Ref War jaadow haddii anan ku deyn sow i dili maysid? shaarkoo dillaaciyo anood dacas la'aan jooga sow dacalka oo lay qabtiyo deyn i badi maysid?
-------

Nin i xooray maantaan xumaa aniga oo xaas ah ku xiltiray xannaaniyo wanaag aniga oo xoog leh
---------------

Dumar heliddi laygama badnayn haabo iyo keene middan hilayga saaraaba waa hiiro caad yimide sow midan habaar waalid qabin waana ma haleelo?
-------------------------

Geeluba ugaasey hadduu ayda miranaayo abeerkiisa naaxiyo hadduu aaranka is waayo isaguba ma kala aamusoo waysu ololaaye haddaan ina adeerey ku iri sow ma urugootid ?
--------

Waraabaha ku ruugaaya iyo aar ku raamsanaya siday kuugu kala roonyihiin maad u kala reebtid? ninkii rodolka miisaama ee kiilo raajiciya ee raasamaalkuu helaa rubac ka hooseeyo xisaabtaa inuu dib u rogrogo sow ra'yigu maaha?
---------

Wax libaaxu dhacadiidiyaa goolu dhays bidaye goortuu dhergaa buu dugaag ugu dhawaaqaaye rag baa libinta maantuu dharqado dhaanta abidkiise isagoo dhantacay faarax nuur dhuda ma luuqeeyey?
----------

Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco layskuma ridaanrido haddaan ruuxu ku eryeynin !
----------

Ragow kibirka waa lugu kufaa kaa ha la ogaado!
---------

Gabar waliba waa hooyadeed tay u gurataaye goonbaartu waxay caasidaa midaney gaareyne ma gudboona gaarida sariyo gibirta naaxdaaye
---------

Kolley anoo an hawraarsan iyo haa ku oranaynin maxaad gacanta ii haysataa waa habeen dumaye?
---------

Bus xagaa ah jiilaal baryaday qaranka oo biifay barqin doog leh nayluhu gugey bananka rooraane Leg baruur leh bawdiyo shanshiyo bari hadduu waayo baraar habarti loog kama furtoo gawrac kama baajo !
--------

Maandhow ixsaan lagama tago eed haddaad faliye
-------------

Naftu inay maqnaatiyo inay mahad ku noolaato maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye
-----------

Cirku wuu daruureynayaa gooru di'i yaa og waa la ii dardaar weriyey e darajadey yaa og anigiyo daraawiish midkii dhiig ka di'i yaa og?
---------

sagalkii guduutaba miyaan sarar hayaa buuran soomaali rubuceed miyaan siin karaa hilib wan?
----------------

Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshey nin i daaqsanaayana maxaan daafidaw kariyey jirku nimanu dooneyn maxaan hadalka deeqsiiyey ma degdego e xaajada maxaan rag u dul qaad yeeshay?
---------------

Cankabuutka caaradu xidhee lagu ciyaaraayo iyo wiil cartiis qaba intuu amar la ceeryoomay cindallaahi way simanyihiin waana laba cayne
----------

Ma mucaarad baan ahay haddaan xaqa ku maansoodo?
-----------
Bal muxuu micneeyoo i taray ministerkaan doortay?
-----------

Hitler baa u weyn wiil arlada geliya hawl weyne isagiina meel haad ku cunay hubanti loo waaye
----------

Kugu xiiqay sidan kuu lahaa xaaxiyey toose xag un labada daarood ku daran hays xakabin meele!
-------------

Inkastuu dhabcaal go'an yuhuu kuu dhadhamo diido isagoo dharaar maqan koluu dumar wa kuu dhiibo dhan ad uga dhacdaba maal tolkaa waad dhadhamisaaye waa dhaawac kugu yaal bahdaa dhaqasho weysaaye.
-------------

Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyeyso ood mooddey keligaa inuu gubayo jiilaalku abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e adigaaba lugu gaadayaa gooshkan dabadiise gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane
----------

Haddaan anigu odayoobay een anafadii daayey ashahaado mooyeenna aan eebo ridi waayey allaa igu og inan aabbahaa cidi u aareynin !
------------

Aduunyadan sidii luqunta diin laabatiyo hooya goortii an laacaba haddii layga lalinaayo oo lugi lug ii raacihayn ma anigaa laylyi?
------------

Awel buu qaldamay shaah ninkii koobabkow qoraye in qiyaamo loo sii ceshaa ma aha qaanuune qalbiguu wax yeelaqa markuu qaar madowyahaye qarka jooji maandhey hunguri qaaddan bay wada e !
-----------

Cammuudduba halkii laga guraa way ka godotaaye rabbiyoo gargaariyo naftoo gudubta mooyaane gacan taagan lama buuxin karo goor iyo ayaane C/LE RAGE
-----------

Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado e
-----------

Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is daba yaacay Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa'imaan garane Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duqbaan ahaye
-----------

Har ma geeyo aayadi ninkii hooyo gawracaye ninse walaalki gaday meel shishaa laga ganaaxaaye
-----------

Haddey boogi kugu taal nin kale tiisu kaa dedane haddaad adigu tuur leedihiyo tootir iyo qaallo mid kaleeto inaad toosisaa waa tu aan dhicine
-----------

Wiilkaa sidii haad laleen laga hoyaadeynin wiilkaa haruubkii walbaba haysta dabadiisa ilaahow adaa naga hayee uusan na huf siisan!
-----------

Ilaahay inaan caasiyaa way cawaannimo e cadanyada i haysiyo kolkaan ciniqa sii eego sidii neef cadho leh oo kalaan carari gaaraaye KHALIF SH.MUD
-----------

Cirka meel dushaada ah illeen dooxid lama gaartid illeen looma doogsado haruub rooban kugu daadan illeen meelan dani kaa wadeyn kama dal xiisootid !
-----------

Kedadii horteed inan dhintaa kaafka kuma taale ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye.
-----------

Inkastuu kallaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo bad kalluun ku jira kuley ku tahay amase koob shaaha kulligood addoomaha rabbow qaybshey kimistiiye welibana wixii loo katibay waa la kulansiine ninna inanu soo kororsaneyn kaa ha la ogaado.
-----------

Lacagtaad marduuf jaada iyo maal ku gadanayso marwadaada maad muufo iyo maro u soo siisid ?
-----------

Lacagtaan maqdarad geynayee magac ku doonaayo alla magane maan hooyadey maro u soo siisto ?
-----------

Marka horeba guur waa milgiyo maaro kale waaye haddaan lala mushaawirin tolkaa adiga oo maal leh oo lagama maarmee tashiga odayo loo miirin ninkii keligi maalootiyaa meel xun waw halise ABDI GAHAYR
-----------

Haddii culimo maalkeed la dhaco magan illahay ah Miishaar wax goysiyo hadday malaha xoog weydo Sow inay maraha soo akhrido laga malayn maayo --
-----------

Madi tood'a maqasheeda koris minow san baa dhaanta Marwo camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta Mataan lidiqa laas miil leh baa kuu mitimis dhaama.
-----------

Inta kaamil kooriyo kudkiyo kiisku daba joogo Walee Geel nin koolkooliyow kabaradaa dhaanta.
-----------

Lado caanaheediyo anoo labanka fuudaaya niman baa i looyaamiyoo ii lalabay fiide yaanan libinba geynine haddaan kaa lug baxo maanta wallee aniga oo ladan bulshoy kuguma soo laabto
-----------

Nin qatani nin qado haysta waa inu la quuaaye. Qasnadaha haraatiya wuxuun way ka soo qubane
-----------

Laan-dheere gob ahaan jiroo gocoshadii hayso iyo kii ka gaabnaan jiroo haatan garab taagan. Gedda kaasi yahay yaa kan kale gaar is leeyahaye Labadaa garaad oo gudboon yow garnaqi doona? OSMN KENADID
-----------

Allaa faxane farowey haddaan kugu fillaan waayey Nin fadeexad neceb baan ahoo waan ku furayaaye WRSME ABDI SHIILDON
-----------

Cagtii joogsan weydaa marbay ceeb la kulan taaye Carrabkaan la waabini xumuu caasha geliyaaye.
-----------

Si gurracan hadaad gabayadaa ula gawaan raacdo Golxobbay murtidu yeelan iyo, leeb gammuunna ahe Mana weydo guutooyin iyo, gaasas daafaca e War yaan xeel gaabani ku badin, goobbo iyo tuure Ka gud bohola yaan leydh gurxami, kugu galeydhyayne DHOODAAN http://jidhidhico.wordpress.com
/2009/01/10/galaal-xoor-dhoodaan/
-----------

Waxaadan lahayn wiilkayoow laguma waynaado Waxaad waaayo maashabaa nin laa weel isugu gaystay
-----------

Nin saboola iyo awrba way sahal dhaqaaqaane Labadaba haddaan seeto celin socod ma daayaane
-----------

Gobonimada waad neceb tahay, oo waad ka gubataaye Geestaad ka joogtaa kufrigu, guul ka dhaliyaaye Kol haddaan gumaysiga aqaan, gacan inaad siiso Wallee gaal-la-joog yahoow anaan garab ku waydiisan
-----------

Gabdho iyo rag way siman yihiin guul an siday weeye Gacan saydhka culimadii la timid iyo gumaadkeeda Godad loo qarqooriyo markuu iilka wada geeyey Cuqubada galshada buuxisee geyiga saamaysay Guulaamadii soo kacdiyo, galowgii eedaamay Mar un bay gadoodkeedu iman guluf colaadeede
-----------

Guuldarooyinkaa rimmani marbay geli shinkoodiiye Girgirahan istaarani marbuu gaadhi qarixiiye Geeddada balaadhani marbay golongol dhuubnaane Guryo dabaqa kii lihi mar buu geed dugaashaniye Ninki godob lahaan jiray marbay goosan aanaduye
-----------

Gardarrada caddaankaa haddii guudka loo fidhayo Geesigi itaal daran haddaan garab la siinaynin Isaguna hubkiisii gurtoo gummuca soofaysto Oo kii xaqiisii ganbiyey gawrac ugu jiido Ooy nabadii geed sare kortoo, gaabatooy orodo Gorgorkii habaynimo kacee guuray saw maaha ?
-----------

Garbaduub haddii loo xidhood gaadhna ka ahaato Gacantii nin lihi goynayaa waa gumudantaaye Nin walaalkii geed ugu jiraa geesi noqon waaye TIMA CADDE
-----------

Waxaan ahay nin gob ah ooy nin guna gacal wadaagaane Geed geed ku maran baan ahoon ciddina goynayne XUSEN QOYS
-----------

Nin ambaday halkuu aaday waa ula ekoonayde Amarkii Ilaah iyo wakhtigu waa wax kaa adage Anigoo arkaayaan wadada eyrigoo xulayee
-----------

Lama yaqaano ninkii yidhi

Sidda harag wan weyn laga baxshoo waafi noqon waayey Waayeelka xaajadu mar bay weyd ka noqotaa
-----------

Waqti bay hayee tadamiyoow kuma wareersheene Walaal kuma idhaahdeen intaan wiiqa soo dhigo e Walaayo iyo baadi is radi ah ciirsan kari waaye Nin wanaag ku waaraba marbuu waayir xidhayaaye ZZZ
-----------

Hadduu qiray ninkii geela qabay inu ku qaamoobay Asuu qoray ismiidaan u qoday waa qar soo dumaye Halkeen hiilka kaga soo qabtaa waa qisiyo yaabe ? JAWABTI TADAMI
-----------

Rodoloow nin rabid maalay waa raaxada adduune Ragannimiyo geelii haddii la isu kay raacshay Sow haatan waxan raadiyaa raanta boqor ma aha ? YUSUF AALIM NUR
-----------

Ilaahyadu hadday dhowr yihiin lama dhaqnaadeene Dhiif iyo collaad iyo koley dhiillo kala gaadho Dhawaaqooda kaliyey nafluhu dhiman lahaayeene - MUD ABD SHOORSHOOR
-----------

Qadhab iyo lucaaf iyo xelaad laysku qabanaayo Quruf oodan shabaq laysu qubay qoolad iyo xeelad Qosol beena qoor wada qayaxan qiiq an garanaayo booraan afkii laga qafilay, qarafna hooseeyo Doqonbaa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane Ma anaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono ? F.NUUR
-----------

Haddey dunidu tiir leedahoo lagu tanaadaayo Oo niman ku taajirahayaan taallada an joogno Toolmoonihii Maxamed baan laga taxaabeene Maxan tobon riyaa uga welweli tay u weel li’iye INA HASN DERI
-----------

Adduun gabana ubad wada hablaa oori kululaatay Waa waxan sidaa ula engagay urugadoodiiye Ilma-adeeradaaa geela way igu ag maalaane Ayaantii kastaba boostadaan ku ag wareegaaye Haddaan aradka gaalada fadhiyo kuma ilaaweene Haddaan aabahaa ahay maxaad ii anfici weday ? F. DAAD
-----------

Daliil gabaya diin iyo xikmado daacad iyo waano Dorraad iyo middaan shalay lahaa duug haddey noqotay Inaan dhegaba hadal deeqihayn baan isaga daayey F.HUSEN
-----------

Shinbir duulis badan oo dhulkii dagi aqoon waayey Kol unbuu libaax labadii daan dalaq yidhaahdaaye Inay edebtu shay door ah tahay baan isaga daayey F.HUSEN
-----------

Mudanihii Afgaab waxaad tidhaa maalintaad aragto Muddo aada buu kala maqnaa muhindiskeeniiye Waxa igu maqaalo ah adaa meel gudoonshe ahe Arrin murugtay oo labada dhinac laysku mari waayey Kol haddaanad maarayn karayn maragna loo haysto Macno malaha badhasaabkan aad maanta sidataaye Waxaad tahay maqaarsaar la yidhi hay muftaaxyadane Kuwa furinka miis miisayaa kaa martabad roone Maamulkaad lahayd niman kalaa kaa maroorsadaye Ku maaweeli naagaha Milgooy mayla socotaa dheh
-----------

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye TIMACADDE
-----------

Gabdhayahow sidee waaye Ilbaxnimadu saas maaha Hadba suf karkaro maaha Sararaha bannee maaha Qorqor suunniyaa maaha Dhabanada sibbaaq maaha Sanka oo la mudo maaha Sakhrad iyo xashiish maaha Sawir iyo riyaaq maaha Filin iyo sarcaad maaha Saxan reer galbeed maaha Kabo sookal dheer maaha Suuriyo durduro maaha Salsalaw cid kale maaha Qof silloon ku dayo maaha Wax sawaaban noqo maaha Sinta iyo lafaa duudka Saddex goor jejebi maaha Dhaqankaaga saydh maaha Soomaali diid maaha Sidaad doonto yeel maaha Dhulka oon ku sidi waayin Samadoo la koro maaha
-----------

Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya Amraniyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge Isku-dare xiriiriye falkaab, eryadeenii ah Ebyaniyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka Mar haddii afkaygii la qoray, Aabe iyo Hooyo.... TIMACADDE
-----------

Waqtigii yimaadaba xilligu waayo soo curiye, Walbahaarku waa ii egyahay inaan walaacaaye, Kol hadaan wabigaa fatahay, waabin kari heynin, Oo aan waaxyaha kabeyn cududahaa wiiqmey, Nafta waxaan ku maaweeliyaa samirkii taag waaye, Mar haduu wadajirkeedii lumoo, wacadkii beenoobey, Oo geedka kii waab la yidhi, weel ku kala qeybshay, Wadaantaan nin-tooxsiga ah, iyo waa kumaa darane, Waji baa far lagu meyrayaa, beesha wadi meyso!
-----------

Safar iyo socdaal iyo Subeyr saan isku helnaaba Walee Samatarow waxaanu nahay laba adduun saaran
-----------

Hadduu aar hal dilo oo dhurwaa hilib usoo doonto Hungurina ka geyn waa kalyana kuma hagaajaane Huuhdooda unbaad maqliye lay hor iman maayo CAMANJE
-----------

Anba deeble geel iyo ma rabo lo' iyo deeq weyne Dantey waa waxaan labada daan dalaq ku siiyaaye Dulli buu ku dhacay nimay midgaan soor ku dirireene Anse daayey deeqdii yaroo qaylo daba joogto. JAWAAB HASAN QARAAB
-----------

Wax ku waabiyaan lagu ogeyn wadarta Ceel-gaabe Wax ma dhaaftid wiil iyo ciyaal amase waayeele Waqtibay anfaco leedahaye waadan garanayne Waji yeelo weeryohow midgaan waalan baad tahaye, A.BUSUR
-----------

Wax yaqaan haddaad tahay asaan, ciddi ku waydiinin Nacas ,,,,,,,,lagu waabay waa, kaa wardheer yahaye Kaa wacan wadaadii la yidhi, ii wad Cowra le’e YSF MARADOON
-----------

Geesi libaax ku gawdiidsadee garab u hooseeya Oo ay guutadiisii ka kicin gucumalow aarka Ee uu guudka kala saaran yahay miciyo gaalleefa Gallad Eebbe mooyoo Ilaah uga gargaaraaye War sow inu go'aa lama ogoon galowdu raageynin.?" F.SHURIE
-----------

Micno maleh walaalkaa miyiyo naag magaalaba e Labaduba markay kaa madhshaan moodka iyo noolka Lama moodo in aad maalin qudha meel ku kulanteene ABDI KHLF INDHOLE
-----------

Sidii ay go’aygii tihiyo macawisaan goostay Ama ay godkii aakhiriyo geeri iga baajin Gardarriyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? BOODHARI.
---------

Caddad maleh rijaal ladan intay calal ku duubeene Oo ay meel cabbaar loo qodqoday kaga carraabeene Oon camalka mooyee qabriga cid uga yeedhayne
---------

Lafta dhabar laxaadkay debciyo laafyihii gacanta Lubbigeygu leyl xalay ma ledin laadadyiyo taahe Waa taas lanleemada indhaha araggu liitaaye Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede Haddaan luqunta beri taagi jirey liicday adhaxdiiye
---------

Gal Dad-liqa Ulbaa lagu dayaa laga danbeeyaaye F.NUUR
---------

Leg ninkii cunsiiyay dishaa liidda doqoneede ladnaantiyo nimcadu uunka way wada lugoysaaye Waa waxa rag igu laacayaa laxam dhaqaaqaaye
---------

Dadku dhoobi iyo ciidan waa saad u dheregteene Dhibbaa lagu qabaa xoolahaw dhacan ahaydeene Dhamaasay qabaan duul haddii dhiil ku buuxsamo'e Dhul aynaan arkaynbaa hillaac uga dhawaaqaaye
---------

Allahayow mid oogada jirka aad insiga mooddo Allahayow misana aan ahayn awliyana sheegta
---------

Doqontii ku yeeshaa wuxuun lagu dabiibaaye
---------

Fidno Eebbahay noo abuur farana noo yeelye Nin Fallaago doontaaba waa Finish garoobaaye
---------

Dagaalkii Jidbaaleba ninkii joogay baan ahaye Weligeyba meel lagu jabaan jiqilla weynaaye Ilaahay i jecelaa muxuu jirey arwaaxayga
---------

Layliguba geeddiga horuu laba lagdoodaaye Kolse haddii hayaan loo lalabo leexay dabadeede Laf-dhan jananka diidaa xabsiguu liinta ku cabaaye Rabbaw yaa dantaa luud yidhaa loox yaraa tahaye
---------

Lix kun iyo lix boqol iyo lixdaan laabta ku hayaaye Lixdan baan jiraa yaan indhaha laydhi kaa marine
---------

Dabaal niman aqoon ceel dad-liqi waa digsiin jiraye Maantana dugaaggii miyaa dacawadii laayey ?
---------

Iglan lacagta kama soo diriyo aradka shiinaade Intaan igadh maqaarka u ruxruxo sooma ololsiine Afar Boqol ma gaadhoo tolkay waad ogsoontahaye Ina abtaay hadhoow yaad i odhan eygu way hodaye Sidaa maygu aamini haddaa, uur fayowdahaye Mise wiil akhyaaraad ka dayan uumiyuu badane MUD QALOOMBI
---------

Haween lacag ma diidaan haddii hoo la lee yahaye Hadli waydey goortii Rubbiyad HARD ah loo riday e Haddii aan hubkaygii sitiyo haadiso Amleey ah Hilbaan dhigi lahaa goorti ay igu haweeyeene. MUD QALOOMBI
---------

Nin hadduu hammuun badan qaboo halac ku yuusaayo Hed ma fiiriyee wuxu is odhan hilib ma gaadhaaye Hollise'e miyaa daarihii halaq idiin seexday MUD QALOOMBI
---------

Bal Ogoow addoomaha ilaah kala ayaan roone Sida adhigu Geeliyo Fardaha uga itaal liito Ama Gubanku Oogada ka yahay adhaxda jiilaalka Annaga Eebahay naga koryeel uumiyaa kale'e
---------

Ninki Faro yaraan igu tuhmay talo ka hoostaaye Libaaxuba Dhurwaa Toban kunuu Tulud ka qaadaaye Ma ragbaa la tiriyaa hadduu toban wax dheeraado? NUR JIIR HRSI F.
---------

Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiya Iyo kii duleelshaay ku yidhi wax isma doorshaane
---------

Lammaanaan xadhiggi loo tidcay lugi ka doogtaaye Lufanbaa ka hadha dawliskii liilsamaan jiraye
---------

Haddii adhi qamaamoo qatimay helo qabaal buuxa Qaraabiyo wuxuu ehel lahaa waa ka qabar daare Qoortoo la jiidiyo dhegtoo la qabto mooyaane Nina qeylo kuma yaacin karo doon qabowsadaye
---------

Rag haddaad colaad leedihiin ciidanse u weydo Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa kuu cawo adduuna
---------

Badda jeexayaa iyo berriga jaanta mariyaaba Wallee geel jacaylkaan u qabo waw jirabi ruuxa INA HSAN DARI
---------

Nin shisheeya raacoo dhan baa qaba rafaadkaase Waxaa ani la ii reebayaa reer kalaad tahaye
---------

Sidi wuxu dirays wada sitoo danabka eegaayo Markuu duudka simo geelu waa duunyo gooni ahe. TIMACADDE
---------

Halkii aar libaax uu fadhiyey dawac ka uugaanye Atoor waliba geesaha u fidhay amar ku taagleyne SHARIF LAATE
---------

Abidkaa tog iyo webi unbaad kala dhextaagnayde Ma tufbaad qabtaa maad maryaha taydh iskaga maydhid ? KALA ROGAN
---------

Dib baa xaajo loo dhagax guraa tay u dhaadhiciye Dhiiqeey miskaha kuugu ridi dheregta qaarkeede Ragow hays dhabaan dhabin adoon xeradu kuu dhoobmin
---------

Ninkii sahalo guur moodiyow waa sun naaguhuye Sac bal waayey weeyiyo libaax saabka ka hingoone
---------

Muslinkoo israaca iyo haddii codowga la is maago Murtadka iyo ninkii macatab leh bay midigta siiyaane Maslaxada Islaamka iyo sharciga ma ogolaadaane
---------

Afar saniyo dheeraad ardadi looxa dhiganaysay Abjad dhaafi weydaye maxaa ubadka loo laayey? ABDI SAAHID
---------

Waligey gadhoodh adhi ma dhamin umana gaajoone Caanaha Gobaad baan aqaan inaan gobsheystaaye Kac u geeya wixii gaadan jirey wayga garanuuge MUD TIMACADDE
---------

Waa karaahi Cali Aadanoo waayay laba koobe Kalwin maayo haasaawahoo ways kanbalayaaye Kurka intuUsan seef iiga jarin aan u kululeeyo. MURRIYO ALI IBRHM
---------

Laba Axad wax kala gaadhay bow kala ufootaane Kamana uur gubyootaan wixii geesi iil galaye Aqligiyo Soomaaliyeey waaya-arageennu Aqoontiyo garaadkeennu sow Eber ma soo dhaafo? A/HI BEDEL ABDI
---------

Nin indhala' mid kale oo indhala' oon waxba arkaynin ileen oodda kama leexiyoo hilin ma aadsiiyo ? M.MOALIM
---------

Isku qayrna ma ahayn dadkuye gaal qasaa yimide Kolkuu inan-gumeedkii qoslaa gobi qamuunyoone Quwaddiyo markii uu dhisnaa xoogga qarankaygu Qormo nalama soo yeelan jirin duul qayuucsanuye Qaskan hilibka kaa siin jiriyo qalanbi xaabxaabe
---------

Sune kama ansaxo nimu ka tegay faralkii saaraaye
---------

Waxaad adigu miihaalatiyo malaba waa beene Waxaad mooday mowd baa sokada kaaga soo maraye. QAMN BULXN
---------

Nimay gacantu daabbulo tiqiin, deri hadduu daayo Oo yare dalleensado intii, docosan loo yeelo Damban maayo waagay xubnuhu, yare dubaaxshaane Inaad daysid beel dagan adaan, dani ku seeteynnin, Dabcigeedba yaa kugu ogaa, digasho mooyaane? Q.BULXAN
---------

MHMD A-SMD In kastoon anigu qaabsadoon qaadi sabateeda cadow bay qarsanayoon walaal ugu qalnaa meele adiguuba kuu qiray inaad qiiro leedahaye iga qabo dacwaan soo qoraa aad u qira weyne M.A/SMD
---------

Haddaan laydha raacniyo haddaan samada laacnaaba iilkaa naloo hagahayaa lama huraankiiye inta neeftu laalaabanee labaca meeleeya.
---------

Maroodiyo Sagaaraa is qaba Reerna maamulaya Maankayga geli mayso oo waan ku maadsadaye Soo mooti Miid kale haddaad Mudane ii hayso ?
---------

Qofba Dhimirki buu Xilku dhibi jiree Ma Dhabcaal ayaa Xildhibaan noqaa ?
---------

Naxariis adoo faagan baad dhibo u foortaaye waxay haatan faru gaadho eed cumar fogayneyso waa wiilka fuxush qaawiyaa goob fagaara ahe inta aad ka foorarin rabaan farasna gaaraynin imminkay fudayd tahee Walaal aad bal ugu fiirso.
---------

Ninkii hiillo iga doonayee hooyo u ducaysey aakhiro day oo daa adduun kuuma daa'imo e !
---------

Hareeraha jabuutiyo muddaan holhol ku hawllaaye hanfi iyo kulayl bay heliyo holanki eeroone hawo rogo xagaagaan iroo haatan soo tegaye soo dhaqsaad habeen iyo dharaar hohey ku haysaaye iga daa haydaartaas cabdow hiilkay baad tahaye.
---------

Hareeraha jabuutiyo muddaan holhol ku hawllaaye hanfi iyo kulayl bay heliyo holanki eeroone wax kaloonan hebelseynin baa siise huriyeene waxan hudahudeeyaba kolley haatan soo tegaye umana iman sancoon heello iyo haan ka soo tumo e hurgumiyo harraad bay kacshoo haarrig bay raraye anigoo hayaamaan arkoo ruux la haajiraye hawo rogodna ugu sheeko guray hebel i weydiiya mase hubo hinraaggiyo inay hiiftu harayaaye Cabdiyow horow soo dhaqsoo soo hadaaf tiriye hohobtii jannaan kuu hagiyo heer la mahadshaaye iga daa haydaarada walaal hiilkey baad tahaye
---------

Anigoo fayow oo fogaan faradugleynaaya fadad iyo firaar baygu dhacay foorar bay galaye kuwan faanto siisiin jiraa igu faqleeyeene eebbow adaa foor ahoon luguna foosayne dhan iiga firee kuwan fardane fuudka caabbudaya.
---------

Inkastoon tan iyo taas aqaan tiro aqoontiiya oo haddii hagaag loo tartamo teyda laga quustay teedkii tol baan waayey iyo tiir i tiiriya e adigaa tanaadoo tawaab taadu toos tahaye iga tuur tawaawaca dhibkaan tuurta iga fuulay.
---------

Xagga waa kulayl uga qax iyo qaad la raamsanayo xaggan waa qabow uga tag iyo qiiq sigaar uraya xagga waa qabaar qaaxo iyo miino qaraxeede dunidii qiyaamaa dhiciyo qabar colaadeede eebbow adaa qaaddiroon kuuna qayshadaye qabar khayr leh oon qoon lahayn noo qarrari maanta.
---------


Qabiil waa Ragaad 15-03-2005

Maansadan Qabiil waa ragaad oo soo baxday 15-03-2005, waxa ay soomaalida iyo ciddii aan markaas la hadlayeyba ku boorrinayey in aanay hantida guud kala yeelan ee wada yeeshaan, oo daa iyagee in ay dadyow kale dunida ka doontaan oo ay soo dhaweeyaan mar haddii aanay wax u dhimayn, qof kasta oo dembi ka galayna aanay carruurtiisa u dakanayn, haddaba adiga oo si wanaagsan u fahmi doontid waa tan maansadii Qabiil waa ragaad:- Somalaay runtaa raaxo lahoo beentu waa ridane rag allow qabiil waa ragaad raafka kuu gala e waa ruub jaxiimiyo kulayl raran cadaabeede waa tii rasuulkeennu yiri raaximahullaahu nin qabiil u reemee jirkiyo dhiiggu uga rooro kuwa jannada noo raacayiyo ma aha reerkeenna. Wuxuu taa ku garan ruuxi raba raataxumadiisa haddii uu dagaal riiqdo ee laysku wada ruugo ood sheekh rudduu dhigahayiyo ruum iyo ancaamta weydiiso sheekh raahibow yaa raqdaan sababay qasab weeye reerkiisi buulibinta raacshaaye oo raas kaluu ceebta iyo eed ku rogayaaye iska reeba raadkiisa naca ruqay qabiiliiste. Rayfal iyo haddaad qori riddood ruux ku kala goydo asii aad jihaad raadki iyo khayr u ribaneynin ee ay u soo aar raggii tahay un reerkiinna oo aad rijaallo u dishood raas dhan wada ruugto iska daa Ri' aad faa'iddiyo baasto rubaceede khasaaraad u sii raabixdood naar ku ragaxleyne qabiil raadki gooyoo ka taga ruqay ninkiisiiye. Midnimuu rasaaq caawiyaa una riyaaqaaye kelinnimo rafaad weeye iyo riibi iyo hooge haddii aad rafiiq diiddo iyo qolada kuu rayda oo aad walaalkaa rudiyo ruun la kaliyowdo idinkays ruqoo rayfal iyo raaf is marisaane naca raad qabiil oo rillada raaca nabigiinna. Masiibada middaad raarataa kuu rakaamo ahe ninka awrku roorkawga dhacay ee raraha jiifa qoom aan habaar loo riddayn roor ma uu galo e rixinkioo bestiisay adiga raaxo kuu tahaye Soomaalidaas raaracdee kala riddoobaysa iyagays rajeeyoo facood isu rigeeyeene midka raaskambooniya midkaa reedda kale jooga rugta ay ka timid hooyadood raaska cidaheeda abtigood u roon habaryaroo ruuxa carafsayda dhab haddaad u sii raadiseed jiridda sii raacdo sida shabaqa caaradu rartee raadarka ad mooddo riir qura inan wada nahaad riban lahaydeene haddii aan ku rayneen sidaa raalli ku ahaanno riixaanya waxan heli lahayn raaxo aakhiro e balse raacigaan qabaliyee maanka ka rajoobay abti baad ruqdaa beerki ood dhiiggi ruxataaye habaryaro adoo ruugi oo una ribaynaaya ricirahana aad hooyadaa ruugga uga joogto sidee baad rilladi eebbe iyo roob ku heli heedhe ? Dadow kaan rasuulkiyo nacayn nabadda ruuggeed raaskiinna keenoo ha dego rugaha aad joogto labo reer ka soo rara rulleyl shiine iyo rooma qaar kale ribbaad iyo isbayn ruush ka soo bariya rug caddaagii guudliyo ilaa raydab iyo Jeerin roombe iyo hadduu riigan dhalay ama rijaal tuuga mar hadduu ragaad kugu ahayn reero haw tirinin. Waa taa Ra'daan soo wadooon soo riddaamiyaye waanada haddaad raariddaan waa sidaan rabaye balse kii ma rabo taa yiree riixa eraygeyga dhinac kale ayaan ugu rogaa lagama raystaahe cid kastoo dagaal ruubatee goysa rimicooda mar un bay raboodaan heshiis nabadda riixdeede Ri' kastoy ogow wiilka roon iyo ramiishkaaga geeridu markey raamsateed raro bannaan joogto oo labadi reer ay heshiis roob ku wada maasho oo raage cali wiilashii ramad la maalaayo oo shaaha reeddiisa iyo biibitada riibi aabbahood la raaridahayaan sheeko lugu raago gablan rogatay garabkaana maran ciilna kuu rarane ninka uu rafaad keli hayaa ruuge waa adiga. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk
 

EEBO JAAWIRA - 04 July 2005

Somaalaay jadiinkeed jartiyo Jaabayahay heedhe jid haddaad mareysiyo haddaad joogto gurigaaga xal xaggaan u jerinnaa ayaad jiib ka dhigateene iga hoo jawaabtaad rabtiyo waxa ku jeemeeyey. Jamacuu qur'aan iyo markaan jacala soo eegay saddex buu ku soo jaray jaliil jiinka hadalkiisa jidka hore islaamka un ku joog hana ka jeesjeesan jareedadii adduun aakhirana reer jannaad noqone jid labaadku waa jiimka diid gaalnimana jiido nolol jaban adduun aakhirana guri jaxiimaade! Lafta jecli luddaan jecelahaa qoom ku soo jabaye jidadkaas haddaad jiirtid eed labada jees diiddo jisadaada eebbaa jaroo wuxu ku jaan gooyey dunidood jarraaqleyso ood gaajana ku joogto oo cadowgu jiirtaada jaro kuguna jeesjeeso berritona jaxiimadi salkeed lugugu jiidaayo. Somalaay haddaan jeeddadiyo jire ku weydiiyo saddexdaas jid een soo mareen sheegay jihadooda idinkoo jalleecoo si wacan fiiro ugu jeedshey jidka aad ku joogtaan dadow sheega jagadiisa ? Gaalkaba jaliil baa lahoo uuntay jeer hore e jir dil iyo hadduu jeel u rabo jeebbo uma weyne waxa uu u joogaa inaan jawrka loo rabine haddii aad ka jibataa la yiri jeerjilyohow diinta iska joog adduunyada intaan siibi jiriddaada ADIGOO JAFAAYOO ADDUUN JIQILLADOW BUURAY dabadeed adoo jaafi oo welina juuqsaaya oo dunida jaafjaafayoo siina daba jooga anigoo jafaalaa intaan kaaga jaro ruuxa aakhiraan jilbaha kuu dhigaa jeerad imanayso ee waxa nasiib xumo jaboo jaahu gubanaana jirjirrrool sidaadoo kalaa jaanka labo duugay ee weli adoo jooga oon duni ka jaan qaadin inu gaal ku jaanjaansho oo jiibta kugu qaado aakhirana Jiif kaa dhigtiyo joodariga kiisa sow baas jidkii ugu xumaa adi ma jaaseysan ? Bal an rogo waddada jiiftadiyo maansadey jarane cawl iyo jugley iyo ugaar nooc walboo jigina jigjigiyo haddey jiir qabniyo daaqi jarar doog leh sida eyga daba jooga ee jeebcas lugu goobo hadba Jiho siduu ugu eryaa jeenigaas qabaye isagaaba loo jari hilbaha jaadka ugu liita oo inuu u sii jiro rabaa jaallihii wadaye idinkuse midaan jiir naxayn jaraya ruuxiinna sidu jannadi idin geynayaad ugu jidbootaane. Qoomkii jebaayuu marnaba jeedin karin ruuxe qabaliya ninkii jeenanshaa cadow ku jeesjeesye wax jufeeyey maaqaan dhegtii jawharta ahayde waaniyo markaan jeedinaa diinta jimiceeda inaydnaan u joogsayninood jalaq u siinaynin qalbigay i jiiftoo middaa jeerna sugi mayne! balse ruux jadiin muuqdo iyo eebo jaawiraba midna lagama jeestaa la yiri lugu day jiidjiide sidi waxan maslaxo kuugu jirin sheeko iga jiibi. Caasimadda uu jaad walboo nooli jagafleeyo jirrri iyo cirfiid Jiim rabiyo jaahil tumanaaya ninka yiri jiglaha soo ridoo jiibta ku asqeeya sidu rabey jamiis muu hareen jeex kulay tahaye xag allaad ka joogtiin dadow oo idiin jira e jaliil baan idinku dhaarshey iyo jaamacaas dhigane intaad cudurka jaan ee qabiil jabad ku soo tuurto caynsada intaa Jiis hartiyo jiilka soo koraya. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk