| HORDHAC | nasabkiiscw | abraha | zamzamka | dhalashadiiscs | Baxiira | 6-guurkiikhadiija | 7-dhisidiikacbada | 8-soodiriddiiscw | 9-dadkiidiintaugusohoreeyey | 10-muujintiidiinta | 11-dhibkiisaxaabada | 12-daartiiarqam | 13-hijradiikowaad | 14-hijradiilabaad | 15-utegiddiiabiidaalib | 16-dhibkiiqurayshscw | 17-islaamiddiixamza | 18-islaamiddiicumar | 19-ergadiiqurayshescw | 20-cunqabatayntiirerhashim | 21-geeridiiabiidaalib | 22-geeridiikhadiija | 23-dhibkiireerdaaif | 24-dheelmiskii | 25-muminiintanrermakaahayn | 26-islaamidiireermadiina | 27-baycatulcaqabadiikowaad | 28-baycatulcaqabadiilabaad | 29-hijradiisaxaabadeemadiina | 30-hijradiirasuulkascw | 31-walaalayntii | 32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina | 33-dhisiddiimasjidkascw | 34-heshiiskiiubayaiyoquraysh | 35-fasixiddiijihaadka | 36-bilaabidiidulamadajihadka | 37-badarqkowaad | 37b-badarqlabaad | 37c-badarqsadexaad | 37d-badarqafaraad | 37e-badarshanaad | 38-duulaankiibaniisulaym | 39-shirqoolkiiscw | 40-balanbixiiqaynuqaac | 41-duulaankiisuwayq | 42-dilkiikacabbinuashraf | 43-duulaankiidiiamariyobaxraan | 45-ilaaladiseydbinuxaarith | 46-uxudqkoowaad | 46a-uxudqlabaad | 46b-uxudqsadexaad | 46c-uxudqafaraad | 46d-uxudqshanaad | 47-dulamadiiuxudkuxigey | 48-mugdigiirajiic | 49-murugadiibirumacuun | 50-duulaankiibanuunadiir | 51-najdiiyobadartiilabaad | 53-duulaankiiduumatuljundul | 54-duulaankiiaxzaab | 55-duulaankiirerbaniiqurayda | 56-dilkiiabuuraafic | 57-ilaaladiimbinumaslama | 58-duulaankiibanuulixyaan | 59-israacraaciiilaalooyinka | 60-duulaankiibaniimusdaliq | 61-beenabuurkii | 62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq | 63-heshiiskiixudaybiya | 64-waraaqihiiscwdiray | 65-duulaankiidiiqirad | 66-dagaalkiikhaybar | 67-duulaankiidaaturiqaac | 68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib | 69-cumradiilasooqaleeyey | 70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib | 71-dagaalkiimu-ta | 72-ilaaladiidaatusulaasil | 73-duulaankiifatxumakka | 74-dagaalkiixunayn | 75-ururintiizakada | 76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib | 77-duulaankiitabuuk | 78-xajkiiabuubakar | 79-sanadkiiwufuudda | 80-xajjatulwiddaac | 81-ciidankiiusaama | 82-geeridiirasuulkascw | 83-haweenkiirasuulkascw | 84-sifadiirasuulka

39- SHIRQOOLKII RASUULKA SCW LALA DAMCAY

Markii uu jab ku soo dhacay mushrikiintii qureysh (dagaalkii Badar), waxaa Makka buuxiyey colaaddii Rasuulka SCW maxaa yeelay odeyaashoodii ayuu (dagaalkaas ku) laayey, Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa guri wada fariistay Safwaan binu Umaya, oo aabihiis iyo walaalkiis Badar lagu dilay, iyo Cumayr binu Wahab Al-jumuxi, oo ka mid ahaa dadkii aad u dhibi jirey Rasuulka SCW iyo asxaabta, wiilkiisii Wahab binu Cumayrna lagu qafaashay Badar.

Waxay labadaa nin ka sheekeysteen dadkii Badar lagu laayey ceelka lagu gurey, markaas ayaa Safwaan yiri "Ilaah baan ku dhaartaye nolosha iyaga ka dambaysaa nolol maaha", Cumayr ayaa markaas yiri "run baad sheegtay, Ilaah baan ku dhaartaye haddii aysan jirin deyn la igu leeyahay oo cid iga gudeysaa aysan jirin iyo ciyaal aan rafaad uga baqayo gadaashay, rukuubkayga ayaan fuuli lahaa ilaa aan Maxammed u tago oo dilo, arrin aan ku cudurdaartana waan haystaa oo wiilkaygii ayey qafaasheen". Safwaan ayaa markaa jeclaystay fikraddaas wuxuuna yiri "deyntaadu waa dusheyda oo anigaa kaa gudaya, ciyaalkaaguna ciyaalkayga ayey la noolaanayaan, inta ay nool yihiinna wanaag ayaan u samaynayaa". Cumayr wuxuu yiri "qari go'aankeenna", Safwaanna wuxuu yiri "waa yahay".

