Sheeko Carruureed

02- Dawaco & Waraabe | 03- Dawaco, Waraabe & Libaax | 04- Heshiis waraabe & Libaax | 05- Ma wax aan ku mooday | 06- Doolli | 07- Kee u caajis badan? 08- Maan wada tuugsanno? | 09- Qof walba u muuqo 10- May kaas beddelaan | 11- Dhabcaalkii adduunka | 12- Daroogiistayaal | 13- Yaa daran? 14- Juxa & Mayd | 15- Labo doqon oo is dhalay | 16- Habeen & maalin | 17- Yaab yaabkiis | 18- Juxo & nin xamaaliya | 19- Saddexley1 | 20- Saddexley2 21- Booqasho faa'iido leh | 22- Qofna hakuxukumin fikirkaaga Gaaban | SADDEX DIBI & LIBAAX: Waxaa la yiri waxaa saaxiib ahaa 3 Dibi iyo Libaax, wayna wada daaqi jireen, Libaaxu wuu jeclaa inuu cuno dibidan laakiin saddexdooda oo isla jooga kuma dhici karin, markaa wuxuu u fikiray xeelad uu ku kala fogeeyo oo uu midba meel cidlo ah ka helo kaddibna cuno. Maalintii dambe ayuu dibigii madoobaa iyo kii guduudnaa hoosta kala hadlay oo ku yiri dibigan cad midabkiisa caddaanka ah ayaa habeenkii bahaluhu idinku soo raacayaan, marka berrito marka aad cawska doonanaysaan ka dhuunta, labadii dibi sheekadii khiyaanada ahayd ee libaaxa ayey Run moodeen, dibigii caddaana isagoo weli hurdaya ayey subixii horeba ka dhuunteen. Markaa ayuu libaaxii keligiis u yimid oo cunay, maalintii kale ayuu libaaxii dibigii madoobaa ku yiri dibigan guduudan midabkiisu wuxuu u egyahay Dhiig, markaa balaayo ayuu kuu saadyayaa ama kuu saraadinayaa ee ka dhuumo, run buu mooday oo isna ka dhuuntay markaas ayuu libaaxii cunay dibigii guduudnaa. Markuu soo haray dibigii madoobaa oo keliya ayuu libaaxii u yimid oo ku yiri war dibiyohow madow bahal gaajo kulul ayaa i haysa, waxanna aad ugu baahanahay oo aanan beryahanba cunin hilib Lo' markaa maanta adiga ayaan ku cunayaa ee tartiibkaaga u diyaar garow. Dibigii madoobaa wuxuu ku yiri ninyohow Libaaxow anigu maanta ma aanan dhiman ee waxan dhintay maalintaad aniga iyo dibigii guduudnaa na sirtay oo na tiri dibiga cad ka dhuunta oo aan khiyaanadaadii run moodnay, marka hadde wax kale oo aan samayn karo maleh ee iska kay cun, halkii buuna libaaxii ku cunay dibigii madoobaa. MURTIDA SHEEKADA: Midnimadu waa xoog, kala tagguna waa tabar darro, haddii dadka lagugu diro waa in aadan yeelin.
JUXAA OO DAMEERKIISII SUUQA DAMEERAHA GEEYEY: Juxaa ayaa dameer uu lahaa suuqa keenay si uu u iibiyo, kaddibna nin doonayey in uu gato dameerka ayaa qabtay sayntii Dameerka, markaas buu haraati ku jiiday (ku dhuftay), haddana wuxuu is yiri fiiri ilkihiisa makaas buu dameerkii qaniinay ninkii oo xanuunsaday, wuxuu yiri ninkii waryaa Juxoow cidna dameerkan kaama gadaneyso. Juxaa ayaa u jawaabay oo ku yiri: in ay cidi iga gadato uma keenin suuqa ee markii horeba waxaan u keenay in layla arko dhibka uu igu hayo aniga. Murtida sheekada:
Wixii dhiba bulsho ay isla noolyihiin ama dani ka wada dhexayso wuxuu muteysan karaa in ruuxii uu la noolaana naco, bulshada inteeda kalena la tuso dhaqan xumadiisa.
Juxaa iyo nin kii Caqliga Badnaa
Beri hore ayaa waxaa jiri jiray nin Juxaa la yiraahdo, maalin maalmaha ka mid ah ayaa juxaa wuxuu aaday Beeraha, wuxuuna ka doonay DHIS ta guryaha baadiyaha lagu dhiso, ka bacdi wuxuu fuulay geed dheer, wuxuuna doonayey inuu gooyo laan, laakiin doqonnimadiisa wuxuu ku fariistay isla laantii uu doonayey inuu gooyo. Markaas nin meesha marayey ayaa arkay sanca xumida ninkan haysata, wuxuuna ku yiri: war miyaad waalantahay, laanta aad ku fadhido ha goynin haddii kale waad soo dhacaysaa, ka bacdi juxaa dheg uma dhigin hadalka ninkii, ninkiina waa is ka dhaafay cabbaar ka bacdi juxaa dhulka ayuu ku soo dhacay oo laantii uu ku fadhiyey ee uu gooyey ayaa la soo jabtay. Ka dibna ninkii wax u sheegayey oo meel halkaas ah sii socda buu ka daba orday oo ku yiri: war bal kaalay ninyohow caqliga badan, waxaad tahay nin wax walba og oo xataa wax aan weli dhicin ee dhici doona oge, nin kaagan ii sheegay hadaan laanta geedka ku taaaley gooyo inaan soo dhici doono, (hadda u fiirso weli doqonnimadiisii ayuu ku jiraa oo waxa aan weli dhicin ee dhici doona ilaahay keliya un baa og ee cid kale ma ogaan karto). ninkii waa yaabay markuu juxaa sidaa ku yiri, juxaa wuxuu nikii ku yiri war ninyohow maadaama aad waxa aan weli dhicin ogaan karto waxaad ii sheegtaa maalinta aan dhiman doono anigu waadigan markii hore iisheegay in aan ka soo dhacayo haddii aan laanta gooyee, ninkii intuu yaabay buu gartay in uu ninkan nacas doqon ah yahay, markaas buu yiri waxaad dhiman doontaa marka dameerkaagu qayliyo. Juxaa wuxuu maalintii oo dhan fiirinayey dameerkiisa afkiisa, dameer waa dameer oo markuu dameero kale arko wuu qayliyaaye, cabbaar ka bacdi dameerkii baa arkay dameero kale markaas buu ciyey oo qaylo dheer ku dhuftay dhowr jeer. Juxaa waa tuu ninkii u sheegay oo ku yiri marka dameerkaagu qayliyo waad dhimanaysaa oo wuu ramaystay quraafaadkii ninku ku yiriye, wuxuu qaatay maro cad oo karfan ah wuxuuna aaday xabaalaha (Qabuuraha) dadka lagu duugo isagoo is leh waad dhimanaysaa, wuxuu juxaa dhex seexday xabaalo magaalada ka baxsan ama ka fog. Waxaa meeshii xabalaha agtooda ahayd soo maray dad magaalada ka lunsan oo waayay waddadii ay u mari lahayeen waxayna arkeen qof xabaalaha dhex jiifa waxay is yiraahdeen ruuxan waydiiya meel magaalada loo maro, waxayna yiraahdeen: war qofkaan hurda meeshow toos oo noo sheeg meesha ay magaaladii naga xigto waan wada habawnaye? Markaas baa juxaa yiri markaan aduunka ku noola waxaa loo mari jiray wadaa agtiin ah markaas bay yaabeen oo yirahdeen nin kan miyuu waalan yahay wuxuu ka wadaa markaan aduunka ku noolaa waxay waydiiyiin wuxuu kalmadaa u leeyahay juxaa wuxuu dadkii u sheegay sheekadii oo dhan ka bacdi waxaa yirhadeen sidaas laguma dhintee ka kac meesha oo ina keen ! Murti: Ka fiirso intaadan fali ficilka aad maagan tahay inaad sameyso, jooji haduu yahay ficil khaldan, ha rumeysan wax walba oo ruux kuu sheego, rumeyso wixii macquul ah. Ajashaada ilaah baa haya kaligiis baana og xilliga aad dhimanyso in kastoo Soomaalidu ku maahmaahdo nin weyn wadkii dili lahaa waa yaqaanaa. 02- DAWACO & WARAABE - KOR AAD Beri ayaa dawaco adhi fara badan ka cuni jirtay reero meel deggan. Arigaas oo riyo iyo idaba lahaa ama ka koobnaa. Maalin danbe ayaa dadkii meel isugu yimaadeen waxaaney ka wada hadleen sidii ay dawacadaas dhibta badan iskaga dili lahaayeen. Waxay dadkii talo ku gaadheen in dabin loo dhigo dawacada. Dawacadii waxay ku dhacday dabinkii loo dhigay. ka dibna dadkii waxay ku xidheen dawacadii geed jiriddiis, si looga aarsado oo waxaa talo lagu gaadhay in dab lagu dhex rido. Dadkii waxay soo gureen qoryo xaabo ah oo aad u badan. Waxay xaabadii ka buuxsheen god aad u weyn oo ay ka qodeen geedkii ay dawacadu ku xidhnayd agtiisa. Markaas ayey xaabadii dab ku huriyeen waxayna yidhaahdeen, "Aan iska tagno, oo marka dabku uu aad u shidmo ku soo noqonno oo dawacada ku dhex ridno." Kaddib cidii dawacada ayaa waxaa maqlay Waraabe aad u gaajaysan, Markaas ayuu soo orday oo is yidhi, aad ka eryatid neefka ay dilatay maanta, waraabihii wuxuu u yimid dawacadii xirnayd. Intuu yaabay ayuu ku yidhi, "Naa dawaco yaa geedkan kugu xidh-xidhay?" Markaas ayey dawacadii tidhi, "Waxaa igu xidhay adeerkay." Dhurwaagii (waraabihii) ayaa haddana yidhi, "oo muxuu kuugu xidhay?" Dawacadii ayaa tidhi, "Adeerkay aad buu ii jicelyahay." Wuxuu arkay in aan caato ahay markaas wuxuu ii qalay wan weyn oo aad u buuran, dabkaas agtayda ka shidanna wankaas ayaa la iigu karin doonaa. Aniguna waan diiddanahay in aan cuno wankaas buuran, waayo gaajo ima hayso oo maalmahan oo dhan ayaan hilib cunayey oo ka dhergay, oo waxaan ka cabsanayaa in aan calool xanuun ka qaado. Markii aan damcay in aan ka tagana, intuu i soo qabtay ayuu geedkan igu xidhay. markaan hilibkii cuni kari waayeyna wuu i garaacay. Waraabihii ayaa intuu afka aad u kala qaaday illeen waa wax hilib iyo baruur jecele yidhi, "Ihi! ihi! ihi! aniga ayaa xarigga kaa furaya ee aniga geedka igu xidh, si aan anigu u cuno hilibkaas adiguna uga nabad gasho." iyadiina way yeeshay oo markuu ka furay ayuu dhurwaagii ku xirtay geedkii, markii dadkii ku soo noqdeen meeshii dawacadu ku xidhnayd, si ay dabka ugu dhex tuuraan, waxay u yimaaddeen waraabe ku xidhan geedkii. Dadkii ayaa intay yaabeen yidhi, "War Waraabe meeday dawacadii?" Markaas ayuu waraabihii yidhi, "aniga ayaa xariggii ka furay oo way tagtay." Dadkii ayaa yidhi, "Oo maxaad uga furtay?" Waraabihii wuxuu yidhi, "waxay i tidhi dawacadii aniga gaajo ima hayso, ee hilibka la ii keeni doono adigu cun." Markaas ayey dadkii isagii dabkii ku tuureen. Sidaas ayaa waraabihii isku darsaday hunguri xumada iyo doqonnimada ku dhintay. Murtida sheekada:
Gaajo ama baahi yeysan kuu horseedin jid xun, hunguri xumo yeysan sharaftaada dhaawicin, waxbaro oo shaqayso si aad uga baxdo gaajo. Doqonimo si aad uga badbaaddo wax baro, si aad u kala garato waxa u wanaagsan iyo waxa u xun naftaada. Naftaadana halis ha u galin hunguri iyo hubsasho la/aan. Waxaan kasoo xiganay Sheekada qormooyinka Sheeko caruureedda Soomaaliyeed. Afdheer.com
03- DAWACO, WARAABE & LIBAAX - KOR AAD Beri baa waxaa saaxiib ahaa Dacawo iyo Waraabe. Waxaa la yidhi, Waraabuhu xoolo badan ayuu lahaa, laakiin dacawadu wey xoolo yarayd. Dacawada oo Soomaalidu ay ku tilmaanto in ay caqli badan tahay, ayaa Waraabihii waxay la yeelatay xidhiidh wanaagsan, ujeeddaduse wey ka duwanayd midda xidhiirkooda saaxiibnimo. Waraabihii wuxuu go'aansadey in ay is guursadaan isaga iyo Dawacadu, ayaduna waxba kama diidin oo wey ka oggolaatay codsigiisii, waaney is guursadeen. Maalintii dambe ayaa Dawacadii ka war heshay in Libaaxu raadinayo qof xoolaha u raaca. Markaas bay tiri, "war Libaax, xoolihii wax kuu raaca ma heshay?" Markaas buu yiri, "maya." intay iska dhigtay wax ka naxaya, ulana haddashay si naxariis leh ayey ku tiri, "iska seexo anaa kuu raaci xoolaha maante!" Libaaxii wuu oggolaaday, wuxuuse kula dardaarmay in ay xoolaha si fiican u raacdo, ha ka werwarin ayey ku jawaabtay, Libaaxiina wuu iska seexday. Dacawadii waxay cuntay neefkii ugu shilisnaa (ugu buurnaa) xoolaha libaaxa, cad yar ayey soo qaadday oo intay u timid waraabihii oo hurdaya afka u marmarisay hilibkii dhiiggiisii, oo iskaga tagtay. Waxaa u yimid libaaxii dawacadii oo xoolihiisii la joogta, markaas ayuu xoolihii tiriyey. Waxaana maqnaaday neefkii ugu buurnaa xoolaha, libaaxii wuxuu waydiiyey dacawadii halka uu neefkii jiro, waxay ku tiri, "waxaa cunay Waraabe, markii aan isku dayey in aan ka celiyo, wuu diiday waanu ila dagaalay." Libaaxii wuxuu u tegay waraabihii oo hurdaya, markaasuu arkay waraabihii oo afka dhiig ku leh. Markaas ayuu libaaxii rumaystay waxay dawacadu sheegaysay oo cunay waraabihii. Dacawadii sidaas ayey ku dhaxashay xoolihii waraabaha oo dhan. Waxaa soo diyaariyey: Abdi Ali(Abnooor)
04- HESHIIS DHEX MARAY WARAABE & LIBAAX - KOR Beri baa Waraabe iyo Libaax wada shireen, Waraabihii ayaa Libaaxii ku yidhi "aan xoolo dhaqanno?" Libaaxii wuxuu ku jawaabay "waa yahay ee sidee ayeynu u dhaqannaa illayn innagu xoolo ma lihine?" Waraabihii "Halka aynu habeen walba wax aynu dhacno raadinayno ee khatarta aynu gelayno. Mar keliya hal habeen aynu tabarteenna isu geyno oo xoolo (Geel, Lo', Ari) aynu dhaqano soo dhacno". Libaax: "Markaa aynu xoolo badan isu keenno, sidee habar dugaagga kale uga badbaadinaynaa? amaba habkee u dhaqaynaa? Dhurwaagii: "Meel kayn ah oo geedo badan leh ayeynu Xero uga oodaynaa, waanaynu daajin doonnaa. Dabadeed way tarmi oo noo badanayaan, waxaanna helaynaa waxaynu cunno. Habar dugaagga kalena waynu u sheegi doonnaa intaynu isugu yeerno, inaan aniga iyo adiga keliya xoolahaas leennahay oo aanay u dhawaannin, waayo adna boqorkii habar dugaag ayaad tahay anna ku xigeenkaagii. Markaa u dhawaan maayaaan xoolaheenna, summadna waynu ku dhigan". Goor waaberi ah ayey reero guuraya daba galeen. Waxay arkeen geelii oo barbaari ilaalinayso iyo awrkii baarqab oo hareerta ka socda. Dabadeed way ka cabsadeen oo dhinacii kale ayey u leexdeen. Waxay arkeen Lo'diina raggii waaweynaa ayaa wada, iyana way ka bayreen. Adhigii oo dumarkii iyo carruurtii wadaan ayey daba galeen. Halkaas lafteeda fursad ayey ka waayeen, laakiin Lax duq ah ayey qabsadeen oo kaxaysteen. Laxdii xero ayey u oodeen, labada dhinacna waa ka kala fariisteen. markay muddo saacado ah fadhiyeen ayaa Waraabihii is hayn kari waayey oo gaajooday. Wuxu yiri -"Boqor libaax, lax keliya ina anfici maysee ciil-ciil ma ku hayaa? Libaax: "Goorahanba caajis ayaa i hayey ee maxay kula tahay?" Dhurwaagii: " xoolo badan waynu heli doonnaaye aynu laxdan cunno". dabadeed laxdii way kala goosteen. Waxaa soo diyaariyey: Abdi Ali (Abnoor)
05- MA WAXAAN KU MOODAY, MISE WAXAAD NOQOTAY, MISE WAXAN LOO NOQON DOONIN! - KOR Bari baa waxaa jirey nin la oran jirey Cigaal Shiidaad. Wuxuu ku caan baxay fulaynimo. Habeen habeennada ka mid ah ayuu guure galay. Wuxuu arkay geed jiriddiis oo ka muuqata meel ku beegan hortiisa. Cigaal wuxuu u maleeyey Libaax waddada fadhiya oo isaga gaadaya. Gaashaankiisii iyo warankiisii ayuu la diyaar garooobay, oo ku qayliyey, yur-yur, yur-yur. Wallee aniga Libaaxow caawa i ma dagtid (ima sirtid) geedna iskagama kay dhigtid. Habeenkii oo dhan wuxuu ku jirey feejignaan uu Libaaxa iska eegayo, hase ahaatee markii waagii baryey ayuu wuxuu arkay, wuxuu Libaax u maleynayey oo aan Libaaxba ahayn. illeen geed jiriddiis ayuu difaac kula jirey habeenkii oo dhan. isaga oo yaabban wuxuu yidhi, "Geed-yahow ma waxaan ku mooday, mise waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon doonin. Waxaan ku mooday libaax, waxaadse noqotay Jirid, waxaanse loo noqon doonin guure habeen." Dulucda sheekada: Ha noqon fulay wax kasta ka baqda. Waxaa Soo diyaariyey: Abdi Ali
