Dagaalkii Badar oo la ogaa culayskii uu lahaa & guushii asaxaabada & nabigu scw ka soo hooyeen, balse markii saxaabadu isku khilaaftay Hantidii ay ka carartay qurayshtii soo weerarka tagtay, Qur'aankii ugu horreeyey ee soo degay kama hadlin dagaalkii dhammaa ee malaa'iktu ka qayb qaadataye wuxuu ka hadlay xallintii khilaafka:
يَسْأَلُونَكَ عَنِ الأَنفَالِ قُلِ الأَنفَالُ لِلَّهِ وَالرَّسُولِ فَاتَّقُواْ اللَّهَ وَأَصْلِحُواْ ذَاتَ بَيْنِكُمْ وَأَطِيعُواْ اللَّهَ وَرَسُولَهُ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
- Rasuulka scw oo raba inuu sheego habeenka Laylatul-Qadriga qofkii cibaado keliya sameeyaahi uu la ajar yahay isagoo 83 sano & dhawr bilood ciibaadaysanayey, markuu arkay 2 saxaabi oo is khilaaftay oo murmaysa intuu kala celinayey buu illoobay:
Xadiis marfuuc ah wuxuu suubbanuhu saxaabada ku yiri: ma idiin sheegaa wax ka darajo badan Salaat & Soom & Saddaqo ? waxay dhaheen HAA, wuxuu yiri Heshiis dadka la dhex dhigo, Fasaad dadka la dhex dhigana waa XIIRTO, Xadiis kale ayuu rasuulku scw ku leeyahay
Waayo meel khilaaf jiro nabadu ma taallo, meel aan nabadu oolna nololu ma taallo, hadde dad aan nololba haynna cibaado sax ah ma samayn karaan.
Bal sharraxaaddeedan yar si fiican u akhri
Rasuulku wuxuu yiri scw, khilaafku waa xiirto, oo dhihi maayo timahay xiirtaa ee diintay xiirtaa
|