Hooyadaa ka eexoo markaa Aabbo uga eexo
ayeydaa ka eexoo anfaco sii Awoow keliya
waa amarka haystoo ku riday uub somaalida e
oo gebi qaxooti u arkoo wada agoonteeyey
ee Allow awooddaada weyn nooga celi uubta
13-04-2013

01- Awowgaaga aabbaad taqaan labo awoowgiise
02- car bal sheeg ayeey aabbo iyo labo ayeeydeeda
03- ama sheeg ayeey hooyo iyo labo ayeeydeeda ?

04- sheegi maysid ayeydaadi oo xiran albaabkaase
05- waadiga xusaya odaygi oo qalaya awr weyne
06- miyaad aragtay beel habar xustoo ubadka soomaala ? 

07- xusid iyo xusuusteeda daa xiran abaalkaase
08- faraciyo awlaaddeedi baad gawrac ugu jiidday
09- oo duhurya laylkaad madfaca jiibta ku asqaysay

10- inkaar hooyo inad doogsatood goysey ehelkeedi
11- ood odaygi uga hiillisoo eexu kula taallo
12- iiga noqo marqaatiyo inaad caasi tahay eebbe.

13- doombire dir waa ina dir irir ina samaalaahe
14- ilmo daarood hooyey u tahay diri awowgoode
15- dirtan iyo hawiyow abtiya ubadki daaroode
15- abtiyaal haddey dilahayaan sow ahligan maaha ?

16- diri ubadki uu sii dhaliyo faraci uu reebay
17- hawiyahana irir baa dhaloo ina samaalaahe
18- abtibaw noqdeen ee haddey rixinki gooyaane
19- ubadkii walaashood dilaan sow ahligan maaha ?

20- mursal karanle waa murusadoo lama aqoon wayne
21- ilmo gidirey karanlow abtiya yahay abkoodiiye
22- hadduu ubadkii gidirey dilaa araxda goynaayo
23- isna ubadkii gidirey dilaan sow ahligan maaha ?

24- somaalidu haddey gebi ahayd sida an soo sheegay
25- arxan gooye raxmaddii allihi aad u kala dheere
26- nabaddaan an nayroobi iyo addis ka raadeyno
27- intaan rixin xiriireyno uun sow arruman maahan ?
------------------------------------

Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk