Gabay: Maan Iskaba daayo (Qaadka), By: Max'ed Dhagaafe Elmi
Duhurkii markuu soo dhacooqaylo kor u duusho
Qof waliba wuxuu doonayaainu far duubtaaye
haddii aan danyare ahay aniguduunyo aan dhaqanin
dahabshiilna laysoo dhigayndoolarkii lacagta
doc ka tuurka barabaraha aanlaygu darajaynin
dawo malahan oo meel xun buuigu danbaysiine
intaan dayday xayraami laamaan iskaba daayo?
Doondoonistiisii adoodaal la socon waayay
casar dabadi uurbeys haddiilagula soo doonto
derintiyo sigaarkaba markiiaad dabbari wayso
degi maysid oo shaahi baakaaga sii darane
darmuus uu nin iibsaday intaadkoob la daba joogto
dawo malahan oo meel xun buukugu dambeysiine
dawarsiga intaan baran lahaamaan iskaba daayo?
Adigoo dorraad cunay shalanacalafku kuu diiday
haddii maanta lagu daba marshoodani ku seegsiiso
durba seexan mayside wax baadiiddan gama'iiye
dubaab aadan arag iyo dhilqaadiirka kaa xuliye
belo aan la daalacan ayaaddila tiraahdaaye
war duqii ma waasheey ku orandariska kuu dhoow e
Jin intaan dagaallami lahaynmaan iskaba daayo?
Berri baan dabbarayaa haddiilagugu sii daayo
asaad doorka doorkiisa kalesoo dallici wayso
dukaan baa la xiray iyo la diiddaynta iga dhawre
dumarkiyo raggaas iibiyaawaa dir dhegaloode
inkastood darroorido dheguhuuma daloolaane
dacallada nin suuq lagu dheganawaa damiir xumiye
intii sharaftu iga duuli laydmaan iskaba daayo?
Cibaado iyo diin seeg nin qaaddabada haystaaye
daruus iyo tacliin waa horeykala dalaabeene
inkastoo daruurtiyo marqaandayaxa gaarsiiyo
dib ayuu shallaayaa markuudaanka mariyaaye
dariiqyada ayuu uga go'aadeymihii hore e
dulligaas intaan qabi lahaamaan iskaba daayo?
Dadkoo seexday layl-dama ayaaddibadda meertaaye
waxaad daris la noqotaa intiidoorsan aadmiga e
daryankiyo sarqaankaad la tahayul iyo diirkeede
ilaa waagu daalacana waadwada dikaantaane
haddii aan Dil dhicin oon midkiinmeesha lagu dooxin
wixii diintu diiddiyo sinaalagu danbaysiine
intii aan dibbood noqon lahaamaan iskaba daayo?
Kolkii ay dareeraan ardaduoo dugsiga aaddo
daakiraadda waaberi markiishaqo la doondoono
dadabtii ilmaha laga kacshaaddib ugu guurtaaye
ilaa uu kan kale soo deganawaa dug xaajaduye
duqda lagu hallayn reerka oohowsha lagu dayni
dullaa laga dhaxlaa biilki aaddumar ka dhowrtaaye
intii aan dayici laa xilkaymaan iskaba daayo?
Haddaad daaqdo qaadkood misanadeynba kari wayso
dadku kuma ciseeyoo dhammaanwaa ku durayaane
dawdar iyo waxay kugu xusaandanihi ruux mooge
dunna laguma aamino ninkaydadartu waashaaye
adigoo Da'weynoo cirradudayrtay madaxaaga
dukaankii ad dalab ula tagtaadiiday buu orane
intii aan damiin dayi lahaamaan iskaba daayo?
Waxaa lagu daneeyaa intaadduunyo leedahaye
haddii aad dalaaftana ma jiroruux ku dayayaaye
mar hadduusan diintii ilaahkugula doodaynin
saaxiibka dunidaani waadaanka igu raace
ninkii aadan qaadkiisa dirinways dibbiriyaaye
maxaad ii debbari wayday buukuugu dudayaaye
mooryaan intaan dumi lahaamaan iskaba daayo
Dumar lagama maarmee middiicalafku kuu dooro
haddii waalid kuu doono oolaydin darajeeyo
oo daarcad laydiin gogloodkula damaashaaddo
durbaan iyo mashxarad iyo kolkiigaaf la diriteeyo
aroos laguma daahee markiila isu kiin daayo
qaaddiro ninkii daallanaadoorki gudan waaye
intii aan Dab-yare noqon lahaamaan iskaba daayo?
Ilkahoo ku daatiyo afkoodaasad noqonaaya
muuqaal-darnaan kugu dhacdiyomidab ku doorsooma
madaxoo ku diirmiyo tintoobadiba kaa duusha
durey aan marnaba kaa baxayndaa'in abidkaaba
dalanbaabi socodkoo noqdoodsaan daldali wayso
dabeecadaha qaad weeye iyodegalladiisiiye
derbi jiif intaan noqon lahaamaan iskaba daayo?
Tix-raax: www.Qaaddiid.com