0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

57- Illaaladii Maxamed binu Maslama

Markii Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ka soo laabteen duullaammadii Axsaab iyo banuu Qureyda, ciidankii ugu horreeyey ee Rasuulku SCW diro wuxuu ahaa ilaalo uu hoggaaminayey Maxammed binu Maslama oo ka koobnayd 30 nin, waxayna ilaaladaasi u baxday dhinaca Najdi oo uu deggenaa qabiil la yiraahdo banii Bakar, waxaana meeshaas Madiina looga socon jirey 7 habeen. Waqtigaas taariikhdu waxay ahayd 10kii Muxarram, sannadkii 6aad ee hijriga.

Ciidanki markii ay meesha tageen ayey qabiilkii ka carareen meeshii, muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen xoolohoodii qaar ka mid ah, waxayna soo qafaasheen nin la oran jirey Thumaama binu Uthal oo odey u ahaa reer banuu Xaniif. Waxayna Madiina ku soo laabteen 28kii ama 29kii Muxarram iyagoo wata Thumaama binu Uthal Al-xanafi. Waxaa ninkaas lagu xiray tiir ka mid ah tiirarka masaajidka, Nabiga SCW ayaa u yimid oo ku yiri "maxaa haysaa Thumaama?", wuxuu yiri "kheyr ayaa agtayda ah Maxammed, haddiii aad i disho nin dhiig leh ayaad didhey, haddii aad i deysana nin wax mahadiya ayaad deysey, haddii aad maal dooneysidna i weydiiso wixii aad doontid ayaan ku siinayaa". Rasuulku SCW wuu ka tegey, wuxuuna ku soo laabtay mar kale oo ku yiri sidii oo kale, Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu jawaabay. Mar saddexaad ayuu Rasuulku SCW ku soo laabtay oo sidii oo kale ku yiri, Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu jawaaabay. Ka dibna Rasuulku SCW wuxuu yiri "sii daaya", waana la sii daayey.

Markii la sii daayey ayuu intuu baxay oo geed timireed masaajidka u dhowaa tegey ayuuu soo qubeystay, ka dibna ku soo laabtay Rasuulka SCW oo islaamay, wuxuuna Rasuulka SCW ku yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa weji aan ka necbaa wejigaaga, haddana wuxuu noqday wejigaagu kaan ugu jeclahay wejiyaasha, Ilaah baan ku dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa diin aan ka necbaa diintaada, haddana waxa ay noqotay midda aan ugu jeclahay diimo oo dhan. Fardahaaga ayaa i soo qabtay aniga oo cimro u socda". Markaas ayaa Rasuulku SCW u bishaareeyey wuxuuna amray in uu cimradiisii guto. Ka dib Thumaama wuxuu aaday Makka markii uu Qureysh u tegey ayey ku dheheen "Thumaamow waad iilatay", markaas ayuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye maya ma iilan ee waan islaamay Maxammed maciisa (la jirkiisa), Ilaah baan ku dhaartaye Yamaama idinkaga imaan meyso xabbad raashin ah ilaa Rasuulkii Alle SCW idiin idmo".

Dabadeed markii uu magaaladiisii ku laabtay ayuu ka joojiyey Makka raashinkii, markaas ayey Qureysh dhibaatootay oo waxa ay Rasuulka SCW u soo direen warqad ay ku leeyihiin "riximnimada ayaa wax kugu weydiisaneynaaye Thumaama warqad u qor oo ha noo soo daayo raashinka na loo soo rarayo". Rasuulku SCW wuu ka yeelay oo Thumaama ayuu kala hadlay.