Habaar hooyo inuu jiro, Soomaali habaajiyey, daliil baan u haystaa, ah middaane iga hoo!
Allaa mahad leh, rasuulkiisana naxarsiis iyo nabad gelyo allaha siiyo.

Xumo lagama waayo adduunyee inta aanan u gelin qormadeydan gaaban, waxan ka hor marinayaa:

SHEEKO GAABAN:

Meherad Telefoonnada laga dirsado ayuu soo galay wiil runtii aad u lebbisnaa ilaahayna qurux iyo joog u dhaliyey, markaa ayuu dhiibtay telefoon lambar gudaha ah si loogu diro, waxa lagu  yiri guduhu lambarradan kama billowdaan ee telefoonka sax, mar uu muddo badan ku doodayey in telefoonkiisu sax yahay uuna weligiis isticmaali jirey, ayaa nin isaguna telefoon sugayey hoosta ka baaqay oo yiri: isaga ha loo dhiibo ha dirsadee, markii lagu wareejiyey ee uu 10 daqiiqo ku celcelinayey in uu qalad yahayna dhawaqiisa la wada maqlayey, ayuu intuu yiri telefoonka ayaa guriga ka hallaysan ayuu baxay.

Annaga oo yaabban ayaa ninkii lahaa isaga dirso ha lagu dhaho intuu qoslay yiri ma taqaanniin cilmigane damaaci buu ninku qaatay, hadalkaas oo uu sii fasiray kuna sheegay in ay jiraan dad u badan dhallinyarada oo isticmaala kiiniini daroogo ah oo sida ay iyaga la tahay u haysta in uu dhaafiyo welwelka iyo dhibka adduunyada,

laakiin xaqiiqo ahaan ka qaada dareenka qiirada, ama aan dareemayn wax kasta oo xumaan ah oo lagu sameeyo, dadka aan isticmaalinna waxay kaniinkaas u bixiyeen DAMAACI waayo marka qofku isticmaalo wixii markaa ku soo dhaca ayuu ku dhegaa oo aan laga fujin karin cid kastaa ha lahaatee,

Markaa kaddib aniga oo baaritaan iyo barasho dheer u galay kiniinkaas ayaa waxa ii soo baxday in ruuxa kiniinkaas isticmaala iyo dadka waalidkood habaareen ay sifooyin badan wadaagaan, haddii aan ka soo qaato inta ugu waaweyn ee aan mawduucan u doortayna waa in qofku isaga oo lebbisan, style-kiisuna aad u taaganyahay, oo dadka aan aqoon hore u lahayn ula muuqda qof miyir qaba, uu haddana waalanyahay, calaamadda 2aad waa qofkaas oo tallaabo kasta ee uu ku dhaqaaqaahi qaldantahay, qorshe kasta oo uu fuli is yiraahdana way kala dhimmanaadaan oo weligi ma dhammaystiro, haddii uu dhammaystirana wuxuu ku dhammeeyaa meel dhibkiisu ku jiro, ciddii wax la macaamisha wuu saameeyaa oo dhibaato badan ayaa ka soo gaarta, (Ruux habaaran waddo lagulama baqdo) sifada ama tilmaanta 3aad ee ugu daran ee ruuxa habaaran waa in aan la toosin karin oo uu si xad dhaaf ah u madax adagyahay.

Sidaas darteed, (War soomaaliyeeeey) marka aan leeyahay lama hadlayo soomaalida maanta ee ummadaha kale ayaan la hadlayaa iyo soomaalida dambe ee hadda kaddib imaan doonta, waayo i maqli mayso oo habaar hooyo oo la wada ogyahay ayaa sutiga u haya, oo intuu baroosinka u qabtay meel mool ah oo badweyn dhexdeed ah salka la dhigay, lana mid noqday taangigii inta siliskii loo jaray qof cuuryaan ah lugu xirxiray, lugu yiri iska hurguf rasaastan aan kaa dhammaaneyn.

SIDAAS DARTEED IN DHIBAATADA SOOMAALI HAYSATAA AY TAHAY HABAAR HOOYO:

01- KU GARO: Qabiil walba ama Jufo kasta ee Soomaaliyeed waxa ay xustaa aabbaha ay ka soo jeedaan, weligoodse ma xusin oo xitaa maba yaqaanniin Hooyada ay ka soo jeedaan ee odaygaas ay xusayaan la dhashay, sow rixin-goys iyo caddaalad darro tii ugu xumayd ma ahan ?

02- KU GARO: Waxan baa joogto u ah oo aysan naf damiir iyo dareen dadnimo lihi xitaa daawan karin in ay samayso iska daaye.

03- KU GARO: jufo walba oo soomaaliyeed waxa ay qool ugu jirtaa oo dhibtay oo nafta u keentay, oo ay meel ay ka gasho la'dahay
jufadii ama ubadkii ay walaashood dhashay. 04- KU GARO: iimaan la'aanta iyo damaca waalan ee kursi doonka ah ee ku dhacay inta badan ummaddii soomaali la dhihi jirey. 05- KU GARO: Ruux madaxnimo sheeganaya ee intuu dhalay iyo intii dhashayba har iyo habeen gumaadaya oo aan haddana danqanayn ee dhayle iska daaqaya. 06- KU GARO: kuwa uu gumaadayo oo haddana isagaas ilaahay iyo rasuulkiisiiba ka jecel. 07- KU GARO: Wareerka Soomaali haysta Dagaal iyo Madaafiic dadkoodii ku baaba'ayaan ayey leeyihiin Allow kala qabooji, maxaa u diiday allow jooji oo ha nagu soo celin, marka ay leeyihiin Qorraxdii ama cadceeddii way qabowday sow midda berri ma kululaanayso, sowse wixii yar qaboobaahi dib kama soo kacaan ? 08- KU GARO: Madaafiic magaalada xamar lagu garaacay ee qoys dhan gumaaday ayey warbaahinta kala qayliyaan Madfac habow ah ayaa ku habsaday, siduu habow u ahaa ma bar kabdhood ee lagu shiishayey ayaa lala waayey mise magaalada Xamar oo loo wadey ayaa lala waayey oo ay Afgooye ku dhacday, waa xaasidnimo loo qabo marrastii la laayey iyo taageero loo hayo iyo marqaati loo furayo inuusan dembi lahayn ee Kama' ka ahayd kii xasuuqay. 09- KU GARO: oo bal fur Internetka dunida oo dhan ka dhexeeya, ee website yada waaweyn ee ganacsiga, Telefoonnada iyo dhammaan kuwa horumarka aadanaha ka raadi SOMALIA, waxad arkaysaa in DROP-DOWN LIST gebigoodba ay ka saareen, mid dhif ah oo waqti u waayey mooyaane, miyaaney ihaano iyo nolosha ka dhac ahayn? 10- KU GARO: markii aad qof soomaali ah caammo iyo culummaba ku tiraahdo war iska daa waxan adigay kuu daranyihiine, ama duqdaan miskiinta ah ha kufsanin waa ceeb iyo dullinnimee, sow kama baqaysid in ilaahay aakhiro kahor cudur xun kugu rido, wuxuu hadal kaaga billaabayaa wax aan alle ii qorin igu dhici maayaan, isagoo iska dhigaya qof iimaankiisu buuxo. 11- KU GARO: qoraallada iyo qayla dhaanta iyo maansooyinka ay intaa har iyo habeen soo hurgufayaan wax garadka soomaaliyeed
ee intaa ku dhaca dhego layr u daloola oo ay raacsiinayaan dabaysha xagaaga. 12- KU GARO: wax garadkaas laftiisa oo markaad qormadiisa ama maansadiisa qiimaha leh website ka daalacato, ee aad is tiraa maashaa allaah qofkan baa kula dareemaya dhibka jira kulana raadinaya xalka dadka iyo dalkaaga, marka aad la xiriirto maba ahan qofkii qoray ee waa qof sidaada oo akle aqriyey, markaad isku daydo in aad bal kala hadasho dhibka jirana wuxuu kaala hadlayaa gujis cusub oo ay soo saartay shirkadda Toyota, markaad is tiraa bal waa mashquul ama wuu daallanyahaye mar dambe isku soo laabta, intuu kula ballamo ayaadan dib dambe u arkayn. 13- KU GARO: 70 jirro soomaali ah ee 2 ama 3 sano ka hor ka soo qaxay dalkii ee haddii aad tiraahdo dhibkaas baa maanta dhulkii ka dhacay kugu oranaya, ha ii sheegin, waxaas anigu mar hore ayaan iska xiray baabkooda oo wararka Website yada maba akhriyo. 14- KU GARO: hooyadii soomaaliyeed lafteedii oo garan weysey in ay wiilkeeda ku tiraahdo hooyo macaanow ha layn abtiyaashaa, haddaad diiddana dadkayga ha layn oo aniga ha i asal tirin, hadaadan yeelaynna intii aad farac dhan habaar u soo jiidi lahayd ee qaran dhami dartaa u dumi lahaa, hooyoy allaha iga kaa qaado, ma yeeline iyadiina waa ehel beeshay, waana ubad beeshay. 15- KU GARO: Madaafiicda sidii roobka ama dhimbilaha, amaba gaaraa bidhdoodka dabka ugu shubmaysa ee iska daa cid kaloo u naxdee aysan iyagii isu naxayn, oo xataa iskaba daa isu nixitaane aysan dareensanayn in uu dhib jiraba, hadde dhib aan jirinna ma dhacdo in la xalliyo, sidaas darteed suurto gal ma ahan in soomaalida maanta xal keento illeen maba ogee. 16- KU GARO: Dadyow aan iyaga ahayn ayey u yaqaanniin cadowgooda gaamuray oo soo jireen ah, haddana way arkaan in kuwaas dadkoodu u tarmaan iyaguna ay is baaba'shaan, haddana maba oga wax jira. Lama soo koobi karo abwaaniinta soomaaliyeed ee maansooyin iyo gabayo fara badan ku sheegay in habaarkaasi jiro sida Dix-dhagaxeed, Doqonniimo iyo Daafacul balaayo Sidaas darteed ayey ku baaba'aysaa ogaal la'aan, cadawgeediina si uusan weligi u qoslin ayuu u qoslayaa, waayo maba ahan wax aad ka filan karto cadow si adag iskaga kaa celin jirey in ay sidani ku dhacdo, sidaasina waa sidee, si kale ma ahane waa dareen la'aan, maxaana keenay qabiil walba iyo jufo kasta ee soomaaliyeed hooyadood baa habaartay, waayo habaryartood bay kufsadeen, abtigoodna dhaceen oo dileen, laakiin waheeeeey, wahey! wahey! .., ar yaa hurdada iiga kiciya dadkeyga! war wax kastaba tijaabise e, oo shir kastaba la idiin qabaye, oo goob kasta oo ihaano fariisate e, ila tijaabiya hooyo oo aan ka cafis dalabno keliya, tijaabo uun keliya illeen maba aaminsanidine. Ilaahow ay aqbalaan, ilaahow ay aqbalaan, ilaahow ay aqbalaan, ilaahow ii toosi, ilaahow dad kale ma lihi, ilaahow iyagaan ku gawracanahay, iyagiina wax ma maqlayaan, ee allow maanta ha nugu dhaafin dhibkan ma qaadi karnee. W/Q. Maxamed Cabdi (aamaguul) aamguul@hotmail.co.uk