Sideen u barbaarinnaa ubadkeenna? Q.2aad W/Q: Sumaya

Intiinii horay u aqrisay waxaan qeybtii hore kaga soo hadalnay waxay tahay tarbiyo iyo ruuxa wax tabiyeynayaa waa kuma iyo waliba si faadka laga rabo inuu ku sifoobo ruuxa wax tarbiyeynayaa .

 

Haduu alla idmo waxaan qeybtaan kaga hadli doonaa masuuliyada saran labada waalid iyo waliba qaladaadka ka dhaca waalidiinta xiliga ay wax tarbiyeynayaan , waxaan ukala qaadi doonaa masuuliyada labada waalid laba qayba qaybata hore oo aan kaga hadlayno mida saran aabaha tan labaadna midsaaran hooyada .

Masuuliyada labada waalid :

Maxay tahay masuuliyada saran aabbaha?

Sida lawada og yahayba waxaa masuuliyada qoyska illaaahay dusha ka saaray aabaha sidaas dartee waxaa  waxaan xasuusinaynaa raga in hoggaanka qoysku tahay howl muhiim ah oo aan la fududeysan Karin wuxuuna illaahay qur,aankiisa ku yiri:  (الرجال قوامون على النساء بما فضل الله بعضهم على بعض )

Waxaa hubaal ah in uu yahay qoysku dowlad yar oo u baahan wax walboy u baahan tahay dowlad weyn sida hogaan wanaagsan maamul , iyo marayn iyi iwm.

Hadii uu hogaamiyaha reerka hanan waayo qoyskiisa lagama sugayo in uu dowlad hogaamiyo ,hadaba waxaa loo baahan yahay in odayga reerku uusan ku amar taagleyn reerkiisa, lakin uu u arkaa fadli dheeraad ah oo illaahay siiyayniyo masuuliyad balaaran lagula xisaabtami doono sida uu noo sheegay nabigeennu (scw)  كلكم راع وكلكم مسؤول عن رعيته ))dhamaantiin waxaa tihiin ilaaliye waxaadna masuul ka tihiin wixii laydin raaciyey .

Aabuhu wuxuu isku mashquuliyaa oo kaliya sidii uu ku keeni lahaa wixii ay cuni lahaayeenqoyskiisa  iyo wixii ay xiran lahaayeen oo kaliya lakin wuxuu iloobay masuuliyadii kudaha ka saarneed wuxuna masuuliyadaa u dayay hooyada oo kaliya taas oo dhalisay inuusan war u haynin tasarufka ubadkisa iyo waxa ay qabtaan iyo jadwalka noloshooda oo dhan , badanaa oo badanaa aabbo shanta salad u xaadiraya masjidka marka lasu,aalo ilmihiisa iyo sababka ay mas jidka u soo xaadiri waayen indhaha mirigmirig kasiiiya ilaa maba ogo inuu cunigiisa yaqaan saladda iyo inkale.

Aabbaha waxay noqotay mahimadiisa oo dhan inuu ilmihiisa u soo xaadiriyo oo kaliya aduunyadooda lkn wuxuu iska iloobay maslaxadoodii aduunyo iyo tii aakhiradooda taas oo sabab u noqotay inay caruur badani ka leexdaa dariiqii sax da ahaa ilaa maba ay arkin wax tusaa dariiqa saxda ah waxaynaku dhamaystaan aduun yadooda dulinimo aakhirana haba sheeegin taasna waa mafhuumka qaldan ee uu waalidku ka fahmay tarbiyada oo uu ku soo koobay tar biyadii oo dhan in laga bar baariyo cunuga jirka oo kaliya .

Sidoo kale waxaa jirta in hogaamiyiha qoyska mararka qaar  hoos ooga dhaco masuuliyadiisii oo laga waayo wixii laga rajeynayay waxaana halkaas ka dhashay in ay dumarkii u baxaan suuqa si ay u raadiyaan nafaqadii iyo noloshii taas oo aan loogu tara galin inay raadiso waxaana taana ka dhashay inay ayana dayacdo masuuliyadii gudaha oo ay caruurtii iyo gurigiiba dayacmaan  taas oo ay sababaan raga .

Maxay tahay masuuliyada saran hooyada?

Waxaan ognahay hooyadu inay leedahay masuuliyada gudaha waxay tahay masuuliyadeedu inay xifdiso gurigeeda iyo caruurteeda ayadoo waliba aan hilmaamayn inay tahay masuuliyadeeda asaaska ah inya caruurtaa ku tarbiyeeyso tarbiyo mida ugu wanaagsan , dumarka qaar ayaa u haysta  haday ubadku  u kariyaan cuntada gurigana ka hagaajiyaan dharkana ka dhaqaan inay dhamaysteen masuuliyadoodii laakiin mafhuumkaa waa mid naaqis ah .

Hooyadu ayadaa guriga joogta waa inay ku baraarugsanaataa mar walba tarbiyada u badkeeda waa inay mar walbaa ahaataa masdarka ay caruurtu ka qaadanayaa daruusta si ay u helaan daruus sax ahna waa inay hooyadu ayada saxan tahay oo ay kahelaan caruurto cilmi faa,iido leh .

Waa inay ogaataa wax walboo ah amuurta caruurteeda hayaraato ama ha weynaato .

Qaladaadka  ka dhaca hooyooyinka ayaa waxaa ka mid inay cunuga marka uu qaldamo ka qariso aabihii ayada oo ooga baqaysa canaanta iyo carada aabaha taas oo keentay inuu aabuhu cunuga tasarufkiisa war u hayn waasax inay u cabsataa u badkeeda laakin cabsida iyo caadhifada maaha inay nagaarsiisaa heer aan qaldano aabbuhu waa dhaqtarka caruurta asaga ayaa kadaweeya qaladaadka ubadkiisa hadaadan u sheegin halkuu ubadku ka helayaa dawadaa tusaale ahaan markuu qandhadaa cunugu waa qasab inaad durba lagaartaa dhaqtar si aad daawo oogu hesho hadaba aabaha inaad ubadkiisa waxa ay ku qaldan yihiin usheegtaa waa muhiim sababtana waa unuu yahay dhaqtarkoodii ka sixi lahaa qaladka. 

Hooyadu waa asaaska ugu weyn ee tarbiyada caruurta waxaa looga baahan yahay inay tahay hooyo isku miisaaman oo aqoon uleh waxa looga baahan yahay .

Lasoco qeybta sadaxaad ee mowduuca oo aan ooga hadli doono XAQA AY LEEYIHIIN CARUURTA .

Last Updated on Monday, 08 November 2010 14:28