ARKI MAYNO
Waxaa barkumataal noqotay midnimadii ay ummadda soomaaliyeed ku hanatay xurnimada,
madaxdii ayaa gacmihii musuqmaasuqa ku dhex dhacay taas oo si isweydaar ahna u
waxyeellaysay danihii guud ee dadweynihii iyo isku duubnidiisiiba,. Waxaa si nool
qarqarsi beel ahna la isugu jeestay habar wacasho "Yaa taqaan" ayuu ahaa jidka la
isku toydo, ee maxaad taqaan waa la iskala yimid, xaalkuna meel qaraar ayuu isugu
biyo shubtay.


Waa taa ugu darrayd in ay nabadgelyadii iyo xasilloonidii ka idlaatay waddanka,
meel kasta oo ay ummad soomaaliyeed joogteyba. waana lama illaawaan sidii foosha
xumayd ee dadka la isugu caraadin jirey , dhiillada iyo dakanahana dhexdooda
loogu abuuri jirey. Boob iyo dhac, anaa kaa itaal weyn baa meel kasta iyo xilli
kasta dadkii ka dhex aloosnaa.


Xaajiga oo aad iyo aad uga xumaaday arrimahaa foosha xun ee ka soconayey waddanka,
baa wuxuu la soo hiyi kacay tixdan hoose: Waxay ahayd gabaygan munaasabaddiisu
kaddib markii la gaaray gobannimo taam ah ee dadkii mas'uuliyiinta ahaa hilmaameen
itixaadkii lugu ballamay, xurriyaddan alugu dhaliyey islamarkaas ay soo nooleeyeen
magacii qabiil, eex iyo xitaa nafsaddii aadmiga oo weydey nabadgelyo, markaas ayaa
shaacirku xaaji maxamed axmed liibaan isagoo dadka uga digaya inaan qabiil dhalin
gobannimada la haysto wuxuu yiri:


inta irirya daarood arlada lugu abuuraayo
abtirsiina baas iyo intaan ficilka oogayno
anaaniyada eexdaa intaan ula dhabeyneyno

ehel iyo aqaaribo intuu shacabku eegaayo
ul-hayaha ninkii xiga intuu iridda boobaayo
ul-hayaha ninkaan xigin intuu iridda booyaayo

intuu aano kuu dili ninkay talo ag taallaaba
armaatigiyo aalada intaan labada iibsayno
nin islaam ah oofaha intaan kaga abbaarayno

inta gaal ilaah nacay sharciga looba aamminayo
allifaaduhuu dumay intaan xukun la aadeyno
ababkii orobbada intaan gacal arwaaxayno

asal nimaan lahayn iyo aqoon labada loo iisho
wootada inkaareed intuu lacag ku iibsaayo
isimkii markuu helo intuu ulaha qaadaayo
intuu aqalka soomaaliyeed erey ka taagaayo

edebtii islaamiga intuu amag ka siinaayo
itixaadka waajibay intaan kala illaabayno
oogada nadiifkaa intuu araggu been muuqdo
arrin duugan uun yari intuu guri la aadaayo
inta aabbe kii laga dhigtaa nugu ugaaraayo

arki mayno eelkoo baxey iluhu maaxdaane
arki mayno uun wada degaa gacalo awgeede
arki mayno aaminu rasuul axad walaalaahe
arki mayno cadow soo ordood talo ku aaddaane
arki mayno calamkaa ifoo aammin loo yahaye

aawada warkeygaa waxaan hadal ku soo ooday
ninkii ila akeekami lahaa hay ag joogsado e
yuu iga il biqil kii is yiri ereygu waa beene
intaasoo alhuumaa haddaan ku isticmaalayno
nimanyohow adduun lama arkoo waa allaahu akbare
aakhirana waa laga ordoo lamaba aadeyne