4- Afarreyda: -

76p38

Suubbana csw waxa la sheegay in uu abaadar rc ku yiri:

- Abaa daroow! Doonta cusboonaysii, baddu way gun dheertahee,
- sahaydana si buuxda u qaado, safarku wuu dheeryahee,
- culayskana fududee, jiirta la fuulayo way adagtahee,
- camalkaagana ikhlaas (nadiif) ka dhig, dembi baaruhu wuu arag badanyahaye.

77p39

Gabyaana wuxuu yiri:

- Waa waajib dadku in ay tawbad keenaan, dembi ka tegiddaase ka sii waajibsan.
- u sabridda masiibooyinkuna way adagtahay, khayrka ku dhaafayaase ka sii adag.
- waqtiga is rog-roggisuna yaab buu leeyahay, maahsanaida dadkaase ka sii yaab badan.
- wax kasta oo imaanaya way dhawyihiin, geeridaase ka sii dhawaan badan.

78

Ruux xikmad badnaa ayaa yiri: Afar way wanaagsantahay afar baase ka sii wanaagsan:

- Ragga xishoodku wuu ku wanaagsanyahay, dumarkuuse uga sii wanaag badanyahay.
- Caddaaladdu qof kasta way ku wanaagsantahay, madaxda ayeyse uga sii wanaag badantahay.
- Tawbaddu shaybka way ku wanaagsantahay, shabaabkayse uga sii wanaag badantahay.
- Deeqsinnimadu taajiriinta way ku wanaagsantahay, fuqaradayse uga sii wanaag badantahay.

79p40

Ruux kale oo xikmad badnaana wuxuu yiri: Afar way fool xuntahay, afar baase ka sii foolxumo badan:

- Dembigu shabaabka waa ku foolxumo, shaybabkuuse uga sii foolxumo badanyahay.
- adduunyo lugu mashquulo jaahilka waa ku foolxumo, caalimkaase uga sii foolxumo badan.
- caajiska cibaadadu dadka dhan way ku foolxuntahay, culummada iyo ardaydaase uga sii foolxumo badan.
- Kibirku hantiileyaasha wuu ku foolxunyahay, fuqaradaase uga sii foolxumo badan.

80

Suubanaha ayaa yiri baa la yiri:

- Xiddiguhu ahlu samada waa ku ammaano, haddii ay daataan xukunku wuxuu ku dhacaa ahlu samada,
- Ahlu baytkayguna ummaddayda waa ku ammaano, hadduu suulana ummadayduu xukunku ku dhacaa,
- aniguna asaxaabteyda ammaano ayaan ku ahay, markaan tagona asaxaabtayduu xukunku ku dhacaa,
- Buuruhuna ahlul ardaha waa ku ammaano, markay tagaanna ahlul arladuu xukunku ku dhacaa.

81

Seyd abuubakar rc ayaa la sheegay in uu yiri: afar, afar ayey ku buuxsamaan;-

- Labada sujuudu sahwi salaadda ayey taam yeelaan.
- Sadaqatul fidriguna soonka ayey taam yeeshaa.
- Fidyaduna xajka ayey taam yeeshaa.
- Jihaadkuna iimaanka ayuu taam yeelaa.

82p41

C/Laahi Bin Mubaarak wuxuu yiri baa la yiri:-

- Ruuxii maalin walba tukada 12 rakco wuxuu gutay xaqii salaadda.
- Ruuxii bil walba ka sooma 3 maalmoodna wuxuu gutay xaqii soonka.
- Ruuxii maalin walba 100 aayadood aqriyana, wuxuu gutay xaqii qur'aanka.
- Ruuxii Jimco walba 1 dirham saddaqaystana, wuxuu gutay xaqii saddaqada.

83

Sayid Cumar rc, wuxuu yiri baa la yiri: Baduhu waa 4:-

- Hawadu waa badda dembiyada.
- Naftu waa badda shahawaatka.
- Geeridu waa badda cumriyada.
- Qabriguna waa badda shallaytooyinka.

84

Seyd Cusmaan rc, wuxuu yiri baa la yiri: 4 shey baan ka dhex helay macaanka cibaadada:

- gudashada faaraa-isha ilaahey.
- Ka fogaanshaha waxa ilaahay xaaraantinimeeyey.
- Faridda samaha ee alle darti loola jeedo.
- Reebidda xumaanta, iyadoo carada alle laga baqayo.

85

Waxa kale oo uu sayid cumar yiri baa la yiri: 4 dushoodu waa fadiilo, gudahooduna waa fariiddo:

- Ku dhex jirka saalixiintu waa fadiilo, ku dayashadooduna waa waajib.
- Aqinta qur'aanku waa fadiilo, ku dhaqankiisuna waa waajid.
- Booqashada qabuuruhu waa fadiilo, u diyaar garowgooduna waa waajib.
- Booqashada mariilku waa fadiilo, dardaaran ka qaadkiisuna waa waajib.

86p42

Seyd Cali wuxuu yiri baa la yiri:-

- Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa.
- Ruuxii naarta dhab uga cabsada shahawaatkuu ka joogsadaa.
- Ruuxii geeri yaqiinsada waxba uma dhedhemaan.
- Ruuxii adduunyo dhab u aqoonsada musiibooyinkaa la fududaada.

87

Suubanuhu cs wuxuu yiri baa la yiri:

- Salaaddu waa tiirka diinta, aamus lagu daro bayna ku sii fadli badantahay.
- Sadaqadu carada alle ayey demisaa, aamus lagu daro bayna ku sii fadli badantahay.
- Soon difaac nuu ka yahay naarta, aamus lagu daro ayuuna ku sii fadli badanyahay.
- Jihaadku waa kuruska diinta, aamus lagu daro buuna ku sii fadli badanyahay.

88p43

Waxa la yiri ilaahey baa u waxyooday nabi reer banii israa'iil ka mid ahaa:-

- Baaddilka oo aad ka aamusto waa ii soon.
- Xaaraanta oo aad xubnahaaga ka xafiddana waa ii salaad.
- Baahida khalqiga oo aad ka adkaysatana waa ii saddaqo.
- Muslimiinta oo aad dhibkaaga ka deysana waa ii jihaad.

89

Ibnu mascuud wuxuu yiri baa la yiri:- 4 waxay ka mid tahay mugdiga qalbiga:-

- Calool dheregsan aabayeel la'aan.
- La saaxiibidda daalimiinta.
- Illoobiyadda dembiyadii hore.
- Hawo badni.

4 na waxay ka mid tahay nuurka qalbiga:-

- calool gaajoon xaaraan ka carar awgeed.
- La saaxiibidda saalixiinta.
- Xusuusnaanta dembiyadii hore.
- Damac yari.

90p44

Xaatimil asam rc wuwuu yiri baa la yiri 4 ruuxii sheegta afar la'aanteed sheegashadiisu waa been:

- ruuxii sheegta jacaylka ilaahey, kana harin wuxuu alle ka reebay sheegashadiisu waa been,
- Ruuxii sheegta jacaylka rasuulka, nacana fuqarada iyo masaakiinta sheegashadiisu waa been,
- ruuxii sheegta jacaylka jannada, saddaqana aan la bixin, sheegashadiisu waa been.
- Ruuxii sheegta cabsida naarta, dembiyadana aan deynin, sheegashadiisu waa been.

91

Waxaa la yiri suubanaha ayaa yiri 4 calaamo ayaa lugu gartaa ruuxa ahlu naarka ah:

- Inuu illoobo dembiyaduu hore u galay iyada oo ilaahay agtina ay ka xafidanyihiin,
- Xusuusashada xasanaadkiisii hore iyada oo uusan ogayn in laga aqbalay iyo in lagu soo tuuray,
- Dadka adduunyada haysta oo uu kor u dayo.
- Dadka diinta haysta oo uu hoos u dayo.

markaa ruuxaas ilaahay wuxuu yiraa, waan rabay oo ima uusan rabin, anna waan kategey.

Ruuxa ahlu jannaha ahna waxaa lugu gartaa 4 calaamo;-

- Xusuusashada dunuubtiisii hore,
- illoobidda xasanaadkiisii hore,
- Dadka hantida adduunyo haysta oo uu hoos u dayo,
- Dadka diinta alle haysta oo uu kor u dayo. 92p45

Ruux xikmadle ah ayaa yiri calaamadaha iimaanku waa 4:

- Alla ka cabsi,
- Xishood,
- Shukri,
- Samir.

93

Suubanaha ayaa yiri baa la yiri hooyooyinka 4 ta ahi waa hooyada dawooyinka, hooyada aadaabta, hooyada cibaadaadka iyo hooyada rajooyinka:

- Hooyada dawooyinku waa cunto yari,
- Hooyada aadaabtu waa hadal yari,
- Hooyada cibaadaadku waa dunuub yari,
- Hooyada hiddidiilooyinku waa samir.

94

Suubbanuhuna wuxuu yiri baa la yiri 4 jawharadood oo ku jira jirka bini-aadamka oo kala ah caqliga, diinta, xishoodka iyo camalka suubban, waxaa jirka ka suuliya 4 shey:

- Caliga waxa suuliya carada,
- Diinta waxa suuliya xaasidnimada,
- Xishoodka waxa suuliya damaca badan,
- Camalka saalixana waxa suuliya xanta.

95

Suubbanaha wuxuu yiri baa la yiri 4 jannada ku jirta ayaa jannada ka khayr badan:

- Ku waaritaanka jannada ayaa jannada ka fiican.
- Khidmada malaa-ikta jannada ayaa jannada ka fiican,
- Derisnimada ambiyada ee jannada ayaa jannada ka fiican,
- Raalli ahaanshaha alle ee jannada ayaa jannada ka fiican.

95p46

ruux xikmad badan ayaa la yiri xalkaaga ka warran, wuxuuna yiri:

- Ilaahey amarki raac baan kula dhaqmaa,
- Naftaydana khilaaf baan kula dhaqmaa,
- khalqigana waano ayaan kula dhaqmaa,
- Adduunyana daruuri baan kula dhaqmaa.

96

Ruux xikmad badan ayaa 4 ta kutub ee samaawiga ah 4 kelmadood ka xushay :

- Tawreed: ruuxii raalli ku noqda wixii alle siiyo, adduun iyo aakhiruu raaxaystay.
- Injiil : Ruuxi shawada dumiya, adduun iyo aakhiruu cisoobaa,
- Zabuur: Ruuxii dadka cibaado uga dhex baxa, adduun iyo akhiruu badbaadaa,
- Furqaan: Ruuxii carrabkiisa dhawra adduun iyo aakhiruu nabad galaa.

97p47

Seyd Cumar rc ayaa yiri baa la yiri, wallaahi in aan weli balaayo la igu imtixaanin illaa 4 nicmadood buu ilaahey igu yeeshay:

- Dunuubteydaa la iiga daadiyey,
- Wax ka weyn baa la iigu beddley,
- Allaa iga raalli noqday,
- Weli ajir baan ku rajaynayaa.

98

C/Laahi bin mubaarak ayaa yiri baa la yiri, nin xakiim ahaa ayaa aruuriyey axaadiith fara badan, wuxuuna ka xushay 40.000 oo xadiith, haddana wuxuu ka sii xushay 4.000 xadiith, haddana 400, haddana 40, haddana wuxuu ka sii xusha 4 kelmadood:

- Wax kasta oo dhaca kalsoonida kuugu dambaysa naag ha siin,
- Wax kasta oo dhaca adduunyo ha ku sirmin,
- Calooshaada ha ku shubin wax aysan karin,
- Ha ka aruusan cilmi wax aan ku anfacayn.

99

Muxammad bin Axmed ayaa yiri baa la yiri aayadda (WASAYIDDAN WAXASUURAN WANABIYAN MINA SAALIXIINA), ilaahey wuxuu Yaxye ugu tilmaamay sayid isaga oo addoonkiisa ah, waayo 4 shey ayuu ka guulaystay:- - Hawada,
- Ibliiska,
- Carrabka,
- Carada.

100p48

Sayid Cali rc wuxuu yiri baa la yiri adduunyada iyo diintuba way taagnaanayaan inta ay 4 shey jiraan:

- Inta aysan hantiilayaashu wixii loogu nicmeeyey ka bakhaylayn,
- Inta ay culummadu wixii ay barteen ku camal falayaan,
- Inta aysan juhaladu waxaysan aqoon ka kibrayn,
- Inta aysan fuqaradu aakhiradooda ku iibsanayn adduunyadooda.

101

Suubbaha ayaa yiri baa la yiri:

Maalinta qiyaamaha markii ay dadku cabaadaan oo qaarba dhibaato ay la cibaadaysan waayeen sheegtaan ayuu ilaahey subxaanau wa tacaalaa 4 nooc oo dadka ka mid ah xujo ku hor dhigayaa 4 ruux oo dhibka ay sheeganayaan mid kabadan qabey, haddana aan ilaahay marna caasiyin:

- Qofkii yiraa ilaahow hantidiii badneed eed i siisay ayaa i wareerisay waxa la hor keenayaa nabi Sulaymaan csw.
- Qofkii yiraa ilaahow waa la i addoonsanayey oo addoon dad baan ahaa waxa la hor keenayaa nabi Yuusuf csw.
- Qofkii yiraa ilaahow buktaan baan ahaa oo sariir baan saarraan jirey waxa la hor keenayaa nabiyullaahi Ayuub csw.
- Qofkii yiraa ilaahow faqri baa i wareeriyey oo quutulyoonka ayaan la dirirayey waxaa la hor keenayaa nabi Ciise csw.

102p49

Sacad bin bilaal ayaa yiri baa la yiri:

Addoonku hadduu dambaabo ilaahey subxaanahu wt wuxuu ku galladaystaa afar xaladood:

- Arsaaqdiisa kama jaro.
- Caafimaadkiisa kama qaato.
- Dembigiisa korkiisa kama muujiyo.
- Ciqaabtiisana kuma soo dedejiyo.

103

Xaatim al asamna wuxuu yiri baa la yiri:

4 shey qofkii u xawisha 4 meelood jannaduu helaa, waana qofkii:

- Hurdada u xawisha qabriga.
- Faanka u xawisha miisaanka.
- Raaxada u xawisha siraadka.
- Shahwadana u xawisha jannada.

104

Xaamid allafaaf na wuxuu yiri baa la yiri:

4 shey waxan ka raadinnay 4 meelood, qalad bayna ahayd meeshaan ka raadinnay waxan ka helnay 4 meelood oo kale:

- Dheregta maal baan ka raadinnay, waxanna ka helnay qaneeco.
- Raaxada hanti baan ka raadinnay, waxanna ka helnay hanti yari.
- Macmacaanka nicmo ayaan ka raadinay, waxanna ka helnay jir caafimaad qaba.
- Arzaaqdana dhulka ayaan ka raadinnay, waxanna ka helnay samada.

105

Sayid Cali rc wuxuu yiri baa la yiri:

4 shey intooda yaru way badantahay:

- Xanuunka.
- Faqriga.
- Naarta.
- Cadaawadda.

106p50

Xaatim al asam wuxuu yiri baa la yiri:

4 shey 4 keliya ayaa taqaan:

- Qiimaha shaabnimada waxa keliya oo yaqaan ruuxii sheybnimo ku sugan.
- Qiimaha nabad qabka waxa keliya oo yaqaan ciddii ay balaayo haysato.
- Qiimaha caafimaadka waxa keliya oo yaqaan ciddii xanuun hayo.
- Qiimaha nolosha waxa keliya oo yaqaan ciddii geeriyu u soo xaadirto.

107

Shaacir abuu Nawaas wuxuu yiri baa la yiri:

- Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay
naxariista rabbigey baase ka sii badan

- uma eki ruux camal uu samaysto saalixnimo ku gaaraya
naxariisa alle ayaanse hoos harsanayaa.

- Mawlahaygu waa alle waana kii i abuurtay
isagaanna addoonnimo u qiranayaa dhulkana isu dhigayaa.

- Hadduu ii dembi dhaafo waa raxmaddiisii
haddiise ay sida kale noqoto maxan bal samayn karaa?

108p51

Suubbanaha ayaa yiri baa la yiri maalinta qiyaamaha:

- Miisaanka ayaa la soo dhigayaa markaa waxa la keenayaa ahlu salaat, miisaan ayaa ajirkoodii loogu oofinayaa.
- haddana waxa la keenayaa ahlu soon, miisaan ayaa ajirkoodii loogu oofinayaa.
- haddana waxa la keenayaa ahlul xaj, miisaan ayaa ajirkoodii loogu oofinayaa.

- kaddib waxa la keenayaa ahlul balaa'(musiibo), looma dhigayo miisaan, loomana kala furayo kutubtoodii, xisaab la'aan ayaa ajirkoodii loogu oofinayaa, illaa ajir badnidooda darteed ay dadkii adduunyadii loogu nicmeeyey ka yiraahdaan allow maxan iyaga oo kale u noqon waayey!.

109p52

Ruux xikmad badan ayaa yiri baa la yiri:

Ruux kasta oo ilmo nabi aadam ah waxaa sugaysa sidii wax la boobayo oo kale in ay 4 qolo u kala boobto:

- Ruuxiisa malakul mawt ayaa iska qaadanaya indhiisa oo shanta ah.
- Hantidiisa warasadiisa ayaa iska qaadanaysa indhihiisa oo shanta ah.
- Jirkiisa aboor ayaa iska qaadanaya indhihiisa oo shanta ah.
- Cibaadadiisiina cid uu dembi ka galay ayaa iska qaadanaysa maalinta qiyaama indhihiisa oo dhanta ah.

110

Nin xikmad badanna wuxuu yiri:

- Ruuxii ku mashquula shahawaatka, waa qasab in ay naago lug ku yeeshaan.
- Ruuxii ku mashquula hanti tacbasho, qasab in ay xaaraan soo gasho.
- Ruuxii ku mashquula arrimaha muslimiinta, qasab in uu maamul soo galo.
- Ruuxii ku mashquula cibaado, qasab in uu cilmi soo galo.

111

Sayid Cali rc ayaa yiri baa la yiri camal cabibaado ah 4 baa ugu adag:

- in aad wax cafiso adiga oo caraysan.
- in aad deeqsi noqoto, adiga oo faqiir ah.
- in aad dhawrsato adiga oo naag la kaliyoobay.
- in aad xaqa sheegto adiga oo hor jooga qof aad ka cabsanayso ama wax ka rabto.

112

Zabuur ayaa la sheegay in ilaahey ugu waxyooday nabi daa'uud cs, in aanuu ruuxa caqliga lihi 4 saacadood ka dhex bixi karin:

- saacad rabbigi la koodayo.
- saacad uu naftiisa xisaabinayo.
- saacad uu u sii socdo saaxibbadiisa u sheega ceebihiisa.
- iyo saacad uu isu daayo naftiisa iyo macaankeeda xalaasha ah.

113p53

Ruux xakiim ah ayaa yiri baa la yiri cibaado oo dhami waa 4:

- oofinta ballammada.
- dhawrista xudduudaha.
- ka sabridda ehelkii kaa dhinta.
- iyo ku raalli noqoshaha wixii aad haysato.