| HORDHAC | nasabkiiscw | abraha | zamzamka | dhalashadiiscs | Baxiira | 6-guurkiikhadiija | 7-dhisidiikacbada | 8-soodiriddiiscw | 9-dadkiidiintaugusohoreeyey | 10-muujintiidiinta | 11-dhibkiisaxaabada | 12-daartiiarqam | 13-hijradiikowaad | 14-hijradiilabaad | 15-utegiddiiabiidaalib | 16-dhibkiiqurayshscw | 17-islaamiddiixamza | 18-islaamiddiicumar | 19-ergadiiqurayshescw | 20-cunqabatayntiirerhashim | 21-geeridiiabiidaalib | 22-geeridiikhadiija | 23-dhibkiireerdaaif | 24-dheelmiskii | 25-muminiintanrermakaahayn | 26-islaamidiireermadiina | 27-baycatulcaqabadiikowaad | 28-baycatulcaqabadiilabaad | 29-hijradiisaxaabadeemadiina | 30-hijradiirasuulkascw | 31-walaalayntii | 32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina | 33-dhisiddiimasjidkascw | 34-heshiiskiiubayaiyoquraysh | 35-fasixiddiijihaadka | 36-bilaabidiidulamadajihadka | 37-badarqkowaad | 37b-badarqlabaad | 37c-badarqsadexaad | 37d-badarqafaraad | 37e-badarshanaad | 38-duulaankiibaniisulaym | 39-shirqoolkiiscw | 40-balanbixiiqaynuqaac | 41-duulaankiisuwayq | 42-dilkiikacabbinuashraf | 43-duulaankiidiiamariyobaxraan | 45-ilaaladiseydbinuxaarith | 46-uxudqkoowaad | 46a-uxudqlabaad | 46b-uxudqsadexaad | 46c-uxudqafaraad | 46d-uxudqshanaad | 47-dulamadiiuxudkuxigey | 48-mugdigiirajiic | 49-murugadiibirumacuun | 50-duulaankiibanuunadiir | 51-najdiiyobadartiilabaad | 53-duulaankiiduumatuljundul | 54-duulaankiiaxzaab | 55-duulaankiirerbaniiqurayda | 56-dilkiiabuuraafic | 57-ilaaladiimbinumaslama | 58-duulaankiibanuulixyaan | 59-israacraaciiilaalooyinka | 60-duulaankiibaniimusdaliq | 61-beenabuurkii | 62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq | 63-heshiiskiixudaybiya | 64-waraaqihiiscwdiray | 65-duulaankiidiiqirad | 66-dagaalkiikhaybar | 67-duulaankiidaaturiqaac | 68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib | 69-cumradiilasooqaleeyey | 70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib | 71-dagaalkiimu-ta | 72-ilaaladiidaatusulaasil | 73-duulaankiifatxumakka | 74-dagaalkiixunayn | 75-ururintiizakada | 76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib | 77-duulaankiitabuuk | 78-xajkiiabuubakar | 79-sanadkiiwufuudda | 80-xajjatulwiddaac | 81-ciidankiiusaama | 82-geeridiirasuulkascw | 83-haweenkiirasuulkascw | 84-sifadiirasuulka

28- BAYCATUL CAQABADII 2aad

Isla sannadkii 13aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW ayaa waxaa kale oo Madiina ka soo baxay oo xajka soo aaday 73 nin iyo 2 dumar ah oo muslimiin ah iyagoo la socda mushrikiin qabiilkooda ah. Dhowr iyo toddobaatankii qof ee muslimiinta ahaa waxay Rasuulka SCW samaysteen kulan, waxayna ku ballameen iney isugu yimaadaan meesha la yiraahdo Caqaba oo Muna ku taalla habeen ka mid ah waqtigii xajka.

Musimiintii reer Madiina way ka qariyeen shirkaas nimankii ay isla socdeen ee mushrikiinta ahaa hal nin maahane. Ninkaas oo la oran jirey Cabdullaahi ibnu Camar ibnu Xaraam wuxuu ahaa nin oday ah oo ay ku kalsoonaayeen una bandhigeen islaamka, markuu aqbalayna kulankii ayey u soo kaxaysteen.

Markii la gaaray habeenkii ay Rasuulka SCW la ballameen ayey habeen barkii si qarsoodi ah u baxeen waxayna Rasuulka kula kulmeen Caqaba. Rasuulka SCW waxaa la socday adeerkiis Cabbaas oo aan weli islaamin laakiin ka war hayey arrimaha Rasuulka SCW, garab taagnaana Rasuulka SCW intii uu Abii-dhaalib dhintay, waqtigaasna u socday inuu arrintaas ayido. Cabbaas wuxuu noqday ninkii ugu horreeyey ee shirkaas ka hadla wuxuuna yiri "reer Khasrajow waad ogtihiin Maxammed meeshuu naga joogo, 13 sananna annaga ayaa ka difaaceynay dadkii aan isku diinta ahayn ee aan isaga wada khilaafsanayn, isaguna hadda wax kale wuu diidey inuu idin soo haleelo mooyee, haddaad marka ballan qaaddaan inaad difaaceysaan oo aad ballantaas ka soo baxeysaan, axadkii khilaafana ka difaaceysaan waa idinka iyo waxa aad qaaddeen; laakiin haddii aad berri diidi doontaan oo aad garabkiisa ka bixi doontaan haddaba iska daay".

Ka dib waxaa hadlay Thaabit oo ka mid ahaa 73 kii nin wuxuu yiri "Rasuulkii Ilaahayow maxaan kugula mubaayacoonnaa?", Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "waxaad igula mubaayacooneysaan is maqal iyo is addeecid waqtiga nabadda iyo waqtiga shiddadaba, iyo in aad maalkiinna bixisaan marka la barwaaqaysan yahay iyo marka la dhibateysan yahayba, waana in wanaagga la is faro, xumaantana la reebo, waana in Ilaahay dartiis aad u istaagtaan oo mid dagaallamaya dagaalkiis waxba idinka dhibin, iyo in aad ii gargaartaan haddaan idiin imaado, iina difaacdaan sidaad u difaacdaan carruurtiinna, naftiinna iyo maalkiinna, iddinkuna janno ayaad leedihiin (hadaad sidaa yeeshaan)".

Markii hadalkaasi dhammaaday waxaa Rasuulka SCW gacantiisa qabtay Baraa ibnu Macruur oo yiri "Ilaahii xaq kugu soo bixiyaan ku dhaarannaye, waan kaa difaacaynnaa waxa aan reerkayaga ka difaacno ee nala mubaayacood Rasuulkii Allow, annagana waa nala og yahay inaan nahay wiilashii dagaalka ku barbaaray oo hubka qaadi jirey". Waxaa isna raggii meesha ka hadlay ku jirey Abuu Haythama oo yiri "Rasuulkii Allow annaga iyo yahuudda xargo ayaa isug kaaya xiran oo heshiis baa naga dhexeeya, haddaad tiraahdo gooyana waan goyneynaa ee ma laga yaabaa in hadhow markaad guuleysato aad naga soo tagto?", Rasuulku SCW dhoollaha ayuu caddeeyey wuxuuna yiri "dhiigga ayaa naga dhexeeya iga mid baad tihiin, aniguna idinka mid baan ahay, waan la dagaallamayaa ciddii aad la dagaallantaan, waana soo dhoweynayaa ciddii aad soo dhoweysaan. Cabbaas ayaa mar kale hadlay oo yiri "ogaada ballanta aad maanta qaadaysaan inay tahay in aad la dagaallantaan caddaan iyo madowba, haddii hadhow markii xoolihiinna dagaalku dhammeyo, raggiinnana seeftu dhammeyso, aad ka bixi doontaan haddaba iska daaya, haddaad sidaa samaysaan waa idiin hooge," laakiin haddii aad u istaagtaan naf iyo maal waa idiin liibaan".

