Caanihii bay igala dibbatay

Xoolo lo' aan uga xil hayaa, ayaduna cada caanihii ayey igala dibatay:

Haduu jiray halyey iyo
Ruux loo han weynaa
Hog markaad gashaa iyo
Marka cadow ku haystiyo
Hardan maalintuu dhaco
Hawluhu adkaadaan
Qof aad tiri hubaashii
Waa ii halgamayaa
Markuu kaa habsaamee
Uu hawlo kale galo
Ama hagar la soo baxo
Habeen baad gudeysee
Har dharaara way noqon
Hadal iyo dhamaantiis
Markuu jiro hir doog lihi
Hareeraha dad buuxiyo
Noogeeya hebel iyo
Haasaawahaa badan
Maalmaha la kala haro
Howluhu adkaadaan
Hooyada ku qaadiyo
Koox lama huraaniyo
Hooskaaga mooyee
Inta kaa hartaa badan
(Wakiil)

AAMAGUUL:

Abwaanow Halyeeyow,
Anigaa Xogtaa haya,
oo Hawl cibaadiyo,
Hambalyiyo Nasteexiyo,
Sharaf baad ku haysaa,
Halka aad ku nooshahay,
ee Halyeyga keennee,
Nasashada halkeedii,
Hoodadaan u weyniyo,
Fursadaha u helayow,
Annaguna Hacoodkaad,
Hannaankiis tilmaantiyo,
Doqonkaa Hariirlee,
Markaad Hoyga kiisiyo,
Hareertiisa joogtana,
Ugaasowda kugu haya,

Markaad Hawlo dartood,
Hilinkiisa dhaaftana,
Xanta kuu halaynaya,
oo Habaarka qaba iyo,
Halkaad nugu ogayd bay,
Hawlihi adduunkiyo,
ibliis nugu horeeyaan,

oo Walaal Habheebnimo,
Cimri naga hallaaboo,
Habeen noo dumaayoon,
Qabuuraha halkoodiyo,
Hoyoshada sugayno un,
Mooyee Hannaan kale,
oon Haatan haynaa,
aysan jirin Halyeeyow,
ee adaa u haystoo,
Fursad badan u helayoo,
ibliis kugu hanqaarmee,
Maalmaha yaree haray,
ee Hoog ibliis iyo,
Mashquul hawlihiisii,
Rabbi kaa horaynayo,
noo ducee Halyeeyow,
Si markaad Halkaan iman,
ood nala hungoon ood,
Waqtaad Duco ku hawshiyo,
Fursad aadan heli karin,
oo Hallawyo badan iyo,
Cibaado hoobanaysiyo,
Hoosiisku imanayo,
aan Hadhowto kaashano.