| 0-HORDHAC |nasabkiiscw | abraha | zamzamka | dhalashadiiscs | Baxiira | 6-guurkiikhadiija | 7-dhisidiikacbada | 8-soodiriddiiscw | 9-dadkiidiintaugusohoreeyey | 10-muujintiidiinta | 11-dhibkiisaxaabada | 12-daartiiarqam | 13-hijradiikowaad | 14-hijradiilabaad | 15-utegiddiiabiidaalib | 16-dhibkiiqurayshscw | 17-islaamiddiixamza | 18-islaamiddiicumar | 19-ergadiiqurayshescw | 20-cunqabatayntiirerhashim | 21-geeridiiabiidaalib | 22-geeridiikhadiija | 23-dhibkiireerdaaif | 24-dheelmiskii | 25-muminiintanrermakaahayn | 26-islaamidiireermadiina | 27-baycatulcaqabadiikowaad | 28-baycatulcaqabadiilabaad | 29-hijradiisaxaabadeemadiina | 30-hijradiirasuulkascw | 31-walaalayntii | 32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina | 33-dhisiddiimasjidkascw | 34-heshiiskiiubayaiyoquraysh | 35-fasixiddiijihaadka | 36-bilaabidiidulamadajihadka | 37-badarqkowaad | 37b-badarqlabaad | 37c-badarqsadexaad | 37d-badarqafaraad | 37e-badarshanaad | 38-duulaankiibaniisulaym | 39-shirqoolkiiscw | 40-balanbixiiqaynuqaac | 41-duulaankiisuwayq | 42-dilkiikacabbinuashraf | 43-duulaankiidiiamariyobaxraan | 45-ilaaladiseydbinuxaarith | 46-uxudqkoowaad | 46a-uxudqlabaad | 46b-uxudqsadexaad | 46c-uxudqafaraad | 46d-uxudqshanaad | 47-dulamadiiuxudkuxigey | 48-mugdigiirajiic | 49-murugadiibirumacuun | 50-duulaankiibanuunadiir | 51-najdiiyobadartiilabaad | 53-duulaankiiduumatuljundul | 54-duulaankiiaxzaab | 55-duulaankiirerbaniiqurayda | 56-dilkiiabuuraafic | 57-ilaaladiimbinumaslama | 58-duulaankiibanuulixyaan | 59-israacraaciiilaalooyinka | 60-duulaankiibaniimusdaliq | 61-beenabuurkii | 62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq | 63-heshiiskiixudaybiya | 64-waraaqihiiscwdiray | 65-duulaankiidiiqirad | 66-dagaalkiikhaybar | 67-duulaankiidaaturiqaac | 68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib | 69-cumradiilasooqaleeyey | 70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib | 71-dagaalkiimu-ta | 72-ilaaladiidaatusulaasil | 73-duulaankiifatxumakka | 74-dagaalkiixunayn | 75-ururintiizakada | 76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib | 77-duulaankiitabuuk | 78-xajkiiabuubakar | 79-sanadkiiwufuudda | 80-xajjatulwiddaac | 81-ciidankiiusaama | 82-geeridiirasuulkascw | 83-haweenkiirasuulkascw | 84-sifadiirasuulka


HORDHACA SIIRADA RASUULKEENNA CSW
X U S U U S I N :
Sida cinwaannada sare kaaga muuqata, waxa aad halkan ka aqrisan kartaa siiradii ama taariikh nololeedkii suubbanaheennii nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, siiradaan waxa soo diyaariyey oo qallinka u qaatay ilaahay ha ka ajar siiyee qoraaga soomaliyeed ee Ibraahim Saalax Aadan oo ku nool waddanka Denmark, email-kiisuna yahay ibra88@hotmail.com, wuxuuna u soo gudbiyey Website-ka caalamiga ah ee Somalitalk.com, kuna diyaariyey boggan somalitalk.com.

aamaguul.com ahaan, annaga oo fulinayna sababtii uu qoraagu u qoray siirada, una faafiyey bogga Somalitalk, ayaannu qaybteenna faafinta ka qaadannay intii karaankeenna ah, taas oo ku qoran codsiga bogga Somalitalk, laakiin qoraaga iyo Somalitalk ma ay codsan oo keliya in la faafiyo ee waxa codsigaas la socotay in marka la aqriyo aan la dayacin ama la iska tuurin sidii sheeko baraley oo kale, ee la dabbaqo ama sida ay tahay loogu dhaqmo.

Haddaba, siiradani maadaama ay afkeennii hooyo ku qorantahay, waa in lagu dhigto iskuullada iyo dugsiyada qur'aanka ee dalkeenna hooyo iyo meel kasta ee ay soomaalidu joogto, haddii sidaas la sameeyo waxa imanaysa in aannu diinteenna sida ay tahay u baranno, taas oo marka aad si fiican ugu fiirsato taariikhda iyo dhaqanka rasuulkeenna SWC iyo saxaabadiisiiba RC ay ku dhisnayd wanaag oo la is faro, xumaan la iska reebo, samafal, nadaafad, dulqaad, deeqsinnimo, is-xaqdhawr, naxariis, is kaalmaysi iyo wax kasta oo wanaagsan, taasna waxa ay noo horseedaysaa in aannu nabad ku wada noolaanno oo aannu kala nabad galno, kaddibna aannu ummadaha kale nabadgelyo kula noolaanno.

Ugu dambayn, fadlan siiradan oo diyaarinteedii laga soo maray hawl fara badan, habeenno badanna loo soo jeedey, ha fududaysanina ee dusha ka barta oo xafida, taariikho aan macno noogu fadhinba waannu xafidnaa ama xafidi jirnaye.

Una soo duceeya in alla intii idiin soo fududaysay, taas oo sida diinteenna xaniifka ah ku cad, uu qoraaga billaabay Ibraahim Saalax Aadan, leeyahay ajarka ay yeeshaan Somalitalk , aamaguul iyo cid kasta ee halkaas ka sii wadda faafinta iyo aqriskaba.

Ilaahow dembiga iyo dembiga waalidkoodba dhaaf Ibraahim iyo Somalitalk.com iyo cid kasta ee halkaas ka sii wadda, Soomaalina allahayow colaadda ka saar kuna soo dabbaal nabad waarta iyo bashbash iyo Caano.

WABILLAAHI TAWFIIQ.
   www.aamaguul.com