| HORDHAC | nasabkiiscw | abraha | zamzamka | dhalashadiiscs | Baxiira | 6-guurkiikhadiija | 7-dhisidiikacbada | 8-soodiriddiiscw | 9-dadkiidiintaugusohoreeyey | 10-muujintiidiinta | 11-dhibkiisaxaabada | 12-daartiiarqam | 13-hijradiikowaad | 14-hijradiilabaad | 15-utegiddiiabiidaalib | 16-dhibkiiqurayshscw | 17-islaamiddiixamza | 18-islaamiddiicumar | 19-ergadiiqurayshescw | 20-cunqabatayntiirerhashim | 21-geeridiiabiidaalib | 22-geeridiikhadiija | 23-dhibkiireerdaaif | 24-dheelmiskii | 25-muminiintanrermakaahayn | 26-islaamidiireermadiina | 27-baycatulcaqabadiikowaad | 28-baycatulcaqabadiilabaad | 29-hijradiisaxaabadeemadiina | 30-hijradiirasuulkascw | 31-walaalayntii | 32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina | 33-dhisiddiimasjidkascw | 34-heshiiskiiubayaiyoquraysh | 35-fasixiddiijihaadka | 36-bilaabidiidulamadajihadka | 37-badarqkowaad | 37b-badarqlabaad | 37c-badarqsadexaad | 37d-badarqafaraad | 37e-badarshanaad | 38-duulaankiibaniisulaym | 39-shirqoolkiiscw | 40-balanbixiiqaynuqaac | 41-duulaankiisuwayq | 42-dilkiikacabbinuashraf | 43-duulaankiidiiamariyobaxraan | 45-ilaaladiseydbinuxaarith | 46-uxudqkoowaad | 46a-uxudqlabaad | 46b-uxudqsadexaad | 46c-uxudqafaraad | 46d-uxudqshanaad | 47-dulamadiiuxudkuxigey | 48-mugdigiirajiic | 49-murugadiibirumacuun | 50-duulaankiibanuunadiir | 51-najdiiyobadartiilabaad | 53-duulaankiiduumatuljundul | 54-duulaankiiaxzaab | 55-duulaankiirerbaniiqurayda | 56-dilkiiabuuraafic | 57-ilaaladiimbinumaslama | 58-duulaankiibanuulixyaan | 59-israacraaciiilaalooyinka | 60-duulaankiibaniimusdaliq | 61-beenabuurkii | 62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq | 63-heshiiskiixudaybiya | 64-waraaqihiiscwdiray | 65-duulaankiidiiqirad | 66-dagaalkiikhaybar | 67-duulaankiidaaturiqaac | 68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib | 69-cumradiilasooqaleeyey | 70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib | 71-dagaalkiimu-ta | 72-ilaaladiidaatusulaasil | 73-duulaankiifatxumakka | 74-dagaalkiixunayn | 75-ururintiizakada | 76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib | 77-duulaankiitabuuk | 78-xajkiiabuubakar | 79-sanadkiiwufuudda | 80-xajjatulwiddaac | 81-ciidankiiusaama | 82-geeridiirasuulkascw | 83-haweenkiirasuulkascw | 84-sifadiirasuulka

25- MU'MINIINTII AAN REER MAKKA AHAYN

Rasuulka SCW markuu arkay in reer Makka ay xaqii qaadan la'yihiin, ilaa intii hore u islaamtay maahane, ayuu bilaabay inuu xoogga saaro dadka meelaha kale duwan ka imaanaya oo xajka u imaanaya. In kastoo ay shayaadiintii Makkana faafinayeen dacaayaddoodii, haddana Rasuulka SCW kama suulin inuu dadkaas dacwada gaarsiinayo.

Maalin ayuu wuxuu la kulmay nin la oran jiray Suweyd ibnu saami oo ahaa nin caan ku ahaa gabayga oo ka yimid magaalada Madiina. Wuxuu Nabigu SCW ninkaas u bandhigay islaamka hase yeeshee Suweyd wuxuu ku jawaabay: "Waxa aad taqaanno aniguba waaan aqaannaa". Rasuulka SCW wuxuu yiri: "maxaad taqaanaa?", Suwedna wuxuu yiri: "waxaan aqaannaa xikmaddii Luqmaan". Rasuulku SCW wuxuu ku yiri: "akhri', Suweydna, wuxuu akhriyey gabaygiisii iyo wuxuu yaqanney. Rasuulka SCW markuu ka dhegaystay ayuu ku yiri "warkaad sheegayso waa wanaagsan yahay laakiinse waxaan hayo ayaa ka wanaagsan waana qur'aan Ilaahay igu soo dejiyey oo hanuun iyo nuur ah". Nabigu SCW qur'aankii ayuu Suweyd ku dul akhiryey. Suweyd markuu dhegaystay wuxuu yiri: "waa war wanaagsan wuuna islaamay, markuu Madiiina ku laabtayna wuu geeriyooday.

Abii-darr Al-qafaari, oo ka mid ahaa dadkii degganaa agagaarka Madiina, ayaa markuu maqlay in Makka uu Rasuul Ilaahay soo diray joogo wuxuu soo diray walaalkiis oo uu ku yiri: "u tag ninkaas oo khabar fiican iiga keen". Ninkii markuu soo laabtay wuxuu ku yiri: "waxaan soo arkay nin dadka kheyrka ugu yeeraya, sharkana ka celinaya". Abii-dar warkaasi waa ku filnaan waayey sidaa darteed ayuu aadey Makka isagoo doonaya inuu la kulmo Rasuulka SCW soo baxay.

Abii-darr markuu Makka yimid wuxuu degay Xaramka biyaha Samsamkana wuu ka cabbayey oo uu saas yahay ayaa maalinkii dambe waxaa soo maray Cali Binu Abii-Dhaalib, markaasaa Cali la hadlay oo ku yiri: "waxaa la arkaa inaad soo galooti tahay, Abii-Darr ayaa markaa ku jawaabay "haa", Cali wuxuu yiri "soo bax aan guriga aadnee, Abii-Darrna wuu ka yeelay oo wuu raacay, hase yeeshee Abii-Darr uma uusan sheegan, Calina waxba ma weydiin sidaas ayeyna ku kala tageen. Maalinkii dambe ayaa Cali mar kale soo maray Abii-Darr markaasuu ku yiri: "wali arrintaadii kuuma hirgelin miyaa?" Haa ayuu yiri Abii-Darr, markaasuu Cali yiri, nakici Abii-Darrna waa raacay. Markaasaa Cali weydiiyey oo ku yiri, maxay ahayd dantaad lahayd oo aad u timid magaaladaan? Markaasaa Abii-Darr yiri: "waan sheegayaa haddaad ii qarinayso". Calina wuxuu yiri: "waan kuu qarin". Abii-Darr dantiisii ayuu sheegay, markaasaa Cali ku yiri: "waad heshay, halkaasaan gelayaaye iga soo daba gal, hadiise aan arko cid aan kaaga cabsado bannaankaan istaagayaa, waxaana iska dhigayaa sidii wax kabta hagaasanaya, ee adigu iska gudub". Cali gurigii ayuu toos u galay, abii-Darr waa ka daba galay. Wuxuuna meeshii ugu tegay Rasuulkii SCW markaasuu ku yiri, Islaamka ii sharax, markii uu Rasuulku SCW u sharaxayna wuu Islaamay. Wuxuu markaa Rasuulku ku yiri: "Iska tag oo carradaadii aad, oo noo imow markaad maqasho inaan guulaysanay". Wuxuu markaa Abii-Darr Rasuulka ku yiri, Ilaahii xaq kugu soo baxshaan ku dhaartaye, inaan Qureysh kala dhex kicin (Islaamnimadayda) markaasuu baxay oo u tegay Qureysh oo Xaramka ka buuxda wuxuuna ku yiri: "Qureysheey waxaan qirayaa Alle mooye Ilaah kale inuusan jirin, Maxammedna yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii". Qureysh markay kalimaddaas maqashay ayey hal mar ku yaaceen iyagoo leh "kan iishay qabta", wayna garaaceen. Waxaa markaa u yimid oo ka qabtay Cabbaas binu Cabdi mudhalib, kuna yri: 'war hooggiinee, ma waxaad dilaysaan nin reer Qafaari ah. Ma idiin badbaadayaa safarkiinna aad reer Qafaari sii martaan". Markaasay iska daayeen. Maalin labaaddii ayuu Abii-Darr mar kale Xaramkii tegay oo sidii oo kale ku yiri, iyaguna sidii oo kale ayey ku sameeyeen. Markaasaa Cabbaas mar kale ka qabtay oo sidii ooo kale ku yiri. Dabadeedna Abii-Darr wuu iska tegay oo dhulkiisii ayuu ku laabtay.

Sidoo kale dadkii dacwadaa ku soo islaamay waxaa ka mid ahaa Dammaan Al-Asadi oo ahaa reer Yaman, ahaana nin cudurka dabaysha ku tufa oo daweeya. Markuu Dammaan yimid Makka ayuu maqlay iyadoo la leeyahay nin waalan oo Maxammed la yiraahdo ayaa halkan jooga ee iska jira, markaasuu run mooday hadalkaas wuxuu yiri: "waxaa la arkaa in Ilaahay gacantayda ku daweeyo haddaan u tago oo aan ku tufo". Dammaan Rasuulka SCW ayuu u yimid oo ku yiri: "Maxammed dabaysha ayaan ku tufaa ee ka waran haddaan wax kugu tufo, waxaa la arkaa in Ilaahay kugu caafiyee". Rasuulka SCW uusan yaabin Dammaan maxaa yeelay, dacaayadahaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa Makka laga faafinayey, lagana dhaadhicinayey dadka soo galootiga ha. Dadka badankooduna wax ma hubsadaan mana baaraan ee wixii lagu yiraahdo ayey iska qaataan. Islaamkuna sidiisaba ma oggola in qofku wixii loo sheegaba iska rumeysto isagoo aan hubsan oo aan caddeysan.

Rasuulka SCW wuxuu bilowday hadalkiisii isagoo ku furturanaya iftitaaxa caamka ah oo ah: Ilaah ayaa mahad iska leh, waan mahadineyna waan kaalmo weydiisaneynaa, waana dambi dhaaf weydiisaneynaa. Waxaan Allaah ka magan gelaynnaa naftayada sharteeda iyo acmaasheeda xun. Qofkii Allaah hanuun la doono cid baadiyeyn kartaa ma jirto; qofkuu baadiyeeyana wax hanuunin karaa ma jiro. Waxaan qirayaa in Allaah keliya mooyee uusan Ilaah kale jirin, keligiisna uu yahay, shariikna uusan lahayn. Waxaan kale oo aan qirayaa in uu Maxammed yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Dammaan markuu maqlay kalimmadahaas cajiibka ah ee tawxiidku ka buuxo aad ayuu ula dhacay, wuxuuna ogaaday in xaqiiqadu aysan ahayn sidii lagu yiri, markaasuu yiri "iigu cel". Markuu Rasuulka SCW mar labaad ugu celiyeyna islaamka ayuu qaatay, wuxuuna yiri "hdal curraafi iyo saaxir waan maqlay weligeyna hadalkaan oo kale ma maqal.