Hooyo-macaan, Abwaan Bulxan
01. Abaqaalki koobaad markii aadan laga beermay
02. ddubkii labaad wuxu ahaa xaawo unuggeede
03. abuurkeeda dhoobada rabbigay kama astaysiine
04. ahaw baa la yiri feedha bidix aadan laga jeexye
05. xigmad eebbe weeyoo kalgacal laga arkaayaaye
06. aqalkii bilow-aadanaha unuggi weeyaane
07. ubad faraxle eebbahay ka beer urur mataanaaye
08. si uu taranku u ebyoomo oo loo aflaxo waasac
09. is-dhaafsada la yiri inamihii farax arooseede
10. arrimihii ka xaasilay nafluhu wuu ogsoon yahaye
11. hayeeshee ujeedkaygu waa hooyo eraygeede
12. an asteeyo aqoon gaabniday maan idlayn karo e

13. Afku kama qisoon karo inuu sheego amarkeede
14. axwaalkeeda quraankaa akmilay aynigay tahaye
15. addimadeeday hoos taal jannadi udugga weynayde
16. addeeceeda iyo kii allaa lays ag dhigayaaye
17. saddex darajo aabbaha ka weyn waanad aragtaane
18. koomkaan allihi uumay baa aayaddaa yiriye
19. rasuulkuna ishaarada ku sheeg aynigay tahaye (SCW)
20. eedaadka dhibkay soo martiyo urugadii taaha
21. wallacay rafaad uurka guba la anfariirtaaye
22. ubucday ku qaaddaa sagaal bilo ayaameede
23. fooshii inkaarnayd wadkay iil qarkii tagiye
24. sakaraadkay aragtaa xanuun la alwanaysaaye
25. miyirkiyo xiskeedaa ambada arami kaarkiiye
26. markii eebbe kala keeno oy oohintaa maqasho
27. farxad aan idlaan bay kalgacal kugu iqbaashaaye
28. ibtilooyinkay soo martay wada illowdaaye
29. ibihiyo waxay kuu dhigtaa naas irmaan jaqide
30. markaad oydo kuma eegatee aamus bay dhihiye
31. araxdoy ku saartiyo hees bay kugu ammaantaaye
32. qosalkaagu goortuu u baxay oogsataa faraxe
33. musqul oogadeedaa ah iyo tuuji aabburane
34. mataggaaga kama aafatee aastay dhaqidiiye
35. afkeeday ku dhuuqdaa sankoo cabbur ku awdaaye
36. nafteedoo asqawday adiga uurka kuu miliye
37. adoon dhereg afkaa iman ogow oontu waw dacare
38. ambaqaadka socodkii kolkaad aayar hidinayso
39. istaaggaaga keliyawga wacan uunka oo idile
40. af billowga erayada gurracan oraah caruureedka
41. iyadoo quraa garan kartoo eebbahay baraye

42. itaal yarida tabartii markaad hooyo u adeegto
43. il raxmaad ayay kugu daydaa kugu iqbaashaaye
44. farax uurka buuxshana qalbigay kuugu ebidaaye
45. adigay adduunayada dhammaan siisan araggaaye
46. ilwaad iyo udgoon baad u tahay aayatiin jira e

47. jirradaad ildaran tahay xanuun oogadiyo jiirka
48. alwadkaaga taahawga daran iil in loo qodo e
49. indheheedu jiif kama bogtaan uurku waa gubane
50. haddii ay awooddana naftay kuu ergi lahaye
51. arwaaxeeda noloshiyo farxadu adiga weeyaane
52. calooshaaday eegtaa niyaday kaa afgarataaye
53. cunto inad rabtiyo oonka way kala ogaataaye
54. hadaaqaaga iyadaa taqaan eray billowgaa e

55. axad kale magaran karo qof aan shayna oranayne
56. hooyaduse waa ababiyaha koonka oo idile
57. waa axadka kaliyeen raxmadi ka ag dhammaanayne
58. waa hoyga noloshee farxadi ka ambaqaaddaaye
59. waa awr hayina iyo sariir aad ku gama'daaye
60. waa tiirka aadmigu cuskado udub dhexaadkiiye
61. albaabbada jannada laga galiyo waa rug aaminahe

62. aayaad axaadiis wuxuu eebbe ugu sheegay
63. amarkeedu inu weynyahaa nala ogaysiine
64. axadkii ku caasiya cadaab ways arkahayaane
65. acmaal khayr leh haddii aad fashoo faralka aad oogto
66. ama aad xajkii aaddo ood gudato awqaafta
67. hooyadi-eryaha erayga kulul kula ataagaaya
68. caasiga inkaarani jannada wuu ag marayaaye
69. ololkii cadaabkaa uqoran iilka wuu gubane

70. abaal-dhace wixii lagu akmilay ka indha taagaaya
71. ee abaydinnimadii inkiray tiil awood li'iye
72. oogadiisa muruqyada midkaa abadan moodaaya
73. aqli xumaha islaanyahay na daa ku asaraaraaya
74. eray liita eeyaa qofkii hooyo oranaaya
75. muran iyo akeekamid midkaan kala ajoonaynin
76. afgaroocu weligii ma helo eray wanaaggiise
77. arxan laawe hoygiisu waa olol jaxiimaade
78. ma aflaxo abiidkii sharwade caasi eed galaye
79. ibihii ad nuugtiyo dhabtii abaxdu kuu tiillay
80. araxday ku saartiyo dushaad ku istareexaysay
81. aqli-laawe ruuxii inkiray eedyay jeer kale e
82. ihaaniyo dhibbuu la kulmayaa lama illaawaane

83. ina hebel waxaad tahay intaad dunida joogtaaye
84. aakhiro isimka hooyadaa loo abtiriyaaye
85. inkir malaha waxay aayad tiri ama axaadiise
86. amarkeeda waa layna faray inaan addeecnaaye

87. Da'du markay asiibtee xanuun,  aafo soo ridato

88. markii ay awooddii gabtoo oogadii dabacdo
89. agaasimid dhaqaalayn leh iyo eray turriinshiiyo
90. af macaan aqbalay iyo wanaag lagu adeegaayo
91. adigoon dhibsanahayn shaqada aad u qabanayso
92. ahmiyadda ujeedkaagu waa eebbe ka cabsoo e
93. ajar weyn ayaa laga dhaxlaa aakhiraad heline

94. u ixsaan fal iyaguba siday kugu ahaayeene
95. alaakoodintoodii horiye aaya korintaadi
96. alif barashadaadii ilaa baqara aad gaartay
97. intaasay adduun kugu lunsheen aar ayuu noqone

98. quruxdiyo ilwaaddaani waa ababintoodiiye
99. arbe maad ahaateen haddaan lagu aleelayne
100. ha is moodin amiir boqora iyo geesi aaminahe
101. idif baad lahayd iyo dhareer sebi ahaantiiye
102. indhal meel la dhigay baad ahayd oon awood qabine
103. ummi garasho daran baad ahayd eray aqoontiiye
104. uskaggii markay kaa dhaqdaad abab wacnaataaye
105. shuushaamintaaday dadaal kugu itaashaaye
106. arrad-bixin aqool bay intaa kula ag joogtaaye
107. gaal iyo islaan kaad ahaan waalid waw araxe
108. ustaad baraha koowaad aflaxe iyada weeyaane
109. ujro kaama doontiyo wax siin aanafiyo quude
110. abaal uga dhig eebbow jannada wa'ad awooddaaye.
 
By: Abwaan Bulxan.
-------------------------------------------
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk