14- ASMAA BINTU ABII BAKAR

" Asmaa waxay gaartay 100 sano iyada oo aan ilig iyo gaws midna ka dhicin welina aan caqli doorsoomin"

Waxay ka dhalatay qoys wada saxaabo ah:

Saxaabiyadda aan markan sheekadeeda qaadanayno waa gabadhii loo dhammaystiray sharafta iyo wanaagga. Aabaheed waa Saxaabi, awoowgeed waa saxaabi, walaasheed iyaduna waa saxaabiyad, ninka qaba isna waa saxaabi, wiilka ay dhashayna waa saxaabi. Intaas oo keliya ayaa ammaan iyo sharaf ugu filan. Aabaheed waa saxaabi, waana saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubar As-siddiiq ee ahaa saaxiibkii Rasuulka (scw), dhinaca kalena ahaa khaliifkii Rasuulka dhimashadiisa kadib.


Awoowgeed waa saxaabi oo waxaa la oran jiray Abuu Catiiq oo ahaa waalidkii Abuubakar (rc). Gabadha ay walaalaha ay ahaayeena iyaduna waa saxaabiyad, waxaana magaceeda la yiraahdaa Caa’isha ahaydna hooyadii mu’miniinta. Ninkeeda isna waa saxaabi, waxaana la oran jiray Zubeyr Binu Al-Cawwaam, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii inta badan u gargaari jirtay Rasuulka (scw). Wiilka ay dhashayna waa saxaabi, wuxuuna ahaa Cabdullaahi Binu Zubeyr dhammaantood waxay ahaayeen wada saxaabo, Ilaahna ha ka raalli noqdo. Si kooban haddaan u iraahdo gabadhaas aan xusnay magaceeda waa Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ka mid ahayd asxaabtii kulansatay astaamahaas wanaagsan ee ah in qoyska ay ka dhalatay ay dhammaantood ahaayeen muslimiin/saxaabo, halka saxaabada kale aynan qoysaskooda sidaasoo kale ahayn oo ay ku jireen kuwo aanan muslimiin ahayn.


Mar hore ayeey islaamtay, Nebigana (scw) wuu u duceeyay:


Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ka mid ahayd asxaabtii goor hore soo islaamay.
Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ka mid ahayd asxaabtii goor hore soo islaamay, waxaa iyada horteed soo islaamay oo keliya 17 qofood oo isugu jira rag & dumar. Asmaa Bintu Abii-bakar waxaa lagu naanaysi jiray ”Bidaati Al-nidaaqayn” taasoo loola jeedo tii labada suunka lahayd ama tii labada maralayda ahayd, sababta loogu magac darayna waxay ahayd, iyadoo u samaysay Rasuulka (scw) iyo aabaheed Abuu-bakar sahay ama saad maalintii ay u haajirayeen magaallada Madiina. Waxay u diyaarisay sibraar, markii ay heli wayday wax ay ku xirto ayaa waxay jeexday suunkeeda (wax ay dumarka dhexda ku adkeysan jirayn) iyadoo labo u kala jeexday, dabadeedna waxay mid ka ah labadii maro ee ay jeexday ku xirtay kiishka ama qariiraddii sahayda ku jirtay, tii kalena waxay ku xirtay sibraarta.


Nebiga (scw) ayaa markii uu arkay waxa ay Asmaa sameysay ugu duceeyay inuu Ilaah ugu beddelo labo suun Jannada dhexdeeda. Sidaa darteed wixii maalintaas ka danbeeyay waxaa Asmaa lagu naanaysi jiray gabadhii labada suunleyda/ maralayda ahayd.


Waxay ninkeeda u ahayd tusaale wanaagsan:


Asmaa Bintu Abii.Bakar waxaa guursaday Zebyr Binu Al-Cawwaam, xilligaasna wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan hanti lahayn. Ma lahayn adeege u shaqeeya, sidoo kalena ma haysan hanti uu ku quudiyo caruurtiisa aan ka ahayn faras uu dhaqan jiray. Asmaa Bintu Abii-bakar waxay Zubeyr u ahayd xaas wanaagsan, way u adeegi jirtay, faraskiisana way u daryeeli jirtay, laf-timireedka ayeey faraska u tumi jirtay, dabadeedna u calfin jirtay, jeer maalintii danbe uu Ilaah hanti ka siiyo, wuxuuna Zubeyr ka mid noqday asxaabta kuwooda ugu hantida badan.


Waxay dhashay saxaabigii ugu horeeyay ee dhasha sannadka hijriga kadib:


Asmaa Bintu Abii-bakar markii ay u suurto gashay inay u haajirto/guurto magaallada Madiina iyadoo diinteeda la cararayso, ayaa waxay iyadoo safarka ku jirta umushay/dhashay Cabdullaahi Binu Zebeyr. Dhibaatada uu watay safarkan dheer kama uusan reebin inay gudato dacwada diinta Islaamka. Markii ay Asmaa timid xaafadda Qubaa ayaa waxay dhashay Cabdullaahi, muslimiintii oo dhan ayaa hal mar takbiirsaday (yiri Allahu Akbar), maxaa yeelay Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabigii ugu horeeyay ee ku dhasha magaallada Madiina isagoo muhaajir ah,


waxaa jiray dacaayado ka imaanayay munaafiqiinta iyo Yahuudda, iyagoo isla dhex marayay inay muhaajiriintii ay dabar go’een, marka sidaas darteed ayeey u farxeen oo u takbiirsadeen markii ay Asmaa dhashay Cabdullaahi, waxayna ahayd xilligaas billowgii sannadka hijriyada. Asmaa Bintu Abii-bakar waxay Cabdullaahi u gaysay Rasuulka (scw), iyadoo saartayna dhabtiisa. Wuxuu Rasuulka (scw) qaaday qaar ka mid candhuuftiisa, ka dibna wuxuu yeelay afkii Cabdullaahi binu Zubeyr, isagoo markaas u anqariyay (waxa ugu horeeya ee cunugga afkiisa gala) una duceeyay. Wixii ugu horeeyay ee gala laabta Cabdullaahi Binu Zubeyr waxay ahaayeen candhuuftii Rasuulka.


Asmaa waxaa looga tusaalo qaataa deeqsinimada:


Asmaa Bintu Abii-bakar waxay kulansatay astaamaha kheyrka iyo gobonnimada iyo caqli aad u qoto dheer, taasoo ay dadka ku yar tahay inay la yimaadaan astaamahaas. Dhinaca deeqsiga Asmaa waa looga tusaale qaadan jiray. Wiilkeeda Cabdullaahi ayaa isagoo arrinkaa ka sheekeenaya wuxuu yiri: ”ma aanan arag labo haween oo ka deeqsinimo badan habaryartay Caa’isha iyo hooyaday Asmaa, hase ahaatee qaabka deeqsimadooda way ku kala duwanaayeen. Haddaan ka hadlo deeqsinimada habaryartay Caa’isha iyadu waxayba ahayd tii shayga u gaysa shayga kale ilaa uu wixii ka bato, markaas ka dib ayaa maalkii waxay u qaybin jirtay masaakiinta. Laakiin, hooyaday iyadu waxna maba u keydsan jirin maalinta kale”.


Waxaa intaas Asmaa u sii dheereed iyadoo ay caqli badnayd, waxayna wanaajin jirtay go’aamada mararka ay xaaladdu qadhaadhaato. Maalintii uu aabaheed Abii-bakar hijroonayay isagoo la socda Rasuulka, ayaa wuxuu Abuu-bakar hore u sii qaatay hantidiisa oo idil, waxayna gaaraysay 6000 oo dirham, ilmihiisa wax maal ah ma uusan uga tegin. Markii uu ogaaday Abuubakar aabihiis oo xilligaas mushrik ahaa ayaa wuxuu u yimid Asmaa isagoo ku yiri, wallaahi waxaan arkaa inuu aabihiin musiibo idinkaga riday hantidiisa, kadib markii uu musiibo geliyay naftiisa.


Asmaa ayaa waxay ku tiri, awoowe, aabe wuxuu nooga tegay hanti fara badan.
Asmaa ayaa waxay ku tiri, awoowe, aabe wuxuu nooga tegay hanti fara badan, dabadeedna waxay qaadday dhagaxyo quruurac ah oo ay ku ridday meel daaqad oo kale ahayd oo ay ku ridan jirayn lacagaha, waxayna ku duuduubtay maro. Waxay qabatay awoowgeed (wuxuu ahaa indhoole) iyadoo ku tiri, bal kaaley arag inta uu aabe maal nooga tagay. Gacantiisa ayuu inta meeshii geliyay ayaa wuxuu yiri, wax dhib ah maleh.., haddiiba waxan oo idil idinkaga tagay aabihiin wuu wanaajiyay. Waxay Asmaa sidaas u samaynaysay, bal inuu odayga xanaaqin iyo inaynan maalka Abuubakar waxna ka siinin. Dhinaca kale, waxay Asmaa necbayd in qof mushrik ah uu ku sheegto abaal, waloow uu qofkaas noqdo awoowgeed.


Marnaba taariikhdu ma illoobi karto mawaaqiftii geesinimo ee Asmaa..:

Taariikhdu haddii ay illowdo mawaaqiftii Asmaa oo idil, lagama yaabo in la illoobo caqli hufnaantii ay Asmaa lahayd, go’aankeedii adkaa iyo weliba iimaankeedii xoogga badnaa maalintii ay la kulmaysay wiilkeedii Cabdullaahi kulankeedii ugu danbeeyay. Taasina waxay ahayd markii wiilkeeda Cabdullaahi loo doortay khilaafada, ka dib dhimashadii Yaziid Binu Mucaawiya, ayna isaga u hoggaansantay dhammaan dhulka Xijaaz, Masar, Ciraaq, Khuraasaan iyo dhammaan magaalooyinka Shaam.


Hase ahaatee, reer Banii Ummayya iyagu kama suulin inay diyaariyaan ciidan lixaad leh oo la dagaallama ciidanka Cabdullaahi, ciidankaasoo uu hoggaaminayo Xajjaaj Binu Yusuf Azzaqafi. Labadii Ciidan waxaa dhex maray dagaallo ba’an. Hase ahaatee, ciidamadii Cabdullaahi ayaa waxay bilaabeen inay in-yar in-yar gadaal ugu gurtaan, wuxuuna markii danbe ku cararay Kacbada, isagoo isaga iyo intii la socotayba ay magan galeen Kacbadii sharafta badnayd.


Dardaarankii Asmaa ee wiilkeeda Cabdullaahi:


Kahor dilkii Cabdullaahi saacado kahor ayaa wuxuu Cabdullaahi u soo galay hooyadiis Asmaa - waxay ahayd habar waayeel ah oo weliba indhoole ah- wuxuuna ku yiri: "Assalaamu caleyki waraxmatullaahi wabarakaatuhu hooyo". Waxay ku tiri: "Wacaleyka-Salaam Cabdullaahi"., maxaa saacaddan ku keenay, iyadoo dhagaxyadii ay tuurayeen laan-cigaaleedkii (nooc ka mid ah qalabyadii dagaalka ee waagaas) Xajjaaj ee ay ku tuurayeen ciidamadaada ay gilgilayaan guryaha magaalooyinka Makka gilgilid!. Cabdullaahi wuxuu yiri, waxaan u imid inaan kula tashado. Asmaa waxay tiri, waad ila tashanaysaa!!…, maxaad igala tashanaysaa?!. Wuxuu yiri, dadkii way i hoojiyeen wayna iga tageen iyagoo ka cabsanaya Xajjaaj, rajeynayana waxa agtiisa yaala, xittaa caruurtayda iyo ehelkayga way iga tageen, dad aad u yar oo ka mid ah raggayga ayaa isugu soo haray, kuwaasina inkasta oo ay sabraan, haddana ma sabri karaan wax ka badan saacad ama labo saacadood. Ergadii reer Banii Ummayya waxay igala hadlayaan inay i siiyaan wixii aan doonayo oo adduunyo ah, waana kaddib markii aan is dhiibo oo aan ballan la galo Cabdilmalik Binu Marwaan ee maxaad hooyo arrintaas ka leedahay? Asmaa codkeedii ayaa kor noqday, waxayna Cabdullaahi ku tiri:


"Arrintan adiga ayeey kuu taalaa Cabdullaahiyow, adiga ayaana naftaada og…. Haddii aad aaminsan tahay inaad xaq ku sugan tahay, aadna dadka ugu yeeraysid xaq, dulqaado oo adkeyso sidii ay asxaabtaaduba u adkeysteen kuwaasoo ku dhintay dagaalka… haddiise aad raadinayso adduunyo ogow inaad tahay addoon kan ugu xun: naftaada ayaad halaagtay, ciidankaagana waad halaagtay".


Dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad is dhiibtid:


Cabdullaahi ayaa hooyadii ku yiri: "Haddaba, waxaan shakki ku jirin inaan dhimanayo maanta". Asmaa waxay tiri: dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad naftaada u dhiibto Xajjaaj adigoo mukhtaar ah, markaasna ay madaxaada ku cayaaraan ilmaha reer Banii Ummayya. Wuxuu yiri: laakiin kama cabsanayo dhimmasho, waxaan ka cabsanayaa inay i jar-jaraan ka dib markay i dilaan. Asmaa waxay tiri: dhimmashada ka dib ma ahan wax uu qofku ka cabsado, laxda la garoocay ma xanuujiso maqaar-siibka. Waxaa farax darteed iftiintay wejiga Cabdullaahi, wuxuuna yiri, Allaha ku barakeeyo hooyo, annigu kuuguma iman saacaddan hadda ah illaa inaan kaa maqlo wixii aan hadda kaa maqlay. Ilaah wuxuu og yahay inaan maalinna tabar daroonin oo daciifin, Ilaah marqaati ayuu ka yahay in wixii aan sameeyay aanan u sameyn annigoo doonaya adduunyo iyo dhal-dhalaalkeeda, laakiin waxaan u halgamay caro Alle dartii ah.., hooyo, waa ikan annigoo ku socda wixii aad jeclayd, haddii la i dilo ha iga walbahaarin amarkaagana u dhiib Ilaah. Asmaa waxay tiri, waxaan walbahaari lahaa markii aad si xaq-darro ah aad ku dhimmatid.


Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba waxaad ku kalsoonaataa in wiilkaaga uusan weligiis u qasdin la imaansho shay munkar ah.
Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba waxaad ku kalsoonaataa in wiilkaaga uusan weligiis u qasdin la imaansho shay munkar ah, waxaad kaloo ku kalsoonaataa inuusan wiilkaaga uusan weligiis samaynin wax faaxisho/sino ah, sidoo kalena mana uusan ku jowr falin xukunka Alle, mana khiyaanin wax lagu amaanaystay mana u kasin dulmi qof muslim ah, mana jiraan wax uu ka door bidaayo raalli ahaanshaha Eebbe (sw). Uma lihi sidaas inaan naftayda ammaano, Ilaah ayaa naftayda iga og, waxaan u oranayaa hadalladaas inaan qalbigaaga geliyo sabirsiin iyo xasilooni. Asmaa waxay tiri, Waxaa mahad leh Allihii kaa yeelay waxa uu jecel yahay waxa aan jeclahay… ii soo dhawoow wiilkaygiyoow si aan u ursado udgoonkaaga una taabtana jirkaaga waxaa dhici karta in kulankan uu noqdo kulankii ugu danbeeyay ee aan ku arko.


Cabdullaahi ayaa ku soo foorarsaday hooyadiis isagoo dhunkanaya, iyaduna sankeeda ayaa waxay u dhoweysay madaxiisa iyo wejigiisa iyo dhuuntiisa iyadoo ursanaysa dhunkanaysana, labadayda gacmood ayaa waxay ku taabatay jirkiisa, ka dibna si dhaqsi leh ayeey gacmaheedi dib ugu soo celisay, iyadoo Cabdullaahi ku leh: Waa maxay waxa aad gashan tahay Cabdullaahi?!. Wuxuu yiri, waa cambuur bireedkayga (qalab la isaga difaaco seefaha iwm). Waxay tiri, wiilkaygiyoow waxa aad gashatay ma ahan wax uu qaato qof doonayo shahaado/shahiidnimo. Cabdullaahi wuxuu yiri, waxaan u gashtay inaan qalbigaaga dejiyo oo aadan iga nixin. Asmaa waxay tiri, wiilkaygiyoow iska siib, sidaas ayaa geesinimadaada ugu wanaagsan, xagga bootintana ku xoog badan, dhinaca socodkana ku fudud, sidaa darteed waxaad booskeeda gashataa saraawiil dhaadheer, si markii lagu dilo aynan cawradaada u feedmin.


Ducadii Asmaa ee wiilkeeda:


Cabdullaahi wuxuu siibay cambuur bireedkiisii, wuxuuna isku adkeeyay saraawiishii uu qabay, isagoo ku dhaqaajiyay dhinaca Kacbada si uu u sii wado dagaalka, isagoo hooyadiis ku leh: ”hooyo, ha ka noogin ducadaada aad ii ducaynaysid”. Asmaa waxay sare u qaadday labadeeda gacmood iyadoo leh: Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso istaagiisii salaadaha ee dhererka badnaa iyo oohintiisii darnayd ee uu oonayay mugdiyada habeenka iyadoo ay dadka hurdaan. Ilaahayow Cabdullahi ugu naxariiso gaajidiisii iyo haraadkiisii isagoo dhex jooga kuleylka daran ee magaallada Makka & Madiina isagoo weliba sooman…


Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso baarinimadiisa uu u baari falayay aabihiis iyo hooyadiis. Ilaahayow waxaan isaga u dhiibay amarkaaga, waxaana ku raalli noqdo xukunkaaga, Ilaahayow waxaad Cabdullaahi iiga abaal marisaa abaalmarka ay leeyihiin dadka sabarka badan (kuwaasna wuxuu Ilaah qur’aanka ku sheegay in abaalmarkoodu yahay xisaab la’aan). Qoraxda maalintaas ma ayan dhicin illaa Cabdullaahi Binu Zubeyr wuxuu ahaa mid haleelay dhowaanshaha Rabbigiisa sare, wuxuuna ku shahiiday dagaalka. Dhimmashadii Cabdullaahi markay ka soo wareegtay dhowr iyo toban maalmood ayaa waxaa haddana geeriyootay Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ahayd boqol jir, iyadoo aanan ka dhicin ilig iyo goos midna, caqligeedana uu tamaam yahay.