Axyaa wadanii - 1945 kii
Qasiiddadan waxay curatay sanadku markuu ahaa 1945, wuxuu xaajigu digniin ka siinayaa ummadda soomaaliyeed in aysan dib uga dhicin xilka ka saaran xoreynta dhulkooda, Wuxuu hogatusaaleynayaa in aan la hilmaamin oo laga foojignaado tabaha isticmaarka , indho ka carraynta uu ummadda kula dul wareegayo iyo kuwa uu u soo ijaartay, wuxuuna yiri: 

Axyaa wadanii axyaa wadanii axyaa wadanii
axyaa wadanii yaa soomaaliyahey axyaa waddanii.

Sallallaahu calaa suubbanow nabigii wacalayhi salaam
zaciimu ambiyaa wakadaa yusammaa somalul waddanii.

Isu aammin noqdaay abtirsiimo nacoy ashahaadka qiroo
illaallaahu badshoo ninkii ooga kalaa ixdar yaa waddanii.

Burhaantaan la wadoo buug soomaali ku taal nimankii badda'oo
billowgeeda lahaa bud haddii ay galeen balla yaa waddanii.

Tawba yaa rabbiyow tubtu ceebo tirow tol soomaali ahow
tii horaa tukcatee tixdad haatan waddaan toosi yaa waddanii.

Jeyshka leego ahow Jundigii ururow jowhartii rabbigey
jawaabtiisa maqloo cadowgoodu jabow Jisman yaa waddanii.

Xaasid leego xantoo xumahooda wadaa xor ahaan ma raboo
xiska waa ka dhintee xaabo qaad ha noqdee xoora yaa waddanii.

Khaa'in khayrka nacoo khabaar been ah wadoo khaaska leego duraa
khilaaf uunka tusaa khafiif baa ku jiree khuduu yaa waddanii.

Deg Soomaaliyaheey dawadii muslimaay dalka kiinna nin aan
darbanaan ku degayn dareenkiinna qaboo diida yaa waddanii.

Raxiimkeenna allow rabbigeenna ahow run soomaali ka yeel
ra'yigaan ay wadaan ninkii aan rabsanayn reeba yaa waddanii.

Sakaaraad nin ogoo su'aal loola fadhow u sujuud rabbigaa
sayyi'aadka tiroo samaan kuu beddelee samcan yaa waddanii.

Shiikha shaaficigiyo shanta diin muslinkaan shafiicii nabigaa
nin sheegtaa mahadshoo shiddo looga koree shukran yaa waddanii.

Dhulka kiinna dhaqoo nin dhumaa ka dhacshoo dhugya maan bixiyoo
dhammidiin is dhaxloo dhogortiinna madow dhawra yaa waddanii.

Cumrigiis nin bogtoon codya maan garanoo adoo ciidda lahaa
cadowgaa naf ka doon canaad baa ku jiree caqlan yaa waddanii.

Gob soomaaliyaheey garaadkii ururow gun ahaan ka baxoo
giddi waaxid noqdoo gibilkiinna madow gooba yaa waddanii.

Fekeraad badiyoo is fackaalka nacoo faqrigaad ku jirtaan
fidnaduu ka kacee far soomaali noqdoo fahman yaa waddaniii.

Qaaddirkey rabbigey qoodihii ku tegaa intii qaara lahoo
qaneecaadka qabtaay qun u joogsada oo qaada yaa waddanii.

Kan kanaa ka tagoo kas iyo maan bixiyoo karaamaysu qaboo
kalaamkeyga maqloo kacoo joogsada oo kaaha yaa waddanii.

Laabta yaad la'dihiin lakab baad ku jirtaan lihigiinna dhulkaa
dad ninkii lulluloon leegadiinna ahayn looma yaa waddanii.

Midabkeenna madow mulkigiinna dhulkaa makri baa ku jiree
haddaad mooggantihiin mid walaala noqdoo maqla yaa waddanii.

Naf soomaaliyaheey nimankii nabbahow nasab waysu naxoo
nactankii ma jiree nooligiinna madow nuura yaa waddanii.

Wallaahaa la maroo waaxid baa na ogaa war soomaali u roon
wajigii an ahayn in wadood aragtaan wayxa yaa waddanii.

Hanuun baa la heloo hawaan haatan qabnaa hantideenna dhulkaa
rag kalaa ka hodmoo annagaa hurudnee hohey yaa waddanii.

Yaqaankaad la'dihiin yamees baad ku jirtaan yaryaweyn kulligiin
yed soomaali ku taal yarxam haysu gashoo yeela yaa waddanii.

Sallaallaahu calaa suubbanow nabigii wacalayhi salaam
zaciimul ambiyaa wakadaa yusammaa somalul wadanii