Cumar seeftiisii intuu qaatay oo rakuubkiisi fuulay dhaqaaqay ilaa uu Madiina ka tegey. Ka dib isagoo hashiisii masaajidka agtiisa ku aruminaya ayaa waxaa arkay Cumar binu Khadhaab oo koox muslimiinta ka mid ah la sheekaysanayey, markaasuu yiri "eygaan Cumayr oo cadowga Ilaahay ah wax aan shar ahayn lama imaan", ka dibna wuxuu cumar u tegey Nabiga SCW oo ku yiri "Nabigii Allow, kani waa cadowgii Ilaahay ee Cumayr oo seeftiisii jeeniqaarsan". Markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "ii soo daaya". Cumar ayaa u tegey isaga oo seeftiina dharka u saaray, rag muslimiinta ka mid ahna ku yiri "iila geeya Rasuulka SCW oo agtiisa fariisiya, kana digtoonaada aammin ma ahane". Markii la soo geliyey oo uu Rasuulku SCW arkay Cumar oo wada ayuu yiri "soo daa Cumarow, war Cumery soo dhowow", markaasuu Cumeyr soo dhawaaday wuxuuna yiri "subax wanaagsan", Rasuulku SCW wuxuu ugu jawaabay "Ilaahay wuxuu nagu karaameeyey salaan ka kheyr badan salaantaada Cumayrow, waana salaant Ehlu-jannaha", Ka dib Rasuulku SCW wuxuu yiri "maxaad u timid Cumayr?", wuxuu yiri "waxaan u imid in aad ii soo deysaan wiilkayga aad soo qafaalateen". Rasuulku SCW wuxuu yiri "maxay tahay seeftan aad qoorta ku wadato?", Cumayr wuxuu yiri "Allaah ha hoojiyo seefo, ma wax bay noo tareen". Rasuulku SCW wuxuu yiri "runta ii sheeg maxaad u timid?", wuxuu yiri "arrintaas ma ahane wax kale uma imaan". Markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu yiri "adiga iyo Safwaan baa qol fariistay, waxa aadna ka sheekaysateen dadkii godka lagu guray ee qureysheed, waxaad markaa tiri "haddaan deyn la igu lahay, ciyaalna ii joogin, waan bixi lahaa ila aan Maxammed soo dilo", Safwaan ayaa markaa dusha saartay deyntaadii iyo ciyaalkaagii si aad aniga ii disho, Allaahna waa kala fogeeyey aniga iyo arrinkaas". Cumayr wuxuu yiri "waxa aan qirayaa in aad tahay Rasuulkii Allaah, waxaannuna ahayn Rasuulkii Allow kuwo kugu beeniya in khabar samada kaaga yimaado, waxyina kugu soo dego, arrintaanna cid kale nalama ogeyn aniga iyo Safwaan, Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan ogaadey Allaah ma ahne cid kale in aysan warkaan kuu keenin, Alle ayaa mahad leh Allihii islaamka igu hanuuniyey, socodkaanna ii soo waday", dabadeedna tawxiidkii ayuu qiray. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri asxaabtii "fahamsiiya walaalkiin diintiisa qur'aankana u akhriya, maxbuuskiisana u sii daaya".

Ninkii Safwaan ahaa, oo Cumayr ay ballanta isku ogaayeen, wuxuu reer Makka ku dhihi jiray intuu Cumayr maqnaa "ku bishaaraysta dhacdo imaan doonta dhowaan oo idin hilmaansiin doonta dhacdadii Badar". Wuxuuna dadka socotada ah ee Madiina ka yimaada weydiin jirey Cumayr iyo xaaladdiisa ilaa markii dambe loo soo sheegay in Cumayr islaamay. Safwaan wuxuu markaas ku dhaartay in uusan Cumayr dib dambe ula hadlin, waxna tarin. Ka dib wuxuu Cumayr Makka ku soo laabtay, isagoo soo islaamay, wiilkiisiina loo soo daayey, wuxuuna Makka ka bilaabay dacwo uu dadka islaamka ugu yeerayo, dad badan ayaana gacantiisa ku islaamay.