Qaad maxaa iga raacay ! (Sheeko gaaban) WQ: Axmed Ismaaciil Max'mud (A-Deeq)



Waa duhur; qoraxdu korkayga ayay qotontaa, falaadheheeda dhinbiisha ka kululina dhakadayda ayay ku dhacayaan. Dhidid aad dhareer mooddo ayaa dhafoorkayga ka tifiqlaynaya, mase dhaaddani oo dhib ka weyn baa i haysata. Ma waayin wax la cuno, mana waayin wax la cabo; waxaase werwer igu haysa xaraarada qaad ee maankayga xoqaysa, maskaxdaydana xaradhaaminaysa. Waxaan u dheg taagayaa dhawaqa xabeebtu weheliso ee soo dhacyeey... soo dhacyeeeey... Waxaan ka naxayaa dhawaaqa xiiqsan ee ... ka dhakada weynloow.. ma kun baad weyday? Kunku waa lacage, ma kaartaad weyday?

Waan aqaannaa goortii aan billaabay, waanan ogahay sidii aan ku bilaabay; waxa kale oo aan ka warqabaa ciddii i belaysay ee buulkii hooyaday iga saartay. Ma jecli xusuusashadooda oo waxaan xanuun iyo xayraan ahayn igu kordhin maayaan. Ha yeeshee adiga dartaa baan maanta uurkayga u dooxayaa ee fadlan ha igu digan hana igu dayan, ee iga durug, iina diir nax.

Bilowgii balwaddu aad bay ii soo dhawaysay, asxaabteeduna aad bay ii qaabileen, kumase mahadsana ee waa ku magac la' yihiin. Waxaan u baahdo iyo wax dheeriyaba waxaan ka heli jiray inta igu xeeran ee aannu xididka iyo xasabadaba nahay. Dariiqada aan kaga heli jiray waxay ahayd been abuur iyo baahiyo aan allifi jiray. Intii aan qabatimayay qaadka ee aan qarsanayay arrinkaygu sidaas buu ku socday wax iga xumaana haba yaraatee ma jirin. Waxaan la yaabi jiray dadka leh qaadkii baan soo qaban wayney, waxaanan u arki jiray dad xeelad yar. Waxaad mooddaa in codkaygu is bedelay, anna waan sii bedelay oo waan wayneeyay. Marka aan hadlayo afkaan yar qaloociyaa oo hadallo kibir iyo qaanacnimo ku sayn saaban yihiin baan kaga higsiiyaa. Waxaan moodi jiray dhiggayga aan balwadda lahayn inaan ragannimo dheerahay, kana waayo aragnimo badnahay. Waxaanse ogaadey inaan garaad yari iyo garasho xumo dheeraa.

Waxay sheeko socotaba waxaa dhacdey qabtii Ina Xasan Rukuub. Waxa kulmay qabatinkaygii qaadka iyo ogaanshihii la igu ogaadey inaan balwad bartay.. Cod baahiye weyn baa lagu wariyay inaan aafoobay oo aan ibtilo faraha la galay, talaana faro ka haaday. Golaha ammaanku (Ehelku) fadhi degdeg ah ayuu yeeshay waxaanu go'aamiyay in cuna qabatayn cir, dhul iyo badba leh la igu soo rogo. Waxaa mar kaliya heegu u go'ay ilihii wax soo saar ee maalin qayilkayga. Waa la i colaadiyay, waana la i caydhshay, anna wiil dhalinyaro ah baan ahaaye waan ka ficil qaatay oo ragannimo aan igu jirin baan iska baadhbaadhay oo suuqa ayaan galay. Muddo yar haddii aan ku jiray afkaa igu dheeraaday oo waan hayn waayay. Waxaan dib u codsadey ku noqoshada gurigii aan anigu ka tegay. Aqbalaadda codsigaygaa waxa isku maandhaafay ra'iisal wasaaraha guriga iyo wasiirka arrimaha gudaha, waxaana dhici gaadhey in xilalka la iska xayuubiyo aniga daraadey. Waxa ugu danbayn guulaystay wasiirkii arrimaha gudaha, waxaana la ogolaadey inaan gurigii ku soo noqdo waxna ka cuno..

