1- H O R D H A C: -

Boggan xusuusta aakhiro waxa ku jira xikmado farabadan oo la soo aruuriyey oo ka kooban maahmaayo, gabayo, hadallo xikmado ah iyo noocya kale oo badan.

Haddii aad aad u dhuuxdid waxa aad si cad u ogaanaysaa in bahashan adduunyo la yiraahdo aaney waxba ku fadhin haba yaraatee, iskaba daa in ay wax ku fadhisee ay eber ka liidato, qofka dhaldhalaalkeeda wax moodana ay maalinta uu dhimanayo meel cidlo ah uga soo harayso.

Iyadoo ay jiraan malaayiin xikmado ah oo aan halkan ku ool waxa aad gebigood ku ogaanaysaa in cisada aduunyadu tahay shilinka cisada aakhiraduna camalka saalixa ah, Oday ka mid ah odayaasha qaaliga ah ee soomaaliyeed (ma ahan koofi bacle iyo maalin la noole) ayaa 2007 bishii 2aad wuxuu igu yiri:

- 2 fadhiga ayey ku fiicantahay,
- 2 socodka ayey ku fiicantahay,
- 2 geerida ayey ku fiicantahay.

Labada fadhiga ku fiican waa:

- Gabar oo kuma fiican in ay xaafadaha wareegto,
- iyo Nin deeqsi ah oo markii wax loo soo doontaba wuu ku jiraa ayuu ku fiicanyahay haddii kale waad naxaysaa.

labada socodka ku fiicanna waa:

- Roobku wuxuu ku fiican in dabayshu marba meel geyso si aysan hal meel dad iyo duunyo isugu imaan,
- Sheekh Caalim ah inuu marba meel cilmiga ka aqriyo ayuu ku fiicanyahay.

labada geerida ku fiicanna waa:

- Wan koris ah oo derisku leeyahay haddii lugu soo boodo lagaama xigo oo meelna uma qorshaysna,
- Oday hantiile ah oo bakhayl ah oo aad dhaxalkiisa leedahayna geerida ayuu ku fiicanyahay.