TALO SOO JEEDIN Dhegeyso ama daawo Wax kugu filan
1. Baaqa beelaha | 2. Baaqa beelaha | 3. Baaqa beelaha

Ku: Guddiga Dhaqanka Beelaha Hawiye

Uj: Talo soo jeedin

Iyadoo maanka lagu hayo beelahani dhibaatada ka soo gaartey halgankii dheeraa oo aan lala wadaagin, ujeeddaduna aysan ahayn hanti iyo degaan boob, ama ummado kale ku duul (hantina wey haysteen dhul ballaaran oo aan cidi ku haysanna wey haysteen.), ayse ahayd kacdoon shacab (kacdoon waalli ah) oo ka kacay dulmi muddo dheer soo jiitamayey ee mar qura iska qarxay, inuu kacdoon waalli ahaana waxa marqaati ka ah (Maamul dhisan dumi iyada oo aan kii beddeli lahaa kuu dhisnayn).

dulmigaas kacdoonka laga sameeyey xanuunkii & uur-ku-taalladii uu lahaa waa kan sababay in maanta soomaalidu is aamini wayso, oo qabiil kasta is yiraahdo haddii qof reer hebel ah qabto sidii baa kugu dhacaysa.

Waxaa la idiin haystaa inay idinka muuqato cudud ciidan oo aan la loodin karin, oo wax lagu dumin karo, waxna lagu dulmin karo iyo in aad sidigta maqaar saarka diiddeen.

Haddaba dhibka aan saakay la idinla wadaagin oo maal iyo moodba la idiin huray si la idiin kar jebiyo, waxaad arkaysaan ummado aan dhaqan iyo dhalasho gaar ahi ka dhaxeyn in ay dhibkiinna u midoobeen, oo aan waxba lala harin xitaa Beesha Caalamkana ha noqotee, taas oo marka dhan laga eego ay ku saxnaan karaan, waayo Rubuc qarni ayaad qaran iska daaye maamuul beeleed samaysan wayseen, halka beelihii kale maamul goboleedyo samaysanayaan, adigiina kusii kala daadinayaan, xitaa caasimaddiinna nabadgelyo xumo loogu noolaan waayey, waxa ku dilayaana ay ilmahaagii yihiin, markaa inad xilligan cabataahi waa Nin hurdow ma lagu dagay?.

HADDABA MAXAA IDINLA GUDBOON?

1- Ugu horrayn & ugu dambayn waa in aad ilaahii idin abuurtay ka cabsataan oo aad cibaadadiinna dib u eegis ku samaysaan, badisaanna saddaqada.

2- Marka xigta waxaad hawl gelaysiin idinkoo og in aan talo soomaalida gacanta ugu jirin oo daqiiqaddii la doono caasimaddiinna cid an la aqooni duqayso (Musallad), kaddib markaad idinku horay caasimaddiinna qabiil-qabiil ugu duqayseen sagaashameeyadii.

3- Marka xigta bal si gaar ah ha loogu goto mawduucan  DHIBAATADA UU KHILAAFKU LEEYAHAY & QIIMAHA UU HESHIISKA & TANAASULKU LEEYAHAY, Fadlan arrinkan oday wax ka keeni mayee ha loo daayo culummada uu weli damiirku ku dambeeyo, oo aan diintoodii & aakhiradoodii siisan dhaldhalaal yar ee adduunyo, allaha u naxariisto Sh. C/Jaliil Xaaji Maxamed, ee bal talada arrintan ha loo dhiibo Sh. Abuukar Xasan Maalin, Sh. C/Qaadir Sh. Max'ed Raage & culummada la midka ah 

4- Marka xigta waa in aad ogaataan khilaafyo badan oo la soo maray dartiis in aydnaan caadi ahayn, oo la mid tihiin ruux ka soo dhacay diyaarad 40.000 Feet maraysay, ee dhulka ku soo dhacay ilaahayna geeri & dhaawac ka badbaadiyey, balse dawaqsan oo inuu noolyahay is taataabanaya, waxad ku garataan (Soomaaliyey) Muslim baad sheegatiin, in alla intii ilaahay xarrimay & intuu reebay baad wax u jeceshihiin, bal maansadan koobaysa waqti ku filan sii, ee teed beeninaysaan?

- kuna dar maansadan ka hadlaysa in uu jiro Heshiis weyn oo dhex maray soomaalida & ibliis, kuna yiri WAXA XUN AYAA FIICANE SAMEEYA, WAXA FIICANNA WAY XUNYIHIINE KA FOGAADA, bal iyadana tee la igu beeninayaa?

- Siina raaci Maansadan tilmaamaysa inaan maanta cidna wax kaa qaadanayn oo qalbigu xiranyahay

5- Maadaama aan talo soo jeedintan yar lagu koobi karin waxa dhibka keenay, Fadlan isku daya in aad 2 qof u xilsaartaan inay soo dhuuxaan maansooyinkan oo hal iyo 2 maahane ka wada hadlaya dhibkan wixii keenay iyo sida keliya ee looga bixi karo.

6- Xusuusnaada waxa   ciidammadan  qalabeeyey  Kuwan iska dayacanna qalabayn waayey, ee sida biciidkii labo-labo la isaga dilayo, waa Qabaliyo & cadow gabbaad ka soo dhigtay, inta qabaliyo jirtana, cadow shisheeye iyo mid gudaba wuu ku dullaysanayaa.

7- Marka xigta waa in aad AAD u fahamtaan, fahmiba maysaane, inta idin dhibaysa, inta hor boodaysaahi waxay wax ku kiciyaan ama iyagoon shaqsi-shaqsi ula hadlinba si indho la'aana loogu daba ordayaa waa magac Qabiil (yacni abtiriska aabbe), haddaba waxaa caado ah meeshii hal quwad oo aan tan Alle ahayn ee inta kale ka xoog badani ka jirto, in ay inta kale ku tumato, xitaa dawlad kaligi talis ah, Markaa waxa keliya ee aad Qabaliyo meesha uga saari kartaan waa in la helo wixii Balance garayn lahaa ama dheelli tiri lahaa, ee ay iyagu sidii laba tiir ee la isku tiiriyey isu tiirin lahaayeen, ogow oo haddii labada tiir mid la dhufto kan kale wuu soo dhacaa, wuxuu ka soo dul dhacana wuu qarribayaa, sidaa buu Abtiris aabbe ee Abtiris hooyo waayaa, cidduu u helaba u qarribaa, annaga keliya maahane Yamanba eeg, caalamka iyadaa u da' weyn, sideennayna Qabaliyo u dullaysatay oo qoortana ugu gelisay Qaad, Qoray iyo Qabri, S Darteed:

8- Waa in intiinna meel isugu timaadda dhab isuma taqaanniine aad horta dhab isu barataan, oo aad is weydiisaan labadiinna waalid labadooda ayeeyo & labadaas ayeeyo labadooda ayeeyo, 3 daas oday waxay ehel & qaraabo idinkaga dhigayaan dhammaan ummadda soomaaliyeed, markaad ogaataanna (Find out), waxa si toos ah u imanaysa in kii wax kicinayey aad kuwuu kicinayey adigani uga dhawaato, lana noqoto iyaga qaraabo & rixin hoose, markaana waxa xariggu u go'ayaa dhammaan kabo qaad & wuxuu kabaha u siday. 

TUSAALE KOOBAN:
Cid kaleba iska daaye adiga oo cabsiiye ah hooyadaana tahay ina suufi cali kobdheer (Daa'uud), haddii Ayaanle oo aad isku aabbe tihiin, dhanka hooyose tusaale ahaan aysan abgaal isugu imaan meel ka sokeysa Hiraab, uu ku yiraa kaalay Habar-gidir ama (Madarkicis) ahaan iila dil Daa'uud abgaal, haddiiba damiir yari kugu dambeeyo ma yeelayside waxad leedahay naga tag ma anigaad reer hooyadey dilaysaa!, waxa ay dadku u yeelaanna damiir li'i maahane waa aqoon la'aan, waayo Daa'uud baaba ku xiga oo hooyadaa ayuu dhalay oo waa awowgaa aadan la'aantiis jirteen, ayaanlase isku aabbe ayaad tihiin oo haddii uusan dhalan lahayn waad jiri lahayd.

9- In aad si degdeg ah u samaysataan Hoggaan Irir haddii aad waysaanna mid Hawiye oo aan laga dabo hadlin, kuna xulateen Diin, Waddaniyad, Shaqsiyad, Aqoon, Karti, Taariikh nadiif ah & in uu yahay ruux naxariis badan oo u damqada dhammaan uunka ilaahay, sida ay diinteennu na farayso. 

10. In aad caqliga iyo cududdiina midaysaan idinkoo u midaynaya is difaacid oo keliya, kana fogaanaya dulmi & duullaan laab-la-kac ah, iyo tallaabo kasta oo ku iman karta fudayd & xikmad la'aan.

11. Waa la idin daalinayaa, la idin dhibayaa ee waa in aad la timaadaan samir & dulqaad fara badan, kana fogaataan in aad xoog u adeegsataan beelaha kale ee walaalihiin ah, oo aad cunfiga (fierceness) ku beddeshaan siyaasad dabacsan oo ah walaalow maxaan isku dilaynaa cir qura ayaannu roob ka wada sugnaa, dhul qurana biyahaan ka wada cabnaaye? 

Xadiis marfuuc ah ayaa wuxuu leeyahay: Ma uusan laqin Addoon, laqmo uga qiimo badan hal laqmo oo Caro ah ee uu laqay, isagoo ku dalbaya raalli ahaansha Ilaahay Caza wa Jalla:


12. In aad hormoodka hadalka iyo ajendaha shirarka u adeegsataan iska xijisaan beelaha kale sida: Barawaan, Tunni, Garre, Gelledi, Silcis, Shiiqaal, Cawramale, iwm,  in ay iyagu gogosha dhigaan idinkoo kharajka bixinaya, inay afkiinna afka hawiye ama Irir ku hadlaan, runta ka sheegaan taariikhda sooyaalka ee la xiriirta Deegaan-dhaqankii hore halkuu ahaan jiray iyo siduu ahaan jiray, iyadoo la is-weydiinaayo maxaa isbeddelay, oo dagaalka keenay, waa la wada degganaan jiraye, lana oranayo yaan shisheeye noo talin, isku keen dilin isagoo ka faa'iidaysanaya khilaafkeenna qabaliyada qurunka ahi sababtay, annaguna tashanno, ajnebiga dalkeenna joogana iyo cid kasta oo naga dhan ahna luuqad midnimo oo xikmad & ilbaxnimo huwan kula macaamilno, WARKA XANAFTA LEH WAA XAARAAN DIIN AHAAN.
فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ لِنتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لاَنفَضُّواْ مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الأَمْرِ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ
13. Maxaa idiin diiday inaad Gogol kale dhigtaan idinka oo leh war maxaan isku dilaynaa oo isku kaanna diray, soomaali oo dhanba waa ilmo Irir Samaalee, oo Dir waa Dir Irir Samaale, Hawiyena waa Hawiye Irir Samaale, Daaroodna waa ilmo Doombiro Dir Irir Samaale oo Abti baa loo wada yahay, oo sidaas baa soomaali oo dhami u tahay ilmo Irir Samaale ama Irir Soomaali. Sidaas baan dhulka, Cirka & Badda soomaaliya u wada leennahay, oo ay run u tahay Soomaaliya Soomaali baa leh, qabaliyana waxay na gaarsiisay in khayraadkeennii Bad & Berriba annagoo ka baahan uu shisheeye ka hodmo, Hantideenna dhulkaa, rag kalaa ka hodmoo, annagaa hurudnee, hohey yaa waddanii shisheeyahaas noo bixinaya 1000 magac oo uu ku bannaysanayo hantida keliya ee aynu keligeen ifka ku lahayn, xitaa intaannu baahidii lafteeda kula noolaan weynay aynu dadyow aynaan dalalkooda la lahayn oo dal iska daaye xitaa aynaan af aqoon ayaan qaxooti & tuugsi ugu tagnaa oo na soo dhaweeya, kooda xunna na dilaa oo na dullaystaa una dul qaadannaa, ee sidaan shisheeyaha ugu dul qaadanayno si aynu isugu dul qaadanno, waa in aannu ducaysannaa oo waalidkii naga dhexeeyey si midnimo ah u xusnaa (u sheegnaa) oo aynu qarinta ka saarnaa, una ducaynaa si ilaahay noogu furo garashada uu naga xiray .
إِنَّا جَعَلْنَا عَلَى قُلُوبِهِمْ أَكِنَّةً أَن يَفْقَهُوهُ وَفِي آذَانِهِمْ وَقْرًا وَإِن تَدْعُهُمْ إِلَى الْهُدَى فَلَن يَهْتَدُوا إِذًا أَبَدًا
14- Inta aad rixinka goynaysiin ee aad halka odaygu ka soo jeedo la caabudayo, ilaahay wuxuu xarrimayna dartiis loo samaynayo, hooyadii la sinnaydna ay doofaarka duurka jooga idinkaga liidato ee aad ehelkeedii & faraceediiba laynaysaan, qofba qofkuu ka sii liituu idin dullaysane, dunida kale ha lug goynina, naftiinnana been ha u sheegina oo yaan waqtigu idinka lumine labadiinna mitir ee hadhowna kolley la idinku cadaabi doono sii qota:
أَفَتُؤْمِنُونَ بِبَعْضِ الْكِتَابِ وَتَكْفُرُونَ بِبَعْضٍ فَمَا جَزَاء مَن يَفْعَلُ ذَلِكَ مِنكُمْ إِلاَّ خِزْيٌ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ يُرَدُّونَ إِلَى أَشَدِّ الْعَذَابِ وَمَا اللَّهُ بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ
Daliil intaa sii dheer haddaad rabto halkan akhri oo sabar aad ugu fiirsato u lahaw .. 15- Xooluhu dabo la xiriiriyey leeyihiin, Bini-aadankuna dibno la xiriiriyo, Nin Rag ahi walaalow wuxuu ku dhaamo la waa, Wax midnimo lagu waayeyna kala tag lagu waa, Bisaddu qofka u naxariista way ku sahataa, kan dhibase muuqiisa ayey ka carartaa, SD dadka kula dhaqma u dhimrin iyo dulqaad badni, kaddibna qofka dad idiin necebi, idnkuu dad idiin jeclaan doonaa oo Allaa caddeeyey:
ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ
Xikmad waayaha laga dhalaaliyeyna waxay leedahay:
أحسن إلي الناس , فطالمااستعبدالإنسان إحسانڪ , تستعبدقلوبهم
16- Dulqaadka Sabarka iyo caradaada oo aad ka qariso ruuxaad carada u qabtay leeyihiin - Bal xikmadda sabarka ama samirka eeg - Waxan Internetka ka raadiyey murtidii Abwaan Soomaaliyeed oo Reer Boorama ah Axmed Siciid Daahir (Afguriye), waxan ka helay 4 maanso oo keliya, afartuna waa u xal dhibaatada na haysata ee si fiican ha loo dhuuxo. - Sidoo kale intan Internetka ku jiray waxan arkay qayla dhaanta ka dhacaysa Maanso-yahannadii soomaaliyeed oo u muuqda quus ay ka taaganyihiin ummaddoodii ay wax u sheegi lahaayeen, waxan ka soo qaatay Maansadan ee bal iyadana ha loo fiirsado. 17. Bal dib u eeg ninka odayga ah ee Baraawe Maamuli jiray Cabdullaahi Xalane, marna ma ahayn Guddoomiye ee wuxuu ahaa Gud. Ku xigeen, wuxuu samayn jiray haddii labo wiil is-diriraan, mid Hgidir midna ama Tunni ama Barawaan oo la xiro wuxuu markiiba sabab la’aan soo damiinan jiray midka beelaha kale, ilaa ay gaaraan iney tolkiis isu yimaadaan maalinta xigta iyagoo leh, waxaasi waa ceebe intuu wiilkeenii soo damiintey inuu wiilkiisii ku sii jiro waa ceeb ee aan annaga damiinano, markay u yimaadaan ayuu yiraah labada wiil midna wuu yimid midna waa loo yimid iwm. Waa ku dayasho wanaagsan, waana lagu jecel yahay ilaa maanta. 18. Wax iska dhiciya kaliya xal ma ahnee caqligu ha taliyo, Su'aal la dhex dhigay Internetka ayaa ahayd Caqliga & xoogga jirka kee fiican?, sida roobka ayey ugu daateen caqliga ayaa fiican, jawaabahoodii waxa ka mid ahaa: - caqligu wuxuu kuu addoomiyaa oo aad boqor ugu noqtaa ummad badan oo haddey caqli kaaga u dhigma heli lahaayeen si fudud kaala wareegi lahaa, - Hadduu xoog caqli u dhawaan lahaa, Maroodibaa dunida xukumi lahaa, - Caqliga ayaa kaa dhiga Sayidka xoogga. - Adoo aad u tabar daran ayaad Caqliga ku samaysataa xoog kan ugu badan dunida oo ah Nugliyeerka. - Anna waxan raacsaday Markii 100 Ruush ah ka badan uu badda gunteeda kula hallaabay gujis ay wateen, ee Ruushku ka quustay, Norwey oo ka tabar daran baa uga soo badbaadisay, waana cilmi ay dheerayd, cilmina xoog kuma yimaade caqli buu ku yimaad, - Soomaalidu inta ayy leeyihiin ma shaashi baa wax na tari karta ayey ku cirib go'aysaa, ee keeda ugu yar ha kaashato, sida Nato ba isu kaashato, oo yurub u midowday. - Xusuusnaada dunida waxa hor booda maraykan iyo ingiriis, labaduna magacooda loogu yeero ayaa midnimo ku jirtaa. 19. Maxaa is-reeb reebkii dagaallada sokeeye kaligiin idinku reebay? Bal ka fekera (Why? 20. Hadii beeshu dagaal iyo muran ka bixi weyso, waa cillad hoggaan xumi oo Hoggaanka beesha ayaa la beddelaa, siyaasaddana waa la rogrogaa, laakiin tallaabo kasta miisaan iyo dulqaad badan ayaa lugu xalliyaa. 21. Gunaanadka: waa inaad yeelataan: Hoggaan dhaqan iyo Hoggaan Siyaaso oo ah hormood Beeleed ka madax bannaan Golayaasha Dawladda, kuwaas oo soo jaangooya hab dhaqanka wanaagsan ee loola dhaqmayo beelaha kale iyo qaabka siyaaso ee loola dhaqmaayo Dawladda ama loola talinayo, mar kastaba Bulshadu waa in ay leedahay isterateejiyad dhaqan iyo Siyaasad isku dheelli tiran. - GUNAANAD: Ilaahay SWT ayaa yiri: Ilaah & rasuulkiisa addeeca (oo waxay idin fareen fartooma, waxay idinka reebeenna ka hara), Ha is khilaafina haddii kale waad ku fashilmaysaan (Makhluuqa kale hortiisa oo sirtiinna ayaa baxaysa), markaad ku fashilantaanna xurmo & karaamaba waydin dhaafeen, (ilaahay wuxuu ka jawaabayaa sidii iyadoo looga cawday, ilaahow sideen yeelnaa kuwo habaaran baa wax nala leh oo aan midnimo iyo sharaf dan ka lahayne, markaa wuxuu sii raaciyey ilaahay) Sabra, ciddii sabarta ilaahay baa garab taagan oo uga hiillinaya cid kasta oo dhib la doonta.
وَأَطِيعُواْ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلاَ تَنَازَعُواْ فَتَفْشَلُواْ وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ وَاصْبِرُواْ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ

- Inta ilmo hiraab + ilmo Madarkicis aysan Heridiid (Murusade) abtinimo ku dhawrayn Ilmo Hiraabna adeer-adeersanayaan, Heridiidna ilmihii gabdhihii walaalihiis ahaa dhaleen ee Hiraab iyo Madarkicis la dhaleen uusan abtinnimo ku dhawrayn. - Inta ilmo daarood ismaaciil aysan hooyadood Doombiro Dir Irir ehelkeedii waalidnimo ku dhawrayn, Dir Irir iyo Hawiye Irirna gabadhii Doombiro ee ay waalidka u ahaayeen ilmaheedii ilmannimo ku dhawrayn. - Inta Odaygii Qabiilka la xusayo ee aan Hooyadii Qabiilka Waraabaha laga aqoon. - Inta Soomaali oo Hooyo sida shabaqa caarada ehelnimo isugu xirtay aysan ehelnimo isugu dhawrayn ee rixinkii xiriirintiisa Alle faray goynayaan, cadowgood gacantay u galeene waxba yey lugaha ka firix-firixsiine dullinnimo ha isu dhiibaan iyagaa sharaf iyo karaamo diidaye. - Inta irirya daarood arlada lagu abuuraayo, abtirsiima baas iyo intaan ficilka oogayno ehel iyo aqaaribo intuu shacabku eegaayo .. SII AKHRI NB: - Yeysan idinka hoos bixin ciddii ku dhaqaaqada fulinta xiriirinta Rixinka soomaaliyeed, waa Cadawga keliya ee uu leeyahay Cadawga Ummadda Soomaaliyeed, SD, waa inuu diyaar u ahaadaa inuu naftiisa difaacdo ee uusan meel cidlaa is dhigin, Allena talo saarto. - Haddii aad u baahatid aayadaha Qur'aanka, si fudud uga baaro HALKAN ama HALKAN KALE ama TAFSIIRKAN ama Sh-Umal_Maqal ama Sh-Dirir_Youtube