Qodobbada ugu waaweyn ee ay qasab tahay in uu ku socdo gabayga soomaaliyeed haddii laga waayana uu noqonayo iska sheeko waa:

1- Baytku waa 2 qaybood oo 20 shaqal ah,
   Qaybta hore waa 12 shaqal oo ay qasab tahay inay sidan isugu xigaan (4,   3,   2,   3),
   Qaybta 2aad waa 8 shaqal, 4 waa 2 shaqalDheer, 4ta hartayna waa 3 shaqalGaab & 1 shaqalGaab oo ay kala dhex galaan 2 da shaqalDheer.

2- Xaraf gaar ah oo ugu yaraan min hal mar ku jira labada qaybood ee baytka.

3- Shaqal tiris uu baytku ka kooban yahay 20 shaqal.

4- Miisaan ama hab-dhac (Rytyhm) la socda jaan iyo jiib ka kooban 8 god, oo labada dhinac ee baytku mid walba 4 god yahay.

5- Micno iyo ujeeddo buuxda.

6- kelmad fudud oo aan carrabka ku cuslayn.

Riix Halkan oo daalaco gabayga Guuguule, kaddibna eeg miisaankan hoose ee la saaray gabaygaas, waxad arkaysaa in haba yaraatee uunan ku jirin in yar oo qalad ah, ogowna waa sidaas oo kale dhammaan gabayada soomaaliyeed ee kalena, haddiise aad aragto qalad ku jira waa qalad ka dhacay daabacaadda, wayna dhacdaa beryahan dambe dad aan suugaan ehel u ahayn oo hadal sheeko ah cinwaan uga dhiga gabay, balse miisaankan ayaa ceebtooda bannaanka soo dhigaya ee ku miisaan, waxaad arki doontaa qiimaha iyo qaayaha ay leedahay maansada soomaaliyeed.

FG: Hees dhaqameedka Soomaaliyeed ee HOOBAALAYEY HOOBE, ayaa lagu miisaamaa Gabayga soomaaliga, Markaa maansadan hoose baytkeeda qaybta dambe ee 2 da shaqalDheer kala dhex galkooda 4 ta shaqal gaab toos u waafaqsanhay HOOBAALEYEY da, waxan mariyey midabka Huruudda, Yacni waa 2, 3, 2, 1

EEG MIISAANKA LA SAARAY GABAYGII GUUGUULE EE ALLAHA U NAXARIISTEE ABWAAN ISMAACIIL MIRE
4323    8 (2 shaqaldheer tahay)
Hoobaale Hoobaale hoobaa le hadda hoobe
Guu-guuli-hiiyoowha-daadgu-ga- uooyeeyso
aad-mooday- ke-ligaai-nuugu-ba-yojiilaalku
oo-aadga-booya-hanku-ma-dhanga-ma'- la'aandiiday
ay-na-go-cosho-aawgeedil-ma-dukaaga -go-bolaaysay
Guu-meeysCi-rroobaana-ha-yeWar-an-kugaarsiiyo
Gartaa-maaha-ke-ligaai-naadgaaru-ca-bataaye
gi-di-gooda-ddooma-hawa-xaagaaray-na-barweeyne
abaar-gaagma-reebaadhac-di-yogaatamooka-le-e
gee-liia-dduunka-uad-kaago-bo-llonaafoowye
go-li-hiika-ki-ciwaara-ggiigaaydhohaaynji-ra-ye
tuu-la-deyil-ga-badleeyna-yaango-bol-barbaartiiye
nin-ki-ti-mirta-goobdhi-gila-haajiingaduuge-li-ne
ni-nna-u-maga-raabeenha-ddaangaadhka-la-gahaayne
gammaan-kiika-ma-raydhooddi-i-yoga-lax-yadeediiye
gum-bu-rigiibar-baajoogsa-di-yogo-ro-yocaawshiiye
sar-yan-kiigar-ba-haweeynla-haageedka-ki-ciwaaye
wu-xu-gooni-daaqiihab-sa-daygu-ba-ddadiihaawde
ga-ra-nuugti-i-yodeera-diigaagyarbaaha-ra-ye
gabooy-i-yoas-ke-rigeeyfan-baagoodirkiija-ra-ye
guu-ya-diyo-jiiskiiha-ddeeyka-la-golwaayeene
ka-ma-guuxo-aargoonli-hiige-li-gatoomoode
shabeel-kiigab-raarla-guid-leegiirolaaynji-ra-ye
oo-go-dadka-ka-masooci-yaanga-ba-nnadiisiiye
har-gi-hiisa-ni-mankiiga-taaguuldarroowsi-da-ye
gaa-diidla-dhaansa-naha-yi-yogiindhaygiima-ra-ye
ah-mi-giila-gaawri-ciji-ri-yogaabay-a-rigiiye
go-ggi-su-bagga-la-gabuuxin-ji-reyhaatan-go-rofaadye
basaas-beeyti-mi-hiugago-eengaaridiidu-ma-re
ga-law-giiyo-fiintiinaf-beeygiida-la-hayaane
gor-gor-ki-yodhur-waagiilaf-taadga-la-yaxmoodaaye
garaad-faarax-ma-xamuudga-raadma-le-gammaankiiye
good-ka-magur-xa-modooxa-diiga-ra-dafiicnaayde
garoowiyo-booqbeeyha-rraadqaaru-go-ayaane
gaa-ji-yoha-rraadbeeyqa-baanga-ro-laaaneede
a-ya-xiige-yi-gajoogi-jireyguuto-la-gusaarye
gub-ni-yaaha-reera-haka-ma-raygaariyaalwa-da-e
gee-da-hasun-baaloogu-da-raygeerinoowba-da-ye
wax-ma-ga-labsa-ni-nemaalin-baalooguddoonsa-da-ye
a-di-gaaba-la-gugaada-yaawaadan-ga-raneeyne
guu-xi-yoca-baadki-yoha-ddaadgooha-de-minweeydo
quruu-ma-hakan-wa-dageeyfan-baabaalkakaagu-ri-ye
gaa-gaabso-ooaamu-yaangaarlagaaqa-ba-ne


Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso, 
Oo aad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku, 
Oo aad gabooyahan ku madhan gama' la'aan diiday, 

Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo'laysay, 
Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaadhsiiyo, 
Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye, 

Giddigood addoomaha waxaa gaadhay nabar weyne, 
Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e, 
Geelii adduunka u adkaa gobollo waydowye, 

Golihii ka kici waa raggii gaydho hayn jiraye, 
Tuuladay ilgabadlaynayaan gobol barbaartiiye, 
Ninkii timirta goob dhigi lahaa jiingaduu geline, 

Ninna uma garaabeen haddaan gaadhka laga hayne, 
Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye, 
Gumburigii bar baa joogsadiyo goroyo cawshiiye, 

Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye, 
Wuxuu gooni daaqii habsaday gubaddadii Hawde, 
Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa hadhaye, 

Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye, 
Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene, 
Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode, 

Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye, 
Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye, 
Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye, 

Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii maraye, 
Ahmigii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye, 
Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye, 

Basaas bay timihii uga go'een gaaridii dumare, 
Galowgiiiyo fiintii naf bay giida la hayaane, 
Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye. 

Garad Faaraxiyo Maxamuud Garaad ma leh gammaankiiye, 
Cood kama gurxamo dooxaddii garada fiicnayde, 
Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go'ayaane, 

Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la'aaneede, 
Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye, 
Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e, 

Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye, 
Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye, 
Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne, 

Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo, 
Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye, 
Gaagaabso oo aamu yaan gaar lagaa qabane!!!