28- JACFAR BIN ABII DAALIB

"Amiirka muhaajiriintii u qaxday xabasha'


Su'aalahan ka jawaab inta aadan akhrin casharkan....


Reer Banii Cabdi Manaaf waxaa ka mid ahaa shan nin oo si aad ah ugu ekaa muuqaalka Rasuulka (scw), waxayna shantaas nin ee sida aadka ah ugu ekaa Rasuulka (scw) kala ahaayeen:-


  • Abuu Sufyaan Bin Al-Xaarith Bin Cabdil-Mudhalib oo ay Nebiga (scw) ilmo adeero ahaayeen.
  • Qutham Bin Cabbaas oo isna ay Nebiga (scw) ay ilmo adeero ahaayeen,
  • Assaa’ib Bin Cubeyd Bin Cabd Yaziid oo ahaa Imaamu Shaafici awoowgiis
  • Xasan Bin Cali oo ay dhashay gabadhii Rasuulka (scw) ee Faadumo
  • Iyo ugu danbeyntii saxaabiga aan sheekadiisa qaadanayno ee Jacfar Bin Abii Dhaalib oo ay walaalo ahaayeen Cali Bin Abii Dhaalib.


Rasuulka (scw) iyo Cabbaas oo kala qaatay..

Ma ahayn ekaanshahaasi keliya mid muuqaal ah, hase ahaatee wuxuu Jacfar Allaha ka raalli noqdee uu sidoo kale ku sifaysnaa akhlaaqdii wanaagsanayd ee uu lahaa Rasuulka (scw). Abuu Dhaalib oo ahaa Jacfar aabihiis inkastoo maqaam iyo sharaf weyn ka joogay Qureysh, haddana wuxuu ahaa xaal-mastuur oo aan lahayn hanti badan iyo iyadoo ay u dheerayd isagoo lahaa caruur badan. Abuu Dhaalib, waxay xaalad adag la soo gudboonaatay sannadkii abaarta darnayd ay ku dhufatay guud ahaan degmooyinkii ay degganaayeen qabaa’ilka qureysh. Reer Banii Haashim waxaa maalintaas ugu dhaqnaa oo xoogaa fiican hanti haystay Muxammad Bin Cabdillaahi (Rasuulka (scw) oo aan xilligaas la soo saarin) iyo sidoo kale adeerkiis Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib.


Rasuulka (scw) wuxuu Cabbaas ku yiri hadalladan "adeer, walaalkaa Abaa Dhaalib waa caruur badan yahay, dadkiina waxaa isugu darsamay waxaad aragtid oo abaar daran ah iyo xanuunka gaajada, ee ina-kaxeey oo aynu aadno Abuu Dhaalib si aynu uga qaadno qaar ka mid ah caruurtiisa, annigu waxaan qaadanayaa mid ka mid ah wiil ka mid wiilashiisa, adiguna waxaad qaadanaysaa wiil kale sidaas ayaan uga kaafinaynaa."


Cabbaas wuxuu ku yiri Rasuulka (scw) "kheyr iyo samafal ayaad iigu yeertay", kadibna waxay labadoodii aadeen Abaa Dhaalib, waxayna ku yiraahdeen "waxaan doonaynaa inaan xoogaa kaa khafiifino culeyska kaaga yimid caruurtaada si aan kaaga qaadno dhibataada abaarta ee dadkoo dhan saamaysay". Abuu Dhaalib wuxuu ku yiri "haddaad ii dhaaftaan Caqiil, sameeya wixii kale ee aad rabtaan", dabadeedna Rasuulka (scw) wuxuu qaatay Cali, Cabbaas-na wuxuu qaatay Jacfar.


Cali iyo Jacfar waxay maalintaas wixii ka danbeeyay ku kala wareegeen guryaha Muxammad Bin Cabdillaahi (oo aan weli waxyiga ku soo degin) iyo Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib. Cali Bin Abii Dhaalib wuxuu ku soo barbaaray gurigaas jeer Rasuulka (scw) lagu soo saaro diintii hanuunka iyo xaqa wadatay. Nasiib wanaag wuxuu Cali Bin Abii Dhaalib lambarka koowaad ka galay dhalintii ugu horeysay ee gasha diinta islaamka.


Jacfar oo isku-filnaaday:

Dhinaca kale, Jacfar isna wuxuu iskala noolaa adeerkiis Cabbaas. Markuu xoogaa weynaaday wuu soo islaamay, isagoo ka guuray gurigii Cabbaas kadib markuu isku filnaaday.


Abuubakar ayaa soo islaamiyay:

Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo xaaskiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bintu Cumeys inay soo islaamaan waxaa sababteeda lahaa Abuubakar Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee, waxayna ku beegnayd kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii Arqam Bin Arqam ee uu dadka diinta ku bari jiray.


Wiilkii reer haashimiga ahaa ee dhalinyarada ahaa waa Jacfare iyo gabadhii iyadana dhalinyarada ahayd ee Asmaa Bintu Cumeys waxaa islaamiddooda awgeed kala soo gudboonaatay cidhiidhi iyo dhibaato weyn oo kaga yimid gaalladii Qureysh taasoo ay la wadaageen muslimiintii kale ee horey u soo islaamay. Jacfar iyo Asmaa dhibaatooyinkaas dusha ayay u dhigteen oo way u sabreen una dulqaateen. Maxaa yeelay, waxay si dhab ah u yaqiinsanaayeen in waddada Jannada loo maro lagu goglay laguna hareereeyay waxyaabaha ay nafta dhibsato.


Qoyskii Jacfar iyo Geeska Afrika:

Sidaa darteed, Jacfar Bin Abii Dhaalib wuxuu Rasuulka (scw) ka fasax qaatay isaga iyo xaaskiisa iyo qaar ka mid ah asxaabta inay u qaxaan dhulka Xabasha oo maanta loo yaqaano Geeska Afrika. Rasuulka (scw) wuxuu asxaabta u fasaxay hijradaas isagoo ka murugaysan. Waxaa culeys weyn ku ahayd oo dhibaysay in asxaabtaas qiimaha badan ee mu’miniinta ah lagu qasbo inay diintooda darteed loogu qaxiyo dhul aad u fog, iyagoo aanan gelin wax denbi ah, keliya waxa loogu dhibaateenayo ay tahay inay yiraahdeen "Allaah ayaa Rabbigeena ah". Ma aynan haysan muslimiinta maalintaas awood ay isaga caabbiyaan hagardaamada iyo dhibaatooyinka kaga imaanayay gaalladii qureysh.


Caddaaladdii Najaashi ayay ku nimcaysteen:

Muhaajiriintii saxaabada ayaa u anbabaxay dhulkii Xabasha, waxaana muhaajiriintaas qiimaha badan hoggaaminayay saxaabiga jaliilka ah ee Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markii ay soo gaareen Xabasha ama Geeska Afrika, waxay durbadiiba magangalyo weydiisteen boqorkii Xabasha ee caddaaladda iyo wanaagga badnaa laguna magacaabayay Najaashi. Waxay markii ugu horeysay saxaabadii muhaajiriintii ahaa dareemeen ammaan iyo nabadgelyo buuxda, laga soo billaabo markay soo islaameen. Waxay billaabeen inay si xor ah u muujiyaan cibaadooyinkoodii diinniga ahaa, iyadoo aynan arrintaas kala kulmin wax dhibaato ah.


Hase ahaatee, gaalladii qureysh markii ay maqleen in koox ka mid ah muslimiinta ay u qaxeen Xabasha, sidoo kalena ay magangalyo ka heleen boqorkii Xabasha ayaa waxay isku dayeen sidii ay muslimiintaas ugu soo celin lahaayeen magaalooyinkooda, dabadeedna ay u dili lahaayeen ama ay xabsiga ugu taxaabi lahaayeen.