Intaa ka dib waxay yiraahdeen "Rasuulkii Allow haddii aanu arrintaan oofinno maxaan leenahay?", Rasuukuna SCW wuxuu yiri "janno ayaa leedihiin" markaasay dheheen "fidi gantaada" markuu fidiyeyna sidaas ayey kula wada mubaayacoodeeen. Beycadaasina waxay ahayd beycadii labaad oo loo yaqaan beycatu Caqabadii 2aad.

Markaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu yiri "12 nin oo odeyaashiinna ah ii soo saara', waxaana loo soo saaray 12 nin oo kala ahaa:

1) Ascad ibnu Suraara
2) Sacad ibnu Rabbiica
3) Cabdullaahi ibnu Rawaaxa
4) Cabdullaahi ibnu Camar ibnu Xaraam
5) Baraa' ibnu Macruur ibnu Sakhar
6) Cubaada inu Saamit ibnu Qays
7) Sacad ibnu Cubaada ibnu Daliim
8) Mundir ibnu Camrin ibnu Khunays
9) Raafic ibnu Maalik ibnu Cajlaan
10) Useyd ibnu Xudeyr ibnu Simaak
11) Sacad ibnu khaythama ibnu Xaarith
12) Rufaaca ibnu Cabdimundir ibnu Subayr

Laba iyo tobankaas nin waxay sagaalka hore ahaayeen reer Khasraj, saddexda dambena reer Aws. Rasuulka SCW 12kaa nin aad buu ula dardaarmay wuxuuna xusuusiyey mas'uuliyadda ay qaadeen iyo inuu iyaga la soo xiriiri doono, nin walbana uu jilibkiisa mas'uul ka yahay. Shirkaas markuu dhammaaday oo lagu kala dareeray ayaa sheydaan ogaaday markaasuu dhawaaqay oo yiri "dadka meesha degganow, Maxammed iyo dad la jiraa waxay ku heshiiyeen inay dagaal idinku soo qaadaan", markii Rasuulka SCW maqlay hadalkaas wuxuu yiri "kani waa sheydaaankii Caqaba joogey, Ilaahay baan ku dhaarannayaaye cadowgii Allow waan kala tegaynaa". Ka dib wuxuu Rasuulku SCW raggii amray in la kala tago oo qof walba uu meeshiisii ku laabto. Cabbaas binu Cubaada ayaa markaa Rasuulka SCW ku yiri: 'haddaad doonto na amar aan qureysh aroortii weerar ku qaadnee" hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri "iska taga weli dagaal la ima amrine".

Qureysh qeyladii sheydaanka ayey habeenkii maqashay, markaasay subixii u yimaadeen dadkii reer Madiina oo muslimiinta iyo gaalada isug jirey waxayna ku dheheen "waxaan maqalnay inaad heshiis la samaysateen saaxiibkayo oo aad doonaysaan inaad naga fakisaan, dagaalna nagu soo qaaddaan, annaguna dagalkiinna dooni mayno Khasraj iyo Awsow ee maxaa dhacay?". Waxaa markaa hadlay kuwii gaalada ahaa oo aan waxba ka war haynin oo yiri "arrintaa waxba kama jiraan". Cabdullaahi binu Ubey oo socotadaas reer Madiina madax u ahaa wuxuu yiri "qoomkeygu wax aanan ogeyn ma samayn karaan" hase yeeshee markii ay reer Madiina noqdeen ayey qureyshi ogaatey in qisadu dhacday markaasay ka daba direen ciidan laakiinse waxay soo qabteen nin keli ah oo ahaa Sacad binu Cubaada, isagiina waxaaa ka sii daayey oo magangelyo siiyey Xaarith ibnu Qeys iyo Mudhcim ibnu Caddiyi oo uu Sacad magangelin jirey safarkooda Madiina sii maraya (ee shaam ujeeda). Sidaas ayeyna ku dhammaatay beycadii Caqaba 2aad.