Baaruudda Ubadkeenna, 16-06-2018

 

Baaruudda Ubadkeenna, 16-06-2018
Ciidihii baxnaaniya la rabey, faraxa oo buuxa,  baabkiisa,
Baaruudda Ubadkeena uu, buguguxdaa haayo,
oo hadduu baraarugaba uu,  bajajacdaa haayo, ---
Billaawihihiyo soorkiyo shakado, buuxo gumucoodu,
Banaatiiqda aakiyo baroon, faalka buguftaa leh,
Bastoolooyin laysula baxaa, buridu yeerayso,
Balaayooyin bururaaya ee, bururuflaynaaya,
Bulullayrka beledkii qabsaday, holaca buubaaya, (boodaaya)
waqtigii baraadkiyo la rabey, raaxo loo bogayo,
haddii ubadki Baas iyo la yiri, hooda belo faaxi, waarta, ---
sow balaayo inay saadiyaan, Berrito soo boodi,
oo beledka loogaga qaxaa, haatan maad baranin?