3- Saddexleyda: -

26p16

Suubanaha ayaa yiri baa la yiri:-

- Ruuxa isaga oo nolol xumo ka cabanaya waagu u beryo wuxuu la mid yahay isaga oo rabbigiis ka cabanaya,
- Ruuxa waagu u beryo isaga oo arrimo adduunyo u murugaysanna wuxuu waagu u beyey isaga oo ilaahiis u caraysan,
- ruuxa ruux hantiile ah hantidiisa darteed isugu jilciyq, 3 meelood, 2 meel oo diintiisa ah ayaa deysay.

27

Saddex shey saddex kuguma sii daa-imaan:

- Hantiyu taajirnimo kuguma sii hayso,
- xinnaysina shaabnimo kuguma sii hayo,
- daawona caafimaad kuguma sii hayso.

28p17

- Wanaag isku jeclaysiinta dadku waa caqliga barkiis,
- su'aal wanaagguna waa cilmiga barkiis,
- maamul wanaagguna waa nolosha barkeed.

29

- Ruuxa adduunyo isaga taga (naca) ilaahey baa jeclaada,
- ruuxa dembiyada isaga tagana malaa'iktaa jeclaata,
- ruuxa damaciisa muslimiinta ka xakameeyana muslimiita ayaa jeclaata.

30

- Nicmo adduunyo islaamka ayaa kuugu fiican,
- wax aad ku mashquushana daacadda alle ayaa kuugu fiican,
- wax aad ku cibro qaadatana geerida ayaa kuugu fiican.

31-

- Badanaa inta nicmo loogu seeto dheereeynayo,
- badanaase inta wanaag lugu fitnaynayo,
- badanaase inta ceebteeda oo loo asturay ku sirmaysa.

32p18-

Waxa la sheegay in zabuur dhexdeedalugu waxyooday, in qofka caaqilka ah laga rabo in uusan ku mashquulin wax aan ahayn 3 dan arrimood:

- U sahay qaadashada geerida,
- raadinta wax uu ku noolaado
- iyo raadinta macaan xalaal ah.

32

Waxa la yiri abuu hurayra wuxuu yiri:

3 waa badbaadiso, 3 waa halaagto, 3 waa darajooyin, 3 na waa dembi-dhaaf:

3 da badbaadiso waa:

- alle weyne oo looga cabsado muuqaal iyo qarsoodiba,
- wanaagga oo aad abbaarto abaar iyo aaranba,
- iyo in aad ruux caaddil ah noqoto caro iyo farxadba.

3 da halaagto na waa:

- bakhaylnimo xun,
- hawadaada oo aad raacdo,
- iyo naftaada oo ku cajabisa.

3 da darajooyinna waa:

- salaanta oo aad badiso ama nabadda oo aad daaha ka qaaddo,
- baahane aad quudiso
- iyo dadku markii ay habeenkii hurdayaan oo aad tukato.

3 da dembi-dhaaf na waa:

- Xilliga qaboobaha oo aad weysada ku xeel dheeraato,
- gommodahaaga oo aad jamaca salaadda ugu saan-qaaddo
- iyo salaadda oo salaad kale ku sugato.

33p19

Jibriil cs wuxuu yiri: Muxammadow scw:

- Noolow intii aad doonto e mayd baan noqon,
- jeclowna wixii aad doonto e mar un baad ka tegi,
- wixii aad doontana camal falo e waa lagaa abaal marin.

34

Waxa la sheegay in 3 ruux ilaahay uu harsiin doono hooska carshigiisa maalin aan hooskiisa mooyee hoos kale jirin:

- Ruuxa waqtiyada la dhibsado weyso qaba,
- masaajiddana aada waqtiyada mugdiga,
- iyo qofka ruuxa gaajaysan quudiya.

35p20

Waxa la sheegay in nabi ibraahim cs lagu yiri: muxuu ilaahay kaaga dhigtay saaxiibkiis(ma ahan keenna oo akle) ee uu yiri 3 shey dartood:

- Amarka alle ayaan amar kasta oo kale ka doortay,
- kam welwelin wax uu alle ii dammaanad qaaday,
- ma cashayn oo ma qadeyn marti la'aanteed.

