0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

33- Dhisitaankii Masjidka Rasuulka scw

Rasuulka SCW markuu ku degay reer binu Cabdinajaar, gaar ahaan Abaa Ayuub Al-ansaari , hawl uu bilaabo wuxuu ugu hormariyey dhistaankii masaajidka.

Waxaa masaajidka laga dhisay meel u dhow meeshuu Nabigu SCW ku degay oo bohol ahayd, qubuuro iyo geedo timir ihina ku yaalleen ayna lahaayeen laba wiil oo agoomo ahaa oo la kala oran jirey Sahal iyo Suheyl.

Waxaana booska bixiyey Mucaad binu Cafraa' oo labadaa wiil mas'uul ka ahaa, oo Rasuulka SCW ku yiri, "Rasuulkii Ilaahow Sahal iyo Suheyl waa laba wiil oo agoon ii ah, anigaana raalli gelinaya ee masaajid ka dhiso", waxay kaloo kutubta qaarkood wariyaan in Rasuulku SCW uu labada wiil booska ka iibiyey.

Waxa uu markaa Rasuulku SCW amar ku bixiyey in qubuuraha la faago oo la caro geddiyo, (gaalo ayey ahaayeen) boholahana la duugo, geedahana la jaro.

Sidaa ayaa la sameeyey, ka dibna waxaa la guda galay dhisitaankii masaajidka. Habka loo dhisayna waxa u ahaa sidan: derbiyaalkiisa waxaa laga dhigay dhoobo iyo dhagax labin ah, saqafkiisana waxaa lagu daday timirta caleenteeda, tiirarkiisa dhexda ahna waxaa laga dhigay geed timireedka jiridiisa, qibladiisa waxaa loo jeediyey dhinaca woqooyi ee Baytu Maqdis hase yeeshee 18 bilood ka dib, markay soo degeen aayadaha Suuratu Baqara ku jira, ayaa qiblaadii dhinaca Makka loo wareejiyey, halkaas oo ay baaqi ku ahaan doonto ilaa qiyaamaha.

Masaajidka gudihiisu wuxuu ahaa ciid, wuxuuna lahaa saddex albaab, dhererka masaajidku, marka laga soo bilaabo dhinaca qiblada ilaa meesha u dambaysa, wuxuu isu jirey 100 dhudhum, ballaciisuna sido kale ayuu ahaa.

Rasuulka SCW wuu ka qayb qaatay dhismaha masaajidka, wuxuuna tirinayey gabay yar oo dhiirigelin ah oo macnihiisu yahay "Allahayow ceyshka aakhiro maahee ceysh kale ma jiro ee u dambi dhaaf muhaajiriin iyo ansaar".

Asxaabtuna iyagoo aad u shaqeynaya ayey waxay qaadayeen beyt kale oo macnihiisu yahay "haddaan fariisanno Nabiga SCW oo shaqaynaya waa hawl aan wanaagsanayn". Ka dib Rasuulka SCW markuu dhammeeyey dhismihii masaajidka wuxuu dhinacyada masaajidka ka dhisay qowladihiisii, dabadeedna wuu ka soo guuray gurigii Abaa Ayuub Al-nasaari. Rasuulku SCW wuxu ugu hormariyey hawl uu qabto dhismaha masaajidka, ahmiyadda uu leeyahay iyo sida aan looga maarmin darteed. Wuxuuna yahay masaajidku markaska iyo xarunta muslimiinta, sidaa darteed maaddaama ay dowlad cusub oo islaam ahi ka dhalatay Madiina si ay u hesho Xarun ayaa dhismihiisa loogu hormariyey. Wuxuuna masaajidka Rasuulku SCW ahaa meesha salaadda lagu tukado, la isugu yimaado, lagu kala war qaato, diinta lagu barto, wax lagu kala xukumiyo (maxkamad), wufuudda lagu qaabilo, maxaabiista gaalada lagu xiro, dadka masaakiinta ah ay seexdaan mararka qaarkoodna dadka xanuunsan lagu daaweyn jirey.