The News QABIIL WAA RAGAAD
Print E-mail
QABIIL WAA RAGAAD
Maansadan Qabiil waa ragaad oo soo baxday 15-03-2005, waxa ay soomaalida iyo ciddii aan markaas la hadlayeyba ku boorrinayey in aanay hantida guud kala yeelan ee wada yeeshaan, oo daa iyagee in ay dadyow kale dunida ka doontaan oo ay soo dhaweeyaan mar haddii aanay wax u dhimayn, qof kasta oo dembi ka galayna aanay carruurtiisa u dakanayn, haddaba adiga oo si wanaagsan u fahmi doontid waa tan maansadii Qabiil waa ragaad:-

Somalaay runtaa raaxo lahoo          beentu waa ridane

rag allow qabiil waa ragaad             raafka kuu gala e

waa ruub jaxiimiyo kulayl                    raran cadaabeede

waa tii rasuulkeennu yiri                      raaximahullaahu

nin qabiil u reemee jirkiyo                   dhiiggu uga rooro

kuwa jannada noo raacayiyo               ma aha reerkeenna.


Wuxuu taa ku garan ruuxi raba            raataxumadiisa

haddii uu dagaal riiqdo ee                   laysku wada ruugo

ood sheekh rudduu dhigahayiyo           ruum iyo ancaamta

weydiiso sheekh raahibow                    yaa raqdaan sababay

qasab weeye reerkiisi buu                     libinta raacshaaye

oo raas kaluu ceebta iyo                        eed ku rogayaaye

iska reeba raadkiisa naca                      ruqay qabiiliiste.


Rayfal iyo haddaad qori riddood        ruux ku kala goydo

asii aad jihaad raadki iyo                     khayr u ribaneynin

ee ay u soo aar raggii                            tahay un reerkiinna

oo aad rijaallo u dishood                     raas dhan wada ruugto

iska daa Ri' aad faa'iddiyo                    baasto rubaceede

khasaaraad u sii raabixdood                naar ku ragaxleyne

qabiil raadki gooyoo ka taga                ruqay ninkiisiiye.


Midnimuu rasaaq caawiyaa                 una riyaaqaaye

kelinnimo rafaad weeye iyo                 riibi iyo hooge

haddii aad rafiiq diiddo iyo                   qolada kuu rayda

oo aad walaalkaa rudiyo                        ruun la kaliyowdo

idinkays ruqoo rayfal iyo                     raaf is marisaane

naca raad qabiil oo rillada                    raaca nabigiinna.


Masiibada middaad raarataa                 kuu rakaamo ahe

ninka awrku roorkawga dhacay           ee raraha jiifa

qoom aan habaar loo riddayn             roor ma uu galo e

rixinkioo bestiisay adiga                        raaxo kuu tahaye
Soomaalidaas raaracdee                       kala riddoobaysa
iyagays rajeeyoo facood                       isu rigeeyeene
midka raaskambooniya midkaa           reedda kale jooga
rugta ay ka timid hooyadood                raaska cidaheeda
abtigood u roon habaryaroo                 ruuxa carafsayda
dhab haddaad u sii raadiseed               jiridda sii raacdo
sida shabaqa caaradu rartee                 raadarka ad mooddo  
riir qura inan wada nahaad                    riban lahaydeene 
haddii aan ku rayneen sidaa                 raalli ku ahaanno 
riixaanya waxan heli lahayn                   raaxo aakhiro e
balse raacigaan qabaliyee                     maanka ka rajoobay
abti baad ruqdaa beerki ood                 dhiiggi ruxataaye

habaryaro adoo ruugi oo                       una ribaynaaya

ricirahana aad hooyadaa                        ruugga uga joogto

sidee baad rilladi eebbe iyo                   roob ku heli heedhe ?


Dadow kaan rasuulkiyo nacayn          nabadda ruuggeeda

raaskiinna keenoo ha dego                  rugaha aad joogto

labo reer ka soo rara rulleyl                  shiine iyo rooma

qaar kale ribbaad iyo isbayn                 ruush ka soo bariya

rug caddaagii guudliyo ilaa                   raydab iyo Jeerin

roombe iyo hadduu riigan dhalay        ama rijaal tuuga

mar hadduu ragaad kugu ahayn          reero haw tirinin.


Waa taa Ra'daan soo wadooon            soo riddaamiyaye

waanada haddaad raariddaan              waa sidaan rabaye

balse kii ma rabo taa yiree                      riixa eraygeyga

dhinac kale ayaan ugu rogaa                 lagama raystaahe

 cid kastoo dagaal ruubatee                   goysa rimicooda
mar un bay raboodaan heshiis             nabadda riixdeede
Ri' kastoy ogow wiilka roon                    iyo ramiishkaaga

geeridu markey raamsateed                   raro bannaan joogto

oo labadi reer ay heshiis                         roob ku wada maasho

oo raage cali wiilashii                               ramad la maalaayo

oo shaaha reeddiisa iyo                          biibitada riibi

aabbahood la raaridahayaan                 sheeko lugu raago

gablan rogatay garabkaana maran      ciilna kuu rarane

ninka uu rafaad keli hayaa                     ruuge waa adiga.

-------------------------------------0-----------------------------------

 

Comments 

 
0 #5 assicielo 2010-06-29 19:44
Hello.
hukilxxxru
And Bye.
 
 
0 #4 accutane 2010-06-02 21:07
accutane lawyer tulsa

http://accutane.socialgo.com
 
 
0 #3 ownsahi 2010-05-31 04:14
cool site
http://needman.ru знакомства для брака
лучшие сайты знакомств с иностранцами
 
 
0 #2 majong 2010-05-18 12:35
majong solitaire games

http://majong.socialgo.com
 
 
0 #1 freesellsolitaireer 2010-05-18 03:35
radica freecell solitaire

http://freecell-solitaire.socialgo.com
 

Add comment


Copyright © 2010 aamaguul.com. All Rights Reserved.
Joomla! is Free Software released under the GNU/GPL License.
 
Content View Hits : 12131