Qabaliyoy Hoog oo, haadaan jin ka dhac!
Fadlan ilmo Daaroodoooooow, ilmo Hawiye iyo  ilmo Diroooooow !

- Ma ii sheegi kartiin waxa ehel iyo qaraabo iyo xabiib aad jeceshihiin idinkaga dhigay Aabbihiin daarood, Aabbihiis Ismaaciil Jeberti iyo Faraciisii, ee shisheeye iyo cadow aad necebtihiin idinkaga dhigay hooyadiin Doombiro, Aabbaheed Dir Irir Samaale iyo Faraciisii iyo weliba Abtigiin Hawiye Irir Samaale iyo farciisii ?

- Maxaadse aabbe iyo hooyo idin wada dhalay ugu kala eexateen, oo weliba hooyadu idiin xaq badnayd ? 

- ilmo Dirowse maxaa faracii walaashiin dhashay shisheeye idinkaga dhigay oo aad har iyo habeen ubadkeedi u laysaan ?

- Hawiyow-se maxaa gabadhii walaalkaa Dir Irir dhalay ubadkeedii cadow kaaga dhigay oo aad har iyo habeen u laysaa ?

sowse dhammaantiid markhaati iigama tihidin in uu damiirkiinnii dhintay, mase igu diiddantihiin in ay dullinnimo tahay ehelkaagii u dul qaadaa waa xitaa hadduu ku dulmiyo, ee shisheeye u dul qaado oo weliba madaxa hoos ugu foorari ?

UGU DAMBAYN:

Adduunyadii waannu wareeriseen oo xitaa kuwii aad gaalada ku sheegayseen ayaa idinka naxariis badan, ka warrama haddii aad idinku dhexdiinna is dilaysaan, is dhacaysaan, is kufsanaysaan, halka aad maqasheen in 70 jir maraykan caddaan dhalad ah maxkamad lagu soo taagay isaga oo katiinadaysan muxuu Eygaagu u dhaawacay Mukulaasha ama Bisadda jaarkaaga ?
 
annaguse sidan Ahlu-naar Duqoobay aan xoolaha ula dhaqanno sow caro Alle maahan ?

-Qalbiga & dhegaha ayaa idin xirine, xal kale oo sharaf idinku midayn kara sugi maysiin oo Alle weyne wuu diiday in uu xaaladda qoom dhibaataysan wanaag ugu beddelo ilaa ay iyagu beddelaan ficilkii ay sharta ku sabasadeen, in dareenku idin dhintay mar walba ama sanad kasta qabiil walba ama jufo walba waxa ay xustaa oo ay xoolo badan u qashaa aabbahood, culummada ayaa idin dilatay oo idinka qarisay ee Hooyadiin qabriga ayey idinka soo fiirinaysaa ee duqda ma iska jeedinaysiin mise cabaad iyo cabasho iyo waawarey joogtaa ayaad ku raalli noqoteen ?

Jawaabta waxan ka sugayaa inta dareenku dambeeyo.
--------------------------------------
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk