Gabadha ku dayashada mudan W/Q: Sumaya

Gabadha waa barka mujtamaca waxaana lagama maarmaan ah inay gabadha muslimada ah tahay mid ka soocan kabdhaha gaalada hadaba maxay tahay sifaadka gabadha ku dayashada mudan:

 

1-CAQIIDO: gabadhu waa inay ahaataa mid ku dhagan diinteeda caqiidadeeduna noqotaa towxiidka iyo manhajkii rasuulka (swc)

2- AQLAAQ :gabar akhlaaqbadan

3-XIJAAB: inay tahay mid xijaabkeeda dhowrata oo aan muujinin jirkeeda kasoocan gabdhaha gaalada .

4-TASHABUH : gabadha inay shabahdaa gabdhihii wan wanaagsanaa sida saxaabiyaatkii iyo umahaatul mu,miniin  ,isla markaana aysan gabadha muslimka ah isu shabihin gabdhaha gaalada .

5-DHOWRSANAAN :gabadha waa inay ka dhowrsanaataa wax walba qaasatan raga aan maxramkeeda aheyn .

6-XISHOOD: gabadha waa inay ku sifowdaa xishood xishoodku wa huga dumarka waana iimaanka qeyb ka mid ah .

7-BAARIYAD :waa inay gabadhu ku sifowdaa baarinimo waa inay u baarinimo samaysaa labadeeda waalid sidoo kale haday leedahay zowj waa inay asna u baarinimo samaysaa waana sifaadka gabdhaha saalixiinta .

8-USACYINTA KHEYRKA :inay mar walba usacyidaa kheyrka iyo islaaxa umada.

9-IXTIRAAM: waa inaad noqotaa gabar yahay mid ixtiraam badan ixtiraamtaa dadka oo dhan yar iyo weynba.

10-DABEECAD: gabar dabeecad wanaagsan dhaqan qurxoon dhaqankeedunayahy kan islaamka .

11-naajixad: gabadha ku dayashada mudan waa tan nolosheeda aduunyo iyo mida aakhiraba  tahay naajix.