06- JIIR (DOOLLI) - KOR Beri baa waxaa jiray Jiir badan (Doolli). Maalin maalmaha ka mid ah ayey isa soo raaceen, markaas ayey yimaadeen guri Bisado (Mukulaalo) leeyihiin oo aad u qurux badan, ayna yaallaan bootarro (Boolbaro) midabbo badan leh. Mid ka mid ah Jiirkii ayaa marsaday midab dahabi ah, dabadeedna wuxuu isku eegay (fiiriyey) muraayad guriga u dhex tiil Bisadaha. Jiirkii aad ayuu isula dhacay oo isku maleeyey in uu dahab ka kooban yahay. Jiirkii kale ayaa arkay Bisadihii oo soo socda, oo intay ugaarsi tageen soo hungoobay (wax soo waayey). Jiirkii badnaa waxay u digeen saaxiibkood oo ay ku yiraahdeen, "Hayeeeeey, waar inaga keen meesha Bisadihii way soo socdaane." Jiirkii wuu is dhega tiray oo wuxuu sii watey ciyaartii iyo bood boodkii. Bisadihii ayaa u soo galey isaga oo muraayaddii isku daawanaya. Si dhib yar inta ay u qabteen ayey cuneen. Waxayna yiraahdeen ma maanta ayuu Jiir gurigii noogu soo galey, annaguna duurka ayaan ka raadinaynay wakhti dheer. Jiirkii saaxiibbadii talada ka qaadan diiday halkaas ayuu ku dhintay. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraa, "Talo walaalkiis diide, turunturro ma waayo." Dulucda sheekada: Haddii aad taladooda yeesho ehelkaaga iyo saaxiibbadaa, waxa aad ka nabad geli kartaa dhibaatooyin fara badan. Waxaa soo diyaariyey: Abdi Ali.
waxaa kuu diyaariyay ENG: ABDIKARIM AHMED HUSSEIN aniga oo saamayn gaar ah u yeelay sheekooyinka soomaaliyeed. 0-7 KEEBAA CAAJIS BADAN? - KOR Saddex nin ayaa ku murantay in midkoodba midka kale ka caajis badan yahay, Dabadeedna way isu gar dhigteen si loo kala bixiyo loona soo saaro kooda qaada horyaalka koobka caajisnimada. - Mid ayaa yiri : Anigu waxaan ahay ninka wuxuu caajisnimo ka qabo maalin geed hoos seexday ,dabadeedna hooskii dhinaca kale u wareegay oo ka wahsaday inuu qorraxda ka kaco dushiisana ay ku dhammaatay ilaa ay qorraxdii u dhacday dhinaca kale. - Midkii labaad ayaa isna yiri: waxaan ahay ninka inta isagoo meel jiifa uu ku yimid daad biyo ah oo aan ka kicin, ee ay biyihii qaadeen ilaa aan ka bakhtin gaaro! - Midkii saddexaad ayaa la waydiiyay wixii ugu darnaa ee caajisnimadiisa muujinaya , markaasuu gacanta afkiisa ku garaacay (HAAMAANSADAY) isagoo tilmaamaya inuusan xitaa hadli karin caajisnimo darteed.
08- MAAN WADA TUUGSANNO? - KOR Nin tuugsade ah ayaa habeen habeennada ka mid ah wuxuu soo maray rag gurigooda ku cawaynaya, markaasuu ku yiri "Magan alla" waxay ku yiraahdeen "allaha na siiyo" markaasuu yiri "Xataa jab muufo ah oo qallayl ah maad i siisaan" markaasay yiraahdeen "ma haysano" markaasuu yiri: " Xoogaa har-haraa ahna maad i siisaan" markaasay yiraahdeen "ma haysanno" isagoo quus ku dhaw ayuu ku yiri: "Haddaba galaas biyo ah keliya i siiya" Hase ahaatee waxay ku yiraahdeen: " biyo xitaa nooma yaallaan " Kolkaasuu ku yiri: "ee hadde waa maxay meesha aad fadhidaan, na keena aan wada tuugsannee illeen idinkaaba iga mudan in la tuugsadee, aniga gurigayga biyo way ii yaallaan". 09- QOF WALBA U MUUQO, ANIGASE ISKA KAY QARI! - KOR AAD Juxa ayaa loo doonay gabar ay meel wada degganaayeen si loogu guuriyo, inkastoo uusan isagu gabadha horay u arag haddana waxaa loo sheegay inay qurux badan tahay oo ay qancin doonto ayna noqon doonto middii uu muddoba raadinayey. Habeenkii markii loo soo gelbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo badantahay. Subaxii markuu waagii baryey ayaa gabadhii waxay juxa ku tiri "juxoow, nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg , kuwa aan iska asturayo iyo kuwa kale" Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay "Dadka oo dhan u muuqo, laakin aniga iska key astur". 10- MAY KAAS BEDDELAAN? - KOR Nin xoolo dhaqato ah oo magaalada u yimid inuu ka dhammaysto dano uu laahaa, ayaa maalin maalmaha ka mid ah u daawasho tegay ciyaar dhex maraysay laba kooxood, ciyaartaas oo ahayd mid aad iyo aad u adag, ninkii reer miyiga ahaa wuxuu arkay ciyaarahan isaga ula muuqda inuu si wanaagsan u cayaarayo oo la beddelayo oo garoonkana ka sii baxaya, markaasaa ninkii reer miyiga ahaa intuu dhiniiciisa midig eegay ayuu ku yiri nin ag fadhiyay "inta ay ciyaaryahankaas beddelayaan may kan dharka madmadaw sita beddelaan, oo aan isagu marnaba taaban banooniga halka ay ka beddalayaan ninkaas xariifka ah"!! wuxuuna kan dharka madmadaw ula jeeda garsooraha cayaarta . 11- DHABCAALKII ADDUUNKA - KOR Mid ka mid ah dhabcaallada (bakhayllada ) adduunka ugu waawayn ayaa xaaskiisa waxay u keentay cunto. Xaaskiisa oo si wayn uga heli jirtay inay ninkeeda cuntada la cunto ayaa soo garab fariisatay waxayn guda galeen inay isla cunaan, markay xoogaa wada cunayeen ayaa ninkii ku yiri xaaskiisi: "cuntadu way macaan badnaan lahayd hadaan cirriiri jirin", Xaaskiisii ayaa iyadoo yaabban ku tiri: "waa maxay ciriirigu ? waa aniga iyo adiga keliyahe" markaas buu wuxuu ku yiri "Waxaan jeclaan lahaa inaan noqonno aniga iyo saxanka oo kaliya". 12- NIMAN DAROOGIISTAYAAL AH - KOR Labo nin oo ka mid ah ragga isticmaala daroogada ayaa isku qabsaday waxay waddo diyaarad hawada maraysay, Mid wuxuu yiri " Diyaaraddu waxay waddey dad rakaab ah" Halka kan kale uu yiri "Diyaaraddu waxay waddey Wafdi (dad madax ah)" markii murankoodii isku fahmi waayeen ayeey go'aansadeen inay iskula tagaan saaxiibkood oo sidoo kale ah isaguna ragga daroogada isticmaala. Markay u sheegeen arrinkii ay isku haysteen ayuu u ballan qaaday inuu si caddaalad ah ugu kala garsoorayo. wuxuuna hadalkiisi ku billaabay: "Nimanyohaw i dhegeysta, diyaaraddu rakaab ma waddo oo haddii ay waddo waxay istaagi lahayd boosteejooyin badan si dadku qofba mar uga dego. wafdina ma waddo, oo haddii ay wafdi wedi lahayd waxaa hor socon lahaa mootada taraafikada ee hor kacda baabuurta wafdiga lagu qaado. Haddaba ruux kale ma waddee, waxay waddo waa aniga!" 13- YAA DARAN? - KOR Nin ayaa wuxuu u tegay dhaqtar wuxuuna ka codsaday inuu guriga u raaco si u wax uga qabto xaaskiisa oo xanuusan, isagoo sidoo kale u sheegay dhaqtarka in xaaskiisu waalantahay. Dhaqtarkii ayaa ku yiri "sideed ku ogaatay inay xaaskaagu waalantahay?" Ninkii ayaa yiri "waxay doonaysaa inay soo iibsato neef ari ah "Dhaqtarkii oo yaabban ayaa yiri "oo haddey soo iibsato maxay dhibaysaa?" Nikii aad ayuu uga xanaaqay hadalka dhaqtarka wuxuuna u qaatay in dhaqtarku ku jeesjeesayo, wuxuuna yiri "waxay doonaysaa inay ku xannaanayso qolka jiifka. "Dhaqtarkii ayaa isna yiri: "iska dhaaf ha ku xannaanaysee" Ninkii ayaa yiri "hawada qolka ayaa xumaanaysa", Dhaqtarkii ayaa yiri "daaqadaha iska fur" Ninkii ayaa ugu jawaabay "waxaan ka baqayaa inay Qoollaydu iga baxsato" Dhaqtarkii ayaa yiri "xaggey ka imaanaysaa qoollayda aad sheegayso?" Ninkii ayaa yiri "sariirta hoosteeda ayey ku jirtaa, oo aan muddoba ku xannaanaynayey"! Dhaqtarkii ayaa yiri "Haddaba labadiina yaa daran oo sii waalan, iyadu Ri caano laga maalayo ayey xannaanaysanaysaa adiguna sariirtii ay seexanaysey ayaad Shimbiro ku xaraysatay". 14- JUXA & MAYD - KOR Juxa oo si aad ah dhimashada u neceb ayaa maalin la soo hor mariyey meyd naxash lagu wado, markaasaa la waydiiyay " juxow marka meydka naxashka lagu wado dhankee wanaagsan inaad ka socoto, horay mise gadaal mise hareeraha (dhinacyada)?" juxe wuxuu si deggan u yiri "Meeshaad doonto ka socee waxaa ugu muhiimsan inaadan noqonnin kan naxashka lagu wado". 15- LABO DOQON OO IS DHALAY - KOR Nin doqon ah ayaa ku yiri wiilkiisa oo isna doqon ah "maalinkii aan ku tukanaynay salaada jimcaha masjidka hebel, goormay ahayd"? wiilkii ayaa ku jawaabay " aabbe waan halmaamay, waxaanse u malaynayaa inay ahayd maalin Talaado ah "Aabbihii ayaa isaguna ugu jawaabay "Waa runtaa". 16- HABEEN & MAALIN - KOR Laba nin oo tuugo ah ayaa usoo dhacay goor habeen ah guri uu lahaa nin isaguna tuug wayn ah, laakiin iyagu aysan aqoon, labadii nin ee tuugta ahaa gudaha ayeey usoo galeen qolkii uu tuugga weynu jiifay, isaguna inta uu is hurdisiiyay ayuu markii ay bartamihii guriga soo gaareen oo ay ku dhaqaaqeen in ay raadiyaan wax ay xadaan ayuu tuuggii weynaa ee guriga lahaa maradii iska qaaday wuxuuna si deggan u yiri: "War waxan aa habeenkii raadinaysaan annagaa maalin caddeydii waynay ee raalli ahaada akhiyaarey". 17- YAABKA YAABKIIS, AMAKAAG & ARGAGGAX - KOR Oday ayaa carruur Duddun hoos harsanaysa u yimid, markaas buu ku yiri "hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkiis, halna waa amakaag iyo argaggax: 1. Duddun aboor baa dhisay waa yaab. 2. Misana habeenkii buu dhisaa waa yaabka yaabkiis. 3. Haddana candhuuftiisa iyo ciid buu ku dhisaa waa amakaag iyo af kala-qaad. 18- JUX IYO NIN XAMAALI AH - KOR Juxa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo aaday suuqa si uu u soo iibsado kiish bur ah, markuu iibsaday kiishkii burka ahaa ayaa wuxuu u yeertay xamaali si uu ugu geeyo gurigiisa. Juxa markay isi sii raaceen ninkii xamaaliga ahaa, ayaa waxay soo dhex-mareen meel suuq ah oo ay dadku aad ugu badan yihiin, Muddo kaddib juxa iyo ninkii xamaaliga ahaa ee waday kiishka burka ah ayaa ku kala lumay suuqii dhexdiisa, inkastoo uu juxa si aad ah u raadiyay ninkii xamaaliga ahaa, haddana markii danbe wuu ka quustay inuu helo wuxuuna iska aaday gurigiisii. Maalmo kaddib juxa wuxuu arkay ninkii xamaaliga ahaa, hase ahaate juxa wuu ka dhuuntay xamaaligii. Qaar ka mid ah asxaabtii juxa ayaa su'aalay sababta uu juxa uga dhuuntay ninka xamaaliga ahaa oo kiishkii burka ahaa la maqan, hase ahaatee juxa ayaa ku jawaabay: "waxaan ka baqayaa inuu i waydiisto lacagtii xamaaliga". Diyaariyaha Qoraalkan: Abdi karim ahmed hussein, skyword268@hotmail.com 19- SADDEXLEY 1 - KOR SADDEX MA GAARTID: Nin maalin kuma gaartid, Nina sanad kuma gaartid, Ninna weligaaba ma gaartid: 1. Nin kaa faras wanaagsan maalin kuma gaartid 2. Nin xoolihiisa goofkaada mid ka doog badan daaqsadayna sanad kuma gaartid 3. Nin kaa naag wanaagsana waligaaba ma gaartid SADDEX ALLE WUU AWOODAA MASE YEELO: 1. Camal falan maayee ha i cadaabin. 2. Xoogsan maayee xoolo i sii. 3. Guursan maayee ha i gablamin. SADDEX BULSHADAA KUGU NACDA: 1. Xishood la'aan. 2. Xoolo la'aan. 3. Xilo la'aan. SADDEX ALLE AYAA KUGU NACA: 1. Salaad la'aan. 2. Soon la'aan. 3. Sako la'aan. 20- SADDEXLEY 2 - KOR AAD SADDEX HAWEENKA LAMA WEYDIIYO: 1. Meeqa ayaad jirtaa. 2. Meeqa ayaad dhashay. 3. Meeqa ayaa ku soo furay. SADDEX RAGGU WAA ISAGA MID: 1. Magaca. 2. Magta. 3. Maganka. SADDEX WAA LAGU DADAALAA: 1. Diinta. 2. Ducada waalidka. 3. Deris xaq-dhawrka. SADDEX LAGAMA DAAYO SADDEX: 1. Rag shir lagama daayo. 2. Dumar sheeko lagama daayo. 3. Xoolona shanqar (u heesid) lagama daayo. 21- BOOQASHO FAA'IIDO LEH: - KOR AAD Haddii aad doonaysid inaad garato qiimaha ay xurriyaddu leedahay, waxaad booqataa xabsiga inta nooshahay hal mar. Haddii aad doonaysid inaad garato qiimaha ay dabeecadda wanaagsani leedahay, waxaad booqataa maxkamadda halkii sanoba mar. Haddii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha ay noloshu leedahay, waxaad booqataa qubuuraha lixdii biloodba mar. Haddii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha caafimaadku leeyahay, waxaad booqata isbitaalka bishii mar. Haddii aad doonaysid inaad garato qiimaha ay quruxdu leedahay, waxaad booqata beeraha toddobaadkiiba mar. Haddii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha uu caqligu leeyahay, waxaad booqataa maktabadaha maalintiiba mar. Haddii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha ay nicmada noloshu leedahay, waxaad (Xusuusataa) Eebbaha waaxidka ah mar walba. skyword268@hotmail.com abdikarimsweden@hotmail.com www.togdheer.4t.com
22- Weligaa ra'yigaaga gaaban ha ku xukumin qofna, waayo hoos ahaan
uma wada ogid waxa ay xaaladdiisu ku sugantahay
-
TOP Dhakhtarku wuxuu isbitaalka ku soo galay si degdeg ah wayao waxaa loogu wacay inuu qalliin sameeyo wuuna aqbalay codsigii, si dhakhso ah ayuu dhakhtarkii isaga beddelay , wuxuuna dhakhso ku aaday qolka qalliinka, albaabka hore ee qolka qalliinka wuxuu kula kulmay wiilka qalliinka lagu samayn doono aabbihiis oo sugayey dhakhtarka wiilkiisa qalliinka ku samayn doona, odaygii wiilka dhalay markuu arkay dhakhtarkii qaylo ayuu afka furtay wuxuuna lahaa: Maxaad xilligan u socotaa, sow ma ogayn in wiilkayga ay noloshiisa qatar ku jirto? Dhakhtarkii intuu dhoolla caddeeyey ayuu ku yiri: iga raalli noqo anigu isbitaalka ma joogin, sida ugu dhakhsiyaha badan ayaan ku imid markii la i soo wacay oo la ii sheegay in aan wiil yar qalliin ku samayn doono, waxan rajeynayaa in aad is dejiso si aan shaqadayda u qabsado. Odaygii aad buu u sii xanaaqay, wuxuuna yiri: Maxaad tiri, is deji aa, ka warran haddii wiilka la qalayo uu ahaan lahaa wiilkaaga, miyaad is dejin lahayd, waxad kale oo aad iiga jawaabtaa haddii wiilkaaga hadda dhinto maxaad samayn lahayd? Dhakhtarkii haddana asaga oo dhoolla caddaynaya ayuu ku yiri: Carro ayaa nalaga abuuray, carrana waa nalagu duugayaa, cisi iyo sharaf ilaah ayey u sugnaatay, dhakhtar nolosha ma sii dheerayn karo, ee kac oo wiilkaaga la hadal intaanan qalliinka samaynin, inshaa allaah inta awooddannada ah ayaan samayn doonnaa. Qalliinkii saacado badan ayuu qaatay, Dhakhtarkiina aad buu ugu farxay natiijada qalliinka, bannaanka ayuu u soo baxay dhakhtarkii odaygii ayuuna u sheegay warkii farxadda lahaa oo ahaa in wiilkiisii uu badbaaday, asagoona ka sugin jawaabta uu odaygu bixin doono ayuu ku yiri: Wixii su'aal ah ee aad qabtana kalkaalisada u sheeg, wuu baxay isagoo aad u degdegsan. Odaygii ayaa kalkaalisadii la hadlay oo yiri: Muxuu dhakhtarku sidan iskula weynyahay, wax yar muu sugo si aan si fiican uga waraysto xaaladda wiilkayga ? Kalkaalisadii iyadoo ilmo indhaheeda ka qubanayso ayey odaygii ku tiri: Shalay ayaa dhakhtarkan aad aragto wiilkiisa shil baabuur ku dhintay, duugtii wiilkiisa ayuu ku mashquulsanaa markaan ugu soo wacaynay qalliinka wiilkaaga, hadda markuu nolosha wiilkaagu kuu badbaaddayna wuxuu u sii cararay duugitaanka wiilkiisa.

Muhimmadda Qisada

Weligaa Ra'yigaaga gaaban ha ku xukumin qofna, waayo ma ogid sida ay noloshoodu tahay iyo waxa ay la tacaalayaan. BY: Ibrahim Hashi Ahmed