadan oo ku nool waddanka Denmark, email-kiisuna yahay ibra88@hotmail.com, wuxuuna u soo gudbiyey Website-ka caalamiga ah ee Somalitalk.com, kuna diyaariyey boggan somalitalk.com.

aamaguul.com ahaan, annaga oo fulinayna sababtii uu qoraagu u qoray siirada, una faafiyey bogga Somalitalk, ayaannu qaybteenna faafinta ka qaadannay intii karaankeenna ah, taas oo ku qoran codsiga bogga Somalitalk, laakiin qoraaga iyo Somalitalk ma ay codsan oo keliya in la faafiyo ee waxa codsigaas la socotay in marka la aqriyo aan la dayacin ama la iska tuurin sidii sheeko baraley oo kale, ee la dabbaqo ama sida ay tahay loogu dhaqmo.

Haddaba, siiradani maadaama ay afkeennii hooyo ku qorantahay, waa in lagu dhigto iskuullada iyo dugsiyada qur'aanka ee dalkeenna hooyo iyo meel kasta ee ay soomaalidu joogto, haddii sidaas la sameeyo waxa imanaysa in aannu diinteenna sida ay tahay u baranno, taas oo marka aad si fiican ugu fiirsato taariikhda iyo dhaqanka rasuulkeenna SWC iyo saxaabadiisiiba RC ay ku dhisnayd wanaag oo la is faro, xumaan la iska reebo, samafal, nadaafad, dulqaad, deeqsinnimo, is-xaqdhawr, naxariis, is kaalmaysi iyo wax kasta oo wanaagsan, taasna waxa ay noo horseedaysaa in aannu nabad ku wada noolaanno oo aannu kala nabad galno, kaddibna aannu ummadaha kale nabadgelyo kula noolaanno.

Ugu dambayn, fadlan siiradan oo diyaarinteedii laga soo maray hawl fara badan, habeenno badanna loo soo jeedey, ha fududaysanina ee dusha ka barta oo xafida, taariikho aan macno noogu fadhinba waannu xafidnaa ama xafidi jirnaye.

Una soo duceeya in alla intii idiin soo fududaysay, taas oo sida diinteenna xaniifka ah ku cad, uu qoraaga billaabay Ibraahim Saalax Aadan, leeyahay ajarka ay yeeshaan Somalitalk , aamaguul iyo cid kasta ee halkaas ka sii wadda faafinta iyo aqriskaba.

Ilaahow dembiga iyo dembiga waalidkoodba dhaaf Ibraahim iyo Somalitalk.com iyo cid kasta ee halkaas ka sii wadda, Soomaalina allahayow colaadda ka saar kuna soo dabbaal nabad waarta iyo bashbash iyo Caano.


Qore: Ibraahim Saalax Aadam
Faafiye: Somalitalk.com


   www.aamaguul.com