Mana gudan xilkaagii , mana gabin xaqaaqii
xusuustana ma moogiye, xujadaada weyn baan
xag aan kaga hagaagiyo, xeeligeegi la'ahaye
saddex-goor-xaq-mudaneey, xinjirtayda dhiiggaay
xaramkii labaadeey, xaaska haybaddiisaay
xag alliyo dhankaagay, qudhu igaga xidhan tee
la'aantaa xayaatada, xabaal baan ka gali laa.
Xadhkihii sammaantiyo, heeryadii xaqiiqada
xajisee adkaysaay
Qof xannaanadaadiyo, xiisahaaga waayaa
xagal-daac ka bixi waa, xiskiisuna ma buuxsamo.
Xayn-daabka guushaay, xaruntii aqoontaay
hal-abuur xuruuftiyo, xarakeeya maansada
adigaa xanjaadkiyo, hooyo xaynka ku af bara
Deeqsi xoolo badanoo, xaasidnimo ka saahiday
adaa xeerka soo bara
Hablo xuural-cayn ee, xariir guudka loo dabay
xulantida la tiigsado, adaa xoor ku soo habay
u sii xaadhay daw siman, misna faray xuduuddiyo
inta laga xishoodiyo, inta aan xajiin iyo
xumo lagu ogaynee, garashadu u xilatee
xusul-duubka raadcada, xergi loogu baratamo.
Markuu xoolka jiifiyo, markuu xoogga leeyahay
xildhibaanka uunkani, la'aantaa xal-keennaa
Xero oodi kari waa.
Xarumaha caloosheed, hooyo igu xamaashiyo
xanaf iyo kulayl iyo, xanuun fooshu leediyo
qaydkiyo xansheerkaad, wallee igu xambaartiyo
xaqii naaska maba gudo.
Xiskaygaad ku milantoo, xididdada hal-bawlaha
xinjiraha u qaadiyo, xubnahayga oo dhami
xaqa aad ka mudantahay, ku xadraynayaanoo
inta xay aad tahay baan, xurmayntaada qaanta ah
xirib qudha qiyaas le eg, xilbax inan ku soo gudo
ku xisaabtamaayoo, haddaan xoog u leeyahon
xayiraayo dhiillada, xanuun iyo bukaan iyo
xumo maabad aragteen, anigaa xawilan laa
dhibta kuu xammili laa.
Xushmayntaada ruux gabay, xaq-dhawrkaaga baal maray
ma xasilo adduunyada, xawdkii rasuulkiyo
janno waa ka xaaraan.
Qof xeerkaaga sheeg yidhi, xudduuddiisa gaadh yidhi
ku xabeebsay mooyee, xusul qudha dhamayn waa
Anna xarafka maansada, nabarrada xanuunka le
ku xaraari mooyee, xaasha’e is maan odhan
xaqa hooyo leedahay, carrab baa xaddidi kara!
Xudduntaan ka beermaay, xujadii adduunkaay
xog ogaalka dhaqankaay, xildhibaanka noloshaay
inta xidid ku nool yahay, xagtintiyo dhibaatada
xayn daab biroo adag, xijaab aan la mari karin
kaaga xeeri mawluhu
Rabbigay xabaashana, xaraaraha fardawsaada
xaadin kaaga qoondee, anna xiise duuggiyo
dareen xaaluf-diidiyo, xadantiyo kuu xalan
waa mid aan la xadi karin.
By: Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil
---------------------------------------------
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk
|