| HORDHAC | nasabkiiscw | abraha | zamzamka | dhalashadiiscs | Baxiira | 6-guurkiikhadiija | 7-dhisidiikacbada | 8-soodiriddiiscw | 9-dadkiidiintaugusohoreeyey | 10-muujintiidiinta | 11-dhibkiisaxaabada | 12-daartiiarqam | 13-hijradiikowaad | 14-hijradiilabaad | 15-utegiddiiabiidaalib | 16-dhibkiiqurayshscw | 17-islaamiddiixamza | 18-islaamiddiicumar | 19-ergadiiqurayshescw | 20-cunqabatayntiirerhashim | 21-geeridiiabiidaalib | 22-geeridiikhadiija | 23-dhibkiireerdaaif | 24-dheelmiskii | 25-muminiintanrermakaahayn | 26-islaamidiireermadiina | 27-baycatulcaqabadiikowaad | 28-baycatulcaqabadiilabaad | 29-hijradiisaxaabadeemadiina | 30-hijradiirasuulkascw | 31-walaalayntii | 32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina | 33-dhisiddiimasjidkascw | 34-heshiiskiiubayaiyoquraysh | 35-fasixiddiijihaadka | 36-bilaabidiidulamadajihadka | 37-badarqkowaad | 37b-badarqlabaad | 37c-badarqsadexaad | 37d-badarqafaraad | 37e-badarshanaad | 38-duulaankiibaniisulaym | 39-shirqoolkiiscw | 40-balanbixiiqaynuqaac | 41-duulaankiisuwayq | 42-dilkiikacabbinuashraf | 43-duulaankiidiiamariyobaxraan | 45-ilaaladiseydbinuxaarith | 46-uxudqkoowaad | 46a-uxudqlabaad | 46b-uxudqsadexaad | 46c-uxudqafaraad | 46d-uxudqshanaad | 47-dulamadiiuxudkuxigey | 48-mugdigiirajiic | 49-murugadiibirumacuun | 50-duulaankiibanuunadiir | 51-najdiiyobadartiilabaad | 53-duulaankiiduumatuljundul | 54-duulaankiiaxzaab | 55-duulaankiirerbaniiqurayda | 56-dilkiiabuuraafic | 57-ilaaladiimbinumaslama | 58-duulaankiibanuulixyaan | 59-israacraaciiilaalooyinka | 60-duulaankiibaniimusdaliq | 61-beenabuurkii | 62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq | 63-heshiiskiixudaybiya | 64-waraaqihiiscwdiray | 65-duulaankiidiiqirad | 66-dagaalkiikhaybar | 67-duulaankiidaaturiqaac | 68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib | 69-cumradiilasooqaleeyey | 70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib | 71-dagaalkiimu-ta | 72-ilaaladiidaatusulaasil | 73-duulaankiifatxumakka | 74-dagaalkiixunayn | 75-ururintiizakada | 76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib | 77-duulaankiitabuuk | 78-xajkiiabuubakar | 79-sanadkiiwufuudda | 80-xajjatulwiddaac | 81-ciidankiiusaama | 82-geeridiirasuulkascw | 83-haweenkiirasuulkascw | 84-sifadiirasuulka

37d- DAGAALKII BADAR Q.4aad

1aad - 3aad - 3aad - 5aad

Markii dagaalkii dhamaaday ayaa Rasuulu SCW yiri "yaa soo eegaya waxa Abii Jahal lagu sameeyey?" markaas ayaa asxaabta qaar ka mid ah baadi goob u galeen. Waxaa helay Cabdullaahi ibnu Mascuud isagii oo naf xumi ku jirto, Cabdullaahi qoorta intuu cag ka saaray, garkana qabtay ayuu madaxa ruxay kuna yiri "ma wuusan Alle ku hoojin cadowgii Allow?". Abii Jahal wuxuu yiri "maxaa i hoojiyey, ma nin tolkiis diley baan u horreeyey, yaase maanta guusha helay?", Cabdullaahi wuxuu yiri "Alle iyo Rasuulkiisa SCW ayaa helay". Markaasuu Abii Jahal yiri "ari raaciiyow waxaad maanta kortay meel sarreysa", Cabdullaahi wuxuu yiri "weligeedba islaamka ayaa sarrayn jirey". Ka dib Cabdullaahi intuu madaxii ka soo gooyey ayuu u keenay Rasuulka SCW oo yiri "Rasuulkii Allow, cadowgii Alle ee Abii Jahal madaxiisii waa kan". Rasuuku SCW markuu arkay wuxuu yiri "Allihii isaga maahane uusan Ilaah kale jirin baan ku dhaartaye ma isagii baa?! Allaah ayaa weyn, Allaah ayaa mahad leh, Allihii yaboohiisii ku run sheegay, addoonkiisii u gargaaray, axsaabtiina keligiis jebiyey". Ka dib wuxuu Rasuulku SCW yiri "kani (Abii Jahal) waa fircoonkii ummaddaan".

Wuxuu Nabigu SCW yiri "waxaan aqoonsaday in rag reer bini Haashim ka mid ah iyo kuwo kaleba la soo khasbay oo ay san dagaalkeenna dooneyn, haddaba qofkii la kulma qof reer banii Haashim ah yuusan dilin, qofkii la kulma Abaa Bakhtari binu Hisham yuusan dilin, qofkii la kulma Cabbaas binu Cabdimudhalibna yuusan dilin waa la soo khasbaye". Markaas ayaa Abuu xudeyfa binu Cutba, oo aabbihiis, walaalkiis iyo adeerkiis lagu dilay goobta, yiri "ma waxaan leyneynaa aabbayaashayo, walaalahayo iyo qaraabadayo, Cabbaasna waa iska deynaa? Ilaah baan ku dhaartaye haddii aan la kulmo seef baan ku dilayaa". Arrintii ayaa Rasuulka SCW loo sheegay, markaas ayaa Cumar binu Khadhaab yiri "ii daa Rasuulkii Allow aan seef qoorta uga gooyee, Ilaah baan ku dhaartaye waa munaafaqoobey". Abuu Xudeyfa wuxuu dhihi jirey "kama aammin ihi kalimadii aan iri maalinkii Badar, waana ka cabsi qabaa in la ii dhaafi doono ilaa in shahaado (shahiidnimo) la iig dhaafo maahane". Abuu Xudeyfa wuxuu aakhirkii ku shahiiday dagaalkii Yamaama.

Ninkii la oran jirey Abaa Bakhtari oo Rasuulku SCW yiri yaan la dilin, waxay ahayd sababta loo yiri, markii Makka la joogey ayuu Rasuulka SCW ka celin jirey dadka, Rasuulka SCW iyo islaamkana wax dhib ah uma geysan jirin, wuxuuna ka mdi ahaa raggii baabi'ieyey warqaaddii kacbada ku dhegsaneyd ee lagu cunaqabateeyey rer banii Haashi, hase ahaatee ninkaas waa la diley oo rag asxaabtii ka mid ah ayaa arkay isaga iyo nin kale oo saaxiibkiis ah, markaasay ku dheheen "adiga kula dagaallami mayno oo waa nalaka reebay dilitaankaaga", markaasuu yiri "saaxiikayna" waxay dheheen "ma deyneyno saaxiibkaa", markaasuu ku yiri "haddaba waa wada dhimanaynaa aniga iyo saaxiibkey", markaas ayey dagaallameen oo labadoodiiba halkaas lagu diley.

Sidoo kale Cabdirahmaan binu Cawf oo wata canbuur bireedyo uu soo qaniimeystey ayaa wuxuu soo maray Umaya ibnu Khalaf oo ahaa ninkii Bilaal addoonsan jirey, ciqaabka daranna mariyey (markii uu Bilaal islaamay) iyo wiil uu dhalay Umaya oo la oran jirey Cali oo meel taagan markii ay arkeen in aysan fakan karin, markaasaa Umaya la hadlay Cabdiraxmaan oo ay ahaan jireex saaxiibbo waqtigii jaahiliga ee Makka la joogey, wuxuuna ku yiri "canbuur bireedyadan aad wadato anigaa kaga faa'iido badan ee miyaadan xoolo dooneyn "oo uu ula jeeday in isaga iyo wiilkiisa uu qafaalo si aan loo dilin, dabadeedna ay hadhow xoolo tiro badan isku furtaan. Cabdirahmaan, intuu canbuur bireedyadii tuurey, ayuu kexeeyey Umaya iyo wiiliisi", goor uu sii wado ayuu Umayd ku yiri Cabdiraxmaan; "kumuu ahaa ninkii riishadda xabad ku watay? markaasuu Cabdiraxmaan yiri "wuxuu ahaa Xamsa ibnu Cabdimudhalib", Umaya wuxuu markaa yiri "kaas ayuu ahaa ninkii arrinta nagu sameeyey (na laayey)". Cabdiraxmaan wuxuu yiri "goon aan dhexda sii marinayo ayaa waxaa arkay Bilaal, markaasuu dhawaaqay oo yiri "waa madaxii kufriga Umaya ibnu Khalaf magangal kuuma sugnaan", markaasaan iri "waa u sugnaaday magangal", Bilaal ayaa markaa aad u dhawaaqay oo yiri "Ansaartii Allaay waa kufriga Umaya ibnu Khalaf magangal uma sugnaan". Ka dib way na hareereeyeen, aniguna waan isku daboolay, markaas ayey wiilkiisii seef lug uga gooyeen, Umaya ayaa markaa qaylo aanan weligey iyadoo kale maqal ku qeyliyey, markaas ayaan ku iri "badbaadi naftaada magangal kuuma sugnaanine, aniguna Ilaah baan ku dhaartaye wax kuuma tari karo". Ka dib seefihii ayaa lagu boobey ilaa laga takhalusay labadoodiiba". Cabdiraxmaan mid ka mid ah seefihii muslimiinta ayaa dhudhunka uga dhacday, ka dib Cabdiraxmaan wuxuu dhihi jirey "Alle ha u naxariisto Bilaal dhudhunkeygii ayuu dhaawacay, asiirkieygiina (qafalkeygiina) waa diley".

Cumar binu Khadhaab sidoo kale wuxuu maalinkaas diley abtigiis Caasin binu Hishaam, Abuubakarna wuxuu u dhawaaqay wiilkiisii Cabdiraxmaan oo dhinaca gaalada ka soo jeedey isagoo leh 'qurunyahow meeyey maalkeygii", markaasuu Cabdiraxmaan yiri "waxaa ka haray hub, faras carbisan iyo seef dileysa duq baadiyoobey".

Waxyaabihii mucjisaadka ahaa ee meeshaa ka dhacay waxaa ka mid ahaa; ninka la yiraahdo Cukaasha binu Muxsin ayaa waxaa jabtay seeftiisii, markaasuu Rasuulka SCW u yimid isagoo seef ka doonaya. Rasuulku SCW, wuxuu siiyey qori wuxuuna ku yiri "ku dagaal Cukaash". Markii uu Cukaasha qaatay ayey ruxantay oo noqotay seef dheer oo adag, birteeduna caddahay, dagaalkii ayuuna ku galay Cukaasha, waxaana seeftaa la dhihi jirey Cawn, wuuna heysan jirey oo wuxuu ku geli jirey jikhaadyada ilaa uu aakhirkii ku shahiidey dagaalkii uu Abuubakar ku qaaday dadkii riddoobey markuuu Rasuulku SCW geeriyoodey. Sidoo kale waxyaabihii uu iimaanku ka muuqday ee goobtii badar ka dhacay waxaa ka mid ahaa; markuu dagaalku dhammaaaday ayuu Muscab binu Cumeyr soo maray walaalkiis Abii Casiis binu Cumeyr oo nin muslim ihi soo qafaalay. Markaasuu ku yiri "si fiican u adkee hooyadiis xoolo ayey leedahay oo waxaa la arkaa in ay furato". Abuu Casiis aya markaas yiri "ma taas ayaad ii dardaarantay walaalkayow". Muscab wuxuu yiri "kan ayaa walaalkay ah" oo uu ula jeeday saxaabigii waday.

Arrimahaas oo ku tusinaya sida uu asxaabta Rasuulka SCW iimaanku qalbigooda u degey oo aysan wax yar oo naxariis ah ugu hayn dadkaas Ilaahay diintiisii iyo manhajkiisii la colleytamay haba ahaadeen aabbayaashood, addeeradood, walaalahood, abtiyaashood ama qaraabadoodii. Waxayna ku run shegeen aayaatkii Allaah sida kuwaan:

((KUWA MU'MINIINTA AHW HAKA YEELANINA AABAYAALKIIN IYO WALAALIHIIN WALIYO HADDAY GAALNIMO KA JECLAADAAN IIMAANKA, CIDII KA WALI DHIGATA (GAALO) OO IDINKA MIDA, KUWAASAA UN DAALIMIIN AH)), (Suuratu-Tawbah 23).

((MA HELAYSID DAD RUMEEYEY ALLE IYO MAALINKA AAKHIRO IN AY JECLAADAAAN CID KHILAAFTAY ALLE IYO RASUULKIISA, HABA AHAADAAN AABAYAALKOOD, CARUURTOODA, WALAALAHOOD, IYO QARAAABADOODA, KUWAAS (AAN JECLAANIN GAALADA) WAA KUWA QULUUBTOODA LAGU QORAY IIMAANKA, WUXUUNA (ALLE) KU XOOJIYEY GAG GAAR XAGIISA KA AHAADAY, WUXUUNA GALINAYAA JANNOOYIN AY HOOSTEEDA SOCONAYAAN WABIYAAL, WAYNA KU WAARAYAAN DHEXDEEDA, ALLE WAA KA RAALI NOQDAY IYANA WAA KARAALI NOQDEEN, KUWAASI WAA XISBIGA ALLE, XISBIGA ALLE UN BAANA LIIBAANAY)), (Suuratul-Mujaadala 22).

Ugu dambayntii markii dagaalkii dhammaaday, jab iyo halaagna ku habsaday ciidankii kufriga ee difaacayey waddada baadhilka ah ee sheydaanka, ayna u qaybsameen wax dhintay, wax la qafaashay iyo wax cararay oo uu dhaawac ka buuxo, Allaahna uu guul iyo nasri u soo hooyey xisbigiisii u dagaallamayey in kalimadda Allaah kor noqoto, kalimadda sheydaankuna hooseyso, goobtiina ay iyagu furteen oo u hareen, ayaa Rasuulku SCW wuxuu amray in ceel ka mid ahaa ceelashii Badar lagu guro bakhtigii gaalada, markaas ayaa lagu guray iyadoo qof qof laagu ridayo.

Dadkii muslimiinta ahaa ee goobtaas ku shahiiday waxay dhammaayeen 14 nin; 6 Muhaajiriin ah iyo 8 Ansaar ah, gaaladana waxaa ka dhintay 70 nin oo u badnaa madaxdoodii iyo odeyaashoodii, waxaana laga qafaashay 70 nin oo kale. Rasuulku SCW raggii odeyaashooda ahaa ayuu magacyadoodii ugu yeeray oo ku yiri "ma idin farax gelineysaa in aad Ilaah iyo Rasuulkiisa adeecdaan? annagu waan helnay wuxuu Rabbigayo noo ballan qaaday isaga oo xaq ah ee ma hesheen wuxuu Rabbigiin idiin ballan qaaday isaga oo xaq ah?" Cumar binu Khadhaab ayaa Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow maxaad ula hadlaysaa jir aan naf lahayn?", wuxuu markaas Nabiga SCW yiri "Allihii nafsadda Maxammad gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye ugama maqal badnidin waxa aan leeyahay, laakiin ma jawaabayaan".