35

Waxa la yiri: 3 shey culayska ayey kaa qaadaan:

- Xuska alle sw,
- la kulanka awliyada alle,
- iyo hadalka dadka xikmadda leh.

36

Xasanul Basri wuxuu yiri baa la yiri:

- Qofkii aan edeb lahayni cilmi ma leh,
- ruuxa aan samir lahayni diin ma leh,
- ruuxa aan xalaal quute ahaynna wax la dhawaysto ma leh.

37

Waxa la weriyey in Nin reer banii israa'iil ahaa u baxay safar uu cilmi ku doonanayey, warkii ayaa gaaray Nabigii berigaas joogey, kaddibna u yeeray ninkii, wuxuuna ku yiri: Wiilow, waxa aan kugu waaninayaa 3 sifo oo ay ku jirto cilmigii dadkii hore iyo cilmiga dadka dambe:

- Ilaahay ka cabso qarsoodi iyo muuqaalba,
- Carrabkaaga khalkhiga ka cesho hana uga sheegin wax aan wanaag ahayn,
- iskana eeg rootiga aad cunayso ilaa aad xalaal keliya quudato,

halkaas ayuuna wiilkii safarkii uu u bixi lahaa uga joogsaday.

38p21

Waxa la weriyey in Nin reer banii israa'iil ahaa uu aruuriyey 80 sanduuq oo cilmi ah, waxse uusan u tarin cilmigiisii, kaddib waxa la yiri ilaahey baa u waxyoodey nabigii berigaas joogey, oo ku yiri ku dheh ninkaas, haddii aad aruurisid cilmi fara badan waxba kuma tarayo ilaa aad ka samayso 3 shey:

- Ha jeclaanin adduunyo guri mu'miniin ma ahane,

- Ha la saaxiibin shaydaan, saaxib mu'min ma ahane,

- qofnana ah dhibin, xirfad mu'min ma ahane.

39p22

waxa la yiri Sulaymaanu daaraani ayaa tahajudkiisii habeenkii ku yiri: Ilaahooooow!,:

- haddii aad dembigayga igu soo oogto, cafwigaaga ayaan kugu baryaa in aad cafisid,
- haddii aad bakhaylnimadayda igu eedayso, waxan kugu baryaa qaninimadaada,
- haddii aad naartaada i geysana (allow naga badbaadi), ahlu naarka waxan u sheegayaa in aan ku jeclahay.

40

Waxa la yiri dad waxaa ugu nasiib badan ruuxii leh:-

- qalbi wax og,
- jir sabra,
- iyo qanaacad waxa gaantiisa ku jira.

41

Ibrahimu nukhaci waxa la sheegay inuu yiri, Dadkii idinka horreeyey waxay ku halaagsameen 3 arrimood:

- Hadalka siyaadada ah,
- cuntada siyaadada ah
- iyo hurdada siyaadada ah.

42p23

Yaxye mucaad raaziyi waxa laga sheegay in uu yiri: Waxa nasiib leh Ruuxii adduunyo ka tegey intii aysan ka tegin, oo qabrigiisa sii dhistay intii uusan gelin, oo rabbigi raalli geliyey intii uusan la kulmin.

43

Seyd cali wuxuu yiri baa la yiri Ruuxii aan haysan sunnada alle iyo sunnada rasuulkiisa iyo sunnada awliyadiisa waxba gacanta uguma jiraan, waxa la weydiiyey waxa ay kala yihiin saddexdaas sunno, wuxuu yiri:

- Sunnada alle waa sirta oo la qariyo,
- unnada rasuulka alle, waa kala agaasinka dadka,
- Sunnada awliyada alle, waa dhibka dadka oo wanaag loo fasirto.

44

Dadkii naga horreeyeyna waxa ay iskula dardaarmi jireen oo ay kala qoran jireen 3 sifo:

- Ruuxa aakhiradiisa u shaqeeya, ilaahey baa ka kaafiya amuraha adduunkiisa iyo aakhiradiisa,
- Ruuxa arrimihiisa qarsoon wanaajiya, ilaahey baa arrimihiisa muuqda wanaajiya,
- Ruuxa waxa ilaahey ka rabo wanaajiya, ilaahey baa waxa dadka kala dhexeeya wanaajiya.

45

Seyd calina rc waxa laga sheegay inuu yiri:

- Noqo alle xaggiisa kan dadka ugu wanaagsan,
- naftaada xaggeedana kan dadka ugu shar badan noqo,
- dadka xaggiisana noqo qof iyaga ka mid ah.

46p24

Cuzayr baa la yiri ilaahey baa u waxyooday oo ku yiri Cuzayrow:

- haddii aad dembi yar samayso ha eegin yaraantiisa ee eeg cidda aad dembiga ka gashay,
- haddii aad arzaaq yar heshana ha eegin yaraanteeda ee eeg cidda kugu arzaaqday,
- haddii ay dhibaato kugu dhacdana ha iiga dacwoon khalkhigayga, sida aanan aniguba kaaga dacwoon malaa'iktaydu markii ay xumahaaga sare iigu soo qaaddo.

47

Xaatim al asam waxa la sheegay inuu yiri Maalin kasta ee i soo marta shaydaanku wuxuu i yiraa:

- maxaad cunee?
- maxaad lebbisee ?
- xaggaad degee ?,

waxanna ku iraa:

- waxan cunaa geeri,
- waxanna lebbisanaa Karfan,
- waxanna degaa Qabri.

48p25

Suubanaha ayaa yiri baa la yiri Qofkii ka baxa hooska macsida ee u baxa cisada daacada:

- waxa ilaahey taajiriyaa maal la'aan,
- wuxuuna gacan siiyaa askeri la'aan,
- wuxuu sharfaa tol la'aan.

49

Suubbanuhu ayaa la yiri maalin buu ku soo baxay asaxaabtiisa oo yiri sideed ku barideen? waxayna yiraahdeen Mu'minnimaan ku barinnay, wuxuuna yiri maxaa caddayn u ah iimaankiinna? waxayna ku jawaabeen:

- Belada ayaan ku sabarnaa,
- nicmadaan ku shukrinaa,
- xukunka allena ku raalli noqonnaa,

markaa ayuu suubbanuhu ku yiri: Rabbiga kacbada ayaan ku dhaartaye mu'miniin baad tihiin.

50

waxa la sheegay in ilaahey u waxyooday qaar ka mid ah ambiyadiisii oo ku yiri:

- Ruuxii ila kulma isaga oo i jecel, jannadayda ayaan geliyaa,
- ruuxii ila kulma isaga oo iga baqayana naartayda ayaan ka fogeeyaa,
- ruuxii ila kulma isaga oo iga xishoonayana malaa'iktii ka soo qortay ayaan dunuubtiisii illowsiiyaa.

51p26

Ibnu mascuud waxa laga sheegay inuu yiri:

- Gud wixii alle kugu farad yeelay waxad noqon ruuxa dadka ugu cibaadada badane,
- wixii alle kaa reebana ka fogow, waxaad noqon ruuxa dadka ugu zaahidsane,
- wixii alle kuu qorayna ku raalli noqo, waxad noqon ruuxa dadka ugu taajirsane.

52

Saalix al marqaddi waxa la sheegay inuu guryo badan oo cidlo ah soo ag maray ee uu yiri:

- aaway dadkaagii hore?,
- aaway kuwii ku cammiri jirey?,
- aawayna kuwii ku degganaan jirey?,

markaa ayaa cid uusan arkayni ku tiri baa la yiri:

- Raadadkoodii way go'een,
- jismiyadoodiina ciidda ayey ku hoos dhammaadeen,
- camalladoodiina luqunyaalkooda ayey suranyihiin.

53

Seyd Cali rc waxa laga sheegay inuu yiri:

- Ka horrey cidda aad doonto adiga ayaa hoggaamiyihiisa ahe,
- tuugsana cidda aad doonto adiga ayaa addoonkiisa ahe,
- kana kaaftoon ciddii aad doonto adiga ayaa waalkiis ahe.

54

Yaxye Mucaad waxa laga sheegay in uu yiri:

- Adduunyada oo kulligeed la qaato waa ka tegidda kulligeed,
- Ruuxii kulligeed ka taga wuxuu qaatay kulligeed,
- ruuxii kulligeed qaatana, wuxuu ka tegey kulligeed,

qaadashadeedu waa ka tegisteeda, ka tegisteeduna waa qaadashadeeda.

55p27

Ibraahim al ad-ham waxa laga soo sheegay in lugu yiri: Maxaad zaahidnimada ku heshay, ee uu yiri 3 shey baan ku helay:

- Waxan arkay qabriga oo cidlo ah, oo aanan wehel u wadan,
- waxanna arkay waddo dheer oo aanan sahay u wadan,
- waxanna arkay qaalliga oo jabbaar ah, oo aanan wax gar ah u wadan.

56

Shibli waxa laga sheegay inuu yiri Ilaahoooow!:

- waxan jecelahay in aan xasanaadkayga oo dhan kugu wareejiyo weliba aniga oo baahan oo daciif ah, sidee ayaadan u jeclaanayn in aad dunuubtayda oo dhan iga daadiso weliba adiga oo iga kaaftooma allaheeyow ?

wuxuuna yiri:

- haddii aad rabto in aad ilaahay weheshato, ka cidlow naftaada,

waxa kale ee uu yiri:

- haddii aad dhedhemin lahaydeen macaanka alle weheshiga, waxa aad baran lahaydeen qaraarka alle ka cidlowga.

57

v Xaamid allafaaf waxa la sheegay in uu nin ku yiri i waani, ee uu ninkii yiri diintaada u samee jaldiga musxafka oo kale, waxana la weydiiyey muxuu yahay jaldiga musxafku, wuxuu yiri waa:

- ka tegidda hadalka intiisa aan muhiimka ahayn,
- ka tegidda adduunyada inteeda aan muhiimka ahayn,
- iyo ka tegeidda dhex galka dadka intiisa aan muhiimka ahayn.

kaddibna ogow in asalka zuhdigu yahay:

- maxaarimta oo aad keeda yar iyo keeda weynba ka tagto,
- gudashada faraa'isha oo dhan keeda fudud iyo keeda culusba,
- iyo adduunyada oo aad ehelkeeda u dhaafto, inteeda yar iyo inteeda badanba.

58

Luqmaanul xakiim waxa la sheegay inuu wiilkiisa ku yiri: Wiilkaygow qofku waa saddex qaybood, qayb ilaahay baa iska leh, qaybna naftiisa ayaa iska leh, qaybna aboor ayaa iska leh:

- qaybta uu ilaahey leeyahay waa ruuxa qofka,
- qaybta uu qofku leeyahay waa camalkiisa,
- qaybta uu aboorku leeyahayna waa jirkiisa.

58p30

Seyd Cali rc waxa la sheegay inuu yiri: 3 waxyaabood waxay kordhiyaan xifdinta (xusuusta), waxayna saaraan balqamka, waana:

- Cadayga,
- Soonka,
- iyo qur'aan aqriska.

59

Kacab al axbaar waxa la sheegay inuu yiri Difaaca mu'miniintu waa 3:

- Masjidka alle,
- xuska alle,
- iyo aqriska alle.

60p31-

Nin xakiim ah ayaa yiri baa la yiri 3 waxay ka mid yihiin khasnadaha eebbe, allena ma siiyo cid uusan jeclaan:

- Faqriga,
- Buktada,
- iyo Samirka.

61

ibnu cabbaas waxa la sheegay in la yiri:

- Maalmaha maalintee u fiican?,
- bilaha bishee u fiican,
- acmaashana camalkee u fiican?

wuxuuna yiri baa la yiri

- Maalmaha Jimco ayaa u fiican,
- Bilahana Ramadaan ayaa u fiican,
- Acmaashana 5 ta salaadood oo waqtigooda la tukado ayaa u fiican.

3 maalmood kaddib ayaa waxaa la yiri Seyd Cali baa maqlay warkaas, wuxuuna yiri baa la yiri:

haddii culummada iyo xikmadlayaasha iyo fuqahada la weydiiyo mashqrib iyo maqrib kuma ay jawaabeen sidaas, aniguse waxan leeyahay:

- Acmaal waxa u fiican tii alle kaa aqbalo,

- Bilahana waxa u fiican tii aad tawbad lagaa aqbalay tawbad keento,
- Maalmahana waxa u fiican tii aad adduunyo ka baxdo adiga oo mu'min ah.

62p32

Gabyaa ayaa yiri:

- Miyaadan arkayn sida ay labada cusubi (habeenka & maalinta) u duqoobayaan, annaguna iska ciyaarayno kor iyo hoosba,
- ha ku sirmin adduunyo iyo nicmadeeda, waddammadeedu waddammo ma ahee,
- una shaqee naftaada geerida horteed, oo yeynan ku sirin walaalaha iyo saaxiibbadan faraha badan,

63

Waxa kale oo la yiri hadduu ilaahey addoon khayr la doono:

- diinta ayuu fahamsiiyaa,
- adduunyaduuna nacsiiyaa,
- ceebaha naftiisuuna tusaa.

64

Waxa la sheegay in suubbaunu csw yiri 3 baa Adduunyadiinna la iga jeclaysiiyey:

- Carafta,
- dumarka,
- iyo salaadda oo la iiga dhigay raaxada indhahayga.

waxaa suubbanaha markaa la fadhiyey baa la yiri asaxaabtiisa, Seyd Abuubakar rc ayaa isna yiri: run baad sheegtay rasuulkii allow, anna 3 ayaa adduunyo la iga jeclaysiiyey:

- Daawashada wejiga rasuulka alle,
- hantidayda oo aan rasuulka alle ku bixiyo,
- iyo in ay gabadhaydu rasuulka alle la joogto,

Seyd Cumar rc ayaa isna yiri run baad sheegtay Abuu bakarow, anna 3 baa adduunyo la iga jeclaysiiyey:

- Khayrka oo aan faro,
- xumaanta oo aan reebo,
- iyo maro duugowday.

Seyd Cusmaan rc ayaa isna yiri run baad sheegtay Cumarow, anna 3 baa adduunyo la iga jeclaysiiyey:

- Dherjina baahanaha,
- arrad tirka ruuxa qaawan
- iyo aqrinta Qur'aanka,

Seyd Cali rc baa isna yiri run baad sheegtay Cusmaanow, anna 3 baa adduunyo la iga jeclaysiiyey:

- Sooridda martida,
- Soonka kulaylaha,
- iyo seefta jihaadka.

iyadoo arrinku halkaas marayo, ayaa waxaa la yiri waxaa yimid Malakul Jibriil cs, wuxuuna yiri ilaahay baa i soo diray markuu maqlay hadalladiinnii, wuxuuna ku amray in aad i weydiiso (rasuulkii allow), haddii aan reer adduunyo ahaan lahaa wixii aan jeclaan lahaa, markaa ayuu (suubbanuhu) yiri maxaad jeclaan lahayd haddii aad reer adduunyo ahaan lahayd?, Jibriil cs wuxuu ku jawaabay 3 dan:

- In aan hanuuniyo kuwa baadiyeysan,
- in aan wehliyo mu'miniinta cidlaysan,
- iyo in aan u kaalmeeyo saaxibul ciyaalka faqiirka ah.

markaa ayuu Malakul Jibriil cs sii raaciyey Rabbul Cizza wuxuu addoommadiisa ku jecelyahay 3 sifo:

- Inta ay karaan oo ay quuraan,(wuxuusan karin luguma kallifin),
- markii ay shallaayaan in ay hooyaan (tawbad keenayaan),
- iyo in ay ku sabraan dhibka adduunyo. (nimco ayaa ka dambaysee).

65p34

Ruux Xikmad badan ayaa yiri:

- Ruuxii caqligiisa isku halleeya wuu lumaa.
- Ruuxii hantidiisa isku weyneeyana wuu yaraadaa.
- Ruuxii Makhluuq isku ciseeyana wuu dulloobaa.

66

Mar kale ruux xikmad badan ayaa yiri Miraha fahmidda diinta waxaa lugu gartaa 3 calaamo:

- Alle ka xishoodka,
- Alle jacaylka,
- iyo alle weheshiga.

67

Suubbana ayaa yiri baa la yiri:

- Diin jacaylku waa tiirka aqoonta,
- dhawrsaniduna waa calaamadda yaqiinta,
- Madaxa ama fiinta yaqiintuna waa taqwo iyo qaddarka alle oo lagu raalli noqdo.

68p35

Sufyaan bin cuyayna rc ayaa yiri baa la yiri:

- Ruuxii alle jeclaada, ruuxii alle jecelyhuu jeclaadaa,
- Ruuxii, ruuxa alle jecelyahay jeclaadana, wixii alle wax ku jecladuu jeclaadaa,
- Ruuxii waxa alle wax ku jeclaado jeclaadana, in aan dadku aqoon buu jeclaadaa.

69

Suubbanaha waxa la ga sheegay in uu yiri: jacaylka runta ah 3 calaamo ayaa lugu gartaa:

- In uu ruuxa uu jecelyahay hadalkiisa ka jeclaado hadallada kale,
- in uu ruuxa uu jecelyahay halka uu fadhiyo ka jeclaado fadhiyada kale,
- iyo in uu ruuxa uu jecelyahay raalligelintiisa ka jeclaado raalli gelin kale.

70

Wahab munabbih rc waxa laga sheegay in uu yiri Waxaa Tawreed ku qornayd:-

- Ruuxa adduunyada jeceli waa faqiir hadduu doono hantiilaha dunida ha ahaadee,
- Ruuxa alle addeecana waa la wada addeecaa hadduu doono addoon ha ahaadee,
- Ruuxa wuxuu alle siiyey ku qanacsanna waa taajir hadduu doono ha gaajeysnaadee.

71p36

Ruux xikmadan ayaa yiri:

- Ruuxa alle dhab u aqoonsada, khalkhigu wax dhedhen ah uma leh,
- ruuxa adduunyo dhab u aqoonsadana wax damac ah kama galo,
- ruuxa caddaaladda alle dhab u aqoonsadana, cidda dulmisa waxaba uma uma arko.

72

Dinnuunayn al masri waxa la sheegay inuu yiri:

- Cabsade kastaa wuu cararaa,
- doone kastaana wuu dalbaa,
- alle weheshade kastana naftiisuu cidleeyaa.

Waxa kale oo uu yiri ruuxa alle dhab u aqoonsaday:

- waa maxbuus,
- araggiisuna wuu dheeryahay,
- camalkiisuna wuu badanyahay.

Waxa kale oo uu yiri:

- Ruuxa alle dhab u aqoonsaday waa ballan oofiye, qalbigiisuna waa fuurbo, camalkiisuna waa nadiif.

73p37

Sulaymaan al-daaraaniyyi waxa la sheegay inuu yiri:

- Tiirka khayr oo dhan adduun iyo aakhiraba waa alle ka cabsi,
- furaha adduunyana waa dheregta,
- furaha aakhirana waa gaajo.

74

Waxa kale oo la yiri Cibaadadu waa xirfad:

- dukankeedu waa khalwo,
- raasumaalkeedu waa alle kacabsi,
- ribixeeduna waa janno.

75

Maalik Ibnu diinaar waxa laga sheegay inu yiri: Si aad muuminiinta uga mid noqoto saddex, saddex ku wanaaji:

- Kibirka tawaaduc ku hagaaji,
- hawo badnida qaneeco ku wanaaji,
- xaasidnimana waano ku wanaaji.