Sida aan ka soo xigannay boggan Tix-raac Wadaad ka mid ah mufakiriinta Islaamka ayaa daahfuray tirooyinka isle'eg ee Aayadaha Quraanka Kariimka ahi ka hadleen, taasoo caddaynaysa sida Quraanku u sugayo sinnaanta dadka iyo sugnaanta in Quraanku yahay hadalkii Eebbe korreeyey oo nasahnaayey e, waxaana uu Sheekhaasi soo taxay kalmado iska soo horjeeda oo tirooyinkoodu isku sar go'anyihiin, waxaana ka mid ah:-
Ereyadan soo socda mid walba waxa ku daba xiga inta jeer ee uu Qur'aanka kariimka ah ku soo arooray.
01- Dumar24 --jeer---Rag24 ---jeer
02- Adduun115---Aakhiro115
03- Malaaik88---Sheydaan88
04- dad50---Nabi50
05- wanaajin50---Xumayn50
06- Ibliis11---ka megengal11
07- Muslimiin41---Jihaad41
08- Zako88---Barako88
09- Muxammad4---Shareeco4
10- Nolol145---Geeri145
11- Wanaagyaal167---Xumaanyaal167
12- Fudayd36adayg12
13- hanuun79naxariis79
14- nabadgelyo50waxyaabo fiican50
15- dhib102dhabar adayg102
16- Musiibo75Mahadnaq75
17- dheef50dhib50
18- saddaqo73qanaaco73
19- baadiyoobay17halaagsamay17
20- dahab8nolol8
21- sixir60fitno60
22- caqli49iftiin49
23- doonis8cabsi8
24- dulmi114sabar114
Mucjisooyin kale
salaadda qoran5salaadaha waajibku waa5 salaadood
bilaha qoran12sanadku waa12 bilood
maalmaha qoran365sanadku waa365 maalin
Ereyga bad waxay qur'aanka ku taallaa 32 jeer, berri-na 13 jeer, subxaanallaah waa sida cilmiga sayniska casrigani uu qiray oo ah inay baddu tahay 71%, berriguna yahay 29%.