Hooyoy la'aantaa, Adduunyadu hubaashii Habeen kama baxdeenoo, iftiin lama heleen (Abwaan Hadraawi) |
Hooyoy la'aantaa, adduunyadu hubaashii habeen kama baxdeenoo, iftiin lama heleen Dadku uma hayaameen, dayax heego joogoo sida haad ma fuuleen, xiddig hawd ka lulatoo hawo laguma gaadheen, hubka laguma tuureen cirka hirar ka muuqdoo, ruuxaad hagaysiyo usha midaad u haysaa, hilin toosan waligii ka habaabi mayee hooyoy addoomuhu. halkay maanta joogaan adigow horseedee. intaad hanad xambaartee haaneedka siisee. horaaddada jaqsiisee habtay baan xisaab iyo, tiro lagu helaynine Marka aad nin hiil-loo, laga baqo hashiisaa lama hure dhashaa baa, hooyo lagu xusuustaa. Marka aad nin hoo-loo, marti hagar ka galinoo gurigiisa habaqluhu, isku soo halleeyoo hayntiisa quudhoo, hor ilaahay geystiyo lama hure dhashaa baa, hooyoy lagu xusuustaa. Marka aad nin himillada, hilin toosan mariyoo hir markii la gaadhaba, ku labaad hilaadshoo haga maatadiisoo, la higsade dhashaa baa hooyo lagu xusuustaa. Marka aad nin hooggiyo, ka hor taga dagaalkoo dabka hura baqtiiyoo, garta hubin yaqaannoo xaqa hoos u eegoo, halistiyo colaadaha ku hagoogta dhiiggoo, dadka kala hagaajoo kala hage dhashaa baa, hooyo lagu xusuustaa. Markaad hoobal caanoo, sacabka iyo heellada labadadba hagaajoo, hindisaha farshaxanoo hab-dhaca iyo luuqdiyo, rabbi hibo u siiyoo hawraarta maansada, heensayn yaqaan iyo hal-abuur dhashaa baa, hooyo lagu xasuustaa. Dumar iyo haween baa, nolol lagu haweystaa kuwa lagu hammiyayee, sida hawd caleen wayn lagu wada hamuumee, ishu halacsanaysaa hablahaaga weeyee marka guur la haybshee, gabadh heego dheeroo hoobaan la moodoo, karti iyo hub-qaadloo quruxdana ka hodanoo, hirta laga aroosaa hooyo lagu xusuustaa. Hooyoy la,aantaa, higgaad lama barteenoo hooyoy la,aantaa, hadal lama kareenoo ruuxaanad habinoo, kolba aanad hees iyo hoobey ku sabinoo, hawshaada waayaa hanaqaadi maayee hooyoy taftaadaa, dugsi laga helaayoo hooyoy dhabtaadaa, hurda lagu gam'aayoo hooyoy dushaadaa, nabad lagu helaayoo waxa lagu halmaalaa, hooyo ababintaadee hayin lagu badhaadhaay, hogol lagu qaboobaay gogol lama huraaney intad hooyoy nooshahay, hanbalyo iyo slaan baan hanti kaaga dhigayaa hamrashiyo xaqdhowr baan, dusha kaa huwinayaa hooyoy dhimashadaaduna, hooggayga weeyoo hiyigiyo laabtaan, kugu haynayaayoo weligey hoggaagaan, ka dul heesayaa oo hengel baan u xidhayaa, inta haadka duushiyo idil habar dugaaggee, ifka hibo ku noolow aakhiro halkii roon. -------------------------------------------------------- Maxamed Cabdi. aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.