Maalinta galinkeeda hore waa ii orod iyo ruclayn; waa ii raadin iyo raacdayn; waa ii shaxaad iyo sharad beena. Waxaan haybiyaa hebello aannu asxaab nahay oo aan faashka ku qabto. Soo muuqashadayda waa laga naxaa, su'aashaydana waa laga war wareegaa. Maalinba qof baa i naca, anna aan nacaa; weydiinta ayuu igu nacaa, anna war celinta ayaan ku nacaa. Waan qub dhacay, waanan qayirmay; ma gu' weyni, haddana gabax baan idhi; dhar baan xidhanahay, haddana waan qaawanahay; sharaf baan ka qaawanahay, xishood baan ka qaawanahay; xarragaan ka qaawanahay, xurmaan ka qaawanahay; adduun ma hayo, aakhirana ma haybsho; isma xisaabiyo, mana xisaabtamo; waxaan isku dhiibay waqtiga iyo waayaha, oo kolba siday doonaan iga yeela.

Galin danbena waa ii fadhi iyo foorar; waa ii raamsi iyo mirqaan; waa ii haasaawe iyo hadal tororoga; waa ii farxad iyo faan aan fadhiga dhaafsiisnayn. Xaaladda aan ku jiro kama hadlo, mana jecli ka warrankeeda, waayo mirqaanka ayay iga xumaynaysaa. Waxaanse jecelahay ka hadalka xaaladaha adduunku ku jiro. Marka uu mirqaanku igu dhibco waxaan noqdaa wada muxubbo iyo kalgacal. Mar waxaan isku arkaa siyaasi ruug caddaaya oo tan iyo lixdankii soo shaqaynayay. Waxaan kala shushubaa, oo isku shushubaa siyaasadaha caalamka. Waxaan la doodaa muruq weynaha Maraykan. Waxaan u doodaa maryo weynta Carbeed. Marna waxaan isku arkaa Mufti ka jawaaba afarta Madhabadood. Waxaan u garnaqaa Sunniga iyo Shiicada anniga oon waligay xer cilmi noqon. Marna waxaan is tusaa inaan ahay ababshaha dhallaanka iyo aabaha jacaylka. Waxaan dhayaa dakharada cishqiga iyo boogaha caashaqa ee ay dhammaan dhallintu la il daran tahay, run ahaanna maba aqaan jacaylku wuxuu yahay, waxaanse wax walba ku dhisaa mala awaal. Marna waxaan isku arkaa Maal qabeenka adduunka, oo waxaannu madal ku kulanaa Bill Gates iyo asxaabtiisa, shilinna jeebkayga kuma jiro. Marna waxaan maamulaa inta madax madaw, ee uu Mawle uumay.
.
Xaaladdaa miyir qabka iyo waalida u dhaxaysa aniga oo ku jira ayaa waxaan galaa xaalad kale oo si walba uga duwan: waxaad mooddaa inaan soo miyirsanayo. Waxa kale oo ay iyana u eg tahay in xilalkii aan adduunka u hayay la iga xayuubinayo, oo adduunka la igu soo cidhiidhyayo. Hadalkii badnaa ma lihi, dirqi baan ugu warramayaa saaxiibkay oo i ag fadhiya. Anniga oo is moog ayaan soo qufayaa wixii uurkayga ku jiray. Hadaladaydu waxay u badan yihiin cabasho, tabasho iyo dhibsasho. Waxaan ka cabanayaa reerkayaga. Waxaan u arkaa inay faro galin aan loo baahnayn igu hayaan. Saaxiibkay waa aamusan yahay, waana i dhagaysanayaa isaga oo madaxa ruxaya. Waxaan moodayaa inuu ila tacaadufayo, waxaanse ogahay inuu ka fikirayo mijinta uu u fadhiyo oo uu soo amaahday halkii uu lacagteeda ka keeni lahaa. Waan ka bixin lahaa oo Alle igu og yahay ee waanan haynba. Alla jeeb la'aantu xumaa !!
.
Waa fiid danbeed, la qaad dhammaysay oo bacuhu waa wada shan qadhayaan. Raggu qoryo ay casar dheere quuteen bay sii feenfeenanayaan. Si hoose ayaa loo bax baxayaa, oo la wada mirqaansan yahay, waana la wada miriqsanayaa. Waxaad mooddaa in nebaad la wada muudmuudsanayo. Carrabka iyo dabnuhu ma kala qoob qaadayaan oo si joogto ah ayay isku gacan qaadayaan. Dhuunta waa la qoynayaa, haddana waa qallalaysaa. Ninkii biyo raacis helayaa waa sii fadhiyayaa, kii inanta maqaaxida bacda u cunayaa waa sii fadhiyayaa, kii kalena kabaha ayuu hore ka illanayaa oo wuxuu ku sii dhawaanayaa hoygiisii. Anigu kuwaa danbe ayaan ku jiraa.

Ma aqaanno goor aan gaadhey iyo si aan ku gaadhaye; kaabad guriga u dhaw baan kaliday kanbadhuudhaa. Waan hiin raagayaa oo waxaad i mooddaa in la i eryaday; waan is hiifayaa oo waxaad i mooddaa gabadh la fara xumeeyay; waan culusahay oo waxaad i mooddaa nin dhulka tunka laga saaray; waan dhakofaarsanahay oo waxaad i mooddaa nin ay dhiillo u timid; shanta ayaan dhabanada ku hayaa, oo kolba dhafoorka ayaan xoqayaa. Maskaxdu si waaliya ayay ii shaqaynaysaa, oo waxaan moodayaa in dheryo lagu karinayo... wadnuhu hig... hig... hig.. taasuu i hayaa oo waxaan moodayaa inuu i qarxayo.

Leel leelka qaadka anniga oo la luudaya ayaan guriga tagaa, wixii alle ii qoray marka aan afka la helo ayaan sariirtayda is bilqaa. Hurdo ma jirto oo habeenku waa ii dharaar, waa ii rogrogasho iyo reen; waa ii fikir iyo foogni; waa ii murugo iyo muusannaw; waa ii taah iyo tawaawac; waa ii werwer iyo walaahow; waa ii ballan qaadyo aan nafta la gelayo, beribase aan burinayo; waa ii kaacaa fadhiisi oo kolba kaadi baa i qabanaysa.

Waxaa la i horkeenayaa dantaa moogida aan ku jiro iyo sida aanan reerka waxyeello mooyee waxtar ugu lahayn. Sida aan uga tegay waxbarashadii la igu jeclaa, ee aan anna xiisaha badan u hayay. Sida aan u dhilmay ee aan u dhalan rogmay; sida aan uga gaabiyay waajibkii dalkayga iyo dadkaygu igu lahaayeen; sida aan dariiq xun ugu horseeday kuwii iga yar yaraa, ama ila ayniga ahaa. Waan tallamayaa, oo waan tawaawacayaa. waan is cunayaa oo waan ciishoonayaa. Waxaan isku arkaa Waraabe aan lafihiisa u roonayn, kuwo kalena naf u hayn.

Ciyaar ciyaar baan balwadda ku bilaabee, cawaaqib xumo ayaan ugu dhaadhacay. Waxay iga dhigtay waxaanan ahayn, waxaanan noqday waxaanan ahayn. Waxay iga dhigtay doqon, waxaanan noqday dibjir; waxay iga dhigtay dawdar, waxaanan noqday dabbaal; waxay iga dhigtay ma tabcade, waxaanan noqday ma tashade; waxay iga dhigtay ma shaqayste, waxaanan noqday shaxaad ku nool; waxay iga dhigtay laga naxe, waxaanan noqday looma naxe; waxay iga dhigtay beenlow, waxaanan noqday been hawaas; waxay iga dhigtay wax kasta oo xun. Waxay na kala gaysay reerkayagii, waxaanay i gaysay gurigeedii. Maxay meesha ubax ku haysaa! Maxaanay oday ku haysaa! Maxay dad doorisay! Maxaanay dad dawakhisay! Maxay reero kala gaysay, maxaanay kuwa kale ruxaysaa !!!!

Ugu danbayn waxaan u baahanahay in la ila taliyo, ee ma rabo in la i takooro; waxaan u baahanahay in la i waaniyo, ee uma baahni in la i wadeeceeyo; waxaan rabaa in la ii caqli celiyo ee uma baahni in la i colaadiyo; waxaan u baahanahay in la ila sheekaysto, ee uma baahni in shib la iga yidhaahdo; waxaan u baahanahay in la iga roonaado, ee uma baahni in la i rifo; waxaan u baahanahay in la iila dhaqmo sidii qof buka ee aan la iila macaamilo sidii qof bed qaba; waxaan u baahanahay qof si dhaba u dareensan xaaladda ba'an ee aan ku jiro, ka dibna u tafaxayta badbaadintayda. Iloobi maayo qofkaa xataa haddii iilka la i dhigo. iloobi maayaan qofkaa asxaabtayda qaadku xataa haddii iilka la dhigo, iloobi mayso qofkaa bulshadaydu xataa haddii iilka la dhigo.
_________________________

Axmed Ismaaciil Maxamuud "Axmed Deeq" - 05 Dec, 2010
E-Mail: awliyo177@hotmail.com

Tix-raac