Ummu Salama ha nooga sheekayso..

Ummu Salama Allaha ka raalli noqdee oo markaas la socotay muhaajiriintii muslimiinta ayaan sheekadaan inteeda badan ku soo qaadanaynaa waxyaabihii ay la kulmeen muhaajiriintii Xabasha u hijrooday, iyadoo ka sheekeenaysana waxay tiri "markaan nimid dhulka Xabasha waxaan la kulannay dad lala jaaro kuwii ugu kheyrka badnaa, diinteennii ayay nagu nabad geliyeen, iyadoo wax dhibaato ah aanan la kulmin ayaan Rabbigeen si wacan u caabudnay. Qureysh markay maqleen wararka la xiriira sidii na loo soo dhoweeyay waxay billaabeen inay nagu amar-taagleeyaan, waxay boqorkii Najaashiga u soo direen labo nin oo xoog badan, waxayna kala ahaayeen Camar Bin Al-Caas iyo Cabdullaahi Binu Abii Rabiica, waxayna labadaas nin wadeen haddiyado fara badan oo loogu talagalay boqorka Najaashi iyo wadaaddada kale ee isaga ka ag dhow. Waxay qureysh labadaas nin u soo dardaarantay inay haddiyooyinkaas ay siiyaan wadaaddada kaniisadda kahor intaynan ka hadlin boqorka Najaashi".


Kulankii Najaashi ee Camar iyo saaxiibkiis:

Ummu Salama oo hadalkeedii sii wadata waxay markale tiri "markii labadii nin ay yimaadeen Xabasha waxay la kulmeen wadaaddadii kirirstaanka ee u shaqeenayay boqorka, waxayna siiyeen dhammaantood haddiyadihii ay u wadeen, dabadeedna waxay ku yiraahdeen, waxaa dhulkii boqorka Najaashi soo gaaray qaar ka mid ah dadkeenii madaxa looga jiray, kuwaasoo diintii aabayaashoodii ay haysteen ka gaalloobay, waxay tafaraaruq geliyeen midnimadii tolkoodii, ee haddaan boqorka kala hadalno kuwaas arrinkooda, fadlan waxaad u sheegtaan inuu innaga faraha inoo soo geliyo isagoo aanan weydiin wax ku saabsan diintooda, ugaasyada iyo madaxda qabiilka ayaa si fiican dadkooda u yaqaana, ugana warqaba diimaha ay rumeysan yihiin.". Wadaaddadii way oggolaadeen codsigoodii oo waxay yiraahdeen "waa yahay".


Ummu Salama ayaa markale tiri, waxay Camar iyo saaxiibkiisii aad u dhibsanayeen inuu boqorka Najaashi uu u yeero mid innaga naga mid ah oo uu hadalkiisa u dhagaysto. Intaa dabadeed waxay Camar iyo ninkii la socday ay u yimaadeen Najaashi, iyagoo ku wareejiyay haddiyadihii ay ugu talagaleen, waxayna ku yiraahdeen hadalladan "boqorow waxaa boqortooyadaada soo magangalay qaar ka mid ah dhalinyaradeena kuwadooda shar-wadayaasha ah, waxay la yimaadeen diin aanan innaga iyo aabayaasheenaba aqoonin, way ka baxeen diinteennii oo mana aynan qaadeen diintiinii, innaga waxaa na soo diray tolka ay iyaga ka dhasheen ugaasyadooda oo ay ka mid yihiin aabayaashoodii, adeeradooda iyo kuwa ay qaraabada yihiin si aan iyaga gacanta ugu gelino, fitnada iyo dhibaatada ay abuureena iyaga (ugaasyadaas) ayaa naga badiya".


Boqorkii wuxuu jaleecay wadaaddadiisii, waxayna iyagoo hadalkii u riyaaqsan yiraahdeen "run bay sheegeen -boqorow-, tolkooda ayaa naga badiya, ee iyaga dib ugu celi iyagay jirtaa waxay ka yeelayaan". Boqorkii Najaashi oo aad uga carooday hadalkii wadaaddadii ka soo yeeray ayaa ku yiri "Maya wallaahi, marnaba lagama yaabo inaan dadkaas dalkooda dib ugu musaafuriyo jeer aan u yeero oo aan waxa uga weydiiyo waxa laga sheegayo, haddii labadaas nin waxay ka sheegeen ay sax noqoto iyagaan gacanta u gelinayaa, hase ahaatee waxa laga sheegayo waxaan ahayn hadday soo baxaan waan magangalinayaa oo waan wanaajin doonaa inta ay ila joogaan".


Markale Ummu Salama waxay tiri "intaa kadib wuxuu boqorkii Najaashi naga codsaday inaan la kulanno. Kahor la kulanka boqorka ayaa innaga dhexdeennii is aragnay, qaarkeen ayaa qaarka kale ku yiri "boqorka ayaa su'aal idinka weydiin doona diinteena ee aynu si cad ugu sheegno diinta aan rumeysanahay, waana inuu noo hadlaa Jacfar Bin Abii Dhaalib, yuusan hadlin qof kale oo aan isaga ahayn". Ummu Salama oo sii wadata hadalka misna waxay tiri "waxaan durbadiiba u dareernay boqorkii Najaashi, markaan soo gaarnay goobtii kulanka waxaan aragnay boqorkii oo ay weheliyaan wadaaddadiisii oo ay ka fadhiyaan dhinacyada midigta iyo bidixda, waxay soo gashadeen dhar khaas ah, kutubadoodii ayay is hor-dhigeen, waxaa sidoo kale goobtii kulanka fadhiyay Ergadii qureysh ee Camar Bin Caas iyo Cabdillaahi Binu Abii Rabiica.


Boqorkii ayaa xaggeenii soo eegay, wuxuuna nagu yiri: waa maxay diinta aad nagu soo kordhiseen oo aad awgeed uga baxdeen diintii ay tolkiinii haysteen, isla mar ahaantaana aynan u qaadanin diinteena iyo mid kale-toona?.


Jacfar oo su'aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: boqorow, waxaynu ahayn kuwo jaahili ah, waxaynu caabudi jirnay asnaamta, bakhtigana waynu quudan jirnay, xumaha ayaynu samayn jirnay oo qaraabo-goys ayaynu ahayn, jaarka iyo deriska ayaan dhibaatayn jirnay, keena awoodda leh wuxuu ku tuman jiray kan tabarta daran sidaas ayuu xaalkeena ahaa jeer uu ALLAH (sw) naga soo dhex soo saaro Rasuul aynu naqaano abtirkiisa, runtiisa, amaanadiisa iyo dhowrsanaantiisaba. Wuxuu noogu yeeray rumeynta Allaah, iyo inaan isaga keliya aan caabudno, isla markaasna aan faraha kala baxno wixii aynu innaga iyo aabayaasheenaba ay ku sugnaayeen oo ah cibaadada asnaamta. Wuxuu Rasuulkaas na faray run-sheega, gudashada amaanada, xiriirinta qaraabada, deriska oo la wanaajiyo.., wuxuu naga reebay xumaha oo idil iyo been-abuurashada, in la cuno hantida ay leeyihiin agoonta iyo gabdhaha dhowrsoon oo lagu tuuro xumaan. Wuxuu kaloo na faray inaan Allah "sw" keliya aan caabudno oo aanan u shariik-yeelin, inaan oogno salaadda, bixinno sakada iyo inaan soonno bisha ramadaan. Waan rumeynay, oo waxaynu si dhab u qaadanay wixii uu xagga Allaah kala yimid, xalaashii ayaynu xalaalsanay, oo wuxuu naga reebayna xaaraan ayaan ka dhiganay, intaa dabadeed boqorow waxay tolkeenii billaabeen inay nala collaytamaan, xanuun daran ayay na mariyeen si ay nooga celiyaan diinteena oo ay noo celiyaan cibaadadii asnaamta. Markii si daran ay noo dulmeen oo ay noo dhibaateeyeen ayaan u soo qaxnay dhulkiina, adiga ayaan dadkii kale kaa dooranay, waxaynu doorbidnay la deriskaaga, waxaan maciin-badnay inaan agtaada nalagu dhibaataynin.


Aayadihii saameeyay boqorka Najaashi:

Ummu Salama Waxay tiri "boqorkii Najaashi wuxuu jaleecay oo eegay Jacfar Bin Abii Dhaalib, wuxuuna ku yiri ma jiraan wax tilmaamaya wixii uu Nebigiina kala yimid xagga Allaah, wuxuuna Jacfar yiri HAA, dabadeedna wuxuu boqorkii ku dul aqriyay suuradda Maryama "kaaf-haa-yaa-cayn-saad- (Allaah ayaa og macnaha xuruufahaan), waa sheegid naxariista Rabbigaa u sheegayo addoonkiisa Zakariya, mar uu u dhawaaqayay Rabbigiisa dhawaaq qarsoodi ah, yirina Rabbiyow annigu waan tabar-yaraaday, madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana ahayn –Rabbiyoow- baryadaada mid ku khasaara....", wuu waday jeer uu Jacfar ka dhammeeyay dhammaan suuraddii Maryama oo ka kooban 98 aayadood.


Waxay markale Ummu Salama tiri "waxaa ooyay boqorkii Najaashi, ilmadii ka soo daadanaysay ayaa garkiisii oo dhan qoysay, wadaaddadiisiina way ooyeen markii ay maqleen aayadihii xaqa ahaa ee laabtoodii gilgilay, kadibna wuxuu boqorkii nagu yiri diintii lagu soo dejiyay Nebigiina iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise waxay ka yimaadeen hal meel, intaa dabadeed wuxuu eegay Camar iyo saaxiibkiisa wuxuuna ku yiri "iska taga, wallaahi ayaan ku dhaartaye inaanan (kuwan) gacanta idiin gelinaynin".


Hagardaamo kale ayaa lala damcay:

Ummu Salama waxay tiri, markii aan ka dhaqaaqnay fadhigii boqorka Najaashi waxaa na handdaday oo noo gooddiyay Camar Bin Caas, wuxuuna saaxiibkiis ku yiri, waxaan berito u tagayaa boqorka annigoo u sheegi doono hadal boqorka ku abuura inuu idin caroodo.


Cabdullaahi Binu Abii Rabiica ayaa ku yiri Camar: ha samaynin sidaas, inkastoo ay na khilaafeen haddana waa xigtadeenii. Camar ayaa markale ugu jawaabay adiga faraha iga qaad, wallaahi inaan boqorka u sheegi doono inay Nebi Ciise ka aaminsan yihiin inuu yahay addoon. Maalintii danbe markii la gaaray ayaa Camar wuxuu u galay boqorkii Najaashi, wuxuuna ku yiri boqorow kuwan aad magangalyada siisay waxay ku sheegayaan Ciise Ina Maryama hadal aad u weyn, sidaas darteed intaad u yeertid waxaad weydiisaa waxa ay Ciise ka aaminsan yihiin. Waxay tiri Ummu Salama, markaan arrinkaas ogaannay waxaa nagu soo kordhay murugo iyo tiiraanyo aanan horey noo qabsan, waxaynu is niri, hadduu boqorka wax naga su'aalo Nebi Ciise (cs) maxaynu niraahnaa??. Waxaan isla garanay inay habboon tahay inaan su'aashaas aan uga jawaabno oraahdii uu Allaah ka yiri Ciise, innagoo wax kale aanan ku siyaadinin, dabadeedna wixii markaas kadib dhacayo ha dhaceen. Waxaan markale isla garannay inuu noo hadlo Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markaan hor nimid boqorkii Najaashi, wuxuu na weydiiyay waxa aan ka aaminsannahay Ciise Ina Maryam, wuxuuna Jacfar ku yiri boqorka “Nebi Ciise waxaan ka leenahay oo keliya waa wixii uu nooga waramay Nebigeena Muxammad (scw)”. Boqorkii ayaa raaciyay su’aashaan “waa maxay waxaasi??”.


Jawaabtii Jacfar ee Nebi Ciise (cs):

Jacfar oo ka jawaab bixinaya Nebi Ciise (cs) ayaa yiri "waa addoonkii Alle iyo Rasuulkiisa.....". Markii uu boqorkii Najaashi maqlay hadalkaasi wuxuu gacanta ku garaacay dhulka, wuxuuna yiri.. “ma jiraan wax ay ku kala duwan yihiin Nebi Ciise (cs) iyo nebigiina”. Sawaxan iyo buuq ayay isku dareen wadaaddadii kirishtaanka ee ag fadhiyay boqorka, iyagoo caro ka muujiyay hadalka ka soo yeeray boqorkoodii.


Boqorkii Najaashi oo si weyn ugu qanacsan sharaxaaddii muslimiinta ay ka bixiyeen diintoodii ayaa ku yiri “socda oo waxaad tihiin kuwo la nabadgeliyay, qofkii idin caaya waa la ganaaxayaa, qofkii idin dhibaateeyana waa la ciqaabayaa, wallaahi ayaan ku dhaartaye kuma doorsanayo in la i siiyo buur dahab ah oo markaasi qof idinka mid ah ay soo gaarto dhibaato”, kadibna wuxuu boqorka eegay ergadii Qureysh ee Camar iyo saaxiikiis isagoo ku yiri “ ha loo celiyo labadaan nin haddayadahoodii, waayo uma baahnin”.


Ummu Salama waxay tiri, Camar iyo saaxiibkiis oo qoomameenaya ayaa dib dalkoodii ugu laabtay, hase ahaatee innaga waxaan si maamuus leh u sii joognay dhulkii Xabasha.


Toban sanno ayay Xabasha joogeen:

Saxaabigii jaliilka ahaa ee Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo afadiisii Asmaa waxay geeska Afrika si nabad ah ugu sugnaayeen toban sanno. Hase ahaatee, sannadkii toddobaad ee hijriga ayaa waxay iyaga iyo koox saxaabada ka mid ah ku soo laabteen magaallada Madiina. Imaanshihii Jacfar iyo muhaajiriintii ka timid Xabasha iyo Rasuulka (scw) oo markaasi ka soo laabtay duulimaadkii Khaybar ayaa wada kulmay, waana kadib markii la furtay Khaybar.


Soo dhoweyntii Rasuulka (scw) ee Jacfar:

Suubbanaha Rasuulka (scw) si aan la tilmaami karin ayuu ugu farxay imaanshaha Jacfar, intuu laabtiisii sharafta badnayd ku soo dumay Jacfar ayaa wuxuu ku yiri “ma waxaynu ku faraxnaa furashada Khaybar mise imaanshaha Jacfar??.


Farxaddaasi uu Rasuulka (scw) ka muujiyay imaanshaha Jacfar kama yareyn tan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan kuwii masaakiinta ahaa ay ugu farxeen imaanshaha Jacfar iyo asxaabta kale. Maxaa yeelay, Jacfar wuxuu aad u xiriirin jiray una dhaqaalayn jiray masaakiinta muslimiinta ee waxna aan haysan, waxayna taageeradiisa masaakiinta ay keentay in loogu magac-daro “aabihii masaakiinta”. Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee oo arrinkan ka sheekeenaya ayaa yiri “haddaynu ahayn jamaacada masaakiinta Jacfar wuxuu noo ahaa qofka noogu roon dadka, gurigiisa ayuu intuu noo kaxeeyo ayuu na soo siin jiray waxa yaala oo cunto ah..”.


Jacfar oo hoggaaminaya dagaalkii Mu’ta:

Joogistii Jacfar ee uu dunida saarnaa ayaa soo yaraatay. Sannadkii siddeedaad hijriga billowgeedii wuxuu Rasuulka (scw) diyaariyay ciidan la dagaallama ciidamada Ruum ee ku sugnaa gobolka Shaam, wuxuuna ciidankii muslimiintii madax uga dhigay Zeyd Binu Xaaritha, wuxuuna yiri “haddii la dilo Zeyd ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya Jacfar Binu Abii Dhaalib, Jacfar haddii la dilo ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Cabdullaahi Binu Rawaaxa haddii la dilo ama la dhaawaco markaasi muslimiinta ha iska dhex doorteen mid iyaga ka mid ah..”.


Labo ciidan aan isku aadin xagga tirada:

Muslimiintii markii ay gaareen Mu’ta oo ah tuulo ku taalla Urdun ee Shaam ayaa muslimiintii waxay ogaadeen inay ciidamada Roomaanka ay diyaarayeen ciidamo gaaraya 100 000 qof, boqolkaasoo kun oo ay taageerayaan boqol kun kale oo isugu jira gaallada Carbeed ee ka tirsan qabiilooyinka Lakhm, Judaam iyo Qud-h-aaca iyo kuwo kale oo badan, halka ciidamada muslimiinta ay gaarayeen oo keliya 3000 ciidan. Saddex kun oo ciidan ayaa wuxuu la dagaalamayaa labo boqol oo kun (200 000) oo ciidan, waa labo ciidan oo aan isku aadin.


Hase ahaatee, waxyar kadib waxaa billowday dagaalkii ay dagaallamayeen ciidamada muslimiintii iyo kuwii kale ee gaallada ahaa. Hoggaamiyihii ciidamada muslimiinta Zeyd Binu Xaaritha ayaa jiidda hore ee dagaalka ku naf-waayay sidiina ayuu ku shahiiday, Allena uga baryaynaa inuu u naxariisto.


Dhinaca kale, waxaa durbadiiba hoggaankii si geesinimo ku jirta ula wareegay saxaabiga aan ka sheekeenayno ee Jacfar Binu Abii Dhaalib isagoo ka soo dagay faraskiisii. Si xammaasad weyn ku jirta ayuu dagaalkii u galay, waxa keliya ee u muuqanayay waxay ahayd Jannada iyo bilicdeeda ballaaran, neecowdeeda iyo biyaheeda macaan, xuurul-ciinteeda loo dhammeeyay quruxda, webiyadeeda kala nooca ah intaasoo ay sii siyaadiso rajada weyn ee uu ku qabay raalla ahaanshaha RABBI (sw) taasoo uusan wax kale ku doorsanaynin. Wuxuu tiriyay tix gabay ah oo uu kaga hadlayay sida loo xanuujin doono ciidamada Roomaanka ee qarka u istaagan in la ciribtiro.


Jacfar oo dagaalka ku shahiiday:

Wacdarro weyn ayuu Jacfar goobtii dagaalka ka muujiyay, isagoo sita seeftiisa wuxuu dhex jiiray ciidankii roomaanka, isagoo kii ka soo hor-baxaba uu qoorta ugu dheereenayay seeftiisa ayaa markii danbe waxaa laga dhaacaway oo laga gooyay gacantiisii midig, calankii ayuu misna ku qaaday gacantiisii bidix, markale ayaa misna laga dhaawacay oo ay go’day gacantii bidix kadibna laabtiisii ayuu damcay inuu calanka ku qaado, hase ahaatee dhufashadii 3-aad oo darnayd ayaa jirkiisa laba dhinac ka kala dhigtay. Intaa kadib waxaa calankii la wareegay geesigii 3-aad ee Cabdillaahi Binu Rawaaxa ilaa isna laga dilo oo uu ka shahiido. Dhammaantood Allaha u naxariisto kana raalli noqdo, waxay dhinteen iyagoo u taagan difaacidda diinta ALLAAH (sw).


War degdeg ah oo Rasuulka (scw) soo gaaray:

Rasuulka (scw) oo ku sugan magaallada Madiina ayaa waxaa gaaray khabar degdeg ah (waxyi ahaan) kuna saabsan geeridii hoggaamiyaashiisii qiimaha badnaa, si daran oo xanuun badan oo aan la tilmaami karin ayuu geeridooda uga tiiraanyooday. Wuxuu aaday guriga Jacfar oo ay ilmo adeero ahaayeen. Guriga waxaa joogay afadiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bint Cumeys oo ku rajo weynayd ninkeedii oo nabad qaba inuu ku soo laabto gurigiisa iyo reerkiisa. Diyaargarow fiican ayay arrinkaa ugu talogashay, cunto macaan iyo caruurtii oo ay u qubaysay oo ay qurxisay si ay si wadajir ah ay ugu qaabilaan aabahoodii ay sida daran u jeclaayeen.


Tiiraanyadii Qoyska Jacfar:

Asmaa oo dareenkeeda maalintaas cabbiraysa ayaa waxay tiri “markii uu noo yimid Rasuulka (scw) waxaan wejigiisa qiimaha badnaa ka aqristay murugo weyn, waxaa naftaydii gashay cabsi, hase ahaatee ma aanan jeclaysan inaan weydiiyo su’aalo ku saabsan arrinta ninkayga Jacfar, cabsi awgeed aan ka qabo inaan maqlo war aan i farax gelin. Rasuulka (scw) wuu na salaamay, wuxuuna intaa kadib igu yiri waxaad iigu yeertaa caruurta Jacfar, waana u yeeray. Caruurtii oo faraxsan ayaa xagga Rasuulka (scw) ku soo cararay, mid walba oo caruurta ka mid ah wuxuu doonayay inuu ku dhago ama qabsado jirka Rasuulka (scw). Dhinaca kale, Rasuulka (scw) isna wuxuu ku soo foorarsaday caruurtii, isagoo dhunkanaya isla mar ahaantaasna ay indhihiisii sharafta badnaa ay ilmeenayaan.


Waxaan ku iri –hooyaday iyo aabahay ha lagugu furtee- maxaad la oonaysaa?? Ma Jacfar iyo labadiisii saaxiib ayaa dhibaato soo gaartay?. Wuxuu Rasuulka (scw) “HAA.., oo maanta ayay shahiideen”. Markay hadalkaasi uu yiriba waxay farxaddii iyo muusoodkii isu baddashay naxdin iyo walbahaar. Caruurtii yaraa ee faraxsanaa markay maqleen oohinta hooyadood waxaa ka soo haray degganaansho lagu hareeyay tiiraanyo daran.


Ducada Rasuulka (scw) ee Jacfar:

Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuu iska tagay isagoo iska masaxaya ilmadii buuxisay labadiisii indhood, wuxuuna lahaa waqtigaas iyada ah hadallo macnihiisu ahaa “Allahayoow waxaad Jacfar (qoyskan) ugu baddashaa wax khayr badan, Allahayow qoyska Jacfar baddal wanaagsan sii”, kadibna wuxuu yiri “waxaan Jannada ku arkay Jacfar oo leh labo garbood oo dhiig leh..”. Haa, Allaah (sw) waa mudan yahay inuu ku abaaliyo Jacfar darajadaas qiimaha badan, waxaana halkaas ku dhammaatay sheekadii Saxaabigii jaliilka ahaa ee Jacfar Binu Abii Dhaalib oo aan Allaah uga baryayno inuu u naxariisto, kana raalli noqdo aamiin aamiin aamiin.


Su'aalo ku saabsan Saxaabigan ka akhri halkan...