Daawo Sawirro laga argaggaxo, oo la leeyahay Askeri katirsan Ciidanka Dowlada ayaa si arxan daro ah u jir dilay Gabar uu habaryarteed qabo, waa 4 jir, waa Agoon, Hooyadeedna madaxa looga jiro, 30-04-2014
	
Askari katirsan Ciidanka Milatariga Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si naxariis daro ah dhawaan waxa uu u jir dilay una garaacay gabar afar sano jir ah oo la sheegay in uu qabo Habaryateed.

Gabadhan sida Xun loo jir dilay ayaa Da'deeda lagu sheegay afar sano jir , waxa ayna la nooleed habaryarteed , Gabadhan waxaa dhawaan Geeriyooday aabaheed ,waxaana la tilmaamay hooyada dhashay gabdahan in Madaxa loogu jiro sida laga soo xigtay ehelada gabadhan yar.

Askarigan naxariista ka guurtay ee katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in gabadhan yar ay kunooleed gurigiisa , waxa uuna sidan foosha xun uu ugu ciqaabay kadib markii ay kaga kaadisay joodari uu ku jiifan lahaa.

Haweeneyda uu qabay Askariga habayarna u ah Gabadhan la jir dilay ayaa sheegtay in ninka qaba uu gabadhan yar canaan uga dhigayay garaacista uu ku sameeyay kadib markii ay ku kaadisay joodari uu lahaa.

Gabadhan sida xun loo jir dilay oo jirkeeda uu ka muuqdo dhaawacyo xanuun badan ayaa hadda lagu daweynayaa Isbitaalka Madiina ee Muqdisho, waana mid kamid ah dhacdooyinka xanuunka badan ee inta badan ka dhaca Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

ref