Taariikh nololeed kooban ee Eeddo Saynab Osman Ahmad Nur Addow Ali Xasan
Max'ud Ali Adan Hilowle Max'ed Muse Soomman Max'ed Casuus Fiise
Hooyada dhammaan ilma C/Raxmaan AdeerAxmad
06 Nov, 2013
Waxan ku dhashay Cadaley oo u dhaxaysa Jowhar & Raage-ceelle, oo aan ku noolaa ilaa 14 jir, waxana iigu dambaysey oo aan mar soo booqday sanadkii uu dhashay Bashiir C/Raxmaan AdeerAxmad, markii ka horraysay ee aan soo booqdana waxa ila socday AUN C/Caliim Adeer Axmad & Maxamed C/Raxmaan AdeerAxmad oo aan xambaarsanaa. 

Waxa ila dhashay 7 ay Xaliima bah gooni ahayd, waxana maanta ka nool Aniga & Maxamuud, Da' ahaanna sidan aan u kala horraynaan u kala weynayn:

01- Axmad 
02- Faadumo
03- Maxamad 
04- Maryan
05- Maxamuud
06- Xaliima
07- Saynab

AUN Xaliima Cusmaan waxay dhashay 8 Carruur ah, iyadii & carruurtiina Allaa wada oofsaday, Faadumo iyada Alle Ubad uma qorin, Maxamad wuxuu dhalay gabar Faadumo la yiraahdo oo Alle barakeeyey, Maxamuud waxa u joogta 6 carruur ah (5 gabdhood & Maxamad-Deeq).
Hooyadey AUN waxay ahayd Xaliima Cismaan Bool, intii la dhalatayna wax ka horreeyey haddey jireen ma garan karine anigu waxan ka soo gaaray Mahdi & Max'ud.

Gurigii BuurHindi ee aad weydiinayso waxan lahaa deris fara badan oo aad u sharaf badnaa sida Xaliima Kediye, Xaliima Cawaale, AUN Sh Xasan Cilmi Faarax, Jimca Gacanla' wiilasheedii, wadaaddadii ay dhashay oo dhedhellahaay Xaaji Cabdi & Cabdullaahi & Siraad Garas oo uu Xaaji Cabdi qabey, 


Anigu aamaguul ahaan, waxan xusuustaa Xirsi Rooble oo mooto wadan jirey oo ahaa Munishiibbiyo (saleebaan), Max'ud hayn jirey dukaankaan saarreyn, a Yaasiin & Sahro oo walaalo ahaa, deggenaana albaabka naga soo hor jeeday iyo dhismo. NB: Markaan waraysanayey 06 Nov 2013, waxa nala fadhisay Habaryartey Faadumo AdderAxmad By: Max'ed Cabdi Adam (aamaguul)