Daafacul-balaayo, By: Abwaan Shakuul Gaax-nuug
    Jiilaal durraaqsaday wuxuu, nagu dangiigaaba
    Dabeyluhu waxay nala dhacaan, daafad iyo qiiqba
    kol un baa darxumadii la qabay, layska damiyaaye
    shinbirkaa durduursiya markuu, doogsi naawiliye
    cir diraaci soo daaran tahay, waa dugsiin jiraye

    Dayaxiyo shamsada oo kulmoo, daaqad wada jooga
    deegaantu labadaa markay, diilimmada saarto
    ebidkeed diraacduu hongaa, daaf-ku-dhiigluhuye
    durgufkiyo caddaadkii miyaa, nagu dul heehaabtay
    Diridhabatay maantana waxay, di'ise mooyeene

    Soo durugtay maandeeq sidii, deeqdi karameede
    iyadoo summado deel ah iyo, diinti Nabigii leh
    duleedkay ka reentaa hashii, loo ducayn jiraye
    Rabbi waxan durraansaday inaan, laban ka duugnaaye
    naga dabacsan lawyada wixii, nagaga duubnaaye
    dahaadhkii indhaha nooga jirey, nalaga sii daaye
    dib Allow ha noo celin adaan, kugu dacwoonnaaye

    Dal nimaan lahayniba wuxuu, degayey xaaraane
    doolqaad il baxay jeer danbuu, kugu dul maydhaaye
    daakhiliga waa laga shaqayn, dayrtan maanta ahe
    Ha lays wada dugsado waa intaan, daamurka u qoyne

    Dabku ku-dacalle doodnaar cayilay, dabata qawlaysan
    dul abaarre deyntiyo ku nool, duudsigiyo ceebta
    duqduu dhalayey way nagu jirtaa, duud abeesluhuye
    idinkaa Da' baasyahay kufriga, iiga sii darane

    Hadba nimanu daaraan nahaye, ima daqiijene
    cadaawaha na darandoorriyaad, daawo dhigateene
    Allahaydin doorshee sharcigad, mayl ka durugteene
    dawan baa iblays uga tumaa, meel dushoode ahe
    Dalka hooyo waydaan lahayn, dibad u joogtaane

    Dangayahaw haddaydaan ahayn, dir isla ceeboobey
    daa'imanba gaalada maxaa, idin dul gawriirshay
    digaday Sagaaradu dhigtay, dad is tiraahdaaye
    darkaan xidhaba waa maalintay, dooxi jirayeene

    Halkay doqontu awrka u waddaan, doo'da ka hayaaye
    nin xabaalo duugaan ahiyo, duulal baa ba'aye
    isku dagannay Soomaaliyey, daawashada guude
    hadba kii dajida soo cabbaa, haygu doob-dhabo e

    Duufaanka soo kacay haddaan, laga digtoonaanin
    daafucul balaayaha haddii, loo degdegi waayo
    dal kaloo la aadaba haddaan, keenna laga doolin
    dan baa tidhi haddaan looga tegin, daaqatiyo faafan
    meeshiyo Danaakilo haddaan, caydh la dalandoolin

    Hadday daasaskaa wada cammiran, duni ka laadlaado
    dergad haawan mooyee haddaan, daaqad laga waayin
    haddii anu waraabuhu dibbirin, dubur ku gaajooday
    dadkan diika-diikoon hadday, dooxatadu leefin
    dab nin haysta mooyee hadday, dacawo noolaato