Sami Hooyo & Abwaan Gahayr |
Dembigiisa allaha dhaafee Abwaan Gahayr, waxa uu maansadan SAMI-HOOYO ee uu sameeyey June 2007 ku muujinayaa qiimaha hooyadu leedahay, isaga o abwaanku soo qaadanaya aayado quraana iyo axaadiis sharaf badan oo sheegaya sida ay diinteena wanaagsani inoogu dardaartay in aynu u samafalno waalidka guud ahaan gaar ahaan hooyada, ugu dambeyna waxa uu Siciid hooyadii macaan, si gaar ah uga codsanayaa in ay ku sahaydo duco, safarka waxbarsho ee uu ku tegayey dalka Pakistaan, waana tan maansadii: Suuban hooyadayduu, saatir igu abuuraay Sanad gaw ah oo ay, sadex bili ka dhiman tahay sidkaad igu xambaartoo, calooshaadu sabo iyo saldhig aan ku ladayoo, suubban bay ahaydoo suudiga kulaylkiyo, saymaha qabawgaba sar bay noqotay dadaysoo Horaadkaaga saxada leh, caanaha ku sugan baa soor ii ahaayoo Sida awr la dhaanshaad, igu siday tunkaagoo dhabtaaduna sariir iyo, salli bay ahayd aan si yar ugu gam'aayoo Soortana markaan naco, igamaad samraynine sasabaad in badan aad, igu siisay dhuuniga safradaha ka ciidmoo Harraad ruuxda solayaad, siman iga kaxaysoo Saantayda qaawani, dhar baad uga samaysoo silic inaan muquuursamo, raaxad iiga saantoo Nadaafadi waa sade, siifad iyo adaa qudhun saxar iga fogeeyoo Suug iyo rasaas kulul, waad igala socdaashoo surinkii ammaanaad, sees iiga waabtoo Sawdkaaga wacan iyo, sabaalada galgacalka leh sadarada ammaanta ah, waayaad igu sabeysoo Seken iyo gu'yaal iyo, saacadaad daraaddey surmi qaabilaysoo Safaad iyo markuu cudur, sahansado naftaydana awgay abad saqdii dhexe, soo jeed ku raagtoo saxo caafimaad baad, ii sahaminaysoo Suuradaydu gooray, saxansaxo udgoon iyo saac kuu ahaydoo Jaahaagoo sansaan wacan, sawirkiisu leeyaad ii soo bandhigaysoo Sarkaalnimiyo darajaba, adaa ii suntaayoo in aan qayrkay sare maro, waad saadaalinaysoo Samad igu anqarisoo, faralyada la sugay iyo sunnayaal habboon iyo, safxadaha kitaabkaba sid baad igu dardaartoo Adigaa salaaddiyo, igu ababshay soonkoo danbi aan sameeyana, iga siiyay waanoo saalix inaan ahaadaad, sacabbada u tumaysee Saamigii naftaydaay, sokeeyihi i xigayey sallaankii i qaaddaay, suubban hooyadeeyey Saaxiibtinimo runa, in samaan laguu falo saman tagay rasuulkaa, saddex goor ku celiyoo Sabab baad u tahay ay, safka muuminiintii ku siibmaan janada oo Fardawsiyo sareedada, saadaasha ay fili dar wanaagga sahaysaday, waxa ay ku sugan tahay sagxadaha cagtaadoo Samad wuu cadhoodaa, sanifaadi goortaad na saluugtid hiifkoo Sagsaag iyo uf reebyoo, hadallada saxnaanta leh inaan kugu salaannoo, an ku sawaxannaa buu saatir nagu amraayoo Sanadkaaga oo weyn, ruuxa aan u samafalin in saciira lagu rido, malag baa sanaadhsoo nabigaa sax yidhiyoo Ado dhabarka igu sida, sigashada anoon dhicin naxdin kugu sinaatana, sagaal aan ku qaadaan la sinmayn culeyskoo, saa'id dheer baraa oo Subaxaad i dihatiyo, ilaa sabankan maanta ah waad i saacidaysoo Siigiyo dabayl iyo, saxariir i daaraa sun bay kugu ahaayeen Saamigii naftayday, sokeeyii i xigayeey sallaankii i qaaddaay, suubban hooyadayday Haddii aanad sintaydiyo, sabarkayga taagnayn saxna ii tilmaamayn, sumcad maan heleenoo so'dan aan ku noolnahay, sayid kama ahaadeen summaddiisu khayrtee Sambabkaa ku jeceloo, sadrigaa ku naadshoo wadnahaad ku sugantoo, indhahaad siraad iyo ilays ula sansaantoo Sidad iigu mudan tahay, ma sifayn karaayee soonaha jidhkaygaan, seere aad ku negiddiyo sakad kaaga dhisi laa, hadday suuro galeysee Waxaan kugu sagootiyay, suuradaha furqaankee duco aan ku sama baxo, sahay iiga yeeloo Saatir waxan ka naawilay, ku sugnaan islaamkiyo soo noqod is aragliyo, nabad la isku keen simo SAMI-HOOYO By: Siciid Maxamuud Gahayr -------------------------------------------------------- Maxamed Cabdi. aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.