>
Tog-dheer Ninba waxuu ku taamaa, ama hees ka tiriyaa tixo gabay ku sheegaa, halka lagu talaalee hawadiisu taallee, uurkiisu tebeyee, dumar taan ka sahansaday, waa gabadh Togdheeroo Maxamuudi tooxwayn, saddex-qayd ka tolatoo tusbax luqunta gelisoo, tafta daraya-muuskii taakiyo badh muuqdoo, dhaxalihii tarraxayoo sida boqorad taash xiran, hadalkeeda tirisoo hadba erey tukubisoo, toddobaatan jeer baan soo toosay xalayoo Sidaan timo haldhaaleey, ugu tebey hurdada xalay anigaba Togdheerbaa, tusku iiga muuqdaa. Ninba wuxuu ku taamaa, ama talal ku sheegaa ama gacan ku taabtaa, halka lagu taftaafee Burco waxay ku taallaa, xididdada tin iyo cirib tebinaaya dhiigee, hadba dhan u talowshee dayax taabba-qaadoo, toban iyo shan joogiyo xidigaha tartamayee, isku taxay dushiisaa tahan iiga hirayoo, Tusmo barashadeediyo taltallaabsigeediyo, taratarinta laafyaha meeshay i turuqdiyo, tawstey i gelisaa igu sii tarmaysoo, sidaan timo haldhaaleey, ugu tebey hurdada xalay anigaba Togdheerbaa, tusku iiga muuqdaa. Tuke bari ka yimibaan, tusay boogahaygoo u tilmaamay beeshoo, tebi idhi dhambaalkii; taarkii ma geynoo, isma tarin dedaalkuu u tabaabulshaystoo, taab-gaabnidiisey naftu xadhiga towseed, ugu turunturootoo latawaacaysaa. Miyuu tuuray hadalkii, Miyuu tiray jacaylkii? Mise tulud raqdeeduu, ugu taaganyahay geed? Mise wuxuu tukanayaa, faral iyo Taraawiix? Mise wuxuu taraarkii, kala dhacay Tabciyo Sheekh? Sidaan timo haldhaaleey, ugu tebey hurdada xalay anigaba Togdheerbaa, tusku iiga muuqdaa. |
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |