21- THUMAAMA BINU UTHAAL

"Wuxuu cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogay Quraysh."


Sannadkii lixaad ee hijriyada wuxuu Rasuulka (scw) go'aan ku qaatay inuu ballaariyo dadaalkii uu ugu jiray fidinta dacwada islaamka, isagoo siddeed dhambaalood oo qoraal ah u kala diray boqorrada carbeed iyo kuwa cajam-ba, wuxuuna dhambaaladiisa ugu yeeray boqorradaas inay soo galaan diinta islaamka. Boqorradaas loo diray dhambaaladaas ayaa waxaa ku jiray Thumaama Binu Uthaal Al-Xanafi. La yaab ma lahan inuu Thumaama ka mid ahaa madaxda iyo boqorrada carbeed waqtigii jaahiliga ee islaamka kahor. Wuxuu ka mid ahaa madaxda reer Banii Xaniifa, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa boqorrada reer Yamaama ee aan amarkooda marnaba la khilaafin.


Wuxuu isku dayay dilka Rasuulka (scw):

Thumaama Binu Uthaal ma uusan aqbalin dhambaalkii uu u soo diray Rasuulka (scw), isagoo iska dhega-tiray dacwadii xaqa iyo kheyrka xanbaarsanayd. Taasi waxaa kaba sii darneyd, isagoo sheydaanka uu tusay inuu isku dayo dilka Rasuulka (scw), iyo si uu wiiqo dacwadii uu Rasuulka (scw) xanbaarsanaa. Wuxuu Thumaama u kuur-galay sidii uu uga takhallusi lahaa Rasuulka (scw) hadduusan si kedo ah uga badbaadeen. Eebbe (sw) ayaa Nebigiisa ka badbaadiyay shartii uu la maagay Thumaama.


Hase ahaatee, Thumaama Binu Uthaal haddii uusan ku guuleysan dilka Rasuulka (scw), waxaa hubaal ah inuu ku guuleystay jirdilka iyo dhibaateynta qaar ka mid ah asxaabtii Rasuulka (scw). Wuxuu Thumaama u tafa xeetay leynta saxaabada jeer uu sabab ugu noqdo inuu laayo qaar ka mid ah asxaabtaas, dhinaca kale wuxuu banneeyay dilka Rasuulka (scw), isagoo arrinkaasna ogeysiiyay qabiilkiisa reer Banii Xaniifa.


Safarkiisii Makka:

Waqi badan kama soo wareegan, jeer uu maalintii danbe Thumaama Binu Uthaal go'aansaday inuu u kicitimo Makka, isagoo doonaya inuu soo cimreysto. Wuxuu Thumaama ka anbabaxay gobolkii Yamaama, isagoo ku sii jeeda xagga magaallada Makka, wuxuuna naftiisa ugu sheekeenayay inuu ku soo dawaafi doono hareeraha Kacbada iyo inuu u gowrici doono asnaamtii ku hareersanayd Kacbada.


Wuxuu gacanta u galay muslimiinta:

Goor uu Thumaama ku jiro socdaalkiisa, uuna u dhow yahay magaallada Madiina ayaa waxaa isagoo aan filanaynin ku soo baxay koox ilaalo ah. Ilaaladaas oo ka mid ahaa ilaaladii ciidamada muslimiinta waxay watigaas ku gaaf wareeganayeen degmooyinka ku dhow dhow magaallada Madiina, si ay uga hortagaan haddii uu cadow magaallada soo galo. Waxay ilaaladii soo kaxeysteen Thumaama Binu Uthaal, weliba iyagoo aan aqoon u lahayn ninka ay soo qafaasheen. Markii ay yimaadeen Madiina, waxay Thumaama ku xireen mid ka mid ah tiirarkii masjidka, dabadeedna waxay la sugeen Rasuulka (scw), bal si uu go’aan uga gaaro arrinkiisa.


Markii uu yimid Rasuulka (scw) masjidka, uuna damcay inuu soo galo gudaha masjidka ayaa waxay indhihiisa qabteen Thumaama Binu Uthaal oo ku xiran mid ka mid ah tiirarka masjidka. Rasuulka (scw) wuxuu weydiiyay asxaabtiisa “ma taqaanaan ninka aad soo qabateen?”. Asxaabtii waxay yiraahdeen “maya Rasuulkii Allow”. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri “waa Thumaama Binu Uthaal ee ahaa reer Banii Xaniifa, ee wanaajiya la dhaqankiisa”. Intaa kadib, wuxuu Rasuulka (scw) u laabtay reerkiisa, isagoo ku yiri “soo aruuriya wixii cunto ah ee aad haysaan, waxaadna u geysaan Thumaama Binu Uthaal”.


Maamuusiddii Rasuulka (scw) ee Thumaama:

Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) amray in hashiisa looga liso Thumaama subixii iyo galabtii, loona geeyo si uu dhamo caanahaas. Maamuusiddaas iyo wanaaggaas uu Rasuulka (scw) u qaddimayo Thumaama waxay dhacday kahor intuusan xabiibka Suubbanaha Rasuulka (scw) la kulmin ama uusan la hadlin Thumaama bin Uthaal. Intaa dabadeed, wuxuu Rasuulka (scw) soo aaday xaggii Thumaama, isagoo doonaya inuu si tartiib ahaan uu u soo geliyo diinta islaamka. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Thumaama: “maxaad haysaa Thumaamow?”. Thumaama wuxuu yiri “waxaan hayaa kheyr Muxammadow.., haddaad dishid waxaad dishay nin dhiig idinka galay, haddaad gallad sameysid-na waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddiise aad doonaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e’’. Wuu isaga tagay Rasuulka (scw), isagoo Thumaama ku xirnaa tiirkiisa labo maalmood, halkaasna loogu geynayo cuntada iyo cabbitaanka, loogana soo lisayo hashii Rasuulka (scw). Maalintii danbe ayuu Rasuulka (scw) u yimid Thumaama, wuxuuna markale ku yiri “maxaad haysaa Thumaamow?”. Thumaama wuxuu yiri, ma hayo waxaan ka ahayn hadalkii aan horey kuugu iri, haddaad gallad sameysid waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddaad dishid waxaad dishay nin dhiig idinka galay, haddiise aad daanaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e..


Haddana, sidii oo kale ayuu isaga tagay Rasuulka (scw), jeer uu misna markale u yimid, isagoo ku leh “maxaad haysaa Thumaamow?”. Wuxuu yiri: “hadalkii hore un baan hayaa.., haddaad gallad sameysid waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddaad dishid waxaad dishay qof dhiig idinka galay, haddiise aad doonaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e”. Intaa ka dib, wuxuu Rasuulka (scw) jaleecay asxaabtiisa, wuxuuna ku yiri “iska sii daaya Thumaama..”. Asxaabtii waxay xargaha ka fureen Thumaama, dabadeedna sidii ayeey ku sii daayeen..


Way saameesay wuuna soo islaamay:

Thumaama waxaa saameysay dabci wanaaggii iyo naxariistii Rasuulka (scw). Thumaama Binu Uthaal wuxuu ka dhaqaaqay masjidkii Rasuulka (scw), wuu sii socday jeer uu ka gaaray meesha loo yaqaano “Nakhl” una dhow magaallada Madiina, wuxuu yimid meel balli biyood ah, wuxuu ratigiisii ku xirtay toggii biyaha, dabadeedna biyihii ayuu isku daahiriyay, kadibna wuxuu u laabtay masjidkii Rasuulka (scw). Maba uusan iman goob ay ka buuxaan koox muslimiinta ka mid ah, jeer uu goobtii ka qiray shahaadada, wuxuuna yiri “waxaan qirayaa inuu jiro Allaha xaqa ah, waxan kaloo qirayaa Muxammad inuu yahay addoonkiii iyo adeegihii Alle (sw)”, dabadeedna wuxuu aaday Rasuulka (scw) isagoo ku yiri: “Muxammadow, wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin qof saaran dunida guudkeeda aan adiga kaa necbaa, hase ahaatee hadda wejigaaga wuxuu noqday wejiyada oo dhan kan aan ugu jeclahay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin diin aan ka necbaa diintaada, haddase diintaada waxaan ka jeclahay diimaha dhammaantood . Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin magaallo aan ka necbaa magaalladaada, haddase magaalladaada ayaan ka jeclahay magaalooyinka oo idil” Dabadeedna wuxuu intaa Thumaama raaciyay “waxaan asxaabtaada ka galay dhiig oo waxaan asxaabtaada ka laayay rag badan, ee maxaa igu waajibaya inaan sameeyo?”. Wuxuu yiri Rasuulka (scw) isagoo tilmaamaya samaaxada diintaan ay leedahay “korkaaga cannaan ma ahaanin Thumaamow, Islaamku wuxuu jaraa oo tirtiraa wixii denbi ee hore”, wuxuuna ugu bishaareeyay kheyrka iyo wanaagga uu Eebbe (sw) u qoray islaamnimadiisa awgeed. Waxaa farxad awgeed fur-furantay wejigii Thumaama Binu Uthaal, wuxuuna ku yiri Rasuulka: “wallaahi ayaan ku dhaartaye inaan mushrikiinta ka leyn doono labo-laabyo intii aan ka laayay asxaabtaada, dhinaca kale waxaan naftayda iyo seeftayda iyo cidda ila socotaba aan yeelayaa gargaarkaaga iyo u gargaarka diintaada”, wuxuu kaloo intaa ku daray “Rasuulkii Allow fardoollaydaada ayaa dhexda iga qabsatay annigoo doonaya inaan soo cumreysto, ee maxaad igula talinaysaa inaan sameeyo?”.


Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Thumaama “u kac gudashada cumradii aad u socotay, hase ahaatee waa inaad u gudataa sida waafaqsan shareecadda Alle iyo Rasuulkiisa”, isagoo barayna qaabka loo guto acmaasha cumrada. Thumaama ayaa u jiheestay magaallada Makka, isagoo doonayaa inuu soo cumreysto. Wuxuu istaagay bartamaha magaallada Makka, isagoo si sare codkiisa ugu qaadaya oraahda talbiyadda cumrada, isla markaasna leh “Labbay-ka-allaahuma Labbay-ka, Labbay-ka Laa Shariika Laka, Innal-Xamda Wannicmata Laka Wal-Mulk, Laa Shariika Laka..”taasoo macnaheedu yahay Ilaahayow adiga unbaan ku ajiibay oo ku aqbalay, waan ku ajiibay oo ma lihid Ilaah lagula wadaajiyo cibaadada, Mahadi iyo Gallad adigaa leh iyo boqortooyaba, Mana lihid Alle lagula wadaajiyo cibaadada.


Muslimkii ugu horeeyay ee gala Makka isagoo gudanaya cumrada:

Thumaama Binu Uthaal Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ahaa muslimkii ugu horeeyay ee gala magaallada Makka, isagoo talbiyeysanaya. Markii ay qureysh maqleen dhawaaqii Thumaama ayaa waxay hal mar ku soo qamaameen xaggiisa, iyagoo aad uga careysan falka Thumaama. Waxay la soo baxeen seefahooda, iyagoo soo aadayna dhinacii ka soo yeerayay dhawaaqii Thumaama, si ay u qabtaan ninkan ugu soo galay buulkoodii ama goobtii ay degganaayeen. Codkii Thumaama wuxuu cirka isku sii shareeray markii ay u soo dhowaadeen oo ay u yimaadeen qureysh, weliba isagoo si geesnimo ku jirto u eegayo xaggooda. Mid ka mid ah dhalinyaradii qureysh ayaa damcay inuu ku dilo Thumaama seeftiisa, hase ahaatee tolkiisa ayaa qabtay, iyagoo ku yiri “war miyaadan aqoonin ninka aad u fa-fakanaysid, waa Thumaama Binu Uthaal ee ahaa boqorkii Yamaama, wallaahi haddaad u geysatid dhibaato waxaa hubaal ah inuu naga jarayo sahaydii aynu heli jirnay, dabadeedna gaajo ayeeynu u dhimanaynaa”. Intaa kadib, qureysh waxay aadeen xaggii Thumaama kadib markay seefahoodii ku cesheen galalkii ay ku jireen, waxayna ku yiraahdeen “ma waxaad ka baxday diintaadii iyo diintii ay haysteen aabayaashaadii hore”. Thumaama wuxuu yiri “kama tegin diintayda, hase ahaatee waxaan raacay diin tan ugu kheyrka badan..., waxaan raacay diintii Nebi Muxammad”, wuxuuna intaa ku daray “Rabbiga kacbadan leh ayaan ku dhaaranayaaye inaydan idin soo gaari doonin kadib markaan ku laabto Yamaama kheyraatka Yamaama ka yimaada jeer uu kiina ugu danbeeya ka raaco Nebi Muxammad” .


Cunaqbatayntii uu Thumaama ku soo rogay qureysh:

Thumaama Binu Uthaal siduu Rasuulka (scw) u amrayba wuxuu cumreystay iyadoo ay arkayaan qureysh. U dhowaanshaha Alle awgeed ayuu u gawracay, oo ma uusan u gowracin sanamyadii ku yiilay hareeraha kacbada. Thumaama wuxuu ku soo laabtay magaalladiisa, wuxuuna tolkiisa amray in sahayda ay ka joojiyaan qureysh, sidiina ayeeyna ugu hoggaansameen amarkiisa, oo Thumaama wuxuu cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogay qureyshtii degganayd Makka. Qureysh waxay u adkeysan waayeen cunaqabatayntii uu ku soo rogay Thumaama Binu Uthaal, waxayna cunaqabatayntii u keentay sicir-barar, iyo iyadoo gaajadii iyo abaartii ay ku faaftay dadkii degganaa Makka iyo nawaaxigeeda, jeer ay u cabsadeen naftooda iyo caruurtooda inay u dhintaan gaajo awgeed.


Waxay u dacwoodeen Rasuulka (scw):

Markay arrintu halkaas mareyso, waxay gaalladii qureysh u cawdeen oo u qoreen Rasuulka (scw), iyagoo ku leh “waxaan kaaga baranay inaad xiriirisid qaraabada, dadkana aad ku boorrisid xiriirka qaraabada.., waa kan oo waxaad goysay qaraabadeena, waxaad waalidiintii ku laysay seefaha, caruurtiina waxaad ku laysay gaajo. Thumaama Binu Uthaal wuxuu naga gooyay sahaydeenii, oo wuu na dhibaateeyay, haddii aad u qoraysid qoraal aad ugu sheegaysid inuu noo soo celiyo sahaydii aan heli jirnay fadlan samee”. Rasuulka (scw) wuxuu warqad u diray Thumaama, isagoo farayna inuu ka qaado cunaqabatayntii uu ku soo rogay qureysh, sidiina ayuu Thumaama u fuliyay amarkii Rasuulka (scw).


Intaa wixii ka danbeeyay, Thumaama Binu Uthaal intuu noolaa oo dhan wuxuu ahaa kii u hoggaansama diinta, aadna u ilaaliya oo fuliya ballamihii Nebiga (scw). Markii uu Rasuulka (scw) la kulmay Allihii sarreeyay, uuna geeriyooday, markaasna ay carabtii billaabeen inay isaga laabtaan diinta iyagoo koox-koox ah, ayaa istaagay Musaylamata Al-kadaab kana dhashay qabiilka reer Banii Xaniifa isagoo dadka ugu yeeray inay isaga rumeeyaan. Haddaba, waxaa istaagay Thumaama Binu Uthaal, isagoo tolkiisa u digaya kuna oranaya “reer Banii Xaniifow waxaan idiinkaga digayaa arrinkan mugdiga leh ee aan lahayn iftiinka. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay ayaan-darro haysataa qofkii rumeeya Musaylamata, dhinaca kale waa imtixaan lagu eegayo qofkii aan isaga rumeyn”, wuxuu kaloo Thumaama tolkiisa ku yiri “Reer Banii Xaniifow waxaa hubaal ah inayan labi nebi wada kulmi karin hal waqti, Nebi Muxammad waa Rasuulkii Alle mana ka danbeeyo gadaashiis Nebi kale, mana jiraan nebi lala wadaajiyo isaga nebinimada, dabadeedna wuxuu aqriyay billoowga suuradda Qhaafir ee uu Eebbe (sw) ku leeyahay:


“Xaamiim (oo ka mid ah ereyada mucjisooyinka ku tusinaya, Alle ayaa og macnaha loola jeedo), soo dejinta kitaabka waxay ka ahaatay Allaha casiiska ah ee og wax walba. Waa Allaha dhaafa denbiga, aqbalana towbadda ayna ciqaabtiisu daran tahay ee leh nimcada badan Ilaah kale aan isaga ahayn ma jiro, xaggiisana ayaa loo noqon.”. Isagoo Thumaama is barbardhigayo hadalkaas Eebbe (sw) leeyahay, iyo hadalka ninka sheeganayo in isna lagu soo dejiyay aayado qur’aan ah. Thumaama wuxuu yiri ma hadalkii Eebbe (sw) ayaa lala barbardhigi karaa hadalka Musaylamata uu ku leeyahay “ rahow iska ciy, cabbitaana ma diidi kartid, biyahana ma wasakhayn kartid”. Intaa kadib wuxuu Thumaama gooni ula baxay intii diinta islaamka ku hartay, ee ka mid ahaa tolkiisa. Way tageen iyagoo si jidka Alle ula dagaalamaya dadkii ka riddoobay diinta, iyagoo sidaas u sameenayayna si kalimadda Alle ay u kor ugu noqoto dunida.


Ilaah ha kaga abaaliyo Thumaama Binu Uthaal islaamka iyo muslimiinta kheyr, hana ku maamuuso Jannadii uu Eebbe (sw) u yaboohay kuwa Alle ka cabsada, intaana waxaa ku dhammaatay sheekadii Allaha u naxariistee Thumaama Binu Uthaal.


SU'AALO: TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY THUMAAMA BINU UTHAAL