War Miyaydnaan arkeyn, Abwaan SUgaal, 03-04-2014
Ummaddoo kala maana, isku meelna u jeedda
haddii xaajo muhiima, miftaaxeeda la waayo
macluumaadka adduunkiyo, meertadaa la dayaa
meel fog baa la dhugtaa,

ruuxna ruux kama maarmo, mar haddii lays maagana
mar baa lays cafiyaa.

ma dhammaato colaadoo, maqashaada dhex taalliyo
ma illowdo dan maahan,

qalbi meel ku adkaystoo, ummadda khayrka horseeddiyo
maslaxooyinka diidana, marrastuu salfadaa

dagaal maatada wiiqana, makaankuu dumiyaa
dal masiibo ku raagtana, muskaa loogu jiraa
hadal aad u macaan iyo, mawqifaan soconaynna
mooyi suu noqon doonee

soomalaay dan muhiimiyo, haddaad waano maqlaysiin
wax maamuus an lahaynoo, magacoodu ku raaciyo
maal gargaar lagu sheegoon, meelna kuugu filnayn
inta aad ma hayoy iyo, meeyey aad ku jirtaan
mugdi baad huruddaanoo, markab Quud lagu keeniyo
muquunuud sugataanoo, madaal kii idin siiyaad
megentiisa tihiine,

manna sheegad shisheeyiyo, mohintood iyo beenta
waad ka maarmi kartaane, dadyohow mays maqashaanoo
idinkoo isku maan ahoo, isku mawqif ku taagan
Mawlahey baridaan?

mar in laysku filnaadana, marta maw xirataanoo
marraa waaxid dalkeenna, maguuraanka iyo khayrka
rabbigey ku mannaystiyo, macdantaa iska taalliyo
miidda maad dhurataanoo, kulligiin maalqabeen iyo
milyinneer noqotaanoo, waddankiinna macaan iyo
mahadisaan gacantiinna,

war maxaa maskaxdiyo, miyirka idinka qaaday?
war miyeydnaan arkayn, murrugmaarrug shisheeyiyo
waxa aan ka macaashnay?

war miyeydnaan arkayn, mudnaantii dhaqankeenniyo
halka maanta an joogno ?

war miyeydnaan arkayn, is maandhaafka khilaafka
haddii aan laga maagan, meesha ay na dhigayso ?

war miyeydnaan arkayn, mashaqada dalka taalla ?
war miyeydnaan arkayn, masiibooyinka muuqda ?
war miyeydnaan arkayn, mahadhooyinka beermay?
war miyeydnaan arkayn, dilka aan marna joogsan?
war miyeydnaan arkayn, inta ruux mudanaa iyo
dad muhiima la laayey?

war miyeydnaan arkayn, malaayiinta qaxaysa?
war miyeydnaan arkayn, inta moolka badweyntiyo
maayadaa ku dhammaatay?
war miyeydnaan arkayn, dadka meel kasta daadsan?
war miyeydnaan arkayn, macalluushiyo cayrta?
war miyeydnaan arkayn, muusannawga dhallaanka?
war miyeydnaan arkayn, qurbaha maatada joogta
midda ay la kulmaan?
war miyeydnaan arkayn, dadka waayey miciinka
magaciinnina sheegta?
war miyeydnaan arkayn, dhallintiinna maxbuusan?
war miyeydnaan arkayn, kuwa jeelka ku mayday?
war miyeydnaan arkayn, muwaadiniinta dhammaatay?
war miyeydnaan arkayn, mahuraannada quustay?
war miyeydnaan arkayn, magaca sii dhimanaaya?
war miyeydnaan arkayn, dadkeennoon kala maarmin
sida loo kala meeray?

war miyeydnaan arkayn, midnimadii ummaddeennoo
ma hayooy ku dhammaatoo, maanta taagan xuduudyo?

war miyeydnaan arkayn, mariidkii isticmaarkoo
misna taagan agteenna?

inuu maamulo ciiddoo, meel cidlaa uu ka qaatoo
mar labaad uu na gumaystana, maanta aad ugu dhaarsan?

war maxaa maskaxdiyo, miyirka idinka qaaday?
mixnad aan baxayn iyo, masiibooyin la yaab leh
meel kastoo laga sheego, allaahumma najaynaa
muslimiintu dhahaan,

anna xaajo maroortiyo, midda haysta dadkeenna
meel kastaan ka caddeeyoo, murtidaan ku tilmaamaye
malaayiin xil u waashay, iyagaa isu muuqdee
ma wax bay maqlayaan?

kaligaa wax marooqsay, ku mashquulsanyihiinoo
kulligood madaxweyniyo, mudane aan dhacayn baa
mid kastaaba rabaahoo, maaro loo heli maayoo
mar horaa lagu daaloo, waa midday isku seegtaye

anoon mawhjado oogin, waxna aan maldahaynin
dhan guud halkay ka maroortay, an marqaati u yeelee

qof kastoo magac guud iyo, matalaaya dadkaas iyo
masuul ciidda u dhaartiyo, kii muwaadin ahaayow
maanta maalin adduun iyo, madal weeye la joogo

anna xaajo maroortiyo, dan guud meel ka dhaceeda
an marqaati u yeelee, 
qof kastoo magac guud iyo, matalaaya dadkaas iyo
masuul ciidda u dhaartiyo, kii muwaadin ahaayow
maantay maalin adduun iyo, madal weeye la joogee

wax markaa ku hor yaalloo, misna aad sahlanaysoo
berri meel xun tegaayiyo, wax masaalaxo keenoo
dadku ay mahadiyaanoo, madmadow an lahayn
labadaa kala miiroo, miisaanba kala saartoo
midka khayrka leh qaata,
haddii lays maqli waayana, muddo waa berritoole
mawdna waa ma huraane, Ilaahow na masaamaxoo
noo maciin weligeen.

-----------------------