Eng-Haider & Dib u dhiska Dalka Soomaaliya

- Maxaad-kala-socotaa-Eng-Haider-&-Qorshihiisii-1988
- Waraysigii_Eng-Mohamed-Ahmed-Ali-Haider-Q-2aad
- Eng-Haider-&-Dib-u-dhiska
- Ing.Haider_ma-carab-baa-mise-Soomaali

S- Enjineere dalka soomaaliya siiba magaalooyinka waawayn sida Magaalada Xamar oo kale aad bay u burbureen markaa sidee dib loogu dhisi karaa ka Injineer ahaan ?

J-Waa sax dalku waa wada burburay ka soo qaad magaalada muqdisho iyada dhan ayaa burburtay, marka waxba waxbaa ka muhiimsan shaqada ugu xoog badan oo maant ana haysataa waxa weeye deib u dhiskeeda & sidii loo sixi lahaa qaladaadkii horey u jirey oo uu ka mid yahay isbitaalladu inay hal goob ku wada yaalliin, haddaad u fiirsato Isbitaal Madiina, Banaadir, Digfeer & Xooggu masaafada ay isu jiraan aad bay isugu dhawyihiin, dhanka kale ee magaalada muqdisho isbitaal ma jiro, markaa waa in dib u habayn masaafada ay isu jiraan lugu sameeyo.

S- Dhanka kale Enjineere ka warran dhinaca dhismayaasha dawladda ee adeegga bulshadu ma ahan isbitaallada oo keliya, waxa jira xarumihii degmooyinka Gobolka Banaadir, Dhismayaashii Stationnada Boliska, iwm ?

j- Walaal waxa burbursani ma ahan isbitaal iyo xitaa saldhig Boolis ee waxa burbursan dhammaan Infrustructres and Public Facilities ama adeegyadii bulshada oo dhan, markaa waa in si guud loo fiiriyaa oo loo dejiyaa qorshe buuxa (CITY PLANNING, waa in degmo kasta ay leedahay dhammaan adeegyadeeda uga gaarka ah ee bulshada sida Isbitaalkeeda, Saldhiggeeda Boliiska, Laanteeda Dawladda hoose, Boostadeeda, goobaheeda bulshadu isugu timaado, Laybareeriyadeeda, sidoo kale addresyadeeda guryaha iyo lambarradooda loogu hagaago, isboortigeeda, walaal aad bay u badantahay baahida lagama maarmaanka ah ee dib u dhiska guud u baahanyahay, waxa kaloo loo baahanyahay in waddooyinka waaweyn iyo kuwa yaryarba magacyo iyo lambarro u gaar ah loo sameeyo, waddooyinka laftoodu siiba kuwi hore wixii la fidin karo la fidiyo si hurmadka degdegga ah ugu fududaato, walaal lama koobi karo baahida jirta.

S- Markaa Injineer Xaydar runtii waa aqorshe aad u ballaaran, ee su'aashu waxay tahay yaa hawsha intaas baaxaddeedu la egtahay samayn kara ?

j- Waa run inay tahay hawl ballaaran oo weliba inta aan hadda sheegnay aad uga baaxad weyn ee waqtiga ayaan noo saamaxayn, waana hawl ay qabanayaan Injinneero kala duwan oo mid walbaaba taqasuskiisa leeyahay, su'aashaada ah yaa samayna jawaab ahaan way iska fududdahay oo Waxa samayn kara guddi Steering Commitee of City Planning ah oo ay dawladdu u soo xusho una xilsaarto.



Eng. Haider's Interview