Qabuuraha qoomka nool, abwaanka sameeyey ciddii taqaan ha noo soo sheegto
MP3 ama YOUTUBE 

Lixdii qoomaha lahayd, ayaa qado laga casumay
qabuuraha qoonka nool, kuwii qoday baa u qaday
qamaamiirtii sarsare.

Qurisku meeshuu ku jirey, markay qooraansadeen
mid quud jecel baa qawaday, qorshaha dheeraad ka damac
ma quurena waa qadduuc, intuu qaadaba ka qubay
qoslaayana qaybta ba'an, qaskiyo sheekada qarriban
qosol & maad ka dhigay, fixdiisii buu qabsaday
ilkuhu waatey qubteen

ninkii qoonsiga badnaa, qixdaa bixi qalad ka fahan
xumaan loo qariyey mood, qasdigu waa aniga yiri
qadwaan & qaar la bood, qab weynaa faan qabsaday
is qaad-qaadyoo is qoox, qar & buuro isla fuul
wuxuu yiri qoon allow, anoo kaliyaa qummane
dadkaan kale qiimo ma leh, 

Ninkii quursiga badnaa, asaan weedhaa la qabin
qadaad & qoob ka eeg, warkiisii ruux qarwiyo
waxaan qabad gelin ku sheeg,

halkaasaa lays qabsaday, qir & hirig baa dhacdoo
qabay uur gubo la yiri, sidii qaan dibe la yaac
kabaantii lagu qamaam, qabaalkii madaxa dare
qablame qoor-garabtankii, qablame qayliyo sawaxan
qabyow kii qoob cuslaa, qarraac noqoy kaan qatimin

mid quutiyo kii qaldhabey, la qulub quudkii xumaa
qudiyo xeere isku dhace, dabeetana qayladiyo
qubtii Haabiil ku toos, qabuurta ka soo hilhilay

qalyuub dheer buu ahaa, qabriga waayuu ku jirey
aboor baa qoray lafaha, indhaha qaybtaa dhexiyo
qundiga dhuxushaa maqnaay, 

qabuuraha qoomka nool, kuwii qowmiga ahaa
qabyaalada sharaf u qabay, wax kala qaad-qadi jirey
walaalaha qaybin jirey, u qume haabiil qushuuc
qosol lagu soo dhawee, qiiroodoo qaar ku burur
qalcad sare looga yeer, qudbeey oo hadal la yiri
wuu qaybtaa ku helay, qayaadada loogu xulay
qaburaha qoonka nool, ninkii qoday buu ahaa
qabyaalada ruux u dilay, qur gooyada dunida baray

ilaa qaabiil markii, walaalkiis qoorta jaray
tukuhu qaylada ma deyn, markuu dhiiggii qulqulay
qalbigu waa suu u jabay, qaq-duu yiri buu ku tegay
hadduu weli qaaddanyahay, wuxuu qaaqda u hayaa
qiyaas orod aan lahayn, qublaha ugu roorayaa
wuxuu qaybtaa dambiyo, qadaadka u fiiriyaa
qax weeyee qayla dhaan, qodmiya duugmaa u taal
qariidada lagu kafniyo, qoryiyo loox buu sidaa
kan lagu qaaduu wadaa, xabaal baa u qarax la'ayd
qabyey hawshii u tahay.

Qisadu yaab lahayd, ninkii qaaruun ahaa
qabkiyo qaabkii qarribay, iblays suu wax u qarribo
adduun suu wax u qatalo, habkuu eebbe u qallibay
qaraarkii mawtka iyo, qaxankii jahannamaad
dadkiisii uga qisee,

u qire qoonkii jeclaa, u qabe ruux qiimo badan
inuu qaninnimo adduun, quruxdiyo xoolihii
qasnadihiisii hantida, qabriga kaligiis ka galay
naftiisa u qaawanyahay, quraanjada miil u yahay
qariidaan qadiyo subax, 

Qasaariyo qoomammaay, kuwii qaaruun u qabay
inuu yahay ruux u qalan, inuu quursado naflaha
qabbaankiisii noqdaan, ku qooqoo qun u milkiyo
qiyaaskoodii ma dhumay, markuu qallinkii engegay
ma qaateen qalad marjuuc?

Qarnigii nabi aadan iyo, qaruunteenna haddaa
ilaa iyo qawmu nuux, wixii qooqaa qarqamay
amaan qaab kale u dhumay, fircoon qoodha u ahaa
qareenkooduna iblays, sidii eebbe u qallibay
markay qaadaa-dhigeen, qabuuraha qoonka nool
qoraa weyn oo ka mida, qalbigu waa hore engegay
qofnimadi mootantahay, qolofkuna dibedda yaal
ayaa sheekada qabsaday, dunaaVV  laga soo qulqulay
dad baa qaarada ka yimid, murtida soo qaybayey

illey marayahay qurxoon, qatal baa kugu jirtee
waxaad qaaliga u tahay, qofaan jirin baad jishaa
illeen qawl lagu hadlaba, qofkii yiri buu ku baray

afaan samo loo qorayn, qubaashka inuu ka tago
maxaa qiimo ugu sugan!

wuxuu qoday laab qarmuun, wuxuu qabay buu qufacay
qaras buu soo matagay, ma qarine waa qaftamay

Habluhu qalabkay xirtaan, quruxdooda u astura
ku qaatee labada qiil, quraankiyo qawlka nabi
ku qaameeyoo ku qadaf, khatar iyo halis ku sheeg
ku qiimee shey qubxi ah, qisas baali ah ku sheeg
u qoontee duul qalaad, 

wuxuu qaladkaas u galay, jariimada loogu qoray
ilaahiis ugu qaldamay, qabriga nolosha ugu galay
qudhiisa u aasayaa, qarbiga suu wax uga helo
qalinka inuu ka gado, qolyaha diintaan ka dhana
qaruumo islaamka neceb, 

Qabuuraha qoonka nool, qadiyo dhuunaa u daran
quddoo subag laa ku filan, kan qaataa waa qoslaa
quwaaxu hadduuna ruqin, wadaamuhu qaadin maax
qumbaha loo darin fandhaal, qawade qoortana gembiye
qandhabe quus iyo yuhuun, qabriga nolshaa ku duma
qiyaamuhu waw markaas.

Qof wali qawlkiis hadlee, qorina qiiqiis uree, 
qisana yaabkeeda lehe, qarkii bari fooshayoo
qanaan qayliyo sawaxan, dhulkii qaban waayey oo
khatartuu soo wadiyo, qumbuladaha laga baqoo
agtiisii laga qaxoo, quraanja dhalay miyaa ?

Hankii loo qabay ma qubay, hablaha qaawanida nacay
qarsaday qaaliga sirtaa, quruxdoodii asturay
maxay qaladoo galeen?

Ditoorrada qayliyiyo, qoraayada daba dhigtay
qimaarkiyo marada adag, maxay uga qayliyeen?

Su'aashaa qaabka daran, jawaabteedoo qayaxan
tilmaan lagu qeexi karo, qisiyo maahmaah u qalan
fudayd lagu qaadan karo, qaamuuska haddaan ka dayo

qoom baa daayeer qarkiyo, qalfada saarnaa wax badan
rabbaayad u soo qabsaday, qallayf bahal buu u yahay
haddana qoon buu lahaa, qush iyo daaf baa qarribay
qabyuu araggii ka dhigay, qun aan wax u eegi karin

quraarado arag sidaa, dabeetana loogu qoray
qasaaro waxay ka timid, qirdow daanyeer miyuu
muraayado qaadan jirey?

qadaadka u dambuu gashaday, qanaaciyo nuur ma helin
haddana qoobkuu ka lulay, qam weeyaan weli mugdigu
mar kale soo qaadyey oo, qarqarkiyo dhabarka saar
markuu quustuu qallacay, qaniinyo intuu la dhigay
quruurux markay noqdeen, ayuu qoonkii u gaday
wixiinnii qaata yiri,

qur ah kuma gaabsanine, qalkaa hoosiyo bishmaha
qaniinyo intuu is jaray, ayuu yiri qaaddirow
qasmiya nidar waxan ku maray, qiyaamaha igu ballama
qaraabtaa dhagaxa liyo, halkey iga soo qabteen
qaroonta markaan dhex galo, qabiilada aadanaay
qaladkaad iga gashiyo, qalloocaad igu fasheen
inan qaarkiin ka jaro, qudhayda u aarsadaa

Murtidu way qeexantahay, qud bay ku aroorsantahay
run bay u qafaalantahay, qaddiyad bay hiil u tahay
quluub bay jaal la tahay, qasdiga meeshaan la rabay
far waaweyn baan ku qoray, waxaynu ka qaadannaa
jahligu suu wax u qarribo, waxaan meel loogu qorin
tacliin lagu qaabbilsiin, nafluhu qaladkuu ka galo

Qabuuraha qoomka nool, shareecada qaaligaa
qaflad bay kaga jiraan, qalbiga nuur looma gelin
qar iyo buur baa ka xiga, dabeetana way qasaan ----------
xadiis bay quursadaan, quraankay hadal geshaan
qismiga dhaxalkay duraan.

Iskuulladu maaha qalad, qurux weeye ammaan
aqoontu dadkay qortaa, qof nool bay suubisaa
qalbiga dumay bay dhistaa, qalloocay toosisaa
qanaaco naftey bartaa, qabyaalada way huftaa
qabkiyo kibirkay dishaa, 

Ninkii qooqow qudhaa, horaa khalal kuugu jirey
qofnimadaadaa jabnayd, adaa maahmaah u qalan
hal adag maan kaaga qoro, nin khayrkaa oo mar jirey
qoraagow maan ku baro!

Qumman hooyoy ahayd, dad wiil qurahay qabtaa
la qaaduhu waa agoon, qabraa aabihi la dhigay
qaraabana kama dambayn, qudheeduna waa sabool
qaxar bay noloshu tahay, qoryiya muufey gaddaa
qamiir bay iibisaa, qaddaadiicday heshiyo
waxay soo qaban kartey, qurbaha ugu dhoofisoo
tacliin soo qaado tiri.

Qudhiisu qofkay xuntahay, qabiixnimo loo qaddaray
maxfuudkana loogu qoray, qoraannimo uu bartiyo
qasnada lacaguu heliyo, qallinku ma saacidoo
khasaaruu kororsadee, khamriyo doofaar ka dhereg
wixii lala soo qabtiyo, qaxarkii laga soo mariyo
qoftii korisana illow, 

dabeetana waa qisee, markuu soo qallin jebshoo
dhulkiinnii qaba la yiri, ayuu dib u soo qulqulay

qumman waa oommantahay, qorraxday taagantahay
qalbigu waa gubanayaa, hilowgiisay qabtaa

qacday aragtoy is tiri, salaan dhab u qiimo badan
halkaa laabtaa ku qabo, qalbiga wiilkaaga saar
ayaa hooge is quturay, wuxuu yiri khayr ma hele
duqdaadaa soo qarqari, qoftaadaa dheertigaa
salaan kama qaadayoo, qoraannimadaan bartiyo
qabkaygaa diidayee, qubayso markaaga hore!

Qummannoo qaarkii dambiyo, qabow lugihii noqdeen
quwad iyo tabar gabeen, gacmaha lawyaha ku qaban
qamandhaco shagax ku tiri, ayaa qabadhuursatoo
ilmada soo qubatay iyo, cod ay oohini qastoo
qix iyo hinraag u badan, qummaatiba loo maqlayn

ayey tiri qoolifow, ilaah baa qaaddiroo
xisaabtaan qaadayee, qamiirkaan kugu korshiyo
canjeelaan kuu qasee, quraac maan kaaga dubo?

Wuxuu yiri waa qaraar, qashin weeyoo ma cuno
jirraa laga qaadayaa.

waxay tiri qoolifow, waxaan quud heli kariyo
qudhaydaba waa nacdee, kacoo jiif qaado oo
qolkaagii hore bal aad!

wuxuu yiri waa qarmuun, qarbuushkaan aragga daran
sariiraha qanaxyadaa, quluul yaa seexan kara
maxaa habaryahay qarriban, halkaa aniga igu qaban ?

waxay tiri qoolifow, qiyaasta intaad maqnayd
dhaliishaydoo quraad, malaha soo qaayibtee
wax kale soo maadan qaban,

waxaan qoontayda gelin, amaan qadaf igu ahayn
miyaan qoonkii ku barin?

waxaan nahay qoon muslima, ummada qayb baan ka nahay
qiblada bari baan degnaa, qab baan leennahay wax naca
han aan sidan qaadan karin, ninkaan qabinow qudhaa
qabbaan dhaqan kale ahaw, dad kale qawsaar